MAANDEEQ MAXAA LOO GOWRACAYAA?

Magaca Maandeeq marka lagu dhawaaqo xusuus badan ayuu leeyahay , dadka qaar waxay xasuusanayaan hashii maandeeq ee madiida aheyd ee geela ugu caano badneyd looguna magac daray tii maanka deeqday .

Marka la yiraahdo xagga siyaasadda waxaa loogu magacdaray xilligii xorriyadda hashaa la yiraahdo Maandeeq iyada oo looga faa;eynayo xasuusta gimeysiga iyo dhibtiisii loona dabaaldegayo farxadda xoriyadda iyo madaxbannaanida Ilaah uu siiyey ummadda soomaaliyeed .halgankooddina uu noqday mid miro dhalay si hiigsi iyo muuqaal la taaban karo.

Waxay dardaaran ka bixiyeen wadaniyintii iyo siyaasiyiintii MAANDEEQ in aan la gowricin maadaama naasaheedu caano nagu deeqaan in laga ilaaliyo gumeysiga iyo cadowga iyo kuwa shoisheeye kalkaalka ah oo laga yaabo in ay caloosha ka soo ridaan ama ay gowracaan.

In xorriyadda la adkeeyo aasaaskeeda iyo dhismaha guud laakiin waxaa caado u noqotay soomaalida waxna lala yaabana ah mar kasta oo la doonayo in wax la dhiso oo lagu jiro abaabul iyo isku xir meeshii aan wanaaagga gacan siin laheyn maamul dhisidda waddanka gudihiisa in ay qaar soo weeraraan degmooyinka qaar iyagoo dheeganaya in ay iyagu leeyihiin welibana ku dhasheen halkaas oo ay ka baabulaan dagaallo qax iyo kala carar.

Waxaa wax lala yaabo ah in dadka muslimka ah oo aad qaraabada iyo ehelka tihiin in lagu dhibaateeyo siyaasad meel kale laga soo xawilay iyo damac gaara ah , degmooyinkaas oo ay ku nool yihiin dad maato ah iyo kuwo tamar yar .

Waxaa wax laga xumaado ah in la galiyo qax dagaal , dano gaara  iyo siyaasado isdiidan degmooyinka ay ka dhacaan dagaalada kuwaas oo noqda kuwo uu dib u dhac ku yimaado, ma qaataan qoondada ay ku leeyihiin maamulka ay hoos tagaan kama faa’ideystaan nabadda iyo horumarka meeshaas laga rabo.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa cir marka uu da’ayo ayaa la doogtaa haddii aadan maanta ka faa’ideysan abaabulka loogu jiro waxqaybsiga iyo maamul u dhisidda waddanka , degmooyinka ay ka jiraan colaaaha kama qeybgalaan wax qeybsiga .

Hadaba haddii aad maanta ku aafeyso guluf been ah iyo siyaasado isdiidan ma maashid maandeeq waxna kama heleysid waxaadna gowraceysaa hashii la wada lahaa, calankeena iyo ciiddeenana waa kuwo u baahan iskaashi nabad iyo walaalnimo .

Haddii aan la sugin amniga maandeeq oo aan laga ilaalin bahalka dilaya cadow badan ayey leedahay waxayna cillad iyo dhibaato ku abuuri doontaa qeybta aad ka joogto waardiyaheeda gaar ahaan marka cadowga kuugu soo dhiibo waran , toorrey iyo baley af badan ee aad ka disho Meesha aad ka joogtay.

Sidaa darteed maandeq ha gowricin , dadkana meel ha uga dhicin oo yuusan kuu arag cadowga gudaha.

WQ: Abwaan C/kariim Axmed Gabayre

 

DILALKA AAN DHAMMAADKA LAHAYN EE KHAWAARIIJTA, BURCADDA IYO CIYAAL WEERADA

Adduunka maanta waxaa ka soo haray ammakaag iyo af kala heyn, waxa socda waxa aan horay loo arag oo mucjiso ku noqday dunnida gaar ahaan dalkeenna soomaaliya

Nin adduunyo joogow maxaa weli aragti kuu laaban, ammaan faraha ka baxay oo middaan ka daran horay nooma sooma marin, dilal dhan walba ah oo habeen iyo maalin si iskugu mid ah u dhacayaa oo miyi iyo magaalo kala lahayn, sow wax lala yaabo maahan?

