Kulan lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay madal lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha, taas oo ay ka qeybgaleen gabdho aqoonyahanno ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madasha waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha hortaagan waxbarashada hablaha iyo sidii loo xoojin lahaa isdiiwaangelintooda dugsiyada.

Agaasinka ayaa xusay in ololahan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xaqiijinayo fursado waxbarasho oo loo siman yahay, Ka qeybgalayaashu ayaana muujiyay go’aankooda ah inay door muuqda ka qaataan horumarinta waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed.

   

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo gaaray is faham taariikhi ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dhameystirka Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska xubnaha mucaaradka dowladda la gaartay ku tilmaamey mid loogu daneynayo midnimada, xasilloonida iyo wadajirka bulsho ee dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladdu mar walba diyaar u tahay in aan dhageysato aragtida dadka ka ra’yiga duwan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha iyo ballamaha hirgelay ee Xukuumadda.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee sida wanaagsan uga soo dhalaaley waajibaadka shaqo ee loo igmadey.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Sirdoonka Jamhuuriyadda Sudan, General Ahmed Ibrahim Al-Mufaddal

9- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

10- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) oo lagu qabtay magaalada Yinchuan, isaga oo soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

13- Ra’iisul Wasaarahe Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah dhinahca tamarta.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Aadan Cabdullaahi Aw-Xassn, oo lagu doortay magaalada Laascaanood.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Cali Yaasiin Gurbe Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee ka hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata ee (Tubsan).

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ,Danjire Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya labada dal.

17- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Muqdisho ka daah furay Wareegga Toddobaad ee Sahanka Tusayaasha Badan ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

18- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Toddobaadka Kalluumeysiga, waxaana uu xusay ahmiyadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka ceegaaga baddeenna iyo kor u qaadista xirfada kallumeystada soomaaliyeed.

19- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

20- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

21- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa hambalyo u diray Guddomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.

22- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudana Cabdisalam Cabdi Cali ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar.

23- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa daah furay adeegga E-VISA/ETAS, kaas oo dalka lagu soo geli doono laga bilaabo 1-da bisha September 2025

24- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.

25- Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Islamabad kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Maxamed Isxaaq Daar.

26- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay tababar loo furay cutubyo ka tirsan ciidamada Masar ee ka mid noqon doona hawgallada Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

27- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhegax-dhigay dhismaha xarunta maamulka Dekedda weyn ee Muqdisho.

28- Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo looga hadlay go’doominta Israa’iil ku heyso shacabka reer Falastiin iyo qadiyada Qaza ,oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudiga.

29- Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Dr. Aadan Cabdullaahi, iyo ku-xigeennadiisa ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas.

30- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan.

31- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Hassan Mohamed Hussein (Mungab), ayaa sheegay in dib loo soo celin doono dhawaan hannaanka nalalka kala haga gaadiidka.

32- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay,ahna Madaxa Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada Soomaaliya, Mudane George Conway.

33- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaran ee (SoDMA),Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Awdal oo xaalad bini’aadinimo oo darran ka taagan tahay.

34- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Oslo kulan kula yeelatey Wasiirka Hormarinta Caalamiga ah ee Norway, Åsmund Grøver Aukrust.

35- Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka.

36- Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka.

37- Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay natiijada imtixaanka Qaran ee Sannad Dugsiyeedka 2024/2025-ka.

38- Caaisha Aadan Ugaas Xirsi ayaa noqotey ardayadda ugu dhibco sareysa ee Imtixaanka Dugsiyasa Sare ee dalka ee Sannad Dugsiyeedka 2024/25.

39- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), iyagoo ka wadahadley arrimaha amniga iyo la dagaalanka Khawaarijta Al Shabab.

40- Booliska Soomaaliya ayaa sheegay gudaha Dekadda Muqdisho laamaha amnigu ay ku qabteen konteenarro lagu soo qariyay waxyaabaha maanka dooriya oo la doonayay in dalka la soo geliyo

41- Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in si ku meel gaar ah dib loogu furay diiwaangelinta urrarada siyaasadda ee dooneysa ka qeyb-galka doorashooyinka tooska ah.

42- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Sahal Cabdullahi Cumar iyo Taliyaha Ciidanka Turkiga ee xerada Turkisom General Sebahattin Kalkan ayaa kormeer ku tagey degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

43- Xukun dil ah ayaa lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

44- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida Allah ha u naxariistee marxuumad Khadiijo Maxamuud Yuusuf (Khadiijo Qalanjo) oo ka tirsaneyd Hobalada Qaranka ee Waaberi.

===========DHAMMAAD==========

Guddoomiyaha SODMA iyo haya’adda LM International oo kala saxeexday heshiis

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday hay’adda LM International oo ka mid ah hay’adaha ka howlgala Dalka.

Heshiiskan waxaa dhinaca LM International u saxiixday Nasra Maxamed Axmed, oo ah isku-duwaha barnaamijyada hay’addaas, ayadoona Ujeeddada heshiiska uu yahay sidii labada dhinac ay uga wada shaqayn lahaayeen:

– Kobcinta awoodda SODMA: gaar ahaan dhanka maareynta iyo fulinta mashaariicda la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka.
– Kordhinta xirfadda shaqaalaha: iyadoo la siinayo tababarro iyo aqoon kororsi.

Is-afgaradkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood si loo kordhiyo wax-qabadka la xiriira arrimaha gargaarka iyo masiibooyinka ee dalka.

Madaxda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuumad Khadiija Maxamuud Yuusuf (Khadiijo Qalanjo)

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale ayaa maanta tacsi tiiraanyo leh u diray qoyka marxuumad Alle ha u naxariisto Khadiija Maxamuud Yuusuf (Khadiijo Qalanjo) oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Madaxdaasi waxaa ay sidoo kale Tacsi tiiraanyo leh u direen carruurta ay ka tagtay marxuumaddaasi iyo bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Khadiijo Qalanjo,iyagoo Alle uga baryey Jannatul Fardowsa,eheladii ay ka geeriyootayna waxaa la faray samir iyo iimaan

Marxuumad Qalanjo,waxay kamid aheyd fanaaniinta Hoballada Qaranka ee Waaberi,iyadoo si gaar ah ugu suntaneyd horumarinta fanka, suugaanta iyo dhaqankeenna, iyadoo sidoo kale ka mid aheyd fanaaniintii ugu horeeyey ee heesahooda dhaqanka loo soo xulay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, markii ugu horeysay ee la furayey bishii October sanadkii 1983-dii.

Tacsi taa lamid ah waxaa diraya Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)

Heshiiskii hore ee Shirkadda ay Soomaaliya la gashay waxay ahayd inay 3 xirmooyin oo badda ah inay 3-D saysmik ah ka sameeyso, ku xijiso ceelal qodid badda ah. TPAO shaqada hadda u socoto waa baroosays-gareentii xogaha ay badda ka soo qaadday, iyo fasiraadooda. Weli ma dhamaynin hawshaas. Waxaan rajaynaynaa inay dhammaato sannad kan dhammaad kiisa. Ceelal qodidda Badweynta Hindiya waa hawl dhib badan farsamo ahaan iyo dhanka qarashka. Waxaa galayso dhowr Bilyan $, oo si sahlan aan loogu bareeri karin. Dhanka kale, si riski gaas loo qaato, waa inay la timaadaa shirkad kale, oo mataan (partner) shaqado ku yihiin, wadaagi karaan riskiga iyo qarashka. Illaa hadda maalgashade lama haayo. Sida muuqato hadda, TPAO wax yar ayay gaabisay, isla markaana ka walwashay in wajahdo qarash aad u weyn, oo culays ku ah Turkiye, mar hadday TPAO ay tahay shirkad dawladda Turkiye ay leedahay.

