Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedeysane dhaawac u geystay wade Mooto Bajaaj

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Zope ee magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Soomaalyeed, ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 Barqanimo, Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Waaxda General Daa’uud, agagaarka laami yaraha Zobe lagu dhaawacay, Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj M9C 398, Wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu degganaa degmada Warta nabadda, waxaana gar gaar Caafimaad u fidiyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirweynaha xalka waara ee heer Qaran oo galay maalintii labaad

Waxa Maalinti Labaad Magaalada Muqdisho ka socdo Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran, kaas oo uu halku-dhiggiisu yahay Tayeynta iyo isku-dubbaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal horumarineed.

Shirkan oo ay goob joog ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS, qaar ka mid ah Wasiirrada Qorsheynta Dowlad goboleedyada dalka, Madax ka socota Safiirrada dalalka midowga Yurub ka jooga Soomaaliya’ xubno ka mid ah QM iyo Urur goboleedka IGAD’ ganacsato iyo Ururrada Bulshada rayidka ayaa ujeedkiisu yahay sidii xal loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool Soomaaliya.
Qorshahan ayaa wax weyn ka tari doona maareynta kaalmada Bini’aadannimo ee tooska ah, kaas oo yarayn kara baahiya joogtada ah ee dadka barakacayaasha ah.

  

Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Awqaafta oo sheegay in khawaarijtu ay gaajo ugu dhimanayaan keymaha

Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegey in guulaha ay dagaalka ka gaarayaan ciidanka xoogga dalka iyo shacabka ay sababtay in Khawaariijtu ay naftooda ula cararaan duurka fog oo gaajo iyo harraad ay ugu dhintaan.

Mudane, Yaxye ayaa intaasi ku daray in khawaarijtu ay markii hore gabbaad ka dhigan jireen shacabka, iyaga oo dhac , boob iyo dhibaatayn joogto ah ku hayay dadka masaakiinta ah, taas oo sababtay in shacabku ka hor yimaadaan isla markaana ay waayaan meel ay ku dhuuntaan.

Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa dowladda Soomaaliyeed usoo jeediyay in la dejiyo qorshihii loo wajihi lahaa godadka iyo dhufeysyada ay khawaarijtu ka samaysteen keymaha dhexdooda maaddaama looga adkaaday weerarrada tooska ah.

Wuxuu ku taliyay in loo diyaariyo qorshe ballaaran, iyadoo la kaashanaya qubaro ku xeeldheer dagaalka godadka ee howdka si loo yareeyo qasaaraha ka iman kara, isagoo tilmaamay in haddii la fududeysto ay suurto gal tahay inay iska soo abaabulaan keymaha iyo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.

Ciidanka XDS iyo dadka deegaanka ayaa in dhowaalaba firxadka Khawaarijta ugu dhaadhacayay godad dhaadheer oo ay ka qoteen dhulka howdka ah ee Galmudug iyo Hirshabeelle, markii looga awood roonaaday dagaalka tooska ah.

Kulan sagootin ah oo xalay muqdisho loogu sameeyay wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee XFS, Abshir Jaamac Huruuse ayaa sheegay in xalay ay kulan casho sagootin ah u sameeyeen wafdi ka socday ururka Iskaashiga waddamada Islaamka oo soo  gabagabeeyay booqasho sadex maalmood ah oo ay dalka ku joogeen, iyagoo intii ay dalka ku sugnaayeenna booqday xarumo dowladdeed oo kala duwan.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda sar sare ee dalka, iyagoo u kuurgalay saamaynta ay reebeen abaarihii dalkeenna ka dhacay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso ay ka mid yihiin taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen iyo in Soomaaliya loo muujiyo garab istaag dhab ah.

“Qodobada ugu muhiimsan ee ajandaha shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda  wadamada Islaamku ku yeelan doonaan waddanka Muritaaniya bisha soo socota ee Maarso waxaa ka mid ah taageeridda dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen”.

       

Duqa Muqdisho oo sheegay in xabsiga la dhigay ciidankii rasaasta ku furay Guddoomiyaha Yaaqshiid

– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in xabsiga la dhigay oo sharciga la horkeeni doono ciidankii ku qornaa Isgooska Siinaay ee rasaasta ku furay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Sulaymaan Faarax oo dhaawac soo gaaray.

Mudane, Madaale oo warbaahinta kula hadlay halkii ay shaqaaqadu ka dhacday ee isgoyska Siinaay ayaa intaa ku daray in xubnaha ay u qabteen falka sababay dhimashada iyo dhaawaca ay ku wareejiyeen laamihii u xilsaarnaa ee baarista iyagana ay ka war sugayaan.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa tacsi u diray shacabkii iyo ciidankii ku waxyeelloobay is rasaasayntii ka dhacday halkaasi.

