Qorshaha qaran ee Soomaaliya cagaaran oo dardar ku socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhir ku beeray Aqalka Martida Jubaland ee magaalada Kismaayo.

Si loo adkeeyo in loo midoobo badbaadada deegaanka waxaa magaalooyinka dalka si dardar ah kaga socda abuuridda dhirta si uu u guuleysto qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran,kaas oo madaxweynahu horay ugu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dhulkeenna iyo khatarta ay dalka ku hayaan Nabaad guurka iyo Xaalufinta deegaanka. Dhireynta Aqalka Martida Jubbaland iyo guud ahaan Jubbaland iyo in ay noqoto deegaan Cagaaran ayaa waxa ay qeyb ka qaadaneysaa bilicda iyo wax ka qabashada isbadalka cimillada ee Adduunka saameynta xooggan ku yeeshay.

    

JACEYL IYO MASEYR MAXAA KALA HEYSTA

beri ayaa waxa jiray  qoys  reer baadiyo ahaa qoys kaas waxay ka koobnaayeen   wiil iyo aabihiis iyo hooyadiis waxayn ku noolaayeen meel cidlo ah waxayna heysteen xoolo aad u farabadan.

Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa odagii  guriga wuxu  go’aan ku garay inuu guursado xaas labaad maadaama ay san xafidi karin xoolahaan aad ka u badan  kaligood.

Odaygu wuxuna go’aansaday arrinta ku soo korortay maskaxdiisa ee ah guurka cusub in uu la wadaago xaaskiisa weyn, markii uu u sheegay way ka aqbashay maxaa yeelay waxay aad u dhibsan jirtay howsha ku fara badatay.

Muddo yar ka dib wuu guursaday iyadoo ay raalli ka yihiin qoyskiisii hore.

Haddaba muddo ka dib maxaa dhacay, waxaa dhacay in xaaskii weynaa ay dareento maseer yar yar ka dib markii ay aragtay in odaygii uu u jan jeersaday ama uu u batay dhinaca minyarada, waxayna billowday isla hadal iyo is hiifid ay hiifeyso nafsaddeeda waxayna deris la noqotay murugo iyo ciil.

waxay gaartay heer ay dul qaadan weysay, waayo gabadha minyarta ahi waxay ahayd qof ismacaaneyn badan oo mar waliba odayga hoosta kaga jirta, waxay is tustay in arrintan aysan ahayn mid sidaasi ku sii socon karta, waxayna go’aan satay in ay aaddo guriga kale ee minyarada.

balsa odaygii reerka oo kol horeba qabay dareenka maseyrka inuu iman doono ayaa fahmay in xaajiyaddu ay si wax ka yihiin, wuxuuna isku dayay in uu wax fahamsiiyo, balse arrintaasi ma noqon mid uu ku guuleysto oo hadalkiisa oo dhan way ka biyo diidday.

Odaygii wuxuu markale u sheegay inaysan ahayn inay xilligaan maseerto waayo howsha u taallo inay ka badan tahay wax ay iyaga keligood maamuli karaan loona baahan yahay in ay u helaan wax ka kaalmeeya howshaas sidoo kale inaysan meel suke aysan wax ka arag wuxuuna ka codsaday inay muujiso dhabar adeeg, ujeedkeygu ma ahayn in aan naag rabay ee waa inaad sidaas wax u fahantaa oo isdejisaa.

Balse mar kale lagama aqbalin hadalkaas, waayo waxaa ka weynaa arrinta maseyrka ee ku soo siyaaday hooyada min weynta ah.

Ugu dambeyn markii leys mari waayay xaajiyaddii min weynta ahayd gurigii iyo xoolihii way ka tagtay meeshuna waxay ahayd meel cidlo ah oo dagaallo badan ay ka dhacaan, waxay baxday xilli habeen madow ah,

Waxay socotaba ugu dambeyn waxay gashay meel mugdi ah way wareertay oo waxay kala garan weyday meesha ay socoto, waxay aragtay wax madoow oo ay kala garan weyday ma dadbaa mise waa dugaag, waxayna tiri ma jinbaa ma jarbaa mise jahawareer bay arrintaydu joogtaa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee odaygii reerku talo ayaa ku baahday markii uu la kulmay guri cidla ah iyo xoolihii oo kala maqan, wuxuu isweydiiyay tolow xaggey u carartay oo wiilkiina u xambaaratay? Murugo ayaa la soo deristay waxay ka gaartay alloow yaa mar kuu soo celiya iyo haddan warkeeda iska yeeli lahaa, waayo habartu waxay ahayd lafdhabarta gurigiisa iyo dhaqaalahiisa, xaaladduna waxay ka gaartay ar yaa mar ku tusa si aad ugu sheegto in aad ka soo rajuucday halkii hore.

Waagii markuu baryay ayuu raad guray balse wuxuu uga tabatagey meel cidla ah oo jiq ah oo bahallo dad cun ay ay buuxaan, wuxuuna halkii ugu sheegay in raacayo taladeeda naagtan minyarada ahna iska furayo iyaduna tahay hooyada guriga iskana cafiso waayo muddo badan ayay isla soo qariibeen, iyadana way ka aqbashay sidaas ayeyna gurigoodii ugu soo laabtee.

