Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka Bulshada, Faafinta Sawiro iyo Muuqaallo Anshax-xumo, Faafinta Beenta lyo Kicin Bulshada dhexdeeda ah,iyadoo ay jiraan dad loo maxkamadeeyay iyo kuwa hadda ay socdaan baarista kiisas-koodu.

Kiisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcadda dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada.
Xafiisku, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta,
iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kacda falal ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo
sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkeynayaa in ilaalinta sharciga, ka hort-agga dambiyada, iyo difaaca sumcadda bulshada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah.

Wasiirka Gaashaandhigga oo saraakiil Soomaaliyeed tababar ugu soo xiray dalka Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxa uu ka qaybgalay xaflad ay ku qalin-jabinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhammeeyay waxbarasho iyo tababar heer sare ah oo ay ku qaateen Kulliyadda Dagaalka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Turkiga.

Munaasabadda xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdoğan, xubno sare oo ka tirsan dowladdiisa, saraakiil ciidan, iyo wasiirrada difaaca dalalka kale ee ay saraakiisha ka qalin-jabiyeen

 

Saraakiishan cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan ayaa ka kala socda ciidamada dhulka, cirka, iyo badda, waxaana la filayaa inay aqoontii iyo xirfaddii ay barteen ku dalka dib ugu soo celiyaan, uguna biiriyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa shahaadooyin iyo billado goobta munaasabadda xafladdu ay ka dhacaysay ku gudoonsiiyay qalin-jabiyayaasha, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo adkaysigoodii muddadii ay waxbarashada iyo tababarka ku jireen.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo dalka howlo shaqo u joogay.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinaca amniga iyo dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. Kulankan ayaa daba socday heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, kaas oo la xiriira ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cumar ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada “Hiil Walaal” ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.
     

Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kala saxiixday heshiis is-afgarad oo muhiim ah

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Jabuuti Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee dan-wadaagga ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin, Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si dhow la isula shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasaaradood waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ka dhaxeyso xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo ayaa sii wada dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah, iyaga oo mar walba ka shaqeynaya wada-shaqeyn iyo isu soo dhowaansho.

Madaxwyanaha Galmudug oo u hambalyeeyay hoggaanka la doortay ee Waqooyi Bari Soomaaliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Waqooyi Bari ee maanta la doortay,

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa  ugu duceeyay hoggaanka la doortay ee Dowlad goboleedka Waqooyi Bari in Ilaahey ku asturo masuuliyadda culus iyo gudashada waajibaadka baaxadda leh ee loo idmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.

Firdhiye oo mar kale loo doortay Madaxweynaha dowlad goboleedka W/B

Laascaanood(Wargeyska Dalka):-Mudane Cabdulqadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kadib markii uu ku guuleystay codad gaaraya 62.

Musharax Madaxweyne Abdirisaaq Khaliif ayaa helay 18 cod, halka laba codna ay xumaadeen. Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Madaxweyne Firdhiye ayaa noqon doona madaxweynaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee 2025 ilaa 2030.

Kusimaha Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga amniga, horumarinta ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti booqashada uu ku yimid dalka, isaga oo sidoo kale xusay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka reer Jabuuti dib u dhiska Soomaaliya.

Gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya la dagaalanka khawaarijta (warbixin)

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa gudaha dalka ,gar ahaan gobolada Hiiraan,Sh.Dhexe, Sh/Hoose, Gaakgaduud iyo kuwo kale ka socday abaabullo iyo diyaargarow dagaal oo la doonayo in lagu xoreeyo deegaanno kamid ah goboladaasi oo kooxaha khawaarijta ay ka wadaan falal lagu  dhibaateynayo dadka shacabka

Abaabuladaan dagaal ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in laga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka rayidka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo kuwa xoolo dhaqatada.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan , Gaalgaduud iyo labadaShabeelle ay u diyaargaroobeen dagaal ka dhan ah nabad-diidka,waxaana ka g’an saraakiishaasi sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana loo badbaadin lahaa bulshada halkaasi,

Waxaa muuqda in diyaargarowga iyo howlgalada ciidanka ee xilligaan lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab,maadaama la helay muwaadiniin badan oo diyaar u ah in ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo kooxaha khawaarijta.

Maalmihii u dameeyay waxaa magalada caasimadda ah ka socday dhaq-dhaqaaq ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo ku aadanaa sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen abaabulka loogu jiro in mar kale loo howlgalo dagaal lagu sifeynayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanno kooban.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),ayaa dhowaan kulan dhiirigaslin ah la qaatay ciidanka ku jira xerada Qorillowo iyo kuwa deegaanka Xaluulle oo ay joogaan boqolaal macisleey ah oo ka soo jeeda Warshiikh.

Guddoomiyaha oo la hadlay ciidankaasi iyo kuwa macawisleeyda ah ayaa u sheegay in maamulkiisa uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka naf-la-caariga ah ee argagixisada Al-Shabaab.

Muungaab oo sidoo kale booqday deegaanada Xaaji Cali,Raage Ceelle iyo kuwo kale ayaa kormeerkiisa loo arkaa tallaabo dhiirrigelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa hawlgallada ka socda dalka , iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka oo waqtigaan u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta.

Si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ay joogteyso howlgallada,isla markaana la bilabo wejiga cusub ee dagaalka looga horjeedo khawaarijta .

Waxaa hubaal ah in haddii howlgallada dowladda ay u dhacaan sidii la rabay ay suurtagal tahay in gabi ahaan la soo afjaro dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

 

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka W/B oo maanta dhacaysa

-Doorahada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo ka mid ah dowlad goboleedyada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomaysa Magaalo madaxda gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood.

Waxa ka socday guddaha magaalada Laascaanood maalmihii u dambeeyey olole xooggan oo musharaxiinta tartan ugu jireen sidii musharax walbaa u kasban lahaa codadka iyo kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ciidanka Amniga ayaa si weyn u xoojiyey sugida Amniga iyadoo lagu arkayo goobaha wadooyinka magaalada iyo kaantaroolada magaalada laga soo galo oo si weyn loo sugayo amnigooda.