Sida uu qoray Jiloojiste Soomaaliyeed Prof. Cabdulqadir Abiikar Xuseen “Waa macquul shirkadda TPAO inay u weecato dhanka Barriga u dhow Xamar, Marka, Afgooye, Balcad oo ceelashii Sinclair ay ka qodday tilmaameen inay leedahay Gaas (Shidaal hawo ah). Xogahii hore ee shirkadaha American Oil Company (Amoco) iyo AGIP ee 1980 meeyadii ee xirmooyinkii 12, 9 iyo 6 ee waayahaas xog tooda waa nadiif, waxaana laga heli karaa CGG ee Wales, UK deggen. Xataa xogahii ka sii duugsanaa ee Sinclair isla meeshaas ayay yaalaan, oo TPAO ay ka soo gadan kartaa. Baaris saysmikeed oo degdeg ah way sameen karaan hadday Turkida rabaan. Gas (hawo ah methane iyo butane) ayaa laga heli karaa oo koronto iyo isticmaalka Guryaha laga sameen karo, waxaa laga yaabaa in laga helo shidaal dareere (liquid) ah oo dhuuman qaadaya shidaalka, laakiin u dhow badda (Terminal marso ah), u khaas ah oo dhoofinaya dibadda dalka”.

Profasoorku waxa uu qormadiisa ku tilmaamay ‘Ceelasha Shidaalka awgiis loo qoday’:
Afgoi-1 (Sinclair 1965)
Afgoi-2 (Ministry of Minerals and Water Resources 1984)
Afgoi-3 (Ministry of Minerals and Water Resources 1985)
Coriole-1 (Sinclair 1960)
Coriole-2 (Sinclair 1965)
Dobei-1 (Sinclair 1961)
Dobei-2 (Sinclair 1961)
Duddumai-1 (Sinclair 1959)
Merca-1 (Sinclair 1958)
Warsheikh (Sinclair 1967).

Prof. Cabdulqaadir ayaa waxa uu leeyahay, Xogaha shidaalka Soomaaliya yaa haya?.

Isagoo arrintaasi ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xogaha shidaalka Soomaaliya xoogaa yar, oo kaseetooyin badda ah ay yaalaan wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland waxay haysaa xogahii lagu qoday Shabel-1 iyo Shabell-1 North, oo ka kooban saysmikis iyo well data.

Prof. waxa uu leeyahay Xogahii 1956-1990 waxaa haaya shirkadahaan:
1. CGG – Fugro Robertson – xogaha waddanka laga soo billaabo 1955 – 1990 (legacy data), oo ka kooban well data, gravimetric and magnetic iyo saysmik. Xogo aad u badan bay Soomaaliya ka haysaa, oo waayahii hore ah (legacy data).
2. Schlumberger: Xogo aad u badan bay Soomaaliya ka haysaa, oo waayahii hore ah (legacy data)
3. TGS (Badda Garacad-Raas Kaambooni) iyo Berbera (Berri iyo bad) oo casri ah (2005 iyo 2015-2017).

Sidaas oo kale, shirkadahii hore ee ka shaqeeyay soo-saarka shidaalka iyagana waxay haayaan xogo aad u badan. Waxaa ka mid ah BP, Shell, ExxonMobil, ConocoPhillips, ENI, Chevron iyo Total.

Haddaba si ay dowladda Soomaaliya u sii xoojiso dadaalada lagu doonayo sidii loo soo saari lahaa kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaaga dhulka iyo Badda ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Mohamed, oo hoggaamiyay wafdiga dowladda ah ayaa ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta (IMAGE) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Houston ee dalka Mareykanka.

Shirkaasi caalamiga ah ayaa isu keenay khubaro, ganacsato, iyo madax ka socda shirkadaha waaweyn ee tamarta iyo shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah ugu bandhigtay fursadaha ballaaran ee maalgashiga ku jira Batroolka iyo Gaaska dabiiciga ah.
Wasiirka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi iyo maalgashi hufan oo caalami ah, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi waara, si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan.

Kulamo gaar ah oo dhinaca shirweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa ay la yeesheen madax ka tirsan shirkado Maraykan ah oo ku takhasusay Batroolka iyo Gaaska, kuwaas oo lagu gorfeeyay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ganacsi iyo farsamo ee Soomaaliya iyo shirkadahaas.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo badan, isla markaana ay furan yihiin dhammaan fursadaha maalgashi ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, sida ay baahisay wakaladda wararka Soomaaliyeed ee (SONNA).

