Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay howlgallada dib u xoraynta ee ay wadaan Ciidamada qaranka oo kaashanaya kuwa Jubaland,kuwaas oo laga gaaray natiijooyin wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka maamulka Jubaland ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dib u dhiska iyo horumarka oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Waan bogaadinayaa ciidamada qaranka iyo daraawiishta Jubaland guulihii ay kasoo hooyeen Dagaalkii ay shalay la galeen Khawaarijta. DFS waa ay sii xoojinaysaa doorkeeda howlgallada socda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay booqasho gaaban oo uu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland, wuxuuna muddada uu ku sugnaa halkaas kullamo mira dhal ah la qaatay madaxda Jubbaland, waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo uu kala hadlay horumarka socda iyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

KOOXDA KHAWARIJTA OO CAGTA SAARTAY WADDADII BURBURKA IYO GEERIDA

In ka badan 15 sana oo ay gumaad iyo ragaato ku hayeen shacabka soomaliyeed ayaa iska diiday inay ku sii jiraan dhibtani u diiday nolol iyo xasilooni intaba  , halganka iska xoreynta khawarijta ayaa kaso  bilawday  berriga  hiiran ayaana noqday mid gebbi ahaanba mid ku faafay  dhaman deeganada kale ee dalka taaso loola gol lahaa iska xoreynta khawarijta . Dadka deeganka ayaa gashaanka uduruuray kooxda diinta Islamka  sida khaldan u fahamtay  ee khawarijta ayagoo garab ka helaaya ciidamada qaranka soomaliyeed taasi waxay wiiqday  awoodda kooxdan u-nool daadinta dhiiga shacabka soomaliyeed   ayadoo in ka badan 100 degaan la  kala wareegay khawarijta oo 15 kii sano ay gacanta ku hayeen   . Muddo ka yar seddax bil gudahooda laga sifeeyay deegano fara badan.deegan kasta oo laga xorayee khawarijta waxaa daba socday  kaalin caawineed taaso oo ay dowladda federalka soomaliya uga talagashay dadka degan  goobaha la xoreeya  loo fidinayay gargar bini’adanimo   .

Golofkan colaadeed ee dhakan ah  khawarijta waxaa looga dilay  qaar ka mid  ah madaxdii ugu awooda badneed kooxda dheexda iyo tiro beel kale oo u adeegayaal ah  ,jabka ku dhacay khawaarijta ayaa sababtay in kooxda dheexda khilafka soo kala dhexgala ayagoo iska dilay dhowr khawarij . jabka haleelay kooxda ma ahayn  kaliya   mid naf wuuxu ahaa mid dhaqaalo iyo mid fikirba ,

dib u  doorashadii madaxweyne xasan shiek maxamuud ayaa wacad ku maray in  khawarijta laga ciribtiri doona guud ahaan dalka soomaliya  muddo kooban  ,Madaxweynaha oo dhawr jeer ka hadlay fagaaro kala duwan ayaaa ku dhawaqay dagal ka dhan ah kooxda khawarijta wuxuna ku tilmaamay kaliya in uusan ahayn mid  militiri  ee uu yahay mid dhaqaalo iyo fikir  intaba  .

waa maxay saddexda istaraajiyad  oo madaxweyne xasan sheikh ku dhawaaqay.

JABKA KHAWAARIJTA EE DAGAALKA MELITERIGA ,

Maalin walba waxa dhagaha shacabka soomaaliyeed soo gaaraya  warar farxad leh, khawarijta oo  niyad jab iyo halaag joogta ah la kulmiya waana wararka  laga soo  tabinaya goobaha dagalka ka socda oo khawarijta looga geynsanaya ciqaab daran oo keenta inay ka cararaan goobaha ayago aan dagal toos ah la galin ciidamada qaranka soomaliyeed.

Dagalka ka socda  deegannada dalka oo lix bil jirsadey ayaa weli laga kooxda khawaariijta aysan ka helin wax libin ah.

Ciidamada Soomaliyeed oo awoodahooda aan loo barbar dhigi karin midda khawarijta ee daciifka ah ayaa maanta maraysa meeshii ugu fiicneyd.

Waxaa muuqata khawarijta in looga awood batay dagaalka militeriga.

Doqaymo cir iyo dhul ah oo lala beegsaday dagaallameyaashii khawaarijta oo isa soo dhiibaya, khawaarijta  ayaa gebi ahaanba maanta adduunka laga ciribtiraya  mahad haka gartee waxaa guushan ku dhawaaqay madaxweynaha jfs iyo ciidamada qaranka soomaliyeed oo sida ay tahay u fuliyay awaamiirta madaxweynaha, halkaasna waxaa lagu wiiqay awooddii ay ku faani jirtay khawaariijta gabal koodi dhacay.

DAGAALKA KU DHISAN CAQIIDADA AMA FIKIRKA.

“khawaarijta manta soomaaliya joogta waa urur caqiido sheegta oo ku andacooda  laakiin waa koox maafiya ah oo dadka qalata”    Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qayb galaya shirka madaxda afrika iyo maraykanka ayaa eraydaan ku qeexay sida dowladdiisa ugu go’an tahay dagaalka fikirka ah oo ka dhanka ah kooxda khawarijta, Khawarijta ayaa diinta islaamka ka dhigtay gabaad iyo dahaar balse waxay sameeyaan wax kasta oo diinta Islaamka xarrimtay .

Goobaha lagala wareegay khawaarijta waxa laga soo sheegayaa wax ka ka fog dhaqan islaamka siiba goobaha lagu barto qur’aanka, iyagoo xiray dugsiyadii hore ee lagu baran jiray qur’aanka kariimka ah iyagoo ku tilmaamay in ay ahaayeen waxa meeshaasi lagu dhigi jiray inay yihiin quraafaad.

Culumaa u diinka soomaliyeed waxay ku tilmaameen arrinkaan mid ka baxsan islaanimada,culumaa u diinka soomaliyeed oo afar maalmood shir ku yeeshay  hoteel jaziira waxay bayaan ka soo saareen kooxda khawarijta siday islamnimada ugu fogyihiin.

Culimada waxay ku boorinayaan ciidamada qaranka soomaliyeed inay sii wadaan jihaadka lagu badbaadinayo shacabka soomaaliyeed ee abriyada ah.

Waxaa kaloo culamada sheegeen in Al-shabaab, Daacish iyo Kooxaha la midka ah ay yihiin cadawga diinta islaamka manta ka dibna aan loogu yeeri Karin magacyadaas ee loogu yeero khawaariij.

Dagaalkani waa jihaad qofkii ku dhintana waa shahiid, khawaariijtu qofkeyd dilaan waa ahlu janno kii dilaana waa ahlu janno.

Culimada iyo dowladda soomaaliyeed waxay mas’uuliyad iska sareen in dalkaan ay ka ilaaliyaan kuwa doonaya inay ku faafiyaan dii naan sal iyo raad toona lahayn oo lagu jahawareerinayo bulshada soomaaliyeed.

Dagaalka dhanka dhaqaale.

Isha dhaqaale ee khawaatijta ayaa ahayd mid ku dhisan baad ay shacabka ka qaadan jireen iyagoo si xoog ah uga aruurin jiray dibna ugu dhibaateyn jirey  qaraxyo gawaari laga soo buuxiyay ku layn jiray shacabka soomaliyeed.

khawaarijta ayaa bilkasta waxay dhaqaalo fara badan ka heli jireen ilo kala duwan dalka gudahiisa iyo dibaddisa, taaso keentay inay noqdaan koox dhaqaalo badan heysta oo ciidammana ku sameysta ayago ku fushanaya fikirkooda gurracan oo islaamnimda ka fog.

