Safiirka Soomaaliya ee Turkiye oo boogaadiyay xiriirka cusub ee Soomaaliya & Kazakhstan

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Türkiye waxa ay si diirran u soo dhowaynaysaa saxiixa heshiiska u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan.

Heshiiskaan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa  kala saxiixday Mudane Amb. Abukar Dahir Osman iyo Mudane Amb. Kairat Omarov.

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga waxay hambalyo iyo bogaadin u direen labada Danjire ee gaaray ama fududeeyay heshiiskaan taariikhiga ah oo wax weyn ku kordhinaya horumarka dadka iyo dalka .

, Maamulka waxa ay tallaabadaasi  muhiimka ah ku tilmaameen mid lagu xoojinaayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay heshiis is-afgarad oo khuseeyay difaaca dalka & dhismaha ciidanka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Urdun, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Qatar, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Hay’adda Socdaalka XFS oo hirgalisay adeegga E-VISA oo lagu dalban karo qaab elektaroonik ah

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo lagu soo dalban karo qaab elektaroonik ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee Hay’adda www.evisa.gov.so.

Xafladdii daahgurka waxaa ka hadlay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Sibteembar ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkan casriga ah uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, oggolaanshaha iyo la socodka dadka soo galaya iyo sidoo kale xoojinta hufnaanta dhaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow oo hadlay ayaa xusay in maanta ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka.

Waxa uu Agaasimaha Guud uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta adeegyada socdaalka.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dalku galka Mudane Isxaaq Xassan Taakow ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha online-ka, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalku galka  meelkasta oo ay joogaan.

Tallaabadaan waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektarooniga ah.

R/Wasaare Xamsa “Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya”.

Yinchuan, Shiinaha, 28 Agoosto 2025:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo. Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid xoogeysanaya, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.
Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.

Madaxda Ruushka iyo W/Kuuriya oo todobad ka dib ku wajahan Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa todobaadka soo socda ka qeyb galaya dhoola-tus militari oo ka dhici doona magaalada Beijing,sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, taasoo noqon doonta booqasho taariikhi ah.

Booqashada madaxdaan ayaa  imaaneysaa maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Kim,yaas oo qeyb ka ah dadaal Aqalka Cad uu ku  doonayo inuu heshiis ka gaaro dagaalka Ukraine.

Putin iyo Kim ayaa ka mid noqon doona 26 madax oo kale oo la filayo inay ka qeyb galaan dhoolatuska bandhiga Maalinta Guusha Shiinaha oo ku beegan3-da Sebtembar.

Dhoola-tuska ciidan ayaa sidoo kale ku soo beegmay xuska 80-sano guuradii kasoo wareegtay markii Japan ay si rasmi ah isu dhiibtay dagaalkii labaad ee aduunka ,isla markaana la soo afjarida colaada.

Shiinaha ayaa laga yaabaa in ay soo bandhigaan hubkoodii ​​ugu dambeeyay oo ay ku jiraan boqolaal diyaaradood, taangiyo iyo hababka lidka diyaaradaha. Tallaabadaan waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo qaab dhismeedka cusub ee ciidankooda si buuxda loogu soo bandhigo dhoolatus.

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa soo dhoweeyay heshiiska hannaanka doorashooyinka ee ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta .

Bayaan ka soo baxay xafiiska xoghayahaa ayaa heshiiskaan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga goan tahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin waddo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD waxa uu ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadaan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskaan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda isu-tanaasulku ay tahay in la gaaro xal waara.

“IGAD waxa ay sii wadi doontaa taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka, si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wasiir dowlaha arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu gudajiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, H.H. Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiirka booqashadiisa iyo garab-istaagga aya shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxwayne Maxamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla markaana tilmaamay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.

    

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha

Yinchuan: Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay tahay mid xooggan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah.

Wuxuuna caddeeyay in go’aanka Soomaaliya ee ah in ay sii xoojiso kalsoonida siyaasadeed ee labada dal iyo ku adkaysiga mabda’a Midnimada Shiinaha (One-China Principle) uu yahay mid cad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ugu diyaar tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida kalluumeysiga, beeraha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta awoodda bini’aadamka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa iftiimiyay in horumarka Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan cafinta deymaha, dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ay Soomaaliya ka dhigayaan mid lagu kalsoonaan karo dhan walba.

Mudane He Wei, ayaa dhankiisa bogaadiyay adkaysiga Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyay kulamadii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

     

Kulan ku saabsan u hoggaansanaanta xeer-nidaamiyaha xargaha Fiberka oo Muqdisho lagu qabtay

 Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan looga hadlay u hoggaansanaanta Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda. Kulanku waxa uu isu keenay shirkadaha xarumaha xargaha fiber-ka badda maamula, shirkadaha Isgaarsiinta, iyo kuwa internet yada si looga hadlo waajibaadka u hoggaansanaanta, foomka warbixinta sannadlaha, marxaladaha warbixinta u hoggaansanaanta iyo taariikhaha muhiimka ah ee soo gudbinta, rukhsadaha iyo oggolaanshaha xargaha fiberka badda.

Maareeyaha guud mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo ka hadlay sida Hay’addu uga go’an tahay hirgelinta u hoggaansanaanta iyo fursadaha la xiriira xeernidaamiyahan: “Soomaaliya maanta waxay leedahay qaab-sharci casri ah oo cad, annagana waxaannu ka filaynaa in rukhsadlayaashu si buuxda u gutaan waajibaadkooda,” ayuu yiri. “Xeernidaamiyahani waxa uu abuurayaa fursado dhaqaale, waxa uu dalkeenna ka dhigaa xarun istaraatiiji ah oo isku xira Bariga iyo Bartamaha Afrika, isla markaana waxa uu xoojinayaa dhaqaale dhijitaal. Mas’uuliyaddeennu waa ilaalinta hurgelinta xeer-nidaamiyahan iyo hubinta u hoggaansanaanta.”

Kulanku waxa uu daba socday ansixintii Golaha Wasiirrada ee 12 Juunyo 2025 ee Xeernidaamiyaha Xargaha Fiberka Badda, kaas oo dejiyey hanaanka maamul ee ku saabsan helitaanka bandwidth-ka caalamiga ah, isla markaana xoojiyey jidka dalkeenna ee ku aaddan isku-xirnaan adkaysi leh iyo tartan caafimaad qaba oo suuqa isku-xirka ah.

Wasiirka Macdanta iyo Betroolka XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah shirkadaha soo saara shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Mohamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta (IMAGE) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Houston ee dalka Mareykanka.

Shirkan caalamiga ah ayaa isu keenay khubaro, ganacsato, iyo madax ka socota shirkadaha waaweyn ee tamarta iyo shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah ugu soo bandhigtay fursadaha ballaaran ee maalgashiga ku jira batroolka iyo gaaska dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi iyo maalgashi hufan oo caalami ah, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi waara si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan.

Kulamo gaar ah oo dhinaca shirweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa ay la yeesheen madax ka tirsan shirkado Maraykan ah oo ku takhasusay batroolka iyo gaaska, kuwaas oo lagu gorfeeyay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ganacsi iyo farsamo ee Soomaaliya iyo shirkadahaas.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo badan, isla markaana ay furan yihiin dhammaan fursadaha maalgashi ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.