Waxaan maqli jiray adduunyo gaddoon iyo aakhiro samaan, war dadka xaggee loo gurayaa oo lagu wadaa, haddeyse sidan iskaga socoto dalkan yaa u hari doona waa yaabe, war yaa dadka laynaya?

Yaa mas’uuliyaddeeda qaadanaya dadkan maalin waliba ay dileyso gacan ka xaqdaran, mase la ogyahay gacmaha wax dilidda u bartay inaysan marnaba joogsaneyn?

Haddaba, waxa dadka dilaya waxay isugu jiraan dhowr nooc oo midba midka kale ka daran yahay, dadkiina waxay noqdeen xayawaan iska daaqaya oo maalin waliba xeyn la dilanayo, waana arrin uur ku taallo nagu reebtay dil aan cid loo raacanayo lahayn oo waa baareynaa iyo waan daba joognaa un ku soo afjarma.

Gacmaha dadka dilaya waxaa ugu horreeya argagixisada khawaariijta oo aan geedna ugu soo gabaneynin inay wax dilaan, waxaa ka laba ah Burcadda hubeysan oo meel walba u fariisatay bulshada ku baada ku furta, ku kufsada kuna dila iyagoon cidna uga baqeynin sidoo kale

Kuwa marqaanka iyo qamarjinimada ku fogaatay oo si gaar ah u dila haweenka iyo caruurta, ama ha qabo ama yuusan qabinee u diyaarka ah inuu laayo haweenka iyo caruurta, waana cadowyada haatan muuqda oo miiska saran.

Marka haddaan u soo laabanno maxay waxaan oo dhan u dhacayaan dalka miyuusan lahayn ciidammo amniga u qaabilsan waa su’aasha kowaad ee qof waliba hor iman karta.

Haddaba, dalka waxaa jooga ciidammo ku filan inay sugan amniga habeen iyo maalin, balse hasha maankeyga gaddayee ma miinsaar bay liqday baa Meesha ka muuqata.

Haddii qof waliba uu af tirtirasho ka dhigtay amaanka, haddana dadku la’anayaan Bal adiga maanso ka tiri, maxaa kalifay meel dowlo joogto oo ciidamo ka howlgalayaan in dadka lagu dilo si bareer ah.

War soomaaliyeey runta isu sheega oo fadhiga ka ka kaca oo amnigiina sugta, badalmaa aad isku haleyn lahaydeen cid kale oo danaheeda ku mashquulsan.

Amaanku kuma yimaado afka oo laga sheegto ee wuxuu ku yimaadaa howl gallo isdaba joog ah oo lagula dirirayo burcadda iyo balayaada kale oo dhan.

Sidaan horay u iri diinteenna macaanta badan arrintan meel ayay dhigtay oo ay iska taagtay, xaggana ma jirno xaggana ma jirnee sidee wax u jiraan.

Sow kuma habboona in dadka runta loo sheego oo la yiraahd iska difaaca, ama laga difaaco dhurwaayada u miranaya, ama maalinta cad kugu cunaya magaalooyinka dhaxdooda, sidan si maahan ee bulshada nabad gelyadooda iyo amnigooda hala sugo iyagaa dowlad loo yahaye.

Waan ogahay soomaalida runta iskuma jecla, laakin waa la sheegayaa haddey mudh ka qaraar tahayna.

Dabac aad u daran ayaa muuqda, howlgal yari ayaa sidoo kale muuqata, waxaana mudan in farta lagu fiiqo qeybaha kala duwan ee arrintan ku shaqada leh loona sheego inay dayacan tahay howshooda.

Haddey danta nagu qabasbtana mid mid ayaan u soo sheegi doonnaa, magaalada muqdisho iyo daafaheeda khabar iyo qeyla dhaanta ka soo yeereysa wax qabad ayay u baahan tahay ee uma baahna in dadka af lagu qanciyo.

Caddaaladda waxaan u sheegayaa in ay dhaqaaqo, arrimahan socdaa indho iyo dhego u yeelato, dadka ayaa wax lagu yahay, waxna loo yahay arrintan sida haloo dhaamo.

