Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo ansixiyay Qorsha Guud ee Baarista 2023 ee la xiriira sannad-maaliyadeedka dhammaaday

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta ansixiyay Qorsha Guud ee Baarista 2023 ee la xiriira sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31 Diseembar, 2022 kaasi oo qeexaya baaxadda iyo nuucyada baarista la qorsheeyay in la sameeyo.

Qorshahan oo ku salaysan lafa-gur ballaaran oo lagu sameeyay qiimaynta khataraha ayaa la filayaa inuu halwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ku gacansiiyo in ay si hufan oo qorshaysan u gutaan waajibaadka Hantidhawrka.

Baaritaannada kala duwan ee la qorsheeyay sannadkan ayaa waxaa ka mid noqon doona:

  1. Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga (Compliance Audit);
  2. Baarista Warbixinta Maaliyadeed (Financial Audit);
  3. Baarista Waxqabadka (Performance Audit);
  4. Baarista Tiknoolojiyadda (Information Systems Audit); iyo
  5. Baaritaanno gaar ah (Special Audits).

Baaritaannadan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya dadaallada lagu adkaynayo isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dawlad wanaagga.

 

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shir looga hadlayo ka hortagga biyo yaraanta

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo Beesha Caalamka, ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.

Mudane Salah Jama oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Khawaarijtu oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

    

Duqa Muqdisho oo u digay Askarta caadeysatay dhibaataynta shacabka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal, Sulub Axmed oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa war rasmi ah kasoo saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa digniin adag u diray askarta caadeysatay dhibaateynta Shacabka, wuxuuna wax lama filaan ah ku tilmaamay laamihii ammaanka ee laga sugaayay inay shacabka badbaadiyaan inay isla ayagii dilaan ama dhaawacaan.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal, Sulub Axmed ayaa sheegay inay suulin doonnaa askarta ka shaqeynaysa dhibaateynta Shacabka, wuxuuna ballan qaaday in kuwa la qabtay la horgeyn doono caddaaladda.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu dambayn sheegay inay mas’uuliyiintu u bislaadeen wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, taasoo keentay in aysan jiri doonin cid loo jixinjixo, wuxuuna ciidama qeybahooda kala duwan faray inaysan ku degdegin xabbadda.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta oo tababar u furay Ducaadda iyo Imaamyada

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho uga furay Ducaadda iyo Imaamyada tababar ku saabsan habka gudbinta farriimaha Wacyigelineed ee la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

Tababarkan oo socon doona mudo shan maalin ah ayaa Ducaadda iyo Imaamyadda lagu barayaa xirfadaha la xiriirka fariin gudbinta, istiraatiijiyadda warbaahinta, amnul fikriga iyo taxliilinta fikradaha Khawaarijta.

Wasiir Sh. Mukhtaar oo hadlayay ayaa yiri: “Tababarka aqoon isweydaarsiga ah ee khuburadda nala joogta ay bixinayaan waxaa culimadda lagu barayaa habka ugu haboon ee loo kala dhantaali karo afkaaraha kooxaha Khawaarijta”.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa si rasmi ah ufuray tababarka, isagoo kula dardaarmay Ducaadda iyo Imaamyadda in ay ka faa’iideystaan aqoon isweydaarsiga.

Soomaaliya iyo waddamada saaxiibka la ah oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cali Cumar iyo La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa waxay magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmeen saaxiibbada muhiimka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wakiillada dalalka Qatar,Turkey, UAE, UK, US, waxayna soo saareen bayaan wadajir ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dagaalka dowladda Soomaliya kula jirto kooxaha khawaariijta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dastuurka.

Dalalkan ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada, amniga caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtiga ku habboon ee gargaarka la gaarsiiyo meelaha la xorreeyay.

Waxay sidoo kale go’aansadeen inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta si Golaha Ammaanka uu si buuxda uga qaado xakameynta hubka ee Soomaaliya.

Bayaanka wadajirka ayaa waxa walaac looga muujiyey dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen abaaraha, iyadoo la qorsheeyey in kulanka midkan xiga lagu qaban doono dalka Qatar ka hor dhamaadka bish May.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka socotay ururka Iskaashiga Islaamka March 1, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta kula kulmay caasimada Muqdisho mas’uuliyiin ka socotay ururka Iskaashiga Islaamka.

Mudane Axmed Macalim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiintan uu hoggaaminayay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee arrimaha siyaasadda ururka Iskaashiga Islaamka, Danjire Yuusuf Maxamed ayaa ka wada hadalay arrimaha badan oo ay ka mid yihiin howlgallada dalka ka socda, xasillinta, gargaarka banii’aadnimo, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn uga mahad celiyay ururka Iskaashiga Islaamka howlaha ay ka fuliyaan Soomaaliya gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo dul istaagay horumarrada xilligan ka socda Soomaaliya gaar ahaan dib u xoreynta, xasillinta iyo arrimo kale, waxaa uuna soo qaatay muhiimadda ay leedahay in ay gacan ka geystaan.

Dhankooda, Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa ay ballanqaad ka sameeyeen gargaar degdeg ah oo ay soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, waxaa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray bandhiga carwada Warshadaha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Bandhigan oo ay soo qaban qaabiyeen Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Warshadaha ka dhisan dalka, taasi oo loogu kaaftoomayo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddiyadda Warshadaha iyo Ganacsiga Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo daneeyeyaal kale ayaa kasoo qeybgalay Bandhigaan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha, waxaana ogolaatay 146-xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirin.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Duqa Muqdisho oo daah-furay soo bandhigista Cilmi-baarisyo laga sameeyay Caasimadda dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay soo bandhigista Cilmi-baarisyo laga sameeyay Caasimadda Muqdisho, ee uu soo qaban qaabiyay Machadka HERITAGE.

Cilmi-baarisyada ee uu soo bandhigay Machadka HERITAGE maanta ayaa diiradda saarayay dhinacyada kala ah heshiis siyaasadeedka magaalada Muqdisho ay ku dhisan tahay, Nidaamyada Magaalada, Amniga, Dhulka, Isku-xirka Dhalinyarada iyo Barakacayaasha.

Munaasabada soo bandhigista cilmi-baarisyadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka iyo Madaxda Machadka HERITAGE, Agaasimeyaal ka socday Wasaaradaha qaar ee XFS, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, Aqoonyahano iyo Marti sharaf kale.

Bola Tinubu oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Nigeria

Musharaxa xisbiga talada haya ee Bola Tinubu ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada lagu muransan yahay ee ka dhacday Dalka Nigeria.

70-jirka rug cadaaga ah ayaa helay 36% codadkii la dhiibtay, sida ay muujinayso natiijada rasmiga ah.

Ninka la tartamayay ee Atiku Abubakar ayaa helay 29%, halka Peter Obi oo ka tirsan xisbiga Labour-ka uu helay 25%.

Axzaabta kale ayaa goor sii horeysay ku gacan seyray doorashada oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah, waxayna dalbadeen in dib loogu noqdo doorashada.

Mr Tinubu waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu qanisan Nigeria, wuxuuna ololihiisa ku saleeyay dib u dhiska magaalada ugu weyn ee Lagos oo uu mar ka ahaa guddoomiye.

Mr Tinubu ayaa ku guuleystay inta badan gobollada Koonfur-galbeed ee uu ka soo jeedo, halkaas oo loogu yeero “Aabbaha siyaasadda”.