Golaha Wasiirrada XFS oo soo saaray go’aamo la xiriira muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.
     

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile World Congress oo ka furmay dalka Spain

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha wasaaradda isgaarsiinta & teknolojiyada,Axmed Cismaan Diiriye,kuwaas oo ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile-ka (Mobile World Congress),kaas oo maanta gelinka dambe la filayo in lagu soo gabagabeyo magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa mowduucyo kala duwan oo xiriir la leh horumarka adduunku ka sameynayo teknolojiyadda isgaarsiinta,waxaana ka mid ah waxyaabaha looga hadlayo ilaalinta xogta gaarka ee macaamiilka iyo saameynta teknoolijiyadda ballaarinta 5G,maalgashiga shabakadaha (network), siyaasaddaha hirarka iyo nidaaminta dhaqaalaha ku tiirsan xogta.

Maareeyaha Hay’adda ayaa inta uu shirka socday kulamo doceedyo dhowr ah la yeeshay masuuliiyin kala duwan oo qeyb ka ahaa wufuudda ka qeybgaleysa shirweynaha.

  

Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka “xubin-nimada ururka xeer ilaaliyaasha bariga afrika faa’iido weyn ayay Soomaaliya u leedahay”

Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay Shirka sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha bariga afrika ee  lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala ee Caasimadda Ugandha ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay muhiimadda Soomaaliya ee ku biirida Ururka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika.

Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya waqti wayn galineyso inay kamid noqota bulshada bariga Afrika xiligan, waxuuna sheegay in ururkan xeer ilaaliyaasha bariga afrika u qeyb ka yahay bahweynta ururka Bulshada bariga Afrika, waxuuna hordhac u siinoqoyaa ku biiridda Soomaaliya ee Bariga Afrika.

“Waxuu ururkan qeyb ka yahay bahwaynta Bulshada Bariga Afrika, waxuuna hordhac u sii noqonayaa ku biiridda Soomaaliya ay raadineyso ee bahwaynta bulshada bariga afrika, xubin-nimada ururka faa’ido weyn ayay dowladda Soomaaliya u leedahay, waxayna ka faa’ideysaa isdhaafsiga xogaha la xiriira dadka danbiliyaasha ah ee bariga afrika, tababarada xeer ilaaliyaasha iyo la dagaalanka dadka danbiyada geesta,”.

Urur Goballeedka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika oo horay ugu Mideyaanayeen 11 wadan ayaa hadda waxaa ku biiray Seddax wadan oo Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaan hadda muuqaneysa in laamaha kala duwan ee dolwadda lagu casuumayo shirarka sanadlaha ah ee urur goboleedyada kala duwan ee bariga Africka.

Isticmaalka baraha bulshada iyo saameynta ay ku leedahay dhallinyarada

Horumarka tiknoolajiyadda Casriga ah ayaa noqday mid cid waliba ay heli karto,in kasta dhibaato ay leeyihiin,haddana waa seef laba af leh oo dhan walbaa loo addeegsan karo.

Dhibaatooyinka marka laga soo tago faa’iido malaga helaa isticmaalka baraha bulshada oo ay aad u isticmaalaan dhallin-yarada 90% dunida oo dhan.?

Sida ay Aaminsan yihiin cilmi baarayaasha tiknoolajiyadda casriga ayaa sheegay in ay jiraan faa’iidooyin laga helo baraha bulshada ee Aduunyada casiriga ah waxaana ka mid ah in dadka qaar ayaa qaab Online ah wax uga barta baraha bulshada,in lagu daabaco cilmi baarsiyada oo laga hili karo,sidoo kale in aragtiyo ay isku dhafsadaan dadyoow kala afaf duwaan ama kala luuqaddo duwaan iyo in qaab dhijitaal ah loogu sameyo ganacsi oo ay kagag addeegtaan bulshada ku taxan isticmaalka dhanka internet-ka iyo in lagu soo bandhigo hal abbuuridda cusub ee ay dadku soo kordhiyaan..

Marka laga soo tago  dhanka faa’iidada waxaa jiraa in saameyn kale oo Aadanaha ah ay ku yeelaan karto ay jiraan isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ama u isticmaalka siyaabo khaldan oo ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kuwa nafsi ah, kuwo bulsheed iyo kuwa caafimaadba.

Dadka addeegsada baraha bulshada badankood waxa ay kala kulmaan caqabaddo saameyan ku yeeshah waxaana ka mid ah hurdo yaraan iyo hurda la’aan,Saamayn maskaxeed, Feejignaan la’aan iyo ka go’doomidda bulshada inteeda kale.

Baraha bulashada ayaa si deg-dega ah saameyn ugu  yeelaan kara hab dhaqankooda iyo niyadooda dadka caadaystaha isticmaalkooda maadaama  qoraallada  xun xun iyo muqaallo la soo dhigo mararka qaar ay door ka qaadtaan in ay sababaan niyad xumada ay ka qaadan dadka isticmaalaha waxaana ku abbuurma dareenkooda,walaaca iyo walwalka ayka dhaxlaan.

