Soomaaliya ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ž๐ซ๐›๐ข๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ h๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ i๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข c๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ah

Belgrade-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadam, oo kamid ah wafdiga Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Belgrade, ayaa la saxiixday dhiggiisa Serbia heshiis iskaashi caafimaad oo muhiim ah.

Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa xiriirka iyo iskaashiga caafimaad ee labada dal, waxaana uu Soomaaliya u horseedayaa fursado cusub oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh.

Heshiiskan waxaa lagu saxiixay Belgrade, isagoo muujinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya waxaa la guddoonsiiyay hadiyad sharafeed, taas oo muujinaysa xushmad iyo xiriir saaxiibtinimo oo sii adkeynaya wada shaqeynta labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Belgrade-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee dalka Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada machadka ee horumarinta tiknoolajiyadda difaaca, oo ay ku jiraan nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada Soomaaliya uga jirto xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo sahaminta fursadaha iskaashi ee ay la yeelanayso Saaxiibada caalamka.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas oo booqasho sharafeed ku soo gaaray Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Dr. Muungaab oo Safiirka ku soo dhoweeyey hab-maamuus walaalnimo, ayaa kala hadlay muhiimadda xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu u leeyahay dib-u-dhiska, nabadgalyada, iyo horumarka Caasimadda.

Wuxuu xusay kaalinta Turkiga ee taageeradii baniโ€™aadannimo ee sannadkii 2011 ka bilaabatay iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee hadda ka socda, oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, carbinta ciidamada, ladagaalanka argagaxisada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo mashaariic waaweyn sida dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ballanqaaday in maamulkiisu uu mar kasta diyaar u yahay fududeynta maalgashiga iyo barnaamijyada horumarineed ee ay Turkigu ka hirgelinayaan Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale la wadaagay Safiirka danaynta Dowladda Hoose ee Muqdisho ee ku saabsan iskaashiga khibrad is-weydaarsi ee magaalooyinka waaweyn ee Turkiga, si loo xoojiyo adeegyada aasaasiga ah, sida; nadaafadda, waddooyinka, bullaacadaha, dab-damiska, iyo gurmadka degdegga ah.

Safiirka Turkiga, Danjire Alper Aktas, ayaa dhankiisa caddeeyay in dalkiisu mar kasta taageero shuruud laโ€™aan ah u fidiyo dadaallada dawlad-dhiska, nabadaynta, horumarinta Soomaaliya, iyo taageerada ajendaha Doorashada Qof iyo Codka ah ee Caasimadda iyo gobollada looga diyaargaroobayo.

NISA oo hawlgal ku dishay Madaxii Amniyaatka ee Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanada Hirshabeelle

Hiiraan:-Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal culus oo si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkan waxaa lagu dilay horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaanay โ€œCaamir,โ€ kaas oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan amniyaadka qaybta Hirshabeelle.

Dhagarqabahan oo dhiigya-cab ahaa, kana qayb qaatay falal badan oo dhagar ah, ayaa ugu dambeyn nafta la dhaafiyay.

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey madaxtooyada Serbia

Belgrade : Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane ฤuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Raโ€™iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Qasriga madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, iyada oo labada dowladdood ay kala saxiixdeen Heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.

Raโ€™iisul wasaaruhu waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyey Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia Mudane ฤuro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare oo ka shiray ajendayaasha kalfadhiga 7-aad

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee kalfadhiga toddobaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ugu horrayn, kulanka waxaa lagu dhaariyay Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley), oo dhowaan Golaha Wakiillada Puntland ay u doorteen inuu ka mid noqdo Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa ka dooday diyaarinta iyo jadwalaynta qorshe howleedka Golaha iyo Guddiyada aqalka sare ee kalfadhiga todobaad, iyagoo soo jeediyay talooyin muhiim u ah dardar-gelinta hannaanka shaqo ee waajib gudashada Guddiyada iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Cali Shacbaan, oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee Guddiyada una diyaar garoobaan waajibka gudashada shuruucda muhiimka ah ee golaha horyaala.

Shirka Horudhaca Tiirka Arrimaha Bulshada oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Shirka Horudhaca ee Hannaanka Wada-shaqeynta Tiirarka ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025โ€“2029), oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa kulanka maanta waxaa diiradda lagu saaray Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadamiga.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, waxaana ka soo qeybgalay hayโ€™adaha dowladda federaalka, bulshada rayidka, ganacsatada iyo Hayโ€™adaha Qaramada Midoobay.

Qeybtii hore ee shirka waxaa lagu falanqeeyay sidii Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay (UNCF 2026โ€“2030) loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaran, halka gelinkii dambe lagu qiimeeyay horumarka la gaaray, caqabadaha jira iyo meelaha u baahan maalgelin dheeraad ah.

Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadamiga wuxuu mudnaan siinayaa adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo fayodhowrka, daryeelka bulshada, xuquuqda aadanaha, haweenka iyo dhalinyarada, dadka naafada ah, guriyeynta, dhaqanka iyo hiddaha.

Ugu dambeyntii, kulanka waxaa looga dooday ajandaha rasmiga ah ee Shirka Hannaanka Wada-shaqeynta Tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaran oo la qaban doono bartamaha bisha Sebteembar 2025.

Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada hadlay xoojiyo xiriirka labada dowladood

Belgrade-(Wargeyska Dalka)โ€“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Belgrade ee wadanka Serbia dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi Mudane Marko Djuric.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha iyo waxbarashada, iyadoo sidoo kale laga wadahadlay in la hormariyo mashaariicda wadajirka ah ee caalamiga ah.

Labada wasiir ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga goโ€™an tahay in la dhiso xiriir adag oo ku saleysan dano wadaag ah iyo saaxiibtinimo soo jireen ah.

Wasiir Cabdisalam ayaa yiri: โ€œWaxaan ka wadahadalnay xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha caalamiga ah, annaga oo dib u xasuusaneyna saaxiibtinimada dheer ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Serbia.โ€

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Serbia ayaa adkeeyay in dalkiisu uu ku faanayo xiriirka soo jireenka ah ee uu la leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu yiri, โ€œSerbia waxay ku faaneysaa xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxaana naga goโ€™an in aan sii xoojino iskaashiga dhinacyo badan leh.โ€

Laamaha ammaanka oo gubay Daroogo gaaraysa 250 kartoon

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraaโ€™id qabtay ayaa sheegay in maanta fagaare lagu gubay 250 kartoon oo Daroogo ah.

Daroogadan oo ay heyโ€™adaha ammaanka qabteen iyadoo Dekedda iyo Garoonka laga soo gelinayo dalka ayaa waxaa in la gubo xukuntay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shirka masโ€™uuliyiinta degmooyinka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee degmooyinka ay maamulaan iyo sida ay shacabka ugu riyaaqsan yihiin adeegyada loo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maamullada degmooyinka faray inay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hayโ€™adaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo bedqabka muwaadiniinta.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wakiil uga ah arrimaha Ololaha Nadaafadda ee ka socda caasimadda, ayaa sheegtay in horumar la taaban karo laga gaaray fulinta jadwalka Ololaha Nadaafadda, iyadoo la raacayo hagidda iyo amarrada Duqa Muqdisho.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.