 

males ma aqbalin hadalkisa waayo aad bey u murugesned  ugu dam ben gurigi  wey katakatay balse waxa jirtay in ey mesha cidlo aheyd waayo waa mel dagal  kadhacay sasa owged halka ey degan yihin waa cidlo waxayn goaan ku gartay in ey haben madow baxdo  iskaka tag to meshan  ugu damben waa ey baxday balsa waxey socotoba waxay  Gashay mel muGdiya    waxayna kalagaran weysay mesha ey goga to waayo wixidhama wexey    kala garan weysay madad baa mase waa dugaga  waxeyn lasooboday  majin baa majarba mase jahwarerebey arin teydu jogta

WQ: Hiddaayo Cabdulle Caddoow

 

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANA FAAY (QEYBTII 33-AAD

Mukhtaarna aaway? Ma ogi. Ma ogi. Ma ogi! Dhub Allaha siiyo dhiblowgaas! Markuu Iikar ku soo                         dhacay bay isku naxday. Intay Axmed wajigiisa eegmo lama filaan ah qac ku siisay, bay degdeg uga jeesatay, ee indhaha hoos u rogatay. Waxaa saaqay dareen dhalanteed ah oo cabsi geliyey.

Waxay lanoqotay in uu Axmed uurkeeda daalacday ee Iikar ka dhex arkay, ogaadayna arrinta ka dhaxaysa iyada iyo ina-adeerkeed. Iyadoon is garanayn bay wajigiisa xanaaq ka eegaysey.

Markay is garatayna waa tii degdeg uga jeesatay. Waxay ka cararaysey in eegmadu shaki geliso, ama indhihiisa soo jiidato, ka dibna uu dareemo walwalka wajigeeda ku sawirmay. Hoos-u-jeesiga waxay ku qarinaysey walaacii ku dhacay korkeedana wada saameeyey. Hase yeeshee, wuu qarsoomi kari waayey.

Sheekadii uu u hayey way ka hartay. Inuu hadlaayo way maqlaysey. Waxa uu ka hadlaayose goorahaanba lama socon. Isagoo hadalkii dhexda uga jira, ayay intay sacabkeeda midig isku babisay    uga naxsatay! “Axmed minankaada kuleel waaye.” Waxay isku dayaysey in ay hadalkaas walaaceeda ku qariso.

Ama in ay albaabkiisa ku ooddo. Intuu wajigeeda ka ilbuuxsaday buu yiri, isagoo sheekada ay kala goysay filan waageedu indhihiisa ka muuqdo, “Ma kululaatay Maana?” Intuu babis soo haabtay buu cod macaan ugu raaciyey, “Iga raalli ahow gacaliso, haddii aan dareemi waayey in kulayl ku hayo! Marka aad ila joogtid, jacaylkaaga mooyee wax kale ma dareemo. Hawadu kulayl iyo dhaxan mid ay tahay ma garanayn.”

Intay markuu in yar babiyey, babiskii si dabacsan uga soo qabsatay bay tiri, “Waad mahadsan tahay.” Wuxuu afka u kala qaaday in uu hadal yiraahdo. Laakiin intaan eray ka soo bixin buu maqlay albaabkii yare riixnaa oo la garaacayo iyo “Bermeeso” nin leh. Intuu jalleecay buu yiri, “Soo dhaaf!” Maana-Faay intay isku naxday bay Axmed ka durugtay. Inan madow oo xoog weyn baa soo galay. Xabbad sigaar ah oo daaran baa laba farood dhexdooda ugu jirta. Gacanta kalena silsilad dheer oo xirmo furayaal ah ka lulata, ayuu si qabweyni ku jirto ugu wirfinayaa.

Markuu madaxa la soo galayba, waxaa qacdii hore indhihiisa jiidatay gabadha quruxda badan ee kursiga ka dhakoosha. Cabbaar bay indhihiisii ku dul suuxeen, sidii bir magnad qabsaday, addimadana midba mar buu si culus u soo qaadayey. Abbabaay. Abbabaay! Ar waxaasaa qurux lagaa yiraahdaa! Daayeerku xaggee buu ka helay malaa’igtaan yar? Maxaan anigu u heli waayey intuu isagu helayey, anigaaba intaas magaalada afarteeda gees baabuur la wiifayee? Intii uu sidaas uurka ka lahaa, afkana wuxuu ka yiri, “Galab wanaagsan!”

Oraahda noocaas ah weligii kuma salaamin saaxiibki. Kajan iyo xifaaluu hore uga bilaabi jiray. Oraahda asluubaysan, eegmada hurdaysan, saanqaadka miisaaman iyo sigaarka qabweynida loo jiidayo, intuba waa dhoollatusad gabadhu ka keentay. Waa caado uu leeyahay markuu gabar cusub la kulmo. Markuu meeshii gabadhu fadhida hal tallaabo u soo jirsaday buu intuu si xushmad leh gacan ugu soo taagay ku yiri, “Abbaaye Kulmiyaa la i yiraahdaa.”

Intaan Maana u jawaabin buu yiri Axmed, sidii nin eed reeb ah, ee ka gaashaamanaya in waajib- gudasho la’aan lagu eedeeyo, “Kulmiye waa saaxiibkay aan isku dheernahay. Iska jir, waa dumaashigaaga koowaad.” Haddana intuu Maana garabka shishe gacanta ka saaray buu yiri, isagoo Kulmiye hadalka u jeedinaya, “Maana-Faay. Waxaan u malaynayaa wax badan baad iga maqashay. Waa qoftii aan ku dhaaran jiray.