Dhaqaalaha ayaa sii wada keenana dagaal sii daba dheeraada balse khawaarijta oo maanta lagu baacsanaayo goballadda dalka oo dhan ayaa gebi ahaanba waxaa meesha ka baxay dhaqaalahii ay shacabka ka baadi jireen oo irrid walba laga soo uruurin jiray.

Marka la fiiriyo khawaarijta awoodda maaliyeed ee ay heystaan maanta waxaa ku yimid dhaqaalo burbur aad u baahsan ka dib markii dowladda soomaliyeed oo kaashanaysa shacabkeed amartay inay iska diidan baadda ay ka qaadi jireen, ciddii lagu arkana xabsi loo taxaabi doono, shacabkuna ay la soo wadaagaan laamaha amniga haddi ay farriin ugu timaado dhanka khawaarijta.

Dowladda Soomaliyeed ayaa ku guuleystay xanibaadda malaayin doolar oo ay khawaarijta ka baadeen shacabka lacag taaso ugu jirtay  Accountiyo, Bangiyada ay ku lahaayeen iyo telefonnada gacanta oo loo yaqanno Mobile Money Transfer.

Dalka Edatorial

 

 

KHAWAARIIJTA OO LA TUSAY XANUUNKA GEERIDA

Gulufka Ciidammada geesiyiinta xoogga dalka iyo soo ma jeesteyaasha xaq u dirirka dib u xureynta gobollada dalka oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee il-ma-aragtada ah ee saaxiibadda Soomaaliya ka caawiya ciribtirka argagixisada ayaa wacdaro tusay Khawaariijta arxanka daran ee la dagay dalka iyo dadka intaba.

Ka dib markii ay u diideen inay isku aaminaan bannaanka ayey waxay door bideen inay godad ka qotaan jiridda geedaha hoostooda, Soomaalidu waxay tiraahda “Naf yahay nin ku doonay ku waa”, khawaariijtu haddey saas u naf jecel yihiin maxay dadka beenta ugu sheegayeen oo jannaa naga horreysa u dhahaayeen.

Haatan waxaa la kala garan la’ yahay in khawaariijtu tahay dad ama dugaag, waayo dugaagta ayaa gasha gododka ilmahana dhigata.

Side qof bini’aadan ah ugu jiri karaa habeen iyo maalin god dhexdiisa oo hadday ogyihiin inay naftu sidan u macaan tahay maxay dadka abriyada ah ee aan wax galabsan u goynayeen nafafkooda

Waxaan u maleynayaa in hadda la kala bartay inay argagixisad nafta aad u jecel yihiin, balse mahelidoonaan meel ay ku nastaan waxaana taasi ka dhabeeyay ciidammada kala duwan ee ku howllan la dagaallanka Khawaariijta maxaysatada naf lacaariga ah ee hadda harkooda ka didaya.

Argagixisada haatan waxaa la tusay inta ay awooddoodu la’egtahay kadib markii laga wada xoreeyay dhulal ay muddo si xaq darro ah uga talinaayeen iyaga oo ku amar taakleynaya dadka shacabka ah ee ku noolaa deegaannadaas.

Khawariijta aan naxariista lahayn waxaa ku dhacay jab iyo halaag aysan ka soo waaqsan karin waxayna hadda isku dayayaan in ay meelaha wax ka soo tuurtuuraan ka dibna cararaan, markii ay isku dayaan inay is aruursadaan oo dhibaato geystaan waxaa hawada uga soo dhaca gantaalka ay adduunka ugu neceb yihiin ee diyaaradaha guuxooda aan la maqlin ee aan duuliyaha lahayn (Drones) taas oo haatan caalamka ka yaabisay.

Argagixisada haatan waxay u la’anayaan gaajo iyo oon ka dib markii loo diiday dhaqdhaqaaq badankoodana waa la go’doomiyay oo hadda waxay ka taagan tahay mar uun yaa idinka bixiya mushkiladdaan.

Waa dulmigii ay geysteen waxa laga gudayo waayo waxay wax badan ku been abuurteen oo dad ku laayeen magaca Alle iyo Qur’aanka Kariimka ah waxay suurad xumeeyeen ku dhaqanka diinta islaamka, dhaqanka suubban ee islaamnimada iyo xiriirka ay caalamka la leeyihiin.

Waxaa haatan dib u bilowday qeybtii labaad ee ciribtirka khawaariijta kaas oo si xoog iyo dardar leh uga socda gobollada mudug iyo galgaduud.

Khawaariijtu waxay fursad iyo kalsooni ka raadinayaan shacabka dhexdiisa balse abaal umaysan dhigan shacabka mana ka helayaan waayo xumaantii ay horay u geysteen iyo midda ay haatan wadaan oo ay ka mid yihiin weerarrada gaadmada ah iyo qaraxyada foleynimada ah ayaa meel u yaal.

Ciyaar Weerada ay haatan ku dhawaaqeen inay beegsanayaan iyagaa abuuray si ay Bulshada ugu diidaan hadhsi iyo hoyaad haseyeeshee hora loo yiri “Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og.” Bulshada Soomaaliyeed tiiha iyo tiiraanyada ay badeen mid ka go’aysa Quluubtooda ma ahan, wayna ka go’an tahay inay heeryada Arxan laaweyaasha ee Khawaariijta iska kor qaadaan iyaga oo garabsanaya Ciidanka Xoogga Dalka.

Waa hubaal Khawaariijta inay ka taagan tahay ba’ay iyo hoogay oo ay la’ yihiinna meel ay arrin ka billaabaan waana tan keentay inay kala shakiyaan oo ay is ugaarsadaan balse weli waxaa u furan inay Alle u towba keenaan bulshadoodana ka dalbaan cafis iyo saamax oo ay isa soo dhiibaan.

Dalka Edatorial

 

 

 

CIRIBTIRKA KOOXDA KHAWAARIJTA OO WAJIGIISII LABAAD BILOWDAY

Kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa maraya marxaladii u danbeysay ee nafbaxa ah taasina waxaa sabab u ah Ciidmada xoogga dalka qeybohooda kala duwan iyo dadka deegaaanka oo duulaan xooggan ku qaaday khawaarijta arxanka daran ee Alshabaab deegaanadii ay xoogga iyo gumaadka ku haysteen 10kii sano ee lasoo dhaafay.

Dabar go’a khawaarijta Alshabaab ayaa soo dadajisay tacadiyadii iyo dhibaatooyinka arxanka daran ee bulshada Soomaaliyeed ee ku haayeen sanado badan taasina waxa ay keentay in shacabkii ay kacdoon oo ay  heeryada gumeeysiga iskaga dul qaadeen waxayna shacabka iyo dowladda oo wada jira siiwada baacsiga kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ee gabalkooda dhacay.

Dadka deekaanka oo kaashanaayo Ciidmada xoogga dalka ayaa kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab Ka qabsaday deegaano badan oo ay heesteen tobonkii sano ee lasoo dhaafay , deegaanadaas laga qabsaday waxa ay Ka kala tirsan yihiin maamulada Hirshabeele iyo Galmudug oo laga ciribtiray kooxda naf la caariga ah ee khawaarijta Alshabaab.

