Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Dalka Afgaanistaan ​​oo ku dhow xadka Pakistan.

Dhulgariikaan oo dhacay habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in ay ku burbureen guryo ka samaysan dhoobo iyo alwaax oo ku yiillay Gobolka Kunaar iyo deegaanka Nangarhar .

Dhulgariirkaan oo  cabbirkiisu ahaa 6 magnitude ayaa laga dareemay Pakistan oo deris la ah Afganistan iyo Dalka Hindiya,waxaana weli socda dadaallo lagu bixinayo samotamixinta dadka oo ay ka qeybqaadanayaan diyaaradaha helikobtarka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban ayaa  sheegtay in tirade dhimashada ay haatan gareyso  622,waxaana jira koror sii baahaya oo ku saabsan khasaaraha dhulgariirka marka la eego fogaanta goobaha ay saameeysay masiibadaasi  iyo dhibka hay’adaha gargaarka caalamiga ah ay ku qabaan gaaritaanka halkaasi.

Guddoomiyaha SODMA oo kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Ahmed Aadan Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta howlaha gargaarka bani’aadantinimo, iyo taageerada dhanka tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo caddeeyey in Bisha Cas ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dhinacyada horumarinta iyo adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in iskaashiga labada hay’adood uu horseedi doono xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaadada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi Yoonis” iyo Ibraahim Aadan Maadeey, oo ka tirsanaa Khawaarijta, islamarkaana horey loogu xukumay dil.

Raggan ayaa ka tirsanaa qeybta Jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah ee Khawaarijta, waxaana lagu helay dambiyo ay ku galeen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka fuliyeen dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday dad bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa.

Wasiir Daa’uud Aweys” Cunaqabteyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, waxay caqabad ku ahayd dagaalka Khawaarijta,”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay muhiimadda cunaqabateyntii  hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo dagaalka daba dheeraaday ee dalka looga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya muddada fog ay caqabad ku ahayd shaqada socota ee dib-u-xoreynta iyo sugidda guud ahaan amniga Dalka.

“Cunaqabateentii hubka ee laga qaaday dalka inta ay saarneed, waxay dhibaato ku ahayd howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ee socda.” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa sheegay in markii 2023-kii, lagu guuleystay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay qasab noqotay in ay Dowladda hesho hub howlgallada amni ee socda wax looga qabto, taas oo suurta gelisay in Khawaarijta looga itaal roonaado in meelo badan oo dalka ka mid ah laga sifeeyo.

”Sannadkii 2023-kii ay Dowladda Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saarneyd, waayo cunaqabateynta waxay caqabad ku ahayd shaqada socota ah ee ah dib-u-xoreyn in la sameeyo amnigana la sugo, waxaa markaas qasab noqotay in la helo barnaamijkaas ka shaqeyntiisa laga miradhaliyo waana lagu guuleystay,taas marka lagu guuleystay, Soomaaliya waxay heshay hub howshaas ama howlgallada socda wax looga qaban karo,”.

Khawaarijta, iyagoo gudaha Dalka dhib iyo fowdo ka wada ayay haddana xiriir dhow la leeyihiin kooxo kale argagixiso caalami ah oo hub iyo agabyo kale oo waxyeeleynaya Dalka soo geliya, si taas looga hortago, waxaa qasab noqotay in Soomaaliya ay hesho agab ama tixraacyo kale oo lagu ilaalinayo in aysan Khawaarijta hub qatar ah waddanka soo gelin iyo in Soomaaliya gasho heshiisyo dhinaca amniga ah, sida uu Wasiirka warfaafinta sheegay.

Ciidamada Xoogga Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax ( Jareere) oo uu weheliyo Dhanme Abshir Guutaale oo ka mid ah saraakiisba Ciidamada Xoogaa Dalka ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo kormeer iyo Dhiiragelin ugu tegay Ciidamada ku sugan gobolkaas.

Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor Gaashaanle Dhexe Cosoble Cali Niur ayaa ku soo dhoweeyay taliyaha iyo xubnaha kale ee saraakiisha fadhiga ciidanka, wuxuuna warbixin kooban ka siiyay howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Gaashaanle Dhexe Saahid Jareere, ayaa ciidamada uu u tegay kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan baacsiga Khawaarijta si amni iyo xasillooni u helaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah argagixisada.

ciidamada Xoogaa Dalka, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor ayaa howlgalo lagu jabiyay Khawaarijta ka sameeyay deegaanno iyo degmooyin  Gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan,halkaas oo kal hore laga bilaabay howlgalka loogu magac-daray “ Duufaanta Aamusan”.

Amarro laga soo saaray amniga magaalada Baladweyne

Shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Baladweyne ayaa laga soo saaray amaro ka dhan ah dadka hubka sharci darada ah ku dhex wata Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa isugu hay’adaha amniga iyo xafiiska adeer Ilaalinta Guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, waxaanna kulanka saacadaha uu socday diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Kuxigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Dhexe Carab Yuusuf Nuur oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ka soo baxay shirka ayaa sheegay in la isku afgartay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada Booliska, Nabad-sugidda iyo Militariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay gacan bir ah ku qabtaan dadka hubka sharcidarada ah magaalada ku dhex wata iyo kuwa callka ammaandari wada.

Sidoo kale, qodobada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo khatar ku ah amniga guud ah ee gobolka.

Xukun Dil ka dhacay Kismaayo

Ex Dable Nisa Maxamed Buulle Muumin ayaa, lagu soo eedeeyay dilka Alifle Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) iyo dhaawaca dhibanayaal Dable Nisa Maxamed Cabdulaahi Maxamed iyo Alife Nisa Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), falkaas oo ka dhacay Magaaladda Kismaayo, Labaatankii bishii Jun sanadkii 2023.

Fal dambiyeedkaan, ayaa dhacay habeen Saq dhexe xilli ay Hurdaayeen marxuumka iyo dhibaneyaasha, Eedeesanaha ayaana ku dooday in sababta dilka keentay in ay aheyd muran dhul oo kala dhaxeeyay Marxuumka.

Dilka ka dib Maxamed Buulle ayaa ka baxsaday magaaladda Kismaayo, isaggoo isku-dhiibay Khawaarijta, kuna wareejiyay qorigii Dawladda ay siisay.

Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, isaggoo ku dhuumaleysanaya Sagaal iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii Bishaan .

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Nisa Maxamed Buule Muumin Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum A/Le Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) .

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Iska diiwaangeliyay Dhuusamareeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusamareeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Galmudug inay ka faa’iideystaan fursadaan oo ay iska diiwaan-geliyaan goobaha loo asteeyey, maadaama Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso uu qof kasta muhiim u yahay.

“Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay wax lagu aqoonsado dhalashadiisa muwaadinimo, adeeg kastana waxaa lagu bixiyaa aqoonsi, marka Kaarka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay is diiwaan geliyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Sagootiyay Dhigiisa Jabuuti ka Dib Booqasho Afar Maalmood ah oo uu Ku Yimid Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Danjire Cabdoulkader Houssein Omar, oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah ku joogay caasimadda Muqdisho.

Intii uu socday booqashada rasmiga ah, labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dibloomaasiyadda, tababarrada, iyo iskaashiga siyaasadeed. Sidoo kale, waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada iyo wadashaqeynta labada wasaaradood si loo dardargeliyo danaha guud ee labada dal ee walaalaha ah.

Booqashada wasiirka Jabuuti ayaa muujinaysa adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo lagu xoojinayo iskaashi waara oo ku dhisan derisnimo, walaaltinimo iyo dan guud.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi,ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Korneyl Axmed Faathi Cabdelsatar Al-Xuseyni, oo ah Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa,Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed G.Sare Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo saraakiil kale. 

Intii uu socday kulanka ayaa waxa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa, xoojinta  laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca, tababarka, iyo diyaarinta ciidamada Masar oo dhawaan ku soo biiri doona, Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)