Magaceedu kuguma cusba.” Haah, waa qoftii uu barashadeeda kaa meermeerin jirey. Galabtaad qabatay. Alleylehe bagaad ugu timid. Ilayn hadduu beryahaan dumarkii kale ka go’ay, waa nin sabiibkaan cidla ka helay! Intuu mar labaad Maana gacan qaaday, buu yiri, isagoo fikradahaas madixiisa ku soo dhacay dhoolla-caddayn ku qarinaya, gacanteedii dabacsanaydna weli ku dheggan, “Maana-Faay miyaa qoftaani? Waa runtaa. Magaceedu iima cusbee, araggeeda uun baa ii dhimmanaa, isagana galabtaan nasiib u yeeshay. Barasha wanaagsan!” “Barasha wanaagsan!” bay ka daba tiri, iyadoo gacanteedii uu ku dhaggenaa tartiib ugala baxaysa, ee uurka ka leh, Iga fuq bisinkee!

“Aad baan ugu faraxsanahay,” isagiiba sii watay, isagoo kursi uu soo jiitay ku sii fariisanaya, “In aan galabta dumaashiday bartay. Inkastoo aynnaan is arkin, waan la socday in aad qof wanaagsan tahay. Sidaas daraaddeed, waxaan hadda ka hor Axmed ku iri, habeenka u horreeya ee aad Maana iskaaya bartid, labadiinnuba anigaad ii casuman tihiin. Nasiib wanaag caaway noqotay. Casumaaddaydii waan fulinayaa, idinkuna waad iga aqbalaysaan. Adiga sharafkaaga, ayaynu isku casumaynaa Maana. Isbarashadii qoyska oo dhammaystirantayna waynnu u dabbaaldegaynaa. Sow ma aha Maana?

Qalinka noogu duug! Allaa yacisak!” “Abboowe waa mahadsan tahay. Cawada wakhti ma qabi,” bay ugu jawaabtay iyadoo dhoolla- caddaynaysa, qosol dhab ahna isku celinaysa. Waxay iska dhigaysey qof hadalkiisa u bogtay, ee riyaaqiisa u qoslaysa. Dhabtuse waxay ahayd, hadal tiradiisa iyo indha adaygiisay ku qoslaysey.

Axmed qudhiisa mar baa qosol ka soo fakan gaaray, markii Kulmiye ku andacoonayey in uu martiqaadkiisa hore ugu sheegay. Markuu beenta uu qurxinayo maqlay, buu intuu darbiga xaggiisa u jeestay, uurka ka yiri, Iska wad waa munaafaqnimadaadii aad weligaaba hablaha ku indha sarcaadin jirtaye! Kulmiye martiqaadku ka dhab buu ahaa, kase daacad ma aheyn. Markuu Maana arkay buu go’aan degdeg ah ku gaaray in uu daraaddeed u baabi’iyo barnaamijkii habeenkaas u qorshaysnaa. Wuxuu la ballansanaa laba gabdhood oo uu xalay iyagoo waddada taagan ka qaaday, ee soo cashaysiiyey, ka dibna ay ku adkaatay in uu middood ku keliyaysto, tan labaadna khaarajiyo. Waqtiguna ciriiri buu ku ahaa, waayo gabar uu labadaas beri wadwaday buu gurigiisa kula ballansanaa.

Sidaa awgeed ayuu asxaabtii cusbayd ku yiri, “Waa inoo habeen dambe!” Axmedna wuxuu u soo maray inuu hore u qaado, ee yiraahdo, “Naagaha mid iga qabo,” si uu tan kale daynkiisii uga gudsado. Markuu Maana-Faay arkay hablihii fiidmeerta ahaa iyo barnaamijkoodiiba wuu la qiime beelay. Hase yeeshee, martiqaadkaas iyo barnaamij- burburintaasi kama ahayn deeqsinnimo ka badatay iyo daacadnimo saaxiib ahaaneed.

Ugu danayn mayn Maana-Faay iyo Axmedkeeda. Isagaa meesha dan ku watey. Waa caado uu leeyahay marka uu gabar qurxoon la kulmo, in uusan si fudud uga gudbin isku dayiddiisa hore, waa in uu isla markaasba barnaamij la samaysto. Hadday taasi ku adkaato, sida badanaaba dhacda, wuxuu ku dadaalaa in uu ka guntado xarig uu berri raad raaci karo. Gurigeeda, taleefoonkeeda, meesha ay ka shaqayso, ama dugsiga ay dhigato iyo wixi la mid ah. Kuma aammino taleefoon ay isaga ka qaadato, ama ballan ay u dhigto oo keli ah. Isla markaas, waa in uu inta ay la joogto ‘burhaantiisa’ wax ka tusaa, ee run iyo beenba ku indha sarcaadiyaa, si ay araggiisa labaad ugu soo hilowdo. Taasi waa qofta caadiga ah ee uu ugaarsanayo. Laakiinse tani waa dumaashidi. Dumaashidi miyaa hunguri ka hayaa? Xaashaa lillaah! Sharafkiisaa ka weyn! Oo haddaas muxuu ilaa xadkaas u danaynayaa? Muxuu barnaamijkii u qorshaysnaa ugu loogay? Muxuu isagoon waqti haysan u soo ag

fariistay, ee sheekada dheer ugu galay? Hayaay! Muxuu uga hagaagi la’yahay, ee ay weli u haysataa

sidii magnadkii? Muxuu u sii dhadhansanayaa erayadeeda? Muxuu u sii macaansanayaa daymadeeda? Bal adba! Ma uu garanayo. Timir laf baa ku jirta! Ceeb Alla ha asturo! Maya. Maya. Xaashaa. Alle iguma jirrabin in aan saaxiibkay gacan dhaafo. Inta naago Ilaahay badshay dumaashiday wax ka damci mayo. Immisaa bocor i daba ordaysa, ee aan ballannadoodii kala jahayn kari la’ahay! Laakiinse tani dumaashiyo la mid ma aha, dumar la jaad maaha. Eeysh calaa cuyuun! Qoftu ma qof baa! Yaa salaam! Bal Ilaah baan idinku dhaarshaye, eega canabkaas bislaaday! Ma indhahaasaa la iska celin karaa! Ufaa caleeg! Jalleeceeda macaan baa i dishay! Istaaqfurulla!