Dhanka kale dowladda federaalka ayaa bilaabay wajigii labaad EE dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab deegaanada maamulka Koonfur galbeed oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab.

Diyaar garow ku aaddan wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta ayaa ka socda degmooyin ka tirsan gobolka Bakool, waxaana degmooyinka  Ceel-berde iyo Xuddur gaaray  taliyaha qeybta 60-aad iyo mas’uuliyiin kale .

Wafdi iskugu jira saraakiil ciidan iyo wasiirro ka tirsan Koofur Galbeed ayaa gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana ay la kulmeen ma’suuliyiinta maamulka iyo bulshada, iyaga oo uga sii gudbay dhanka degmada Ceel-barde.

Wajiga labaad ee ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa ah qorshe u dagsan dowladda federaalka uu hormuudka u yahay Madaxweynaha jamhuuriyada Dr Hassan Sheikh Mahamuuud oo Ka go’an ciribtirka iyo baab’inta kooxda naflacaariga ah ee khawaarijta ah ee Alshabaab.

Shacabka ayaa iyana dhankooda dadaal xooggan ogu jirta iska celinta iyo ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab oo dadka Soomaaliyeed ilhaano iyo dhibaatooyin badan oo tacadiyo ku jiraan u geesteen bulshada Soomaaliyeed taasi ayaa soo dadajisay ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay sii laba jibaarida ladaalanka ciribtirka kooxaha nabadiidka ah waxaana garab iyo gaashaan xooggan idin la garab taagan dowladda federaalka uu hormuudka u yahay Madaxweynaha jamhuuriyada Dr Hassan Sheikh Mahamuuud, Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare oo Ka go’an soo afmeerida ladagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.

WARGEYSKA DALKA

HAL MALLAAY OO KALIYA AYAA BADDA DHAN QURMIYA!

Waa hadal murtiyeed ay Soomaalidu ku maahmaahdo weerta kor ku tibaaxan oo maanta oo kale loo daliishan karo waxa ka dhacay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Mahmaadaan Soomaaliyeed waxay bulshadeena u adeegsadaan marka dad tira badan oo wada wanaagsan ay tiro aad u yar oo iyaga ka mid ah ay xumo ku sifoobaan ama ay gaystaan ha ahaato kas ama kas dhaaf mar walba waa danbi haba kala duwanaadaan.

 

Baryahan danbe waxaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho dilalka dirawallada Mooto Bajaajta iyo dadka shacabka ah ee ay u geysanayaan qaar ka mid Ciidanka dalka hase yeeshee waxaa barbar socda wax ka qabashada dhibtaas oo waxaa loo Maxkamadeeyay qaar ka mid ah edeysaneyaashii oo ay ku caddaatay inay geysteen dembigaas oo dil lagu xukumay tiirkana la geeyay.

 

Ma aha in ay indhaha ka fiirsadaan oo ay eegtaan, balse waa in ay gacan bir ah la isaga qabto wax ma garatadaas aan kala aqoon wax san iyo wax xun isla markaan iska horleexiyaan si aan dhammaantood loogu wada sheegin dad wada xun.

 

 

Qormadaan waxaan uga gol leeyahay waxaa jira falal aan horay loogu arag magaalada Muqdisho oo ay ku kacayaan maanta qaar yar oo ciidanka qalabka sida ka mid oo aan markoodii hore soo marin hannaankii ciidan xulashada ee rasmiga ahaa ee dhammeestirka tababar oo lagu bari jiray Shuruucda dalka, waajibaadkiisa iyo xuquuqda ay Bulshadu ku leedahay.

 

waxaan aragnaa dhacdooyin xiriir ah oo xanuun badan oo isugu jirta dil, dhaawac iyo dhac loogu geesto Bulshada ku nool Caasimadda dalka oo inta badan ay gaystaan kuwo isugu Mooriyaan, ciyaal weero iyo askar ku xadgudbay sharciga dalka.

 

Waa qowlaysato si uun ugu soo biirtay ciidanka Qaranka oo la moodo in lagu soo ababiyey fool xumaynta ciidanka qaranka, sababta oo ah ma habboona in marka horaba loo qoro ciidanka shaqsi fidra ahaan ahaan aan wax uun soo baran oo ku soo indha dilaacsaday xiliyadii fawdada iyo burburka oo kaliya yaqaan dil iyo is dil, oo tababar xiligiisa gaaban yahay lagu soo kala tusiyey hannaanka askarinimada iyo sida xabbadda loo rido oo aan loogu darin cidda laga ilaalinayo xabbadda iyo qoriga uu haysto iyo cidda loogu tala galay in uu ku rido maxaa laga filan karaa markii la soo istaajiyo waddooyinka caasimadda iyo isgoosyadeeda, kaliya waa in uu sameeyaa waxa ay dadwaynaha Soomaaliyeed ka wada qayliyeen oo laga yaabo in ay dawladdooda ka shakiyaan una qaataan cadaw kale oo ka sii xun kuwii soo daashaday.

 

Dhinaca kale darawallada Bijaajka sida ay u badan yihiin waa dhallinyaro ay waalidiintii dhashay u gadeen ama cid kale ijaar ugu shaqeeya si ay nolashooda u maareeyaan kadib markii ay shaqo la’aantu ku soo badatay dalka haseyeeshee qaar ka mid ah dirawalladan ma ahan dad maankooda fadhiyo oo kala yaqaan waxa uu ciidanku yahay iyo waxa uu nidaamka wada marista ay tahay, halkaasna waxaa ka yimaaday in bajaajlayaasha oo istimaalaya Maandooriye  ay ku kacaan falal liddi ku ah waddo marista iyo madax adeeg oo ay isugu taagayaan askarigii qorraxda taagnaa taas oo inta badan dhalisa falalkan xun ee dhaawacay quluubta dad badan oo dowlad ku nool ah balse marnaba ma mudna in khalad khalad lagu saxo oo lagu banneesto dhiig qof muslin ah, arrintan ayaa looga fadhiyaa inay dowladdu xal waara u hesho waana tan keentay in Golaha Wasiirradu shir aan caadi ahayn ka yeeshaan si loogu helo xal waara oo lagu kala badbaadinayo Bulshada iyo Ciidanka Qalabka sida inta yar ee marin habaabsan iyada oo Madaxweynuhuna sheegay Qofkii qof dila in la dili doono oo aan danbiila la qarsan doonin laguna difaaci karin Qabiil iyo Koox toona.

 

In kasta oo aysan dhaliiluhu yaran haddana waxaa maamulka dalka la gudboon in askarteeda ay kala taqaan hawlaha dhibka ka imaanayana ay u xilsaarataa askarta miyirka qabta oo aan isticmaalin balwadda oo runtii waaya arag ah, kuwa wasakhaynaya ciidankana waa in ay u dirtaa xeryo lagu dhaqan celiyo, oo maskaxda looga soo dhaqo si ay marka ay soo dhamaystaan tabarkaas naftooda, dalkooda iyo dadkooda u wanaajiyaan oo ay la jaanqaadaan meel kasta oo dalka loo jiheeyo, waa kaas waxqabdka muuqda ee dowlad maamul lagu imaani karo waana kaas hannaan dawladnimo ee laga rajeeyo wayn yahay ee laga filayo horumar iyo midnimo Bulsho.