Marka aan ka Eegno dhanka dhaqanka ayaa ah hab  bulsho meel dagani unool yihiin oo ay isku afgartaan in ay ku ilaaliyaan habka labiskooda ,guurkooda,cuntooyinka ay dhaqanka u lee yihiin,is ixtiraamka iyo akhlaaqiyaadkooda dadnimo oo ayku dhowraa IWM.

Isticmaalo Baraha Bulshada gar ahaan qaab ka ay u isticmaalaan dhallinyarda intooda  badani waxa u ka soo horjeedaa dhaqanka suuban iyo diinteena islaamka,marka loo Eego casirga cusub ee aannu joogno.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo gaaray Qaahira

Qaahira:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Masar.

Soomaaliya oo markii ugu horeysay ku biirtay Ururka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika

Shir sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika oo labadii maalin ee ugu dambeysay ka socoday magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Shirkan oo ay ka qeyb galayeen dolwdaha xubnaha ka ah Ururka Goballeedka Xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika(East Africa Association of Prosecutors ) ayaa waxaa maanta si buuxda uga mid noqotay dolwadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya  ayaa codsatay 23-February ee sanadkan in ay ku biirto ururka xeer ilaaliyaasha Bariga Afrika, kaas oo muhiim u ah Soomaaliya.

Xeer ilaaliayaha guud ee qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qeyb galay Shirka sannadeedka 10-aad ee ururka Xeer ilaaliyaasha bariga afrika ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay muhiimadda shirka iyo waxyaabihii looga hadlay.

“Waxaa farxad weyn ii ah codsigii Soomaaliya ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka horay ugu soo gudbiyay Ururka la aqbalay, Soomaaliyana loo aqoonsaday in xubin buuxda ka tahay Ururka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika, xubin-nimada ururka faa’ido weyn ayee Dowladda Soomaaliya u leedahay, waxayna ka faa’ideysaa isdhaafsiga xogaha la xiriira dadka danbiliyaasha ah ee bariga afrika, tababarada xeer ilaaliyaasha iyo la dagaalanka dadka danbiyada geesta,”.

Urur Goballeedka Xeer Ilaaliyaasha Bariga Afrika oo horay ugu Mideyaanayeen 11 wadan ayaa  hadda waxaa ku biiray Seddax wadan oo Soomaaliya qeyb ka tahay, iyadoona Dowladda Soomaaliya qeyb ka noqonaysa ururada muhiimka ah ee ka jira gobolka Bariga Afrika.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen  Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

                 

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS oo Dooxa kula kulantay dhiggeeda Dowladda Qatar

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan mira dhal ah kula qaadatay wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar Sh. Dr. Faalix Bin Naasir Bin Cali Ala Thani.

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada wasaaradood oo abuuraya fursado wax looga qabto isbedelka cimilada, isla markaasna lagu caawinayo Soomaaliya.

Sidoo kale, Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa uga mahadcelisay wasiirka soo dhoweynta diirran ee uu xarunta wasaaradda ugu sameeyay, xogta iyo khibaradda uu la wadaagay.

        

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo waddo qorshe lagu horumarinayo mashaariicda dhallinyarada

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha ururrada dhallinyarada ee ka diiwaangashan Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hormuudka ururrada dhallinyarada la wadaagay qorshaha wasaaradda ee sanadkan iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna uga sheekeeyay gudbinta siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed oo dhowaan ay wasaaraddu qaban doonto iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa hay’adaha caalamiga ah oo kuwa Qaramada Midoobay ku jiraan dhowaan kala hadlay sidii mashaariicda magaca dhallinyarada lagu fuliyo ay wasaaraddu u hubin lahayd in ay gaareen dadkii loogu tallo galay iyo in mashaariicda dhallinyarada iyo qorshaha horumarinta qaranka la is waafajiyo.

      

Beesha Caalamka oo isku raacay in Dowladda Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabaab

Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya,Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Maraykanka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga, dowlad-dhisidda, horumarinta iyo mudnaansiinta arrimaha bini’aadantinimo.

Saaxiibada caalamka waxay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee Soomaaliya, taas oo diiradda lagu saarayo la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta awoodda.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sidii Soomaaliya la xoojin lahaa taageerada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab iyo u diyaar garowga ka bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya.

Wakiillada ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah, muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtiga ku habboon ee gargaarka xasilinta la gaarsiiyo goobaha la xoreeyay.

Waxay go’aansadeen inay taageeraan Dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta si golaha ammaanka uga qaado cunaqabateynta hubka.

Beesha caalamka ayaa taageeray geeddi-socodka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo dhammaystirka dastuurka.

Sidoo kale, Shirkan ayaa walaac looga muujiyay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood , waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada in ay u hoggaansamaan xabbad-joojinta, ayna oggolaadaan gargaarka bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn, miiska wada-hadalkana lagu dhammeeyo colaadda.

Kalanka ayaa sidoo kale, lagu muujiyay walaaca laga qabo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay abaarihii ugu darnaa ee Soomaaliya soo mara. iyagoo soo dhaweeyay taageerada caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha deg degga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato isbedelka cimilada.

Ugu dambeyntii, Beesha caalamka ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, la isuguna yimaado kulan kale oo ka dhaca magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bilood ee soo socota, si loo wada-hadlo, looguna qiimeeyo horumarka socda.