SIR DUMAR MIYAA LAGA SAL GAADHAA?

Beri baa waxaa dhacday qiso aad u yaab badan sidoo kalena qosol badan waxa ay ka dhacday wadammada Carabta
Waxaa jiray islaan aad u caqli badan oo aan hanti badan laheed  meesha ay daganneed waxaa  ku yiilay suuq ay ganacsatada deegaanku ay isugu imaan jireen todobaadkiiba mar.

Bandhig carweedka marki ay raggu  isugu yimaadan waxaa kale oo ay kula qaadan jireen wixi markaasi  suuqa ku cusub oo ay dadku aad u danaynayaan.

Maalin maalmaha ka mida   waxaa isu yimid raggi Suuqa imaan jiray si ay ganacsigooda isu waydaarsadaan waxaa ayna meesha yimid haweenaydi oo meesha u soo aaday in ay khiyaano samayso.

Hawenaydi waxa ay la kulantay ganacsadi mid kamida waxa ay ku tiri bal kawaran hadii aan maanta 20 diinaarku siiyo shaqo yar oo aad u fududna ii qaba.

Ganacsatihi hunguri waynankiisa waxaa uu yiri ma 20 diinaar ayaa isiinee.

ay ayana tiri anoo wax badeeco ah kaa iibsan ayaa 20 diinaar ku siinaa  ee ma ii samayn kartaa . Ninki waxa uu yiri ii sheeg waa kuu samaynaahe.

Naagti waxa ay tiri ninkaygi ayaa jihaad aaday muddo 10 sano ahna waa iga maqanyahay cir iyo dhul meel uu jaan iyo cirib dhigay lama haayo marka waxaan rabaa si aan sidi dadka caadiga u noolaado si taana u dhacdo waxaa la iga baahanyahay in aan maxkada geeyo dacwad furiin.

Marka adiga waxaa ii qabanee kali waxaa iska dhigee ninkaygi waxaa dhahaysa islaantaani waxaa kala maqnayn muddo 10 sano ah hadana waxaa go’aansanay in aan is furno sidaasi ayaa qaadiga u sheegeey ka dibna waa iska soo baxeen.

 

Ganacsadihi waxa uu yiri ma intaan kaliya ayaa kuu qabaan. Haa intaa kaliya ayaa ii qabanee Ganacsadihi waxa uu xoolahiisi kale kala soo dardaarmay raga kale oo uu yiri ii sii fiiriya hantida.

 

Waxayna isi soo raaceen islaanti iyo ninki waxa ay u yimideen maxkamadi marki ay u yimideen qaadiga.

 

Ninki waxa uu dhahay gebadhaani muddo 10 sano ah ayaa kala maqnayn hada waxaa go’aansanay in aan kala tagno ee innaga dhagayso.

 

Gabadhi ayaa la waydiiyay gabadhay ma runbaa oo mays furi rabtii? Haa ayay tiri waa runtii oo muddo 10 sano ayuu iga maqnaayay hadda meel ka soo helay oo aan qoorta uga soo dhagay haddana in layga  furno ayaa go’aansanay. Intaasi ka dib ninki ayaa la yiri ku  dhawaaq dalqadeeda gabadha waa uuna ku dhawaaqay in uu furay islaantaani.

 

Marki uu soo tagay oo wax yar soo dhaqaaqay ayay islaanti waxa ay tiri qaadi ninkaani muddadi 10-ki sano eheed wax masruuf ah ima siinin ee xaqaygi ha layga qaado ee soo celi ninki.

 

Qaadigi ninki ayuu u yeedhay waxa uu yiri kaalay halkaani soo joogso war gabadhaani maxaa masruufkeeda u siin wayday inti aad ka maqneed ninki waaga ayaa ku cadaaday oo waxa uu yiri xagee balaayadaani kaaga timid mana in kiri karo oo ma dhihi karo gabadhaani aniga ma qabo oo haddii sidaasi uu yiraahdo maxkamed kale ayuu qoorta la galaa oo waxaa waydiimo badan ka imaanayaa sidee maxkamadaani ugu soo dacwooteen adinkoo is qabin?

 

Ninki Waxa uu yiri qaadi muddadi aan maqnaay waa iska mashquulee oo meel aan kala soo xariiro ayaa garan waayey.

 

Qaadi waxa uu yiri waxaan kuugu xukumay in aad gabadhaani siiso 2,000 kun oo dinaar ee iska bixi.

 

Ninki yaab kale ayaa u yimid oo waxa uu sameeyo ayuu garan waayay, gebadhi waxa ay dhahday hal kun oo diinaar kaliya hadii layga qaado waa fiicnaan laheed Ninki waxaa laga qaaday 2-di kun oo dinaar waxaana la siiyay gabadhi.