 

Qaranku wuxuu CXD Qoriga ugu dhiibay inay ku difaacaan dalka, ka ilaaliyaan Cadowga kaga soo duulaya dibadda iyo Gudaha si bulshada Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan, ugu soo toosaan, ugu shaqo tagaan, ugu soo hoydaan uguna Cibaadeystaan balse Askarigii la yimaad wax ka duwan wixii loo egmaday waxaa hubaal ah inuu marayo ciqaabteeda sidoo kale waxaan meesha ka marneyn in haddii Askarigu la yimaado dadaal dheeri ah isagana lagama maariyo wanaagga uu la yimid iyo u gudasha waajibkiisa sida ugu hufan oo ay daacad iyo karti ku dheehan tahay.

Askartana waxaan leeyahay kiina xun iska qabta yuusan magaca iyo maamuuska ay bulshadu idiin hayaan idinka dilin.

 

DALKA EDITORIAL

 

KASBASHADA XALAASHA IYO KA FOGAANSHAHA XAARAANTA

Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajib ah in uu kasbado oo uu cuno waxa xalaasha ah, kana dheerado waxa xaaranta ah isaga oo Ilahay  SW qof ku waxa uu cunayo ama uu kasbanayo ka horeeysiyay camalka wanagsan ee uu samaynayo.

Nusuus badan ayaa ku so arooray halka uu qofku ka kasbanayo xoolaha uu shaqaysanayo. Ilahay muminiinta isaga oo la hadlayana waxa uu yiri” Kuwi Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow waxaad cunta waxa aan idinku arsaaqnay kuwiisa wanagsan ee xalaasha ah” Ilahay waxa kale oo uu yiri “ Kuwa Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow xoolihina dhexdiina ha ku kala cunina shay badil ah oo xaraam ah”. Waxa kale oo rasuulka csw laga soo wariyay xadiis oo nabigu yiri ” Janada gali mayo hilib ku biqlay oo ku kobcay xaraam”. Xadiis kale ayuu nabigu ku sheegay “ Ma siyaado oo ma kabco hilib ku kobcay xaraam ilaa naarta ayaa huran”

Dawaabida amma sharciyada uu leeyahay Kasbul Xalaal amma Shaqaysiga Xalaasha ah:

1-Xaaraantinimaynta Ribada:  Waxa uu Ilahay kitaabkisa ku sheegay in uu iibka inoo xalaaleeyay waxa ribada la yiraahdana la inaga xaraantinimeeyay. Rasuulkuna waxa   uu nacladay qofka ribada cuna, ka cunsiiya, ka qoraya iyo ka markhaatiga ka ahba, Ilahayna jannada ka xaraantinimeeyay. Ribada marka sidaas loo xarantinimeeyay, waxa ka so baxaya in ay xaaran tahay in aad ka shaqayso bangiyada ribada ku shaqeeya shaqada aad ka qabanaysa nooca ay doonto ha noqote. Ribada ayaa u qaybsanta laba nooc oo kala ah: Ribada amma siyadada lagu sameeyo wixi aduunyo lagugu leeyahay oo  la kordhinayo wakhtigi kordhaba iyo ridaba iibka.

2.Xaarantinimaynta Khiyaanada iyo qishka: Rasuulku SCW waxa uu inaga xaarantinimeeyay qishka iyo khiyaanada, isaga oo rasuulku sheegay qofka wax kasbanaya in uu isaka ilaaliyo khiyaanada.

Tusaalayaasha hada qishka wakhtigan danbe la sameeyo ayaa waxa ka mid ah:

  • Iibinta alaabada xumaaday amma wakhtigi loogu talo galay dhacay
  • In miisaanka lagu ciyaaro oo shayga misaan ku jirin lagu sheego
  • In lagu suuq geeyo badeeco iyo alaab liidata in ay tahay badeeco wanaagsan
  • Iibinta badeeco sixada iyo cafimaadka waxyeelaynaya

3-Xarantinimaynta ka ganacsiga waxyabaha xaraamta ah sida Khamriga iyo Mandooriyayaasha oo dhan:  Waxa iyaguna la xaarantinimeeyay  ka ganacsiga waxyabaha xaraanta ah sida in laga ganacsado khamriga amma in hub la soo galiyo suuqa wakhtiyada fitanka.

4.Xarantinimaynta ka ganacsiga filimaanta iyo waxyaabaha xun xun: Waxa iyadana la xaarantinimeeyay in dadka loo soo daayay filimaan xun xun oo dadka lagu luminayo.

5.Xarantinimaynta ka shaqaynta camalada aadan ka gudan karayn wajibaadki Ilahay kugu wajibiyay.

Qeybta labaad: “Takaafulka Bulsho”, Takaaful Bulsho waa in: Umada islaamka ahi isaakhiga iyo is xambaarku ka dhaxeeyo oo ay dusha isku qaado, oo qofka jilicsan ay umada inteeda kale dusha ku qaado oo ay ilaaliyaan.

In qof kasta oo bulshada ka mid ahi uu isku arko in uu xuquuq leeyahay wajibaadna looga bahanyahay bulshada dhexdeeda. Umada inta ay iskaashi iyo is takulayni dhexdooda ka jirto waxa ka dhasha is jacayl iyo kalgacayl iyo isa soo dhawaansho.

Diinta islaamkuna waxa ay ina fartay in la isku tiirsanaado oo la is kaashado, isaga oo ilahay aayad quran ah ku sheegay  “ Isku kaashada wanaaga iyo Allah ka cabsiga”.

Nusuus badan ayaa ku soo arooray Takaafulka bulshada dhexdeeda. Waxa uu Ilahay yiri:” Wanaaga iyo janada gaari maysaan ilaa aad Ilahay darti waxa aad jeceshihiin u bixisaan”. Nabi Mohamedna Csw waxa uu tusaale ka bixiyay sida bulshada islaamka looga baahanyahay  in ay noqdaan, waxa u yiri” Isku tiirsananta, isku kaalmaynta , is tacaawunka bulshada islmaaka dhexdooda waa sida jidh kaliya, hadii xubin ka mid ahi bukooto in jidhka intiisa kalena la bukoodo amma la xanuunsado”. Waxa uu sidoo kale nabigu scw yiri” qofka ka fududeeya qof kale oo muslim ah dhib amma hawl haysato , waxa uu ilahay ka fudeediya dhibta iyo hawsha maalinta qiyaamaha”.

Waa ayo dadka uu Ilahay ina amray in la kaalmeeyo

1-Waalidka: Ilahay baa waxa uu yiri “ Labada waalid u sama fala”. Waxa la faraya qofka islaamka ah in uu kafalo qaato oo tunka loo rito waxa ugu fadli badan labada waalid.

2-Qarabada: Sida walaalaha, iyo dadka kale aad qarabada tihiin in la kaalmeeyo oo la kafaalo qaado.

3-Agoomaha. Waxa uu Ilahay sheegay in ay tahay agoomaha oo la kafalo qaato waxayab ilahay loogu dhawaado. Nabigu csw waxa u yiri: qofka agoon kafala qaata iyo anigu malainta qiyamalaha waxanu isku nahay sida labada farood ee isku xiga.

4-Miskiinka: Waxa kale oo aad u muhiim ah in la taakuleeyo oo la kafalo qaado dadka maskiinta ah ee bulshada ku dhex nool oo laga war hayo.