Nin wax dilaaya, waa in la idlaa, haddii kale inta kale ayuu dilayaa, waa hubaal inay dawo u tahay waxa socda ee umadda ka yaabiyay, dadku waxay leeyihiin waxaa dadka loo dilayaa oo laga faa’iideysanayaa kala guurka, waxaaba loo baahnaa in xilliga kala guurka si aad u daran loo adkeeyo amniga dalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa habboon in si dhaqso ah fadhiga looga kaco oo arrimaha haatan jira wax looga qabto, waayo qeylo fara badan ayaa yeereysa, degmo ilaa ka degmo ayaa dhawaaqeysa, dilal laga argagaxo oo alif dhaafay ayaa jira.

Arrintan waa in aan loo kala harin oo shacab iyo xukuumadda u diyaar garoobaan in ay bulshada hoostooda la gala baxay oo la guranayo ka difaacana kuwa u soo mara dhigtay feenashada hilbaha danyarta nolol la tacaalka ah.

Dalka Edatorial

 

SI LOO KALA BADBAADO WAY HABBOONAAN LAHAYD BAJAAJLEYDA IN LOO SAMEEYO JADWAL SHAQO

Bajaajta ama Tug-tugta waxaa soo saaro waddama badan oo ay ka mid yihiin Hindiya iyo Talyaaniga. Dadka ayaa hadba yiraahdo magac, oo waa ay magacyo badan tahay magacyadeeda waxaa ka mid ah:- Bajaaj oo ah Af qalaad, Dhugdhugleey, Tug-tug iyo kuwa kale oo goballada dalkaba looga yaqaanno.

Bajaajta ayaa leh faa’idooyin badan oo aan la soo koobi Karin, balse ay ka mid yihiin, in ay si dhaqso ah qof xanuunsan, daahsan ee dag-dagaayo ay goobta uu u baahan yahay ay dhaqso ku geeyneeyso.

Bajaajta waa dhaqaalo abuur oo waxa aya dalka soo galisaa dhaqaalo badan oo ay ka mid tahay tan cashuurta iyo tan dadka kaxeeyo ay qaataan.

Sidoo kale waxa ay kafaalo qaadaa haddii si wanaagsan loo adeegsado nolosha qoyska iska danyarta ah.

Bajaajta waxa ay shaqo abuur u noqotay dhallinta da’da yare ee dalkeena iyadoo ka joojisay tahriibka iyo waxyaabaha xun- xun.

Bajaajta dhallinteena kuwooda diyaarka u ah shaqada ayeey caawisay Dhanka kale, Bajaajta waxa ay leedahay qeeybo aan wanaagsaneeyn ama aan faa’iido lahayn yeelkeedase leh khasaaro, waxaana ka mid :- dhallinta kaxeeyso Bajaajta oo ah kuwo aad u yar tahay da’doodu oo aan qaadi Karin mas’uuliyadda dadka ay qaadaan, waddooyinka oo ay aad mashquul ugu dhigeen iyadoo dadka qaar ay ugu magac dareen buuxi meelaha bannaan.

Dhallinta kaxeeysa Bajaajta oo aan laheyn khibrad fiican taasi oo sababi karta in ay waxyeello ugeeystaan dadka maraayo waddooyinka iyo kuwa saaran Bajaajta, sidoo kale qibrad la’aanta waxaa ka mid ah in wadaayasha Bajaajta aysan kala aqoon dhinaca laga baaso gaariga kula isticmaalayo waddada oo sababi karto in uu halkaas shil ka dhaco.

Bajaajta dadka kaxeeyaa waxa ay u badan yihiin caruur oo sida ay doonaan u kaxeeyo, meeshii ay doonaana ku kaxeeyo, iyadoo taa laga duulayo ayaa loo bixiyay magaca ah Meelaha bannaan buuxi.

Bajaajta waxa ay fududeeysay dhaca loo geeysto dhallinyarada sida hablaha iyo wiilasha ka yimaado Jaamacadaha, Dugsiyada waxbarasho iyo kuwa gaarka ah, oo waxaa laga dhacaa Taleefoonnada gacanta ee ay wataan.