Marki ay ka soo tageena waxa ay siisay 20 diinaar ninki waxa uu yiri war walaalay maxaa saan iigu khiyaantay.

 

Gabadhina waxa ay tiri war waxaani waa shaqadayda ee caadi iska  iska dhigoo orod iska tag marka Maahmaahdii Soomaaliyeed waxaa ay eheed (Saqiir Naageed Sir La’aan ma dhinto) ayaa halkaani nooga muuqata.

 

Midda kale sheekadani waxaa ka baran karnaa in ganacsatadu ay Hami badan yihiin  oo ayna iska hubin ficillada ay samaynayaan midda labaad inan sir naageed aan  marnaba laga salgaadhi karin
Waxaa kale oo ayana jirta in haweenku ninka ay garab qabtaana uu gaadhi karo guulo waa wayn

Dhamaad

WQ: Abdullahi Hashi Yuusuf

SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTII 8-AAD)

Maryan way garansiisnayd inuunan ka dheeraan doonine iyada uu is leeyahay aad dagtid, waa intaasoo ay is tiraahdaa tagyaye meesha ka carar.
Markaas waqtigu waa galin dambe waagiina ma foga. Libaaxuna wuxuuba dhibsanayaa waaga ku baryaya isagoo ka xun casho la’aanta ku dhacday caawa.

Ma uu fogaane intuu meel ku dhow dhabbacday buu si qarsoodi ah il qooreedda ka eegayaa Maryan. Inantiiba ooggii baa istaagay iyadoo sidii kuurka la isugu jiro, isagiiyoo halkii wax jeeqaaqaya ayaa dhegtiisu jabaq maqashay. Intuu sidii wax xanaaqay boodey buu u kuur galay waxa jabaqda yeertay tahay.

Wuxuu ka xumaa in laga sii daayo qofkan u xiranee isaga siday la tahay uu maray noqotaba afka u ridan doono. Wuxuu dhegeystaba wuxuu ogaday in hadal soo galayo. Wuxuu ku tallamay inuu dadka soo socda intuu u kuur galo wax ka qaato iyo inuu tiisatan majinta uga xiran ku nasiibsado.

Bulaankii iyo ragga hadlaya badnâantiisa ayaa ka cabsi galisay inuu iyaga weerarro, taasoo uu isyiri armay kugu dhacdaa wax badso wax waa bay leedahay.
Waxaa jiray in meeshu dhabbe haloosi ahee dhaanka iyo safarradu kala go’in ahayd. Waxa soo bulaamayaana yahay safar cidaha ka yimide magaalada u socda. Waxaana wata rag hub ka buuxee ugu soo tala galay inay isaga daafacaan dad iyo dugaagba.

Libaaxii arag in arrintu qasan tahay waxa soo socdaana ayan kaba leexanayne iyaga uun ku soo fool leeyihiin. Wuxuu goostay inuu Maryan mar kale weerár cabsi galin ah ku qaado, waa intaasoy hadda hurudaayoo ay soo dhacdaaye.

Safarkii marka waxba uma jiro oo kobtuubaa madaxa soo gelinayaa, Maryanna mar horayba maqashay bulaanka dadka walowba ay aad ugu adag tahay siday afka hadal uga soo saari lahaydoo waxay u muuqatay ruux naftu ku sii daba yar tahay. Waxaa isugu darmay baqdin caguhu la barareen, caqasho iyo daal, sababahaa daraaddood, dabadeedna halka ay. fursadda lama helaanka ah, ku gefto.

Waxay is tiri qaylo sii bilow intaan laguba soo gaarin amaan lagu dhaafinba, ha yeeshee way kari wayday. Aragtay inay qalalan tahay. Dhawr kol oo is daba joog ah bay isku dayday afkeeduse awood uma yeelan inuu qaylo ama hadalba sameeyo oo intuu kala tagey buu u ekaa mid aan hawshaasba layan isagu. lyadoo laantii ku maran bay damacday dheh “Haah waaw, qaaq, aaa,” Kumase ay guuleysan. Niyadda way ka lahayd qayladaas, ha yeeshee mid laanta ay haysataa maqalayso ma ahayn.

Libaaxii oo kankoonsan ayaa geedkii soo galay. Isagoo qayliyo xaruun isku qasaya buu haddana bootin intii itaalkiis ah soo boodey. Wuxuu qabsaday meel dhexe oo geedka jirriddiisa ah kumase daahine haddiiba wuu ka dhacay. Aad buu u cuslaa una qaraaxad weynaa.

Maryan inkastoy si walba u naxday suuxina gaartay haddana soomay dhicine meesheedii bay isku kaduudday.
Markii libaaxu qaylada bilaabayba waxaa diday awrtii safarka ahayde markaa aan waxba u jirin. Xargo adag ama hoggaamo la saantay iyadoo iskuna xirnayd ragga wataana awalba aad uga feejignaa dartii ayaysan xarga-goosane haddiiba inta mid mid loo gar qabtay qoryihiina la rogtay dhawr xabbadood meeshii libaaxu ka gurxamay la dul mariyey.

Intaan la ridin xabbadaha ayaa ninkii ugu da weynaa meeshaa waaya aragnimadana is bidayey hadal qaylo ah wuxuu ku yiri; “yur, yur, yur, war xabbadaha hoos ha ugu dhigina bahalkee kor mariya, ha inaka tagee. in uusan ina ku dhaawacmin baa roone,” Markay korkiisa ka onkodday ayuu orod is jaray.

