Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadka todobaadkan oo qodobaysan.

1-Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso in degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3-Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4-Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5-Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6-Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7-Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8-Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9-Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11-Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12-Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15-Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16-Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arrintaas ku saabsan billowday.

Xafiiska Xeerilaalinta Qaranka oo War-saxaafadeed kasoo saaray xarigga wariye Cabdalla Muumin

Xafiiska Xeerilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray xarigga wariye, Cabdalla Axmed Muumin

Maraykanka oo 5 milyan oo dollar dul dhigay afhayeenka khawaarijta

Dowladda Maraykanka ayaa shan milyan oo dollar u ballan-qaadday cidii keenta xog sahlaysa dilka ama soo qabashada afhayeenka khawaarijta Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali dheere).

War kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Cali dheere oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka argagixisada Al-shabaab, sidoo kalena ah afhayeenka guud ee khawaarijta uu ku lug lahaa qorsheynta weerarro argagixiso oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya.

Weerarradaasi ayaa lagu sheegay in lagu dilay kumanaan qof oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan muwaaddiniin Maraykan ah, kuwaasi oo ku sugnaa Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.

Horjooge sare Cali dheere iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka khawaarijta ayaa dhowr goor la dul dhigay lacago kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu guuleystay in la dilo kuwo kalena ay weli ku jiraan dhuumaaleysi.

Xafiiska Xeerilaalinta Qaranka oo War-saxaafadeed kasoo saaray xarigga wariye Cabdalla Muumin

Xafiiska Xeerilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray xarigga wariye, Cabdalla Axmed Muumin.

axqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadkan.

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay waxqabadka todobaadkan oo qodobaysan.

1-Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso on degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3-Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4-Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5-Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6-Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7-Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8-Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9-Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11-Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12-Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13-Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15-Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16-Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arrintaas ku saabsan billowday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kormeeray Isbitaalka weyn ee Degmada Balcad

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa kormeeray Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka weyn ee Degmada Balcad.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan xubno ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u kuurgalay baahiyaha kala duwan ee ka jira Isbitaalka weyn ee magaaladda Balcad.

Xildhibaan, Xasan Maxamed Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka Hirshabeelle kana mid ahaa wafdiga guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo hay’adda SOS oo gacan ka geystay hirgelinta Isbitaalka, wuxuuna sidoo kale bogaadiyay doorka isku tashiga ah ee ay ka qaateen bulshada degmada uu isagu matalo ee Balcad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle inay gacan buuxda ka geysato sidii loo tayayn lahaa Isbitaalka magaalada.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ballan qaaday inuu gunnadiisa qeyb ka mid ah u qoondeyn doono taakuleynta Isbitaalka weyn ee degmada Balcad, isagoo ku boorriyay madaxda kale ee Hirshabeelle inay kaalintooda qaataan

“Waxaan ballan qaadayaa bil walba in qaaraan ka go’o gunnadeyda aan kusoo dari doono Isbitaalka”.

Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka oo horjoogeyaal Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Gobalka Hiiraan

Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi.

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal ay ku raad joogeen Sirdoonka Soomaaliya kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaasi taagnaa gaariga meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo khawaarij ah.

Waxaa howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi, sidoo kale waxaa howlgalkaan lagu dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwa joogay halka uu howlgalka ka dhacay.

Howlgalkaan oo dhacay galabta abaaro 4-tii galabnimo, ayaa waxaa wali socda qiimaynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal

Safiirka Soomaaliya ee dalalka Sacuudiga, Baxreyn iyo Jordan,  Danjire Saalim Xaaji ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Mudane Dr. Hisham Al-Jadhei, Madaxa Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka Sucuudiga.

Kulanka oo ka qabsoomay xarruunta dhexe ee hay’adda ayaa labada mas’uul kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Safiirka ayaa dowladda Sacuudiga uga mahad caliyay ka qeyb qaadashada dadaalada lagu horumarinayo dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan kula kulmay Mudane Dr. Hisham Al-Jadhei, Madaxa Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka Sucuudiga ee xarunta dhexe hay’addaasi.

Intii uu kulanka socday waxaan uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha xayiraadda uu ka qaaday Hilibka Xoolaha Soomaaliya, iyadoo ay ii dheertahay in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka labada dal iyo ka wada xaajoodka arrimaha danta guud” ayuu yiri Danjire Saalim Xaaji.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo Safaaradda Shiinaha kala wareegtay gargaar loogu talo galay dadka danta yar

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa maanta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegtay gargaar loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee danta yar.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa deeqdan raashinka ah kala wareegay qunsulka safaaradda Shiinaha ee Muqdisho iyo mas’uul kale oo ka socda safaaradda.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad caliyay Dowladda Shiinaha gargaarka, isla markaasna la gaarsiin doono dadka loogu talagalay ee danta yar.

Qunsulka Safaaradda Shiinaha ayaa sheegay in ay markasta u garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, markasta ay wajahayaan xaalad adag.

Dowladda Soomaaliya oo saanad ciidan kala wareegtay Maraykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saabad ciidan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa saanadda ciidan kala wareegay , Mr; Tim Trenkle oo ah sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Mudane Jaamac ayaa dowladda Maraykanka ugu mahadceliyay taageerada hagar la’aaneed ee ay u fidiyeen Ciidanka xoogga dalka, xilli xasaasi ah oo ay dowladda iyo shacabkuba ku jiraan dagaal ka dhan ah khawaarijta.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa taageeradan saanadda Ciidan ah ku tilmaamay mid muhiim u ah la dagaallanka khawaarijta.

Taliyaha ayaa xusay in taageerada Maraykanku aysan ahayn saanaddan ay maanta keeneen oo keliya balse ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dagaalka lagula jiro Khawaarijta.