5-Musaafirka amma socoto: Qofka musaafirka waxa qof walba oo muslim ah ku waajiba in la marti qaado martida u soo hoyata

6-Dadka wax waydiista dadka kale iyo adoomaha

7-Dadka daymaysan(AL qarimiin): Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay qofka qof bahan wax ku lihi in uu ka sugo oo aanu ku dirqin ee uu ka sugo, waxana ka sii wanagsan in aad sadaqo ula baxdaan.

8-Maxaabiista: Dadka maxabiista ah ee jeelasha ku jira in la caawiyo oo la kafalo qaato.

Meelaha ay ka imanayso waxyabaha dadka lagu kafaalo qaadanayo:

1-Sakada: sakada  laga bixinayo xoolaha, maallka iyo wixi la mid ah. Sakadu waa maalka laga qaado dadka wax hayta lana siiyo dadka fuqarada ah.

2-Sadaqada

3-Kafalooyinka qofka lagu waajibiyay xaladaha qaarkood

4-Dardaaranka uu qofku xoolihiisa ku dardaarmo

5-In qofku waqfi sameeyo aya iyaduna ka mid ah waxyabaha dadka lagu kafalo qadanayo

6-Sakatul Fidri

Gabagabadi waxa la faraya bulshada islaamka ah in ay kafalo qaado, is takulayso, iskaashato. Wanaaga umaduna in uu ku jiro isku tiirsanaanta iyo is kaashiga bulshada dhexdeeda.

Xigasho: Dhaqaalaha Islaamka

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

 

WAAJIBNIMADA SOOMIDDA BISHA RAMADAAN FADLIGEEDA IYO ARRIMO KU SAABSAN

Allaah, Subxaanahu Watacaala wuxuu yiri:

“ Kuwa xaqa ruyeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan (aad xumaha ka joogtaan).” Suurada al-Baqrah:Aayada 183. Waxa kale oo Allaah SWT yiri:

“Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin <quudin> Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inaad Soontaan yaana idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og.” Suurada al-Baqrah:Aayada184.

” Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur’aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Alle fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhamaystirtaan tirada waynaysaanna Allaah wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan Allaah.” (Suurada al-Baqrah:Aayada 185)

  1. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Haddii uu qof la diriro ama caayana ha yiraahdo anigu waan soomanahay. ‘ Waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). (Bukhaari iyo Muslim).

Tani waa Werintii Bukhaari

Werin kale oo Bukhaari baa waxay intaa raacineysaa: Alle wuxuu yiri: ‘ qofka soommani wuxuu uga tagaa cunid, cabbid iyo hawoodkiisaba (aniga Allaah) dartey, marka anigaa soonka iska leh aniga baana ka abaal gudi doona. Camallada kale ee wanaagsan (ee la falaa bisha Rammadaan ama bilaha kale) halkii ajar waa la toban laabaa.

Werinta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaaba wax badan oo halkii samaan waa toban lab ilaa toddoba boqol lab. Alle kor ahaaye wuxuu yiri: ‘Laakiinse kuma jiro soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii barax tiran oo loo falaa dartey ( macnaha waa ma laha xad abaal gudka iyo ajarka soonka) Aniga, Keliya, baa ka abaal gudi doona. (Qofka soomman) wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawood dartey Aniga (Allaah). Qofka soommani waxaa u sugnaaday laba farxadood, midda hore waa farxad markii uu afurayo midda labaadna waa farxad kale markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). Neefta afkiisuna ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga.’ (Muslim)

  1. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘Qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeeri doonaa iridaha Jannada: Addonkii Alloow, albaab kan baa kuu roon. Qofkii reero salaadeed ahaa waxaa looga yeeri doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heeganaa Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irridka Jihaadka, qofkii reera soon ahaana waxaa looga yeeri doonaa irridka Rayaan (harraad baxa), qofkii reero sadaqo ahaana waxaa looga yeeri doonaa (inuu ka galo Jannada) irridka Sadaqada. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Alloow, kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye, qofkii irridahaas looga yeeraayo ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irridahaas oo dhan looga wada yeedhaayo ma jiraa? Nebigu S.C.W. wuxuu ku jawaabay: Waa jiraa, waxaana rajeynayaa inaad adiga (Abuubakari) ahaan doonto mid ka mida. ‘ (Bukhaari iyo Muslim).
  2. Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘ Waxaa jira Jannada gudaheeda irrid la yiraahdo Ar-Rayaan oo ehlu soonkii oo keliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: ‘ Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga moomaahee. Markii ay galaan, irridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood. (Bukhaari iyo Muslim)
  3. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘ Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo. (Bukhaari iyo Muslim)
  4. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘ Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay (aan ka baa’irta aheyn. (Bukhaari iyo Muslim)
  5. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘ Markii ay bisha Ramadaan soo gasho iridaha Jannada waa la furaa, iridaha Naartana waa la xiraa, Shayddaammadana waa la xiraa. Bukhaari iyo Muslim)
  6. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ) wuxuu yiri: ‘ Ku sooma aragtida bil dhalatay ee Ramadaan oo ku afura aragtida bisha Shawaal (soon fur), haddii bila qaris ay noqotana buuxiya soddonka Shacbaan (Soon dheere) (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Imaam Muslim werinaayo waxay intaa ku dareysaa: Sidaa si la mid ah, haddii bil qaris ay nqoto (daruuro awgeed) dhamaadka bisha Ramadaan, markaa buuciya soonka (soon qaad) 30 maalmood.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

DADOOW DOWLADNIMO LAABTA KA OGAADA

Soomaaliya markay xornimada qaadatay habeenkii Calanka Jamhuuriyadda la saarayay lana dejinayay kuwii gumeystaha aniga waxaan ahaa 6 jir gacanta laga hayay oo waxay waalidkey ii sheegeen inay habeenkaas ila taagnaayeen goobta calan saarka ee fiisho governo, waxaana soo garaadsaday iyadoo ay shaqeynayso dowlad aan isleeyahay waxba idinkama haleynin, oo waxaa dhisnaa waxyaabo badan oo dowladnimada looga baahnaa, waxaana 9 jirkeygii ley geeyay iskuul, kaasoo lagu magacaabi jiray (gardana masaya) kolkii dambana dowladdii kacaanka u beddeshay Dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Jaamac, wuxuuna ku yiillay halka maanta uu ka dhisan yahay guriga hooyooyinka ee ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Maddaddaalada National Theatre-ka Muqdisho Soomaaliya.

Dugsiyada xilliyadaasi caanka ahaa ayuu ka mid ahaa, sidoo kale iskuulka Media Centeraale, oo dowladdu u bixisay dugsiga Bartamaha, sidoo kale, waxaa caan ahaa dugsiga Allaahida oo masaarida wax ka dhigi jirtay, dugsigii kolleejo nova somalo, dugsigii Yusuf Al-kowneyn, dugsigii iskola Comerciale, sidoo kale waxaa jiray machadyo sida machadkii sidam iyo kuwo kale oo fara badan, jaamacadaha ayaa iyagana ahaa kuwo faro kutiris ah sida jaamacaddii umadda, lafoole iyo gahayr, xilliyadaasi waxbarashada dalka way dhisneyd waana nidaamka dowladnimada sida laga rabo.

Sidoo kale, ciidammada ayaa ahaa kuwo aan darajadooda lagu helin ama lagu qaadan si fudud, dalkuna wuxuu lahaa kuuliyado lagu tababaro saraakiisha sida kuuliyadda Jaalle Siyaad, sidoo kale ciidammada ayaa heegan ku ahaan jiray xeryahooda, halka maanta aan weli waxbadan laga qaban xeryihii ugu caansanaa dalka.

