Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Madax ka socotay Gaadiidka Badda ee Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Adeegyada Saadka ee Boqortooyada Sucuudiga Mudane Dr. Rumaih Al-Rumaih xilli lagu guda jiray Shirweynihii labaad ee Gaadiidka Badda.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ku xiran dhinacyada fursadaha badda iyo adeegyada kale.

Wasiirka ayaa u soo bandhigay mas’yykjaasi qorshayaasha iyo mashaariicda waaweyn ee Dowladda Soomaaliya ay wado, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta dekedaha dalka, dhismaha aag dhaqaale iyo casriyeynta kaabeyaasha gaadiidka, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta isku xirka ganacsi ee gobolka.

Labada dal ayaa isla qiray muhiimada iskaashi istaraatijiyadeed oo waara, kaas oo gacan ka geysan kara xoojinta xiriirka dhaqaale iyo horumarka gobolka guud ahaan.

R/Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku soo laabtay dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay Dalalka Shiinaha iyo Serbia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo oo uu khudbad ka jeediyey isagoo sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalkaas oo uu kal hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo in Shiinuhu uu Maalgashi ku sameysto fursadaha dihan ee dalkeena ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay dalka Serbia iyada oo soo dhaweyn taariikhi ah loogu sameeyey caasimadda Belgrade, waxaana uu qasriga madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Serbia mudane Duro Macut, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Danjiraha Soomaaliya oo ka qayb galay kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Masar

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa ka qayb galay kulanka meertada 164-aad oo lagu qabtay xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Dalka Masar.

Kulankaan oo ahaa mid heer wasiir ah,waxaa looga hadlay arrimmo badan oo ay kamid ahaayeen sidii diiradda loio saar lahaa danaha dalalka Carabta iyo sidookaleqadiyadda dadka reer

Danjiraha Soomaaliya oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa kulankaasi mudadii uu socday ka jediyay khudbad ku aadan sida dowladda Soomaaliya ay u aragto xalka howlaha horyaalla  Ururka Jaamacadda Carabta iyo sida uu uga qeybqaadan karo horumarda socda.

Danjire Awaare ayaa ku booriyay xubnaha Ururka Jaamacaadda carabta in si dhab ah loo qaato natiijada iyo go’aamada wax ku oolka h ee ka soo baxay kulanka ururkaasi,gaar ahaan arrimaha khuseeya wanaajinta iskaashiga wadamada Carabta.

R/Wasaaraha XFS oo soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tagay Dalka Serbia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa soo gabagabeeyay kulammo muhiim ah oo muddo 3 cisho ah ay la qaateen madaxda Dalka Serbia.

Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Belgareyt ee caasimadda dalkaasi,waxaa kaloo dhinaca Soomaaliya  ka qeybgalay wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Caafimaadka Xukuumadda Soomaalaiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka warbixiya kulamaasi ayaa sheegay in R/Wasaaraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Serniya ay isla soo qaadeen sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa dhinacyada caafimaadka,amnga iyo qalabeynta ciidanka Qaranka

Dalka Serbiya waxa uu kamid yahay wadamada Soomaaliya la leh xiriirka soo jireenka ah ee soo bilaawday 1960-kii ,waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir  iskaashiga,mid isdhexgalka iyo kuwo kale oo dhinaca dibolomaasiyadda ah.

Taliyaha Ciidanka (AFRICOM) “Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah, waxaana ka jira fursado waaweyn

Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay siyaasadda iyo dadaalka Dowladda mareykanka iyo sida ay u arkaan arrimaha gobolka ee geeska Afrika,gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

“waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo ku taalla isgoyska adduunka,isla markaana muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Taliyaha cusub ee AFRICOM

Taliyaha (AFRICOM) waxa uu xusay in socdaalkiisa uu la xiriiro sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa xaaladda gobolka,gaar ahaan Dalka Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in Dowladda Mareykanka ay diyaar u yihiin in gacansiinta Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM waxa uu horay u soo noqday Taliyaha Cutubka Gaarka ah ee howlgallada Afrika.

Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Xasan macallin Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu xoojinayey iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, loogana hadlayey Istaraatiijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay Safiirka Nairobi u fadhiya Soomaaliya, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda cadaaladda, Wasiirrada Cadaaladda ee Maamul-goboleedyada, wakiil ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Agaasimeyaal iyo howlwadeenno ka socda Wasaaradda Cadaaladda iyo wakiillo ka socda hay’adaha UNDP, UNODC, UNTMIS iyo Midowga Yurub (EU).

Shirkan ayaa ah mid lagu xoojinayay iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, si loo mideeyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka, iyadoo diiradda lagu saaray helitaanka cadaalad loo siman yahay, sharci dejin hufan, iyo xoojinta kalsoonida shacabka.    

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Gaalkacyo ku qabtay tababarka Shaqaalaha Diiwaangelinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar uga furay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Gaalkacyo.

Tababarkan oo ah mid muhiim u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii howlwadeennadu u heli lahaayeen xirfado iyo aqoon casri ah oo la xiriirta hawsha diiwaangelinta, gaar ahaan ku shaqaynta qalabka elektaroonigga ee casriga ah.

      

SODMA oo qabatay Wajiga Afraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daahfuray Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaas oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu sida weyn u saameysay.

Wajigaan cusub waxaa fulinaya Xarunta King Salman ee Samafalka iyo Gargaar Aadanaha (KSRelief), waxaana si toos ah u hirgelinaysa Hay’adda Tadaamun, iyadoo taageero ka helaysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qeybtan cusub ee mashruuca waxaa ka mid ah 5,085 tan oo raashin ah oo qiimahoodu dhan yahay $6.4 milyan, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideysan doona 805,020 qof oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wajahaya xaaladaha adag ee abaaraha iyo cunto yaraanta dalka ka jirta.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u jooga Soomaaliya, wakiillo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA).

     

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo Muqdisho ku soo laabtay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib labo bil oo uu howl qaran oo maamul dhismo ah ugu shaqeynayay magaalada Laascaanood.

Mudane wasiir Cali Xoosh ayaa inta uu joogay Laascaanood ku guuleystay dhismaha Dowlad Goboleedka waqooyi Bari Soomaaliya oo dhameystirka hannaankaasi loo xilsaaray, hormuudna ka ahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, tallaabadan oo qeyb ka ah federaaleynta dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh iyo wafdiga la socday oo goleyaasha dowladda federalka ahaa ayaa waxaa soo dhoweyn iyo maamuus loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyada oo ay halkaas kusoo dhoweeyeen hoggaanka Wasaaradda sida; Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.

    

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal guuleystay ka fuliyay Shabeellada hoose

Howlgal lagu bartilmaameedsaday xubno Khawaarij ah ayaa ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka October waxay ka sameeyeen tuulooyinka kala ah Malable, Siigaale iyo Buulo-Arundi oo hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Guutada 14-ka October, Gashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada ay cagta mariyeen malleeshiyaad ay Khawaarijta u diyaarisay in ay baad ka qaadaan shacabka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka uu howlgalka ka dhacay.