Raggii awrta safarka ah watay inta nin iyo awr loo wada gar qabtay, hareerahana la iska taagay ba la yiri, “aan u sugno oo yaan awrta inta waagu si fiican u baryayo la xiriinin waa intaasoo ay xarga goosataaye,” meeshiiba la hogtay. Waana goon bannaan meeshu walowba kaymo jiq ahi ku dhowaayeen. Raggu wuxuu aad ula socday daymada awrta oo iyadu uga indha fiiqan ugana dhega wedden ragga Libaaxa dhaqdhaqaaqiisa.

Sidii xoon shinniyeedoo godkii laga jabsaday bay qoortoodii is galooleen waaga caddaadkiisana sugeen taasoo ay aad uga feejignayeen in libaaxaasi wax ka halakeeyo.

 

SHEEKII TODDOBA DILE

Bari baa waxaa magaalo joogi jiray nin dhallinyaro ah, oo fool-xumo iyo fulaynimo haad ka carar ah isku darsaday.

Maalin walba waxaa tuuryayn jiray, oo magaalada ku dhax cayrsan jiray ciyaal yar-yar iyo dumar aan sinnaba ugu jixin jixin oo shiidka iyo ulaha isugu rogi jiray. Dhibaatadii ay ciyaalku u gaysan jireen iyo dhag xumadii markuu u adkaysan waayay, ayuu go’aan ku gaaray inuu iska socdaalo, oo dhul aan laga aqoon qabto ama (aado).

Markuu dhowr maalmood socday ayuu magaalo ku baxay, wuxuuna dadkii magaalada joogay u sheegay inuu yahay nin geesi ma gambada ah, oo la yiraahdo “toddoba dile”.

Boqorkii magaalada ayaa maqlay inuu nin “toddoba dile” la yiraahdo oo geesi ihi yimid, wuxuuna dalbaday in loo keeno.

Toddoba dile ayaa boqorkii loo geeyay markaa buu ku yiri “ Ninyahow maadaama aad tahay geesi waxaa magaalada dhibaato ku haya Liibaax habeen kasta qof uu cuno geed loogu xiro, caawana gabadhayda ayaa la rabaa in loo xiro, markaa waxaan kaa rabaa inaad Liibaaxaas disho, gabadhana ii badbaadiso”.

toddoba dile oo cabsi darteed wadnuhu sidii dhariga u taqayo farahana ka garcinaya, balse qosal been ah isku maldahaya ayaa ugu jawaabay “ Boqorow taasi waa shaqadayda ee geedka Liibaaxa korkiisa aniga halay saaro si aan u dilo”,

sidii ayaa la yeelay oo geedkii korkiisa ayaa toddoba dile lagu diyaarshay qofkii hoos lagu xiri lahaana waa la fasaxay.

Xilli saq-dhexe oo habeenimo ah ayaa Liibaaxii geedkii hoos yimid, wuxuuna ka waayay qofkii meesha loogu xiri jiray, asagoo xanaaqsan, baahi daran la hamaansanaya ayuu laba jeer Af labadii dhawaaqay, toddobo dile ayaa dhawaaqa Liibaaxa maqlay hayeeshee cabsi aawadeed ayuu geed haleel uga soo dhacay, oo dhulka kuma dhicine Liibaaxii dusha uga dhacay.

Markuu arkay inuu Liibaaxii sidii faras kooraysan dusha uga saaran yahay, hadduu ka dhacona sidii doolshaha loogu hanfiilan doono, oo lagu cashayn doono ayuu Liibaaxii sidii mooto laba lugoodlay ah labada dhagood ku dhagay, kallidana qoob kaga dhiftay.

Liibaaxii oo asaga qudhiisa aad u naxay ayaa sidii faras baxdooya ula booday, oo afar qaadle orod ah iskula jin baacay, wuxuuna la dhax maray magaaladii asagoo sidii faraska ula kablayna hadbana dhinac ula rogmanaya.

Dadkii oo dhan ayaa la yaabay ninkan liibaaxa sidii faraska u kaxaysanaya, waxayna dhamaantood iska dhaadhiciyeen inuu yahay geesi sooma jeeste ah , hayeeshee waxaa isla markiiba dareenkoodii dhanka kale u rogay oo haddana ka yaabshay markay arkeen toddoba dile oo liibaaxii ka dhacay, naftiisana la cararay iyo liibaaxii oo sidii gantaalka u daba jooga, Illaahay amarkii toddoba dile wuxuu gacanta midig ku haystay toori yaroo laba afle ah.

Ayadoo uu toddoba dile liibaaxii qaban gaaray, orodkiina uu meel ku gaari la’yahay ayaa tooraydii uu gacanta ku lalminayay waxay galowda ka dooxday liibaaxii oo asaguna markaa isla gacanta rabay inuu afka ku rito, halkaas ayuu liibaaxii ku dhintay.

Subaxdii ayuu boqorkii ku kalahay, wuxuuna u sheegay inuu liibaaxii dilay, waxaana lagu abaal mariyay gabadh uu boqorku dhalay iyo hanti fara badan.