Habeenkii 1969-kii maalin talaado ah 21-ka Oktoobar aniga oo subaxaasi aaday iskuula ayaa waxaa nalaga soo celiyay isgoyska ceelgaabta waxaana meelwaliba ku go’naa dabaabaad waxaana dadka guryahooda ku celinayay ciidankii sameeyay inqilaabka waxaana la dhihi jiray kacaankii 21-ka oktoobar

Si kastaba ha ahaatee, waxaan dareennay haddaan nahay shacabkii waagaasi joogay dalka horumar iyo dadaal ay muujiyeen golahii kacaanka sare

1973-kii waxaan ka mid ahaa ardaydii loo diray in ay dadka gaarsiiyaan iftiinka waxbarashada ee markaasii dowladdu aad ugu howlaneyd waa oOlolahii Horumarinta Reer Miyiga, waxaan halkaasi ka billoway anigoo arday ah in aan magaca dowladnimada ugu shaqeeyo bulshadeyda soomaaliyeed aana noqdo mid nasiib u helay inuu dalkiisa kala dagaallamo saddaxda cadow mid ka mid ah oo ah jaahilnimada.

sidoo kale, waxaana nasiibkaasi helay arday badan oo waagaasi ila eyni ahayd ama iga waa weynaa, laakiin waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan dareemo mas’uuliyad dowladnimo in ay isaaran tahay.

Waxaan reerkeyga uga fogaaday iyagoo aan jecleyn in aan habeenna ka soo dhaxo waxay ahayd waddaniyadda iyo dowlad jaceylka ay qabeen iguna soo barbaariyeen in aan dalkaan u taagnaado horumarkiisa iyo wanaagiisa.

Xilligaasi shacabka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwa waloolo ah oo isku laab xaaran lamana aqoon xumaanta iyo luggooyada maanta jirta oo kale, ninna nin kale kuma mashquuli jirin dalkana wuxuu ahaa barwaaqo iyo nimco.

Ujeeddada taariikheyntaydu waxaa weeye in aan dowladnimada lala garab dhigin wax walba oo ka soo horjeeda.

Haddaan dib u fiirsho dhaqanka dowladnimada ee xilligaas, waxaa muhiimadda ugu weyn la saaray dhanka amniga iyo ammaanka muwaadinka soomaaliyeed iyo bad qabkiisa, qof wuxuu soconayay saacadduu doono meeshuu doonana waa tegayay isagoo xor ah, shaqaalaha dowladdu waxay ahaayeen kuwo aan marnaba lagu murmin mushaaraadkooda oo waxaa si weyn loo adkeeyay la dagaallanka musuqa waxaana jiray sharci adag oo la yiraahdo xisaabi xil maleh, waxaana la gaarsiiyay sharcigan ilaa heer la toogan karo qofka haddii ay xisaabta uu dhacay gaadho malaayiin, sidoo kale waxaa lala xisaabtami jiray qofkii lagu eedeeyo waxa loo yaqaanno qaa’in waddanka.

Sidaadaba, waxaa habboon in dadka la baro dal jaceylka iyo waddaniyadda waana Meesha aan isleeyahay wax badan ayaa dhiman, qofka Soomaaliga ah waa in laga dhisaa dhanka waddaninimada iyo dal jaceylka iyo horumarinta si uu fekerkiisa ugu darsado in ay jiraan dal iyo dad isaga u baahan, isla markaana la baro in uusan dalkiisa dhicin qiyaamin, wax xunna uusan ku sameynin, waa in ardaynimada lagu baraa oo lagu daraa muqararrada lagu dhigo fasallada sida taribiyada wanaagsan, waa inay dugsiyada iyo jaamacadaha ka soo baxaan arday waddaniyiin ah oo jecel dalkooda iyo dadkooda, hadda waa la helaa dhallinyaro aad u dal jecel laakiin waxaa sidoo kale jira kuwo kale oo kuwasi cagsigooda ah, waana kuwaas kuwa la doonayo in la baro waxa ay tahay dowladnimada.

Qodob muhiim ah haddaan ku sii darsado waa habboon in dowladdu uruuriso xanaaneyso dhillinyarada kala duwan ee ku dayacan hareeraha iyo daafaha magaalooyinka kala duwan ee dalka, kuwaasoo gaaraya tiro aad u badan oo haddii la jiheeyo dalka wax badan u tari lahaa.

Dowladnimadu waxay la dagaashaa wixii xun oo dhan iyo wax ka sii badan oo bulshada lagu ilaaliyo lagana ilaaliyo kuwa doonayay inay diirtaan dal iyo dad kuwaasoo aan waxba reebin una aaba yeelin saqiir iyo kabiir, waana waxa dowladnimada loo jecel yahay, dowladnimada waa tan naga horjoogta in maalinta cad leys furto ama leys dilo, waxba leysu reebi mayo haddaan dowladnimo jirin.

Ciidammada kala duwan waa halyeeyada u taagan sugitaanka amaanka dalka lamana helayo haddii dowladnimada la waayo, sidaa daraadeed ciidammada waa sal dhigga dowladnimada waana inaysan marnaba ku biirin siyaasadda waayo iyagu waa ilaaliyaha dalka iyo dadka iyo sugitaanka amaankooda, waa midka u taagan xasiloonida iyo deggenaashaha, waa ilaaliyeyaasha sharciga waa kuwii soo qaban lahaa kuwa ku xadgudba sharuucda dalka ku heshiiyo.

Dowlad waa ileys shida, waa nuur aan la qiyaasi Karin waase markii dowladdaasi tahay mid daacad ah oo aan caloosheed la ciyaar aysan noqon, waxaa ku diirsada oo ku noolaada kuna daaqsada dhammaan dad iyo duunyaba, waxayna dadkeeda ka heshaa duco iyo ammaan aan caadi ahayn.

Halkaan laguma soo koobi kari macaanka dowladnimadu leedahay ee dadow kol waliba xigsada dowladnimada, waayo waxaa laga helaa faa’iido badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin lamana helayo wax loo dhigo dowladnimada ee dadow halagu fara adeego, Caalamku waxay yaqaaniin dowladnimo ee ma yaqaanaan qabaa’illo iyo ururro ujeedkooda yahay wax dumin, taasbaana idinku adkeynayaa ee dadkeygoow ogaada dowladnimo.

WQ: Osman Dhiblaawe

AMMAANO CIRKA IYO DHULKA AYAA DIIDAY

Ilaahay mulkigiisa isagoo maareyn kara keligiis cid kalena aan u baahneyn ayuu maqluukhiisa siiyey is maamul iyo isku filnaansho wuxuuna u dhiibay mid kasta mas’uuliyad .

Ammaanada waxaa ka mid mas’uuliyadahaas oo loo soo bandhigay in ay qaadaan Ilaahay maqluukhiisa qeybo ka mid ah waxaana si Alle ka cabsi ah u diiday circa iyo dhulka iyagoo ka baqaya culeyskeeda.

Ammaanadaa culeyskaa leh waxaa xambaaray ilmo Nebi Aadam sidaas ayeyna ku noqdeen hoggaankii adduunyada iyo weliba imaamada kheyrka badnaa ee Rususha ka mid ahaayeen iyadoo mid walba loo dhiibay in ku filan mas’uuliyadda waxaana ka mid ah ballamaha la galayo taas oo ah qeyb ka mid ah ammaanada oo u baahan in la fuliyo xaqeeda waxaa kale oo barbar socda xilalka kala duwan oo ka bilowda qoyska odayga iyo islaantiisa ay madaxda u yihiin waana mid loo baahan yahay in ay u fuliyaan si daacad ah mid walba.

