R/Wasaaraha XFS oo sheegay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmo-geydada ahayd ee ku dhimatay shilalkii ka dhacay Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha.

Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ka soo hoyeen xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayeen shacabka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midmino, amni iyo wadajir bulsho in laga wada shaqeeyo, isagoo ummadda Soomaaliyeed u duceeyay, Allaahna uga baryay in colaadda uu ugu beddelo nabad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday safaarada soomaaliya ee dalka masar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo madaxda sare ee Safaaradda.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Guddoomiyaha warbixin guud ka siiyay shaqada ay heeyso Safaaradda, waxaana uu tilmaamay in shaqada Safaarada ay horumarin ku sameeyeen, waxaana uu sheegay in juhdi badan lagu bixin doono sidii guul looga gaari lahaa hadafka dowladnimo ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gunnaanadka mas’uuliyiinta safaarada ku boggaadiyay doorkooda muhiimka ah ay ka qaateen u qareemida Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Masar iyo Jaamacada Carabta, isagoo ku dhiirageliyay in lasii laba jibaaro dadaalada horumarineed ee loogu adeegaayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Deegaanka XFS oo Qadar ku booqatay xarun lagu ilaaliyo dhirta iyo deegaanka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi oo howlo shaqo  ku joogta Dalka Qadar,ayaa booqatay jasiiradda Binghaanim oo ah xarun lagu ilaaliyo dhirta iyo noolaha kale ee naadirka ah.

Wasiirka oo ay la socdeen xubni ka tirsan wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Waxaa ay dalkaasi kula kulmeen wasiirka deegaanka Qadar Dr Saalix Bin naasir,kuwaas oo isla soo qaaday iskaashiga labada dal iyo sida loo horumarin karo mashruucyada la xiriira ilaalinta dhirta iyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi,ayaa tiri fursad ayeey inoo tahay in aan gaarno jasiiraddaasi oo ah xarun lagu ilaaliyo dhirta iyo deegaanka.

Khilaafka u dhaxeeya horjoogayaasha khawaarijta oo sii xoogeystay

Kadib kolkii khawaarijta looga adkaaday dagaalada ka socda gudaha dalka,waxaa sii kordhaya kala shakiga iyo khilaafka xooggan ee soo kala dhexgalay  horjoogayaasha khawaarijta ee eli ku sugan meello kamid ahdalka.

Kala shakigaan ayaa sababay in Xannibaad lagu soo rogo horjoogayaal badan,isla markaana la xakameeyo dhaqdhaqaaqooda,iyadoo sidoo kale loo loo diiday in ay wax xiriir ah la sameyaan xaasaskooda iyo kuwa kale ee la shaqeeya.

Horjoogayaasha khawaarihta ee la tilmaamay in ay ku jiraan go’doonkaasi, ,waxaa kamid ah  xasan afgooye , Farxaan kaahiye, Nuur dheere , Ismaaciil cosoble , Macalin jiinoow iyo Muuse muhaajor oo ka soo jeeda dalka Kenya.

Dhammaan dhagarqabayaashaasi ,waa kuwo shacbiga Soomaaliyeed u geystay arrimo ay kamid yihiin barakac,dil,boob hanta  iyo kuwo kale oo wiiqay horumarkooda.

Illaa hadda majiraan wax safar ah ama isu socod ah oo ay sameyn karaan kooxaha khawaarijta,gaar ahaan kuwa horjoogayaasha ah ee abaabula dagaalada lagu qaado shacabka.

Xildhibaan Maalik Cabdala “Shacabka muqdisho waa inay ka foojignaadaan halista Argagaxisada”

Xildhibaan Maalik Cabdala oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in laga adkaaday kooxaha khawaarijta,isla markaana loo baahan yahay in la sii wado ciribtirka kooxahaasi oo dadka iyo dalka u diiday in la gaaro horumar buuxa.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in laga foojignaado kooxaha khawaarihta oo uu tilmaamay in looga adkaaday dagaalada,sidaa aawadeedna ay donayaan in ay gabbaad ka dhigtaan magaalada Muqdsiho.