WD: Liibaan Xirsi Jimcaale

Soomaaliya oo taageero Militari u heshay wajiga -2aad ee dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Mareykanka ayaa kordhinaya kaalmada milateri ee uu siiyo Soomaaliya xilli uu dalku guul u arko in uu la dagaallamayo waxa uu Mareykanku ugu yeeray “shabakadda Al-Qaacida ee ugu weyn uguna dhimashada badan caalamka, A USAF C-17 ayaa dhawaan ka soo degtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyadoo gaarsiisay dhowr boqol kun xabo oo ah rasaasta fudud ee Ruushka lagu sameeyo oo ay adeegsadaan guutada Danab ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

C-17 (07-7187 callsign RCH327), ayaa ka soo duulay Charleston ilaa Muqdisho laga bilaabo Febraayo 25-keedii. Inkastoo aysan baahin booskeeda ka dib markii ay gaartay Meditteranean, fariimaha ACARS waxay muujinayaan diyaaradii ku degtay Jabuuti ka hor inta aysan imaan Muqdisho (HDAM->HDMM).

Rasaasta, oo ay samaysay warshadda Barnaul cartridge ee Altai Krai, Russia, ayaa u muuqata in ay tahay 7.62 caliber rifle ammo, iyada oo qaar ka mid ah ay bannaan yihiin tababarka, iyadoo Doladda Mareykanka bayaan ay soo saaray ku sheegay in uu ku taageerayo duulaanka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay hogaamineyso ee ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab, kaasi oo dib u qabsaday deegaanno tan iyo bishii Agoosto.

Dhinaca kale WARSAXAAFADEED aya soo saareen Ururka Midowga Yurub EU ayaa lagu sheegay in Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya: Goluhu wuxuu ansixiyay taageerada dheeraadka ah ee Xarunta Nabadda Yurub ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Guddiga Siyaasadda iyo Amniga (PSC) ayaa ansixiyay taageerada dheeraadka ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo ee qaybta militariga ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), waxayna Labadaasi ficilba ay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geystaan ​​wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ATMIS-ka ee SNA, iyadoo u oggolaanaysa kuwa hore inay gutaan waajibaadkooda iyadoo la xoojinayo awoodda kuwa dambe.

Miidowga Yurub wuxuu ku dari doonaa 85 milyan oo Yuuro agabkii hore loogu abaabulay ATMIS ee 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu talagalay SNA. ATMIS, Muddadii u dhaxaysay 1-da Luulyo 2021 – 31 Diseembar 2022, taageeradii hore ee EPF waxay gaaraysay €185 milyan. Ciidanka XDS, waxa ay diiradda saari doontaa bixinta qalabka aan wax dilin karin iyo hawlaha kaabayaasha, iyada oo si dhow ula shaqaynaysa Hawlgalka Tababarka Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S).

Taageeradii hore ee SNA ee hoos timaada EPF ayaa la ansixiyay Noofambar 2021 waxayna gaaraysaa €20 milyan. BackgroundEU waa ka ugu badan ee sida tooska ah wax ugu tabaruca ATMIS wadar ahaan lacag dhan €2.4 bilyan tan iyo 2007.

Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii ahaado xiriir dhow oo uu si buuxda uga go’an yahay inuu gacan ka geysto hawlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha la gaaray ilaa hadda. isku dubaridka iyo hawlgelinta wadajirka ah ee Midowga Yurub si loo taageero amniga iyo nabadda Soomaaliya, iyo guud ahaan Geeska Afrika, waxaana si gaar ah loogu lamaanay taageero karti-dhis ah oo la siinayo XDS, iyadoo ujeedadu tahay in la ogolaado xil wareejinta mas’uuliyadda amniga. Taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya ee arrintan la xiriira waa mid waafaqsan go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee khuseeya iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Taageerada qaybta milatariga ee ATMIS iyo SNA waxa lagu maalgeliyaa Cabbirka Caawimada ee lagu taageerayo Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Afrikaanku hormuudka ka tahay qiimihiisu yahay €600 milyan ee hoos yimaada EPF oo daboolaya muddada 2022-2024-ka.

Dhinaca kale Dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay u dirayaan in ka badan 30,000 oo Askari oo dheeraad ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, taasi oo  lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna Waddamada deriska la ah.Soomaaliya oo ay ku jiraan Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa la sheegay inay ballan qaadeen inay u dirayaan in ka badan 30,000 oo askari oo ka baxsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare oo dhinaca ammaanka ah, waxaa kaloo jirta in seddexdaasi dal ayaa sidoo kale la sheegay in ay bixin doonaan dhaqaalaha ay ku bixiyaan ciidamada.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la taliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka, ayaa VOA u sheegay Khamiistii in ciidamada ay imaan karaan bisha May. Ciidaankaasi oo wata hubka culus oo ay ka mid yihiin Madaafiicda goobta iyo Taangiyo.

Horaantii bishan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda seddexda dal ku martigeliyay shir-madaxeedka arrimaha difaaca, kaasoo ay isku raaceen in la sameeyo hawlgal “baarid iyo burburin”. Sare u kaca ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee wejiga labaad ee howlgallada milateri ee Soomaaliya.
ATMIS waxay leedahay dalal ay ciidamo ka joogaan Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti, iyadoo askar iyo shaqaale taageero la geeyay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo Tirada guud ee askarta howlgalka ka qeyb qaadatay ayaa gaareysa 18,586.

By C/laahi Ruush

WAXSOO-SAARKA BEERAHA OO HOOS U DHAC LAGA DAREEMAY

Markii ay baaqdeen fasalkii xilliyada roobka oo isxig xigay ayaa waxaa dalka ku dhufatay abaar oo sababtay barakac xooggan oo haleelay beeraleydii ku howlanaa waxsoo saarka tacabka beeraha.

Waxaa beeraleydii ay soo beegsadeen magaalooyinkii waa weyn iyo meelaha ay is leeyihiin waad ku barabixi kartaan.