Dhowrista ammaanada waxay keentaa geesinimo iyo is jaceyl qofku hadduu ammanada dhowro ma cabsado Ilaahay wixii ka soo haray waayo wuxuu hayaa wixii lagu ballamay sidii loogu talogalay ayuu u hayaa mana ka cabsanayo cid been ka sheegta iyo cid run ka sheegta midna sababtoo ah waddo toosan ayuu hayaa meesha ay tagtana wuu yaqaanaa.

Qofka ammaano dhowrka ah ummadda oo dhan ayaa u dhiibata waxooda waxayna ku wada kalsoon yihiin wixii loo dhiibay in ayasan ceeb ka imaanyn maadaama uu yahay qof ammaanada ku fiican waxaana si aad ah loo ceebeeyaa oo laga cararaa qofka ammaano lumiska ah sababtoo ah wuxuu maqlayaa ammaanadii hore ayuu cunay iyo xaqii lagu lahaa Bulshada oo dhan ayaana isu wada sheegta mar haddii ay maqlaan ummaddu waa ammaano cune kulligood wey ka cararaan waxna uma dhiibtaan.

Bulsho kasta oo magac leh axay soo xushaan dadka ammaanada ku fiican oo diinta leh gaar ahaan kuwa muslimka ahi waxay u hoggaansamaan qofba qofka inta uu ka caddaalad badan yahay ammaano dhowrkuna waa caddaalad .

Ilaalinta Bulshada waxaa ka mid ah samafalka , xaqdhowrka , garsoorka ,kulligoodna waxay hoos tagaan dhowrista amaanada wax macno ahana ma keeneyso in aad wax doonto oo xil lagu saaro haddii aad ilaalin Karin ammaanada .

Ballamaha oo la fuliyo ,sinaanta iyo eex la’aanta waxay ka mid yihiin garsoorka iyo wanaagga lagu soo xusho qofka mas’uulka ah mas’uuliyadana kor iyo hoos , qoys ilaa madaxweyne waa mid u baahan in la ilaaliyo .

Ammaanada haddii la waayo waxaa lumaya wadajirka iyo kalsoonida , midnimada iyo wadajirkuna waa dhowrista ammanada iyo caddaaladda

WQ: Abwaan Gabayre

 

WIXII CAQLI LAHAW KHAWAARIJ ISAGA SOO BAXA!!

Guud ahaan wahaabiyada iyo gaar ahaan kooxaha hubaysan ee ay Khawaarijta Ashabaab ka mid yihiin waxa ay bulshada soomaaliyeed u hayaan su’aalo badan,

Waase haddii ay su’aalahaas in ay ka jawaabaan diyaar u yihiin.

Waydiimaha maskaxda qofka soomaaliga ah ku jira waxaa keenay in ay wahaabiyadu yihiin Aafo dalka ku cusub oo isbeddelkeeda aan faa’iidooyin badan laga gaarin oo ka shiddo badan sida Uu Sheegay C/laahi yuusuf Madaxwene Alaha U Naxaristee dhibaatadii qabyaaladda oo dhaqanka soomaalida ahayd.

Haddii aysan kooxahaasi weydiimo diyaar u ahayn oo ay isu arkaan dad laga amarqaato oo aan waxba la weydiin waa in ay dadka su’aalaha qabaa xaqiiqsadaan in aysan Khawaarijtu wax wanaag ah soo wadin oo ay yihiin dad qufulan oo aan ummadda u oggolayn in aragtiyo la isweydaarsado.

Wahaabiyada waa isku ujeeddo oo yoolka ay u socdaan waa mid kaliya, waana in ay ummadda ku xukumaan diin huwan ra’yiga wahaabiyada oo aan oggolayn aragtiyaha wadaaddada kale.

Khawaarijta iyo wahaabiyada qunyarsocodka iska dhigtaa isku ma diiddana aragtida ah in ummadda lagu soo rogo xukun aragti wahaabiyo  ee waxa ay isku khilaafsan yihiin Jidkii loo mari lahaa xukunkaas, waxayna Ashabaab iyo kuwa la midka ah qabaan in dadka qori caaraddiis iyo qaraxyo lagu khasbo si ay u oggolaadaan shareecada wahaabiyada, halka ay kuwa kale ku andacoonayaan in ummadda laga maro xagga kale iyo in wahaabinimada si nabad ah lagu baro oo lagu dhex jiiro xagga tacliinta, xagga siyaasadda, xagga maamulka, xagga ganacsiga iwm.

Ogow marka ay kooxahaasi sidaas isu khilaafayeen waxa ay wada aamminsanaayeen in ay dhammaantood yihiin dad ka duwan soomaalida inteeda kale oo wata ujeeddo aysan ummaddu la wadaagin, waxaana halkaas ku sii qarsoon in ay wahaabiyada oo dhammi ummadda inteeda kale beri ka yihiin, taas oo uu macneheedu yahay in aysan diinta dadka u la sinnayn oo uu macneheedu sii yahay in ay soomaalida inteeda kale gaalo yihiin.

Waxaan aragnay in wahaabiyada qaraxyada iyo qoryaha aamminey ay kuwa qunyarsocodka sheegtay gaaleeyeen oo ay iyaga ka neceb yihiin ummadda inteeda kale, waayo waxa ay soomaalida kale u haystaan gaalo asliyiin ah oo hore gaalo u ahaa, halka wahaabiyada qoryaha iska dhigay ay u haystaan murtaddiin diinta ka baxay maaddaama iyaga oo og in uu jihaadku xaq yahay ay diinta dhabarjebiyeen.

Kuwo badan oo wahaabiyo ah baa mabda’aas lagu laayey, waxaase ka sii daran in Ashabaab iyo kuwa la midka ah ay habeen iyo maalin isxasuuqaan oo la wada laayey raggii ugu cuslaa kooxahaas iyada oo loo cuskanayo in ay kooxda dhexdeeda ku riddoobeen.

Riddadu sida ay u dhacdo iyo cidda xukunta la ma garan karo ee waxaa laga warhelaa dhiig qulqulaya. Inta aan la gaarin laynta iyo xukumidda ummadweynta gaalada loo arko sow ma ahayn in ay wahaabiyadu iyagu kala badbaadaan, maaddaama ay yihiin firqo si gaar ah loo soo carbiyey oo isku yool u socda aysan dhexdooda is layn?

Haddiise xaaladdooda dhiigga daadinta iyo la dagaallanka aragtiyaha dadku sidaas tahay maxay samayn lahaayeen haddii ay ku guulaystaan xukunka ummadda?

Iyagu wahaabiyo ahaan ma noqon lahaayeen koox dhexdooda aan islayn oo u midaysan sidii ay gaalada ay qabsadeen u xukumi lahaayeen?

Ashabaab iyo kuwa la midka ah waxaa maanta dil ugu xukuman ama ay hore u laayeen kuwa ugu tababar sarreeya wahaabiyada ee haddii ay Ashabaab dalka qabsadaan yaa wahaabinimada wax ku xukumaya haddii ay laayaan kuwii wahaabiyada ugu af dheeraa?