Dadk tuugada ah waxa ay sameeyaan inta Bajaajta soo qaataan ayeey Taargada ama aqoonsiga ka soo furaan ayeey ku dhacaan dadka dabadeedna iska caraaran adiga oo aanan aqoon meel aad u raacato meel laga leeyhay toona, sidaa darteed waxa ay fududeeysay dhaca iyo boobka loo geeysto dadka maraya waddooyinka Muqdisho.

Bajaajta waxa ay ka badan tahay xaddiga ay magaalada awooddo in ay qaaddo, waddooyinkii oo yar iyo waddooyinka oo ballacoodu yar yahay Sidaa darteed, Bajaajtu waxa ay dhalisay mashquul farabadan iyo waddooyinka oo mar waliba isku xirma.

Ugu dambeyntii Bajaajto waxa ay leedahay faa’iidooyin badan iyo khasaaro aan ka dhicin. jadwal Way haboonaa lahayd Haddii loo sameeyo shaqo, oo labada gelin ah, waayo waxaa yaraan lahaa dhibaatooyinka ay geystaan, waxaana la dareemi lahaa cariiri la’aan, sida laga sameeyay magaalooyin badan oo dunida ka mid ah.

WQ: C/qaadir Maxamed Xasan (Sumar)

DHOWRISTA DEGAANKA WAA MID LOO BAAHAN YAHAY

Marka la eego sida loogu baahan yahay dhowrista degaanka iyo dhirta waa mid uusan ka maarmin noolaha oo dhan oo ku tiirsan dhirta .

Waxtarka geeduhu waa mid aad u sarreysa marka aan ka soo qaadno sida loogu isticmaalo nolosha adduunka waxaa laga helaa faa’idooyin isugu jira in la harsado oo cadceedda laga harsado, dugsi laga dhigto marka ay dabeylo kacaan.

Meeliba Meesha ay ka geedo badan tahay waa ka nimco iyo barwaaqo badan tahay waxaana laga helaa dhismaha gutyaha laga dhisto , daaqa xoolaha ay daaqaan si cad iyo caano looga helo, miraha laga gurto geedaha laftooda iyo dabka oo laga soo saaro siiba nooca madagta loo yaqaano.

Meeshii geeduhu ku yaallaan oo dhirtu ku badan tahay xilliga xagaayaha iyo roobabka dabaylo kama kacaan, eeliba Meesha ay ka deegaan wanaagsan tahay wey ka nolol wanaagsan tahay.

Dadka reer guuraaga ah waxay ku ootaan guryaha iyo xoolaha si aan dugaagu ugu soo dhicin waxaana harsada dadka, xoolaha iyo duurjoogta waxayna ka helaan nolol wanaagsan.

Xooluhu wey ku naaxaan Meesha degaankeedu marka uu roobsato xooluhu aad ayey ugu cayilaan waxaana laga helaa waxyaabo kale oo lagu nafciyo , xoolihii oo caano iyo subag badan laga helo iyo dadka oo aad ugu noolaada.

Degaanku waa mid aad faa’iido u leh marka la ilaaiyo , dad ayaase jira nabaadguur ku sameeya degaanka taasina ma aha arrin wanaagsan ee waxaa wanaagsan in loo ilaaliyo degaanka sida loo ilaaliyo xoolaha iyo beeraha sababtoo ah haddii aan geedo jirin lama helayo daaq wanaagsan iyo dhul bacrin ah waxaana dhulka ka soo saara macdanta iyo kheyraadka aadka u faraha badan waa geedaha iyo roobka , dhirtaas oo ah mid noocyo fara badan u kala baxda .

Qaar waxaa laga goostaa tiirarka guryaha lagu dhisto, alwaaxda iyo looxaanta kuwa laga sameeyo ,

Xagga magaalada waxay faa’ido u leedahay dugsiga degaanka si aysan dabaylo uga dhicin, xoolaha oo marka ya soo daaqaan lagahelo caano iyo hilib , dhuxusha iyo dhamaan tiirarka lagu dhiso guryaha carshaanta ah.