Xildhibaan Maalik Cabdala,waxa uu ku taliyay in bulshada Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan dowladda ,gacanna ay ka geystaan soo qabashada kooxaha AL-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gudaha Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Boliiska oo Muqdisho ka fuliyay howlgal nabad sugid ah

Ciidamada Boliiska ee Dowladda ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu sugayey amniga ka fuliyay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalkaasi oo ay sameeyeen qeybaha ciidanka boliiska,waxa uu ka dhacay deegaanada dhaca bariga,bartamaha iyo galbeed Magaaalada Muqdisho.

Howlgalkaasi oo ay horkacayeen saraakiisha ciidanka oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Qeybta Guud G/Sare Macalin Mahdi ,waxaa lagu soo qabqabtay tiro dhallinyararo ah oo qaarkood la tilmaamay in ay ahaayeen kooxo burcad ah oo hubeysan iyo kuwo kale oo laga shakiyay.

Taliye ku xigeenka Qeybta Guud, Siciid Baryare oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa dalbaday in qeybaha bulshada ay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada iyo guud ahaan kan dalka..

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS oo Tuuniisiya uga qeyb galay shirka Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wafdi uu hogaaminaayay ayaa dalka Tuuniisiya kaga qeyb-galay shirka 40-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Carabta ee ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiiru Dowlaha ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, Wasiirada Arimaha gudaha Dalalka Masar, Sacuudiga, Qatar, Saldanada Cumaan, Tuunis iyo xoghayaha guud ee golaha Wasiirada arimaha gudaha carabta.

Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa sanadkaan xooga lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagaxisada, kahortigada daroogada iyo qulqulka dadka ee sharci darada ah/

 

Taliska Booliska oo sheegay in Muqdisho lagu qabtay nin ku eedaysan dilka Bajaajle

Ciidanka booliska ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka wiil Bajaajle ah oo shalay lagu dilay meel u dhaw isgoyska Jubba ee dagmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidanka oo gacanta ku hayey baaritaanka kiiskaasi ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedaysan dilka Bajaajlaha, caddaaladdana la horgeynayo.

“Gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa ninka falka dilka u geystay marxuumka Bajaajlaha ahaa, waxay ahaayeen saaxiibo mana aheyn askari ka tirsa ciidanka qalabka Sida, waxaana u gudbineynaa hay’adaha ku shaqada leh si Caddaaladda loo marsiiyo “ ayuu yiri Afhayeenku.

Wasiirka gaashaandhigga oo kormeer ku tagay deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka jubada hoose

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ugu tagay ciidanka ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubada hoose, kaas oo dhawaan laga saaray kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Wasiirka ayaa ciidanka u jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirri galin ah, kaas oo ku aaddan in hawlgal xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta uu ka bilaabanayo deegaanada Jubbaland oo dhan, loogana baahanyahay ciidanka qaybihiisa kala duwan inay si dhammaystiran ugu diyaar garoobaan.

Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa Khawaarijta u ahaa marin muhiim ah oo ay isaga gudbaan, ayna ka soo galaan dhaqaale baad ah oo ay shacabka ka qaadi jireen.

     

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka wasiirrada Amniga gudaha ee dalalka Carabta

Tuunis:- Wasiiru dowlaha wasaraadda amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada amniga gudaha ee dalalka Carabta kaas oo ka dhacay dalka Tuunis.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira kor u qaadista iskaashiga amniga, la dagalaanka dambiyada lagu geysto intertnet-ka, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wasiiradaha amniga gudaha ee dalalka Carabta.

Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah madaxda kasoo qeyb galay shirka isaga oo kala hadlay danaha Soomaaliya iyo sida la isaga kaashan karo dhinaca amniga.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka socday Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee Dambiyada (INTERPOL), Xafiiska Qaramada Midoobe ee la dagaalanka argagaxisada iyo madax kale oo ka kala socotay haya’addo kala duwan.