Ukraine: Ma jirto calaamad muujinaysa in Shiinuha uu Hub siiyo Ruushka

Madaxa sirdoonka Ukraine Kirillo Budanov, ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta, in aaysan jirin wax muujinaya in Dowladda Shiinuha ay dooneyso inay Hub siiso dhigeeda Ruushka.

Kirillo Budanov, ayaa sida muuqato Wareysigan ugu jawaabayay hadaladii dhawaan ka soo baxay Mareykanka ee ku saabsanaa in Shiinuhu uu doonayo in uu hub siiyo ciidamada Ruushka, si ay ugu kaashadaan duulaanka Ukraine.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Mareykanka 25-kii bishan, ayuu Kirillo Budanov, ku yiri “Waqtigan xaadirka ah, uma maleynayo in Shiinaha uu aqbali doono in Ruushaka uu siiyo Hub, si uu ugu kaashado dagaalka nagala dhaxeeya.”

Midowga Yurub iyo Dawladda Britain oo ka heshiiyay muran soo taxnaa in muddo ah

Midowga Yurub iyo Dawladda Britain ayaa heshiis cusub ka gaaray muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midawga Yurub.

Ra’iisul wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo, kaasoo ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain.

Heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo wajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub.

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda ururka iskaashiga Islaamka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda ururka iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Maxamad Aldobeay.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo DanjireYuusuf ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta, waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Yuusuf Maxamad Aldobea oo Ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka ay muddada dhibaateynayeen argagixisadu.

       

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka oo la kulmay safiirka Qatar

Gudoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Qatar danjire Cabdalla bin Saalim Al-nucaymi.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaarada dowladda Qatar ee Muqdisho ayaa looga hadlay doorka dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ee la tacaalida arrimaha abaaraha, gargaarka iyo mashaariicda hormineed ee dalka ay ka wadaan sidii loo laba jibaari lahaa, loona xoojin lahaa garab istaag shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale hay’adda SoDMA ayaa dowladda Qatar iyo safiirka ka dalbatay in ay ka caawiyaan hay’adda hormarinta Xarunta gurmadka degegga oo ah xarun ka shaqeeysa xaaladaha guud ee u baahan in si deg deg ah jawaab looga bixiyo, una noqon lahayd mid la jaan qaada xarumaha gurmadka degegga ah ee kale ee geeska Afrika ka jira.

Dowladda Qatar iyo hay’adeheeda ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada ayaa muddo dheer ka shaqeynayey Soomaaliya, iyagoo dadaal badan geliyey la tacaalidda arrimaha abaaraha iyo mashaariic horumarineed oo bulshada wax ku ool u ah.

Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Cabdalla bin Saalim Al-nucaymi ayaa sheegay xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Qatar iyo dowladda Soomaaliya inuu yahay mid wanaagsan oo soo jireen ah, sidoo kalan xusay in Qatar mar walba dalka Soomaaliya kala qayb qaadan doonto wax ka qabashada xaaladaha adag ee bini’aadanimo ee dalka jira.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha SoDMA muadane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa dowlada Qatar kaga mahadceliyey garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda maadama ay dalka jirto xaalad adag oo bini’aadanimo.

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Uganda uga qayb galaya shirka xeer ilaaliyaasha bariga Afrika

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay shir sanadeedka 10-aad ee ururka xeer ilaaliyaasha bariga Afrika oo ka dhacay dalka Uganda.

Waxaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ka furaymay shir sannadeedka 10-aad ee ururka xeer ilaaliyaasha bariga Afrika oo sanadkan ay marti galineyso dowladda Uganda.

Shirkan oo ay ka qeyb galayeen dolwdaha xubnaha ka ah urur gobaleedka xeer ilaaliyaasha bariga Afrika(East Africa Association of Prosecutors ) ayaa dowladda Soomaaliya oo shirka lagu casumay waxaa ku matalaya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Dr Suleymaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Soomaaliya ahmiyad gooni ah u leedahay ka qeyb galka shirkan, asigoona xusay in shirka lagu soo bandhigay sida wadamada ku bahoobay ururkan u kala faa’ideysan lahaayeen tababarada qibradaha shaqo iyo la dagaalanka dadka danbiyada geysta.

Urur goboleedka xeer ilaaliyaasha bariga Afrika ( East African Association of Prosecutors ) oo ay ku mideysanyahiin ilaa iyo 11 wadan ayaa la filayaa in dhawaan ay ku biirto dowladda soomaaliya, waxaan hadda muuqaneysa in laamaha kala duwan ee dolwadda lagu casuumayo shirarka sanadlaha ah ee urur goboleedyada kala duwan ee bariga Africka.