Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye, Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Xukuumadda JFS.

Golaha Wasiirada ayaa horay u ansaxiyay xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, kuwaas oo ka koobnaa 15 xubnood.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si weyn u bogaadisay magacaabista guddiga iyo taabbagelintooda.

Ciidanka XDS iyo AFRICOM oo duqayn ka fuliyay waqooyi-bari Kismaayo

Kismaayo-(Wargeyska Dalka)- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa howlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, dowlad-goboleedka Jubbaland.

Howlgalka ayaa lala beegsaday fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayd deegaan 40 km waqooyi-bari ka xigta magaalada Kismaayo.

Weli lama hayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqaynta, maadaama ay weli socoto qiimeyn lagu sameynayo khasaarihii lagu gaarsiiyay cadowga.

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog ee Marra ee galbeedka Sudan, kadib markii maalmahan ay ka da’ayeen roobab mahiigaan ah,sida ay sheegeen kooxda mucaaradka hubaysan ee dalkaasi.

Aagga uu ka dhacay dhul go’a ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ka soo jeeda gobolka Waqooyiga Darfur,kuwaas oo  magangalyo u joogay gobolka Marra ee buuraleyda ah, kadib markii ay ka soo carareen dagaal dhexmaray ciidanka Suudaan iyo kuwa mucaaradka ah.

Kooxaha mucaaradka Sudan ayaa sheegtay in ay jiraan dad barakacayaal ah  oo ka cararay masiibadaasi waxayna ka codsadeen Qaramada Midoobay iyo ururada samofalka in gurmad bini’aadanimo loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay masiibadaasi.

Shilkaan oo dhacay maalinnimadii Axadda ee la soo dhaafay ayaa keenay in Minni Minnawi oo ah Barasaabka Darfur uu dhul go’aasi ku tilmaamo musiibo bini’aadantinimo.

Dagaal sokeeye ee bishii April 2023-kii  dhex maray ciidamada Sudan iyo jabhada RSF ayaa dalka galiyay macmuul ,waxaana dalkaasi isaga cararay hey’ado badan oo kuwa samofalka ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Marwo Merete Dyrud ayaa tilmaantay sida Dowladda Norway uga go’an tahay in ay sii garab istaagto dadaallada Soomaaliya ee la xiriira wax ka qabashada musiibooyinka iyo caqabadaha bani’aadantinimo, iyadoo ballanqaadday kordhinta taageerada gaar ahaan adeegyada gargaarka degdegga ah iyo horumarinta bulshada nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyey Dowladda Norway taageerada joogtada ah ee istaraatiijiga ah, isaga oo xusay in taageerada Norway ay door muhiim ah ka qaadato dhismaha awoodda dalka ee wax ka qabashada masiibooyinka iyo dib u soo kabashada bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday isfahan iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in si dhow looga wada shaqeeyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada arrimaha bini’aadantinimo.

Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Qaahira: Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare,oo maanta ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Wakiillada joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta,ayaa kalmad ka jeediyay madasha.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyey Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada Joogtada ah,sida wanaagsan ee ay u taageereen Dalabka Soomaaliya ee ahaa in laga cafiyo deymihihii isgaaray muddo 38 Sano ah oo aanan la bixin dhaqaalaha sanadlaha ah ee xubinnimada,taasoo la go’aamiyay cafinta 75% deymahaasi.

Danjiraha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dawladda Soomaaliya,isla markaana Safaaraddu ka miradhalisay dadaalkii ay u gashay arrintan iyadoo laga duulayo jihaynta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Shaqaalaha hay’adda socdaalka oo loo tababarayo amniga Internet-ka

Agaasimaha giud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar sare oo 10 maalmood socon doona, kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 20 sarkaal oo ka tirsan hay’adda. Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa sugidda amniga internetka, maamulka xogta socdaalka, iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee lagu maamulo xuduudaha iyo adeegyada kale ee hay’adda.

HSJ ayaa horey u hirgelisay adeegyo casri ah oo ay ka mid yihiin nidaamka dhijitaalka ah ee maamulka socdaalka, bixinta baasaboorka, iyo kaydinta xogta biometric-ka, kuwaas oo horseeday hufnaan iyo horumar weyn oo dhinaca maamulka iyo bixinta adeegyada ah. Tababarkan waxa uu laf-dhabar u yahay sugidda xogta iyo nidaamyada dhijitaalka ah, iyadoo looga hortagayo khataro amni oo culus, sida gelitaan aan sharci ahayn iyo weerarro dhinaca xogta ah.