Dadweynaha sidee bay u la dhaqmi lahaayeen wahaabiyadu haddii ay ku guulaystaan in ay ummadda qabsadaan? Hiddaha, dhaqanka, taariikhda, fanka, afka iyo qaab nololeedka guud ee soomaaliyeed maxaa uga qorshaysan wahaabiyada kooda surka taagaya iyo kooda isgaabinaya

Wahaabiyo ama Ashabaab aragtidooda ugu culus waa in ay isu arkaan in ay iyaga keliya ay diinta masuul ka yihiin oo aysan ummadda inteeda kale diin haysan ilaa ay iyaga soo raacaan ama ku biiraan,

Aragtidaasina waxa ay ka soo maaxatey in ay wahaabiyadu asal ahaan ummadaha ay ka mid yihiin gaalo u haystaan. Waxa ay isu arkaan firqo gaalnimo ka badbaaddey oo uu nebigu ku tilmaamay kuwo badbaadey oo ku sugan jidkii nebiga

Kaalintaas ay iyagu isu magacaabeen oo aan lala ogeyn in ay buuxiyeen maxaa lagu caddaynayaa? Yaa u doortay oo u ogol in ay keligood muslimiin yihiin?

Haddii ay iyagu isdoorteen qofkii isagu madaxnimo isu doorta xukunkiisu muxuu yahay? Ashabaab waxa ay aamminsan yihiin in ay yihiin koox si gaar ah xaqa u fahamtay oo Eebbe dartiis uga dhiidhiyey gumaysi gaalo,

Dadkoodiina uu yahay murtaddiin gaalada raacay oo aysan xaqa uu Eebbe ku gooni yeelay uga tanaasulin murtaddiin diintoodii laga saaray.

Yaa ku raacsan in ay fahmeen xaqqa aysan ummadda inteeda kale fahmin? Intii aysan wahaabiyadu dhulkeenna imaan sow dadku muslimiin ma ay ahayn oo ummaddu gumaysiyadii reer galbeed iyadu iska ma xorayn?

Soomaaliya waa dal madaxbannaani qaatay lixdankii oo calan iyo xudduud leh, mana jiro waddan mid kale qabsan karaa qaynuunka caalamiga ah,

Dadka shisheeyaha ah ee dalka yimaadayna waa qayb ka faa’iidaysatay dagaallada sokeeye iyo kuwo soomaalida caawinaya, dhammaantoodna dalalkoodii bay ku laaban doonaan marka uu waddanku xasilo.

Waxaan qof ahaan dhihi karaa Ashabaab iyaga ayaa maanta sabab u ah in ay ciidan shisheeye dalka ku raagaan oo dagaalladooda iyo qaraxyadooda ayaa keenaya in ay ciidamo afrikaanka ah sii joogaan.

Ciidanka ay gaalada ku sheegayaan meelaha ay joogaan ma ku laayaan soomaali tiro la’eg kuwa ay Ashabaab laayaan?

Sow la ma hubo in soomaalida dhimata ay badankooda Ashabaab laayaan? Gaal aan ku dilayn iyo muslim ku dilaya kee baad jeclaan lahayd? Waraabaha xataa su’aashaas wuu fahmi karaa, waayo qofka usha in laga daayo sheega ayuu dhankiisa isu buriyaa sida ay soomaalidu sheegeen.

Waxaa la sheegaa in ay muslimiintu tiro ahaan yihiin shan meelood oo meel dadka dunida oo dhan, waxa ayna noqonaysaa bilyan iyo dheeraad. Haddaba wahaabiyada su’aasha la weydiinayaa waxay tahay tiradaas intee baad muslimiin u aragtaan, intee baase gaalo ah?

Waxaa la hubaa wahaabiyadu in aysan dadka muslimiinta lagu sheego boqolkiiba hal ka dhammayn, laakiin ay yihiin dad caraysan oo hubaysan oo uu aad ugu fudud yahay dhiigga dadku, waana sababtaas midda ay gaaladu ugu shaabbadeeyeen in ay argagixiso yihiin,

Muslimiinta badankooduna ay ugu raaceen, waayo wahaabiyadu dadkooda muslimiinta ah gacan qabow ma ay tusin oo shar bay indhaha caalamku u arkeen

Diinta islaamka waxaa lagu soo dajiyey Nabi Maxamed Scw waxaana la wada og yahay in uusan dagaalka nebigu ahayn laablakac oo uusan wax rabshad ah samayn ilaa uu hubiyey in uu haysto ciidan iyo hub u dhigma kuwa gaalada.

Haddaba Wahaabiyadu sidii nebiga ma hubiyeen in ay haayaan awood u dhiganta midda gaalada? Nin aan su’aashaas weydiiyey baa iigu jawaabey.

Nabi Maxamed Csw arrimaha uu sameeyey wuu madaxbannaanaa oo isaga ayaa wax hindisayey, laakiin wahaabiyadu waxyaalaha ay ku kacayaan uma madaxbannaana oo wahaabiyadu aragti kuma laha waayaha iyo duruufaha ay ku dhex nool yihiin”.

Sida aynu ognahay gaalada maanta jirta waxaa hoggaan u ah caddaanka ee waxa aad isweydiisaa inta gaal caddaan ah oo ay Ashabaab dileen xilligii ay dagaallamayeen!

Qoryaha ay haystaan tiiradoodu intee bay gaaryaan?, iyagu qori ma samayn karaan? Caddaanka dalalkooda immisa qof baa lagu dilaa sanadkii? Caddaanka ciilka loo qabo ma lagaga baxayaa in habro soomaali ah maalin kasta banbo lagu qarxiyo?

Wahaabiyada waxaa la moodaa in ay kaftamayaan, kaftankana waxaa ugu macaan midka isyeelyeelka iyo caqli yaraanta lagu metalo, waayo kaftanka fiican waxaa shardi u ah in uusan dhab ahayn.

Masala’dda ugu danbaysaa waa horta madaahib ma la isku waafaqi karaa oo macquul ma tahay in ay wadaaddo isku raacaan arrimo diineed?

Nin caalim ah oo aan su’aashaas weydiiyey waxuu iigu jawaabey ”Mad-habtu waa qofka uga horreeya waxa uu rabo oo markii uu waxa uu rabo dareemo ayuu diinta waxaas daliil uga raadiyaa, taasina waxa ay keentay in ay aragtiyaha madaahibtu iska soo wada hor jeestaan, waayo dadkii aragtiyaha lahaa baa kala dano duwanaada.

Qawaarijku marka hore go’aankiisu waa in uu ummadda kale xoog ku xukumo, ka dibna diinta kama uu waayayo xaddiis daciif ah ee uu daliishado”.

Diinta in ay dad badani isku aragti ka noqdaan iska daaye hal qof baan naftiisa isku aragti ka qaadan karin oo wadaaddada manta joogto waxaa la moodaa in ay dadka caqliga yar ka faa’iideen wax kastana u adeegsadeen ayaga,

Hadda Ka Hor Ayaan maqlay Nin aan weligiis ciid tukan oo ogaa in salaadda hal takbiir lagu xirto ayaa maqlay salaad iideed oo takbiiro badan, waxa uuna yiri ”Agah! war salaaddii xirmi wayday ee wixii reer hebel ahaw isaga soo baxa!”. Hadda Ayaan Leeyahay War wixii caqli lahaw Khawaarijta isaga soo baxa!

 WQ: C/risaaq Axmed Absuge!