Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Baxreyn

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Boqortooyada Baxreyn, Mudane Dr. Shaikh Abdullah bin Ahmed Al Khalifa, intii lagu guda jiray Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jiddah, Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Kulankan ayaa ahaa mid miro-dhal ah, waxaana lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Baxreyn.

Wasiiradu waxay diiradda saareen taageerada Baxreyn ay siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dedaallada lagu casriyeynayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka oo ay ka mid yihiin horumarinta deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo casri ah.

Sidoo kale, kulankan ayaa ahaa fursad lagu adkeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo iskaashiga mustaqbalka ee dhinacyada gaadiidka, dekedaha iyo isgaarsiinta, si loo gaaro horumar waara oo kaabaya dhaqaalaha iyo koboca dalka.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya nidaaminta garaadka macmalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh oo ka qeyb-galaya Madasha Caalamiga ah ee hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25) ee lagu qabtay magaalada Riyadh, ayaa la kulmay Mudane Haitham Alohaly, Guddoomiyaha hay’adda Isgaarsiinta, Dayax-gacmeedka iyo Teknoolojiyadda ee Boqortooyada Sacuudiga (CST).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhisidda qaab iskaashi oo dhex mara labada hay’adood, iyadoo xoogga la saarayo wada-shaqeynta ku saabsan nidaaminta garaadka macmalka ah (AI) ee teknoolojiyadda hawada sare iyo wadaagista kaabayaasha.

Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed oo sheegay in ay caqabad ku hayaan dalagyada dibedda laga keeno

Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay caqabad ku hayaan ganacsatada dalka dibeddiisa ka keena dalagyada daruuriga u ah bulshada, kuwaas oo ka taya hooseeya kuwa dalka kasoo baxa.

Guddoomiyaha Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed Faadumo Sheekh Cali oo u warramaysay warbaahinta Qaranka in dalagyada ay tacabkooda ku rafaadeen iyagoo kale dibada laga keenayo, taasna looga baahan yahay in ay dowladdu wax ka qabato.

“Culeyska ugu weyn ee innaga heysta wax soo saarka beeraha waa dalagyadii aan tacabkoodii ku rafaadnay oo iyagoo kale dibada laga keenayo”.

Guddoomiye Faadumo ayaa sheegtay in ganacsatadu ay eegayaan qiimaha jaban ee ay dalka dibeddiisa kaga soo iibsanayaan, iyadoo intaa ku dartay in dalagga gudaha uu ka qaalisan yahay kan bannaanka ka yimaadda sababtuna ay tahay marxaladaha adag ee ku xeeran wax soo saarka dalka iyo suuq geyntiisuba.

Guddoomiyaha Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed Faadumo Sheekh Cali ayaa dowladda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ugu baaqday in lasiiyo agab casri ah oo u fududeeyo wax soo saarka dalka iyo in ay u sameeyaan dhiirri gelin xooggan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay taliyaha cusub ee AFRICOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo uu wehliyey Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xasillinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee AFRICOM ku leeyahay taageeridda dib-u-habaynta amniga Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay sii wado horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyada oo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah.

Jeneraal Anderson ayaa xaqiijiyay ballanqaadka Maraykanka ee ah in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta xasilloonida waarta ee Geeska Afrika.

Booqashadan waxa ay muujisay iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha amniga guud iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Wasiirka ganacsiga oo gaaray Aljeeriya

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha XFS mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa gaaray dalka Aljeeriya.

Wafdigaan waxaa si diiran ugu dhaweeyay Caasimada dalkaas dhigiisa Dalka Aljeeriya Wasiirka ganacsiga dibadda iyo Dhiirigelinta Dhoofinta, Professor Kamaal Rezeeq Iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan ( Yuusuf Jeego).

Wasiir geeosood ayaa ka qaybgalaya Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair), taas oo Soomaaliya u ah fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda, laguna dhiirrigelinayo dhoofinta iyo kobcinta ganacsiga gudaha iyo dibaddaba.

 

Wasiirka Dekedaha oo ka qaybgalay shirka sancada gaadiidka Badda oo ka furmay Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka furmay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa ah madal muhiim ah oo Soomaaliya uga faa’iideysaneyso xoojinta iskaashiga iyo walaaltinimada ka dhexeysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa kulankan uga faa’iideystay in uu ka qaybgalayaasha la wadaago muhiimadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ku leedahay gaadiidka badda, iyo sida horumarinta iyo casriyeynta dekedaha dalka ay gacan uga geysan karto fududeynta ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha.

Shirweynahan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta sancada gaadiidka badda ee waara, maamulka iyo casriyeynta dekedaha, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon uga qayb qaadaneyso doodaha iyo go’aannada lagu xoojinayo iskaashiga marin-biyoodka caalamka.

 

Maareeyaha hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo shir caalami ah uga qaybgalay Sucuudiga

Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25), taas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), waxaana lagu qabtay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga.

Madashan oo socotay saddex maalmood ayaa isu keentay madaxda hay’adaha isgaarsiinta ee caalamka, iyagoo is dhaafsaday waayo-aragnimo iyo habraacyadii ugu dambeeyay ee la xiriira nidaaminta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.

Intii uu socday madasha, Mudane Mustafa waxa uu ka qeyb galay dood cilmiyeed heer sare ah oo ay la wadaageen wakiillo ka socday dalalka Sacuudiga, Turkiga, Maraykanka, iyo Koonfur Afrika, taas oo looga hadlayay sidii loo dhisi lahaa mustaqbal dhijitaal oo waara. Dooddu waxay diiradda saartay sida xeerarka iyo nidaamintu u xoojin karaan adkaysiga cimilada iyo hubinta in bulshooyinka si siman u helaan adeegyada dhijitaalka ah.

Hadalkiisa, Mudane Mustafa waxa uu ku muujiyay saddex mudnaan oo waaweyn: in la helo xog lagu kalsoonaan karo oo danta guud ah iyadoo la ilaalinayo asturnaanta; in shabakadaha ay sii shaqeeyaan marka ay jiraan xaalado degdeg ah; iyo in la dhimo kharashaadka si bulshada oo dhan uga faa’iideysato adeegyada dhijitaalka ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay sida xogta taleefannada gacanta ee qarsoodiga ah (anonymised mobile data) loogu adeegsaday in lagu taageero gurmadka daadadka Soomaaliya.

    

Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo Hiiraan lagu dilay

Hawlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka, ayaa ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta iyo maleeshiyaad badan.

Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa Cabdullaahi Xasan Cumar, oo Khawaarijta ugu magacownaa waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Hirshabeelle; Horjooge lagu soo koobay magaciisa Cusaam, oo ka tirsanaa qaybta Maaliyadda; iyo labo horjooge ah kuwaasi oo kala ahaa Horjooge Qudaame Dheere iyo Cabdul Ladhiif.

Ciidamada ayaa si gaar ah u beegsaday xarun ay horjoogeyaashan ku sugnaayeen, iyada oo si buuxda loo soo afjaray dhammaan horjoogeyaashan iyo ku dhowaad 10 ka tirsan maleeshiyaadka Argagixisada.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay ku dabar goynayso cadowga Khawaarijta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha EU iyo Nederlands

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ay ka mid noqdeen diblomaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay wadashaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhankooda, Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.

Soomaaliya oo Safiir cusub u magacowday Suuriya

Dimishiq-(Wargeyska Dalka)-Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday Dimishiq danjire, Abiib Muusa Faarax ayaa warqadahiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, dalka Suuriya, Mudane Asad Xasan Al-Shiibaani.

Danjire, Abiib iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.