Ku xigeenka Madaxa IOM ee Soomaaliya, Marwo Prestage Murima, ayaa sheegtay in tababarkani muhiim weyn u leeyahay tayeynta adeegyada socdaalka, gaar ahaan dhinacyada maamulka xogta iyo sugidda baasaboorka, iyadoo xustay taageerada joogtada ah ee IOM ay siiso HSJ dhanka qalabka iyo tababarrada.

Wakiilka Safaaradda Switzerland ee Soomaaliya, Marwo Gisela Schlueb, ayaa iyaduna tilmaamtay in iskaashiga adag ee ka dhexeeya Safaaradda Switzerland, HSJ iyo IOM uu horseeday horumar muuqda, iyadoo tusaale u soo qaadatay taageerada dhinaca shabakadda LAN. Waxa ay intaas ku dartay in tababarkani door muuqda ka qaadan doono adkaynta amniga tiknoolajiyadda iyo maamulka xogta.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Switzerland iyo IOM kaalintooda muuqata oo ay ku leeyihiin hirgelinta tababarkan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in HSJ ay si buuxda uga go’an tahay horumarinta kaabayaasha tiknoolajiyadda oo la jaanqaadidda heerarka caalamiga ah.

Ugu dambayn, waxa uu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha in ay si buuxda uga faa’iidaystaan casharrada iyo khibradaha muddada uu socdo tababarka, isaga oo xusay in amniga internetku uu yahay laf-dhabarka maamulka xogta casriga ah iyo ilaalinta kalsoonida muwaadiniinta.

    

Taliye Odawaa oo tababar u soo xiray saraakiil Komandoos ah

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta tababar gaar ah usoo xiray dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah oo qaatay tababar Kumaandoos ah.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure ee xerada Baledogle, halkaas oo ay Layli Saraakiishu kusoo bandhigeen dhoolatus muujinayay xirfado ciidan oo heer sare ah.

Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in tababarada noocan ah ay kor u qaadi doonaan xirfadaha Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tababarkani waxa uu astaan u yahay dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Qaranka.

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo gaaray dalka Serbia

Belgrade: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimadda dalka Serbia ee Belgrade, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Serbia ayaa ka wada hadli doono arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, wada-shaqaynta dhinaca amniga, iyo is-dhaafsiga tacliinta iyo dhaqanka.

     

Guddoomiyaha golaha shacabka oo furay kulanka banbaxa guddiga joogtada ah

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, kaas oo sedax maalmood socon doona.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u sheegay in kulanka banbaxa uu socon doono mudo sedax maalmood ah islamarkaana inta uu socdo lagu dejin doono ajendayaasha kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka, waxa uuna xubnaha guddiga joogtada kula dardaarmay in maalmaha uu kulanka socdo ay dardargeliyaan ka doodista Ajendayaasha kalfadhiga todobaad islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyaan shuruucda horutebinta u leh horumarka dowladnimo ee dalka.

Kulankan ayaa maalmaha uu socdo xubnaha guddiga waxa ay kaga doodi doonaan ajandeyaasha kalfadhiga todobaad oo isugu jira shuruucdii ka haray kalfadhigii lixaad iyo shuruucda cusub ee ay Xukuumadda soo gudbisay.

Saraakiil Ciidan oo ka Socda Dowladda Masar oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho – Xoghayaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sareeye Guuto Maxamed Goodax Barre, ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Ciidanka Qalabka Sida ee dalka Masar oo ka kooban 16 sarkaal, oo uu hoggaaminayay Sareeye Guuto Islaam Radwan.

Wafdigan ayaa horudhac u ah ciidamada Masar ee dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Intii ay ku sugnaayeen Muqdisho, wafdiga Masar waxa ay kulan la qaateen Madaxa Hawlgalka AUSSOM, ahna Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyagoo ka wada hadlay diyaar-garowga hawlgalka iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, muddada uu wafdigu joogo dalka, waxa uu kormeeri doonaa saldhigyada ay degi doonaan ciidamada Masar, xarumaha tababarka iyo saadka, iyo goobaha lagu wado in ay ka hawlgalaan.