Xagga miyiga waxay ka helaan marka ay dhirtu barwaaqowdo xoolaha ayaa ku naaxa daaqa , xeryaha ayaa lagu oodaa si aan bahalku u cunin , beeraha ayaa iyagana lagu oodaa si aan duurjoogta iyo xooluhu u cunin.

Tiirarka iyo dhigaha aqalada ayaa la sameeyaa, meyraxdana waa laga diirtaa.

Si kastaba ha noqotee, geeduhu waa kuwa ugu nafciga badana adduunka waxaana dhibaato in dhirta la jaro ama la gubo oo la xaalufiyo degaanka.

Miyi iyo magaalaba waa kuwo aan laga maarmin oo ay si weyn ugu tiirsan tahay nolosha aadanaha waana in la ilaaliyo dhirta maadaama ay leedahay faa’idooyinkaas waaweyn ee aan soo sheegnay.

WQ:  Abwaan C/salaam Axmed Gabayr

CABSI XOOGAN OO LAGA QABO ROOB LA’ AAN MAR KALE

Soomaaliya sanadihii u danbey waxa ay ladaala dhaceysaa Roob la’aan baahsan taasi oo sababtay in kabadan laba milyan oo ruux ay k  barakacaan deegaanadii ay daganaayeen ayaga oo u soo barakacay magaalooyinka dalka halkaas oo ay Ka doonayaan in lala soo gargaaro gargaar dag dag ah oo ay ugu horeyso Biyo nadiif ah iyo Raashin lacuno sidoo kale Roob yarida waxa ay sababtay in kumanaan xoolo ah  ay u dhinteen baad iyo biyo la’ aan baahsan.

Shan xilli Roobaad ayaanan di’in wax Roob ah sidoo kalena xili roobaadkan waxaa laga cabsi qabaa in uusan Roob di’in waxaana ay noqoneysaa in Lix xilli Roobaad uusan Roob di’in sida ay sheegeen hay’adaaha caalamka oo digniino xooggan Ka soo sareen waxaana ay sheegeen in abaar xoogg leh ay ku dhufan doonto Gobolka Geeska Africa wadamo Ka tirsan qaarkood ay abaar xoogleh ay Ka jiraan sida Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Isbadal cimilada adduunka ayaa intabadan loo aaneeyaa Roob la’aanta soo noq noq day oo uu saameeyey wadamo badan oo tabar badan u laheen Ka hortaga abaaraha , gar gaarsiinta bulshadooda iyo degaameen siin cusub ay u sameeyaan bulshadooda.

Marka lajoogo Soomaaliya Roob la’aanta waa uu soo noqnoqday abaaro baahsan ayey bulshada Soomaaliyeed ladaalaa dhacayaan , xoolihii oo intabadan ay abaar leeyeen iyo barakac xooggan oo jira ayaa dalka Ka jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagu caawinaayo bulshada Soomaaliyeed ayada oo gaarsiineyso gar-gaar kala duwan barakacayaasha iyo dadka danta yar.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa bulshada caalamka u sheegeyso sidii ay ugu soo gurman lahaayeen bulshada soomaaliyeed ee ladaalaa dhacaayo abaaraha baahsan ee dalka ka jira ayaga oo gaarsiinaayo gar-gaaro kala duwan oo looga samata bixin lahaa abaaraha.

madaxweynaha jamhuuriyada federalka Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mahamuud ayaa magacaabay ergay gaar ah ee arimaha abaaraha mudan Abdiraxman abdi shakuur oo isla markiiba horay kabilaabay u kuur galida xaalada abaaraha dalka ka jira isaga oo tagay gobolada dalka intabadan waxaana uu sheegay ergeyga abaaraha in abaartu ay tahay mid halis ah laguna tilmaami karo masiibo qabaran.