W.D. C/lahi Ruush

R/Wasaare Xamsa oo ka qaybgalay Kulanka Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey Isku-xiridda Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sharaxay siyaasadaha loo heli karo maalgashiga iyo fursadaha ku xiran khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso, isaga oo dhinaca kale ku casuumay in ay si toos ah u sahmiyaan fursadaha waaweyn ee ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo bandhigay qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarka dadka iyo dalka.

Hey’adda SODMA iyo ururro kale oo ka hadlay mideynta gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah waxaa uu la qaatay hoggaamiyeyaasha sare ee Isbahaysiga Hay’adaha aan dawliga ahayn ee Soomaaliya (Somalia NGO Consortium).

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya SODMA iyo hay’adaha NGO-yada, si loo mideeyo dadaallada gargaarka bani’aadanimada ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin ayaa Sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka,si loo yareeyo caqabadaha isku duwida gargaarka ee marar badan dhaca.

Mudadii uu socday kulankaasi waxaa la isla gartay qodobadaan:-

1- gartay in la horumariyo Siyaasadda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, si loo xalliyo caqabadaha isku-duwidda gargaarka.

3- in la abuuro xarun lagu ururiyo macluumaadka la xiriira hawlaha gargaarka iyo in la sameeyo khariirad muujineysa meelaha ay ka hawlgalaan hay’adaha NGO-yada.

3- in la qabto kulamo joogto ah oo heer sare ah oo dhex mara SODMA iyo hogaanada waddanka ee hay’adaha NGO-yada, si loo sii ambaqaado iskaashiga.

Soomaaliya iyo Yemen oo kawada hadlay arrimmo muhiim ah.

Danjiraha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiiim Maxammad Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas Ibrahim Ali Ahmed Haidan.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo sidii loo fududeyn lahaa adeegyada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan guud ahaan dalka Yemen

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood iyo in la hormariyo xiriirka u dhaxeeyo labada shacab.

Mareykanka:Wafdi ka socday XFS oo lagu soo dhoweeyay Gobolka Minnesota

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Miyabulis oo caasimad u ah Gobolka Minesota ee Dalka mareykanka.

Wasiirka oo safar shaqo ku maraya dalkaasi waxaa safarkiisa ku wehelinaya Maareeyaha heya’dda Batroolka Eng C/Qaadir Aadan,iyadoo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhoweeyeen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Miyabulis .

Wasiirka Batroolkka oo la hadlay qaar kamid ah maamulka jaaliyadda ayaa ka warbixiyay xaaladda iyo halka ay marayaan mashaariicda ku saabsan shidaal qodidda Soomaaliya.

Soo dhoweynta kadib wasiirka iyo maamulka jaaliyadda Soomaalida waa isla garteen in maalinimada Axadda ee soo socota la yeesho kulan dadweyne oo si guud looga hadlaayo xaaladda dalka iyo sidoo kale arrimaha jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan Dalka mareykanka.

Danjire Abuukar Daahir “waa muhiim in aan kor u qaadno codkeenna iyo guud ahaan horumarka dalka”

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan, oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay qabsoomidda shirka Golaha ee xuska sanadguurada 80-aad iyo waxyaabaha muhiimka ah ee looga hadlayo sanadkaan.

Danjira oo ka hadlay wafdiga Soomaaliya ee ka weybgalay shirka golaha ayaa sheegay in ujedku yahay ujedku yahay sidii Dowladda Soomaaliya ay door muuqda ugu yeelan laheyd go’aamada lagu wanaajinaayo horumarka wadamada iyo xalka lagu wajahayo masiirka shucuubta caalamka .

“Fursad ayeey noo tahay in aan ka qeybgalno kulamada Qaramada Midoobay,waxayna noo Fududeyn doontaa in aan kor u qaadno codkeenna,isla markaana aan ku dadaalno horumarka dalka”ayuu tiri Danjire Abuukar Daahir.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan waxa uu xusay in wadamada ku bohoobay Qaramada Midoobay ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka caawiyaan jadwalka shaqo ee horyaalla Dowladda Soomaaliya,si loo badbaadiyo dadka iyo dalka Soomaaliya.