R/Wasaare Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sharaxay siyaasadaha loo heli karo maalgashiga iyo fursadaha ku xiran khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo dhinaca kale ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo bandhigay qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarka dadka iyo dalka.

Hey’adda SODMA iyo ururro kale oo ka hadlay mideynta gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah waxaa uu la qaatay hoggaamiyeyaasha sare ee Isbahaysiga Hay’adaha aan dawliga ahayn ee Soomaaliya (Somalia NGO Consortium).

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya SODMA iyo hay’adaha NGO-yada, si loo mideeyo dadaallada gargaarka bani’aadanimada ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin ayaa Sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka,si loo yareeyo caqabadaha isku duwida gargaarka ee marar badan dhaca.

Mudadii uu socday kulankaasi waxaa la isla gartay qodobadaan:-

1- gartay in la horumariyo Siyaasadda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, si loo xalliyo caqabadaha isku-duwidda gargaarka.

3- in la abuuro xarun lagu ururiyo macluumaadka la xiriira hawlaha gargaarka iyo in la sameeyo khariirad muujineysa meelaha ay ka hawlgalaan hay’adaha NGO-yada.

3- in la qabto kulamo joogto ah oo heer sare ah oo dhex mara SODMA iyo hogaanada waddanka ee hay’adaha NGO-yada, si loo sii ambaqaado iskaashiga.

Soomaaliya iyo Yemen oo kawada hadlay arrimmo muhiim ah.

Danjiraha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiiim Maxammad Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas Ibrahim Ali Ahmed Haidan.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan guud ahaan dalka Yemen

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in la hormariyo xiriirka u dhaxeeyo labada shacab.

Mareykanka:Wafdi ka socday XFS oo lagu soo dhoweeyay Gobolka Minnesota

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Miyabulis oo caasimad u ah Gobolka Minesota ee Dalka mareykanka.

Wasiirka oo safar shaqo ku maraya dalkaasi waxaa safarkiisa ku wehelinaya Maareeyaha heya’dda Batroolka Eng C/Qaadir Aadan,iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhoweeyeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Miyabulis .

Wasiirka Batroolkka oo la hadlay qaar kamid ah maamulka jaaliyadda ayaa ka warbixiyay xaaladda iyo halka ay marayaan mashaariicda ku saabsan shidaal qodidda Soomaaliya.

Soo dhoweynta kadib wasiirka iyo maamulka jaaliyadda Soomaalida waa isla garteen in maalinimada Axadda ee soo socota la yeesho kulan dadweyne oo si guud looga hadlaayo xaaladda dalka iyo sidoo kale arrimaha jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan Dalka mareykanka.

Danjire Abuukar Daahir “waa muhiim in aan kor u qaadno codkeenna iyo guud ahaan horumarka dalka”

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay qabsoomidda shirka Golaha ee xuska sanadguurada 80-aad iyo waxyaabaha muhiimka ah ee looga hadlayo sanadkaan.

Danjira oo ka hadlay wafdiga Soomaaliya ee ka weybgalay shirka golaha ayaa sheegay in ujedku yahay ujedku yahay sidii Dowladda Soomaaliya ay door muuqda ugu yeelan laheyd go’aamada lagu wanaajinaayo horumarka wadamada iyo xalka lagu wajahayo masiirka shucuubta caalamka .

“Fursad ayeey noo tahay in aan ka qeybgalno kulamada Qaramada Midoobay,waxayna noo Fududeyn doontaa in aan kor u qaadno codkeenna,isla markaana aan ku dadaalno horumarka dalka”ayuu tiri Danjire Abuukar Daahir.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan waxa uu xusay in wadamada ku bohoobay Qaramada Midoobay ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka caawiyaan jadwalka shaqo ee horyaalla Dowladda Soomaaliya,si loo badbaadiyo dadka iyo dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Niur ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gunaanaday kulan shan cisho ah oo ku saabsanaa dib u qiimeynta mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada.

Shirkan waxaa mudadii uu socday  ka qeyb galay wasaaradaha federaalka ee ka faa’iideysta mashruuca, maamul-goboleedyada, Bangiga Adduunka iyo hawlwadeennada u xilsaaran fulinta mashruucaan oo ah mid loogu talagalay wanaajita kaabayaasha dhaqaale .

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga falanqeeyay horumarka iyo guulaha illaa hadda laga gaaray mashruuca, iyadoo sidoo kale la isla meel dhigay qorshe cusub oo lagu dardar-gelinayo dhameystirka daraasadaha waddooyinka dalka inta ka hartay muddada mashruuca ee halka sano ah.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Niur  ayaa uga mahadceliyay hawlwadeennada mashruuca, Bangiga Adduunka, wasaaradaha federaalka iyo maamul-goboleedyada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen mashruuca.

Wasiirku,waxa uuna ku booriyay dhammaan bahda mashruuca inay sii dardar-geliyaan hawlaha socda, isagoo xusay in horumarinta kaabayaasha waddooyinka ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka iyo koboca dhaqaalaha.

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo dhoweeyay heshiiska 25kii August ay Muqdisho ku gaareen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo qeyb ka mid ah Madaxda Madasha Samatabixinta oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka ee Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan saxiixayaasha heshiiska in ay sii wadaan dhaqan-gelintiisa, isagoo u soo jeediyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay taageero buuxda u fidiyaan sidii loo xoojin lahaa guushan siyaasadeed ee la gaaray iyo in la qaato wadahadal iyo is afgarad lagu xalliyo dhammaan arrimaha harsan ee hannaanka doorashada dalka la xiriira.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa beesha caalamka ku dhiirigaliyay in ay sii wadaan taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-dhiska Soomaaliya, iyada oo la raacayo mudnaanta ay qeexeen hay’adaha Soomaaliyeed.

Bayaanka ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa lagu shaaciyay in Midowga Afrika uu mar kale xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay in Soomaalida ay ku wada heshiiyaan xoojinta tubta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqashadiisii ugu horreysay ku yimid dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa la iskula qaatay in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.

  

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo Mogadishu ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdiqadir Xuseen Cumar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiir Cabdiqadir iyo wafdigiisa waxaa Muqdisho uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo socon doonta muddo afar maalmood ah, taasoo qeyb ka ah xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa kulamo la yeelan doona dhigiisa Soomaaliya, waxaana la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo ku saabsan arrimo dhowr ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Booqashadan ayaa xoojineysa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

   

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay socdaalkii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta

Iyada oo uu sii xoogaysanayo xiriirka ka dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo dalalka caalamka, isla markaana ay si is daba joog ah dalka u soo  booqanayaan wufuud caalami ah, ayaa  waxaa Shaley Muqdisho soo gaaray wafdi balaaran oo ka socday dalka aanu walaalaha nahay ee Isutagga  Imaaraadka Carabta.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey Mudane Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee *Imaaraadka ayaa socdaalkoodu waxa uu ahaa mid in muddo laba usbuuc ah ay socotay qabanqaabadiisu, salkana ku hayay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya.

Waxaa jiray warar been abuur ah kuwaas oo saacadihii la soo dhaafey lagu faafiyay warbaahinta baraha bulshada ee kuwaas oo socdaalka wafdigaan la xiriirinayay imaantinka mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA waxay caddeyneysaa inaanu jirin wax xiriir ah oo ka  dhaxeeyaa labada socdaal, iyada oo qorshaha booqashada wafdiga ka yimid Dawlada Imaaraadka Carabta  uu hore u qorsheysnaa muddo labo todobaad ah ka hor ah,  isla markaana khuseeyay oo kali  ah xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.