Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay furitaanka Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika (Intra-African Trade Fair ) oo heer sare ah kana dhacaysa dalka Aljeeriya. Shirkan waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyey Guddiga Midowga Afrika (AU Commission), Xarunta AfCFTA (African Free Continental trade area) iyo Bangiga Afreximbank iyadoo ujeedadu tahay in la kobciyo ganacsiga, la dhiirrigeliyo maalgeshiga, lana xoojiyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda Afrika.

Shirka waxaa Wasiirka kala qayb galay Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

Ka qeybgalka Wasiirka ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Dowladda Soomaaliya horumarinta isdhexgalka gobolka, sahminta fursadaha ganacsi ee cusub, iyo sidii Soomaaliya ay door muuqda uga ciyaari lahayd mustaqbalka dhaqaale ee Afrika.

Iskaashigan ayaa horseed u noqoni doona horumar dhaqaale oo waara iyo xoojinta xirirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika.

 

 

 

 

 

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo adkaynta Sharciga Ciidanka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Liibaan Cali Yarow,Wasiirka amniga Koofur-galbeed, Saraakiil ka socotay hay’adaha amniga qeybahooda iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad.

 

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID.

Goobaha uu sida gaarka ah Taliyuhu kormeerka ugu sameeyey waxaa kamid ah Xarunta Caafimaad ee Maxaabiista loogu adeego iyo Goobta sida gaarka ah loogu hayo Maxaabiista dambi baarista lagu sameynayo.

Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay Hogaanka iyo Howlwadeennada CID ayaa kula dardaarmay in kiisaska baarista ee loo keeno iyo kuwa ay gacanta ku hayaanba u cadaalad sameeyaan kana fogaadaan waxkasta oo dib u dhac ku keeni kara adeegga ay Bulshada u hayaan.

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee Gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomey Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Netherland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo uu wehliyey Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Xukuumadda .

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.

8- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ,ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo safar shaqo ku yimid dalka.

9- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa gaaray dalka Aljeeriya si uu ugu qeybgallo Carwada Ganacsiga Afrika (Intra-African Trade Fair), taas oo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.

10- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qayb galay Shirweynaha Meertada Labaad ee Sancada Gaadiidka Badda, kaas oo ka dhacay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

11- Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa ka qeyb-galay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25), oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), oo ka furmay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga.

12- Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Syria Danjire Abiib Muusa Faarax ayaa warqadahiisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, dalka Suuriya, Mudane Asad Xasan Al-Shiibaani.

13- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallim Fiqi ayaa kormeer ku tegey Machadka Farsamada ee Ciidamada (Military Technical Institute) ee magaalada Belgrade.

14- Mu’asasada Macallin Nuur ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad weyn oo lagu xusayay dhalashada Nabigeena Muxammad nabadgalyo korkiisa ahaatee.

15- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Belgrade kula saxiixday dhiggiisa Serbia heshiis iskaashi caafimaad oo labada dal u dhexeeya .

16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka hadlay muhiimadda cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday dalka iyo dagaalka daba dheeraaday ee dalka looga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

17- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa magaalada Belgrade kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Marko Djuric,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha iyo waxbarashada.

19- Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in goob fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah,oo ay laamaha ammaanka ku qabteen dekedda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.

21- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo gal-dacwadeedyo la xiriira cayda aflagaadada, sumcad-dilka, Isku-dirka bulshada, faafinta sawirada xun xun ,faafinta beenta lyo kicin bulshada dhexdeeda ah, waxaana xafiisku digniin u diray dadweynaha in laga waantoobo dambiyadaasi.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Djibouti Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa kala saxiixday is afgarad ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, kuna dhisan hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa hawlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo khasaare loogu geystay Khawaarijta Al Shabab.

24- Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa qaabilay Col. Ahmed Fathi Cabdulsatar Al -Xuseyni, oo ah Xiriiriyaha Difaaca ee Safaaradda Masar.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi Yoonis” iyo Ibraahim Aadan Maadeey, oo ka tirsanaa Khawaarijta, islamarkaana horey loogu xukumay dil.

26- Shacabka magaalada Laas Caanood ayaa si diiran u soo dhaweeyay qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ah ee lagu wado in laga qabto deegaannada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

27- Haweenka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay caqabad ku hayaan ganacsatada dalka dibeddiisa ka soo dhoofiya dalagyada daruuriga u ah bulshada, kuwaas oo ka taya hooseeya kuwa dalka kasoo baxa.

28- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xusay inuu muhiim u yahay mashruuca taageeridda dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, gaar ahaan qoysaska danyarta ah iyo dadka ku nool degaannada halista ugu jira gaajada iyo macaluusha.

===========DHAMMAAD==========

Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda ku galay garsoorihii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo loo doorto tartanka koobka adduunka ee FIFA.

Waxa uu ka mid yahay saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda Afrikada Saxaraha ka hooseeya si uu u dhexdhexaadiyo FIFA U-20 World Cup 2025.

Ciyaaraha kubbadda cagta adduunka ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Chile inta u dhaxaysa 27ka Sebtember ilaa 19ka Oktoobar.

Cartan waxa uu ku biirayaa Jalal Jayed ee Morocco iyo Youcef Gamouh ee Algeria oo ah garsoorayaasha ugu waaweyn qaaradda.

Ciyaartoyga daba-galka u ah kubbadda cagta Soomaaliya, Cartan ayaa mar sii horreysay noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka socda ee qabta finalka qaaradda, isagoo kormeerayay kooxda Pyramids FC ee Masar oo ka badisay Koonfur Afrika Mamelodi Sundowns ee Qaahira. Sidoo kale waxa uu dhex dhexaadin ka noqday tartanka qaramada Afrika ee AFCON.

Caawiyayaasha kale ee laga soo xulay Afrika waxaa ka mid ah Gilbert Cheruiyot (Kenya), Abelmiro Montenegro (São Tomé and Príncipe), Khalil Hassani (Tunisia), Eric Ayimavo (Benin), Lahsen Azgaou (Morocco), iyo Mostafa Akarkad (Morocco).

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Mudane Maxamed Caddow, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 16-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Kormeerka Caafimaadka (IAMRA) oo ka dhacay magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland.

Shirkan oo uu martigaliyay Golaha Caafimaadka Ireland ayaa diiradda lagu saaray isweydaarsiga waaya-aragnimada caalamiga ah ee maamulka mihnadlayaasha caafimaadka, tayeynta nidaamyada caafimaadka, iyo kor-u-qaadista kalsoonida bulshada ee adeegyada caafimaadka.

Ka qeyb galka shirkan waxay Soomaaliya u tahay fursad uu dalkeennu uga qeybqaato dadaallada iyo wadahadallada caalamiga ah ee looga arrinsanayo hagaajinta nidaamyada caafimaadka dunida, waxna uga barto khibradaha dalalka horumaray, waxayna gacan ka geysan doontaa xoojinta caafimaadka dalka iyo dhisidda nidaam caafimaad oo tayo sare leh, lana jaanqaadaya caalamka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Ka hor qadada, Wasiirka iyo wafdiga AUSSOM ayaa salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal qof Masaajidka Cali Jimcaale ee caasimadda.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay La-taliyaha Amniga Qaranka, Mudane Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, Ku-xigeenka Wakiilka AUSSOM iyo mas’uuliyiin kale.

    

Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax oo uu wehlinayo Agaasimaha Waaxda Tamarta Eng. Cabdifitaax Abshir Ibraahim, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, si ay uga qayb galaan shirka Wasiirada Afrika ee Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka oo dhacaya inta u dhaxaysa 2–5 Sept 2025.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay wafuud ka kala socday dhamaan Dowlaha Afrika ee xubnaha ka ah Isbahaysiga Caalamiga ee Solarka, iyadoo Soomaaliya uu si rasmi ah ugu matalay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa inta lagu guda jiray maalmaha shirka socday booqasho ku tagay xarunta “Africa Largest Rooftop Solar System” oo koronta siiya aagga Warsahadaha magaalada Accra.

Ugu dambeyntii, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa kulan doceed la yeeshay Agaasimaha Guud ee Isbahaysiga Solar Caalamiga, waxay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta Soomaaliya iyo ISA dhanka koronta gelinta goobaha ka fog magaalooyinka iyo isticmaalka Tamarta Solarka dhanka wax soosaarka “Solar for Productive Sectors”.

Taliyaha Ciidanka Badda oo sagootin u sameeyey Saraakiil u baxday Waxbarasho dalka Dibediisa ah

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, kuwaas oo u baxay dalka dibaddiisa si ay u qaataan waxbarasho heerar kala duwan ah.

Intii lagu guda jiray kulanka, General Cabdiwahaab ayaa saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee loo diray, isla markaana aqoonta iyo xirfadaha ay kasbadaan dib ugu soo celiyaan Qaranka iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.