Ergeyga abaaraha mudane abdirahman abdishakuur ayaa sheegay dad gaaraya laba milyan iyo inkabadan ay abaaruhu saameyeen waxaana ay kasoo bara kaceen deegaanadooda iyaga oo soo dagay hareeraha magaalada oo aysan ku haysan meel ay ku hoydaan iyo wax ay cunaan.

ugu dannbeyn bulshada soomaaliyeed waa bulsho boqolkiiba boqol muslim ah isna caawiyo ayaga oo caawinaayo midka aan wax haysan waana waxa kaliya ay dheeryihiin qoomiyadaha dariska nala ah.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Madaxweyne Xasan “Wajiga labaad ee dagaalka ciribtirka Khawaarijtu dhawaan ayuu bilaaban doonaa”

Kismaayo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Madaxtooyada ee Jubaland ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka in ay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta,dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale hoosta ka xariiqay in dhawaan uu billaaban doona Wejiga labaad ee dagaalka ciribtirka Khawaarijtu.

“Khawaarijtu markii ay waayeen awood ay ku hor istaagaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay qaateen siyaasad ay isaga hor keenayaan Qabaa’ilka soomaaliyeed iyo dowladdooda,waa in ka feejignaanaa dhagaraha cusub ee Khawaarijta.

Wejiga labaad ee dagaalka ciribtirka Khawaarijtu dhawaan ayuu ka billaabanayaa Jubbaland iyo Kuunfur-galbeed,waxaana rabnaa in waqti ka yar kii wejigii koowaad uu kusoo dhammaado.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Howlgal ka dhacay gobolka Jubbada hoose oo lagu dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo ay wehliyaan ciidanka darwaashiita maamul goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaannada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ku dilay tiro maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in 13 ka mid ah Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Aruuriyow Maxamed Cumar oo magaciisa Afgarashada yahay Axmed Sahal oo lagu dilay howlgalkaan.

  

Madaxweynaha JFS iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo si wada jir ah u Dhagax dhigay Waddada xiriirisa Kismaayo iyo Afmadoow

Kismaayo:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Axmed Maxamed Islaam ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay wadada isku xirta Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo ah wado laami ah oo dheerarkeedu uu yahay 120km.

Wadadan ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada iyo ganacsiga deegaannada kala duwan ee Jubbaland ay ka kooban tahay.

Wadadan oo wajigeeda koobaad dhismaheeda uu hada meel Wanaagsan marayo ayaa la qorsheyay in si wadajir ah ay dhismaheeda iskaga kaashan doonan Dowlada Federaalka ah iyo maamulka Jubbaland si loo yareeyo wakhtiga dheer ee ay qaadato isku socodka deegaannada kala duwaan ee muhiimka ay u tahay.

  

Guddoomiye Madaale oo ku booqday isbitaalka Digfeer dadkii dhibaatadu ka soo gaartay shaqaaqdii ka dhacday isgooyska Siinaay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku booqday dhaawacyadii iyo Ehelada marxuumiintii ku shahiiday shaqaaqadii 27/Februari/2023 ka dhacday isgooska Siinaay, waxaana dhaawacyadii uu booqday kamid ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Sulaymaan Fargax.

Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Madaale ayaa booqashadiisa isbitaalka Urdogan waxaa ku wehlinaye Guddigii uu u xilsaaray soo qiimeynta kiiskii ka dhacay Isgooska Siinaay ayaa ugu horeyn Ehelada marxuumiinta ugu tacsayeeyay musiibadii dhacday, isaga oo ku qanciyay in si deg deg ah loo aaso Maydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Isgooska Siinaay oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray talaajo si cadaalad loogu helo marxuumiintaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimaale Madaale ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 14-kamid ah askartii ku qorneed Isgooska Siinaay islamarkaana si deg deg sharciga loo horkeeni doono.   

Guddoomiyaha golaha Shacabka XFS oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan

Qaahira:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Qaahira ku booqday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Madaxweyne Cabdiqaasim uga warbixiyay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan ciribtirka kooxda Khawaariijta, isagoo sheegay in guulo badan la gaaray degaano badan na laga qabsaday argagixisada, dadaallada ay dowladu ugu jirto nabadeynta iyo horumarinta dalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta qaranka gaar ahaan dib u heshiisiintii KGS oo uu guddoomiyaha gar wadeen ka ahaa Isla markaana lagu guuleystay.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa boggaadiyay horumarka iyo is bedelka dalka uu gaaray isagoo Alle uga baryay inuu dalkeenna nabad ka dhigo, waxaana uu shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in la muujiyo midnimo iyo wadajir.