Inkastoo beeraha waraabka ay yara dhaamaan kuwa roobka haddana waxaa kor u kacay sicirka guud ahaan qudaarta iyo quutul daruuriga oo kor u kacay taasoo ay ka dhalatay markaa dhan kale laga eego isbeddelka cimilada iyo xaalufinta loo geystay kol hore deegaanka oo isbiirsaday, weli waxaa taagan macluul iyo nafaqo darro oo la soo daristay beeraleydii oo ku soo barakacay magaalooyinka waa weyn

Dadkani ayaa u baahan gargaar wallow dadka wax heysta ay qaarkood gacan ka geysteen arrintaas abaarta ayaa sidoo kale ku dhufatay gobollada jubbaland, Galmudug oo dadkii xoolaha nool lahaa ay dhamaan dhaafeen kuwaasoo la il daran macluul iyo gaajo iyo daryeel la’aan una baahan gurmad caafimaad iyo mid aadannimo.

Beeraha dalka oo u kala baxa kuwo waraab ah iyo kuwo kubaxa fasalka xilliyada go’ga iyo deyrta ayaa laga dareemayaa inuu ku yimid dib u dhac xooggan wax soo saarka beeraha ee gobollada shabeellada hoose iyo dhexe ayaa badiyaa daboola baahida qudaarta iyo furatada dalka inkastoo ay wabiyadu ay biyo yareeyaan haddana wax uunbaa ka soo baxa beerahaasi, haddaba waxaa loo baahan yahay in daraasad lagu sameeyo dib u dhaca iyo waxyaabaha sababa oo asalka u ah abaarta waana mid looga fadhiyo wasaaradda beeraha inay xil iska saarto arrimahaasi isla markaasna ay ka howlgasho tijaabada saraca beeraha ee ka bixi kara dalka taasoo micno weyn ugu fadhida dadka soomaalida.

Wax soo saarka beeraha waa muhiim in dadaal dheeri ah laga muujiyo daboolidda baahida bulshada waddanka oo laga xaqab tiro cuntada daruuriga ah sida masagada, galeyda, digirta, salbuko, bariiska, iyo qudaarta sida basasha, baradhada, limo ugunji, limo dhannaan, barbarooni, baabaay, qaraha, muuska, cambo, canuuni, iyo caad iwm.

Si markaasi  loo helo suuq geyn dibadda ah sida ay ahaan jirtay in muuska soomaalida loo dhoofiyo iyadoo loo dhoofin jiray dalalka talyaaniga, boqortooyada sacuudiga, yemen, khaliijka carabta, taasoo dalka ka soo geli jirtay lacag adag, waa in dib u habeyn lagu sameeyaa habka wax soo saarka beeraha ee dalagyada muuska iyo kuwa soo raaca/

Waxaa habbooneyd in la dayac tiro kanaalladii biyaha waraabka doorka ka qaadan jiray ee shabeellada hoose iyo dhexe, oo kaalin wacan ka qaadan kara habka waraabka beeraha iyo doorka wax soo saarka dalagyada laga qoto beeraha inkastoo weli si wacan aysan u muuqan ururkii iskaashatooyinka beeraha soomaalida oo kaalin wacan ka ciyaari jiray wax soo saarka dalka ayaa imanka looga baahan yahay inay boorka iska jafaan una dhaba galaan habkii lagu yiqiin ururka ee soo saarka beeraha wacdarana ka dhigi jiray.

Arrinta si kastaba ha ahaatee hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka beeraha sannadahaan dambe ayaa dhinacyo badan quseeyaan balse haddana lagama maarmaan ay tahay in dib loo yagleelo kaalinta wax soo saarka beeraha dalka, taasoo aan looga maarmin in la gaaro isku filnaasho dalka quutul daruuriga gudaha waana mid loo baahan yahay in loo dejiyo qorsho dhow iyo mid fog oo ku aaddan horumarinta iyo fidinta beeraha si markaasi ay u muuqato habka dhaqan dhaqaale ee waddanka.

WQ: Ibraahim Fanax

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo arrimo muhiim ah kala hadlay dhiggiisa Itoobiya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Adis Ababa kula kulmay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha ee Dowladda Federaalka Itoobiya H.E Mrs.Muferihat Kamil.

Labadan Mas’uul ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada TVET, shaqada iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale, Wasiir Biixi iyo H.E Mrs.Muferihat Kamil ayaa isla gartay Qorshayaasha dib-u-habaynta iyo kor u qaadista hal-abuurka dhalinyarada si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee labada dal. Wasiir Biixi ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay.

  

GANACSIGA ISKU DAYASHADA KU DHISAN EE LEYSKA DHINAC FURTO MA SAX BAA?

Mararka qaar fajac ayey kugu noqoneysaa in aad aragto afar farmashiye oo iska barbar furan iyadoon hal waaddo u dhaxeyn, sidoo kalena waxaa la yaab kugu noqonaya labo maqaayad oo cunto isku mid ah kariya oo iska soo horjeeda.

Muqdisho oo keliya ma aha laakiin magaalooyinka soomaalida inta badan caadadan waa leeyihiin waxaana kugu soo dhacaya ganacsi isku wada mid ah ooh al nooc ah in uu jiro.

C/laahi Xasan Salaad wuxuu ku nool yahay Muqdisho wuxuu sheegay in degaanka Dharkenley uu ka furay maqaayadaha loo yaqaano borostooyinka ee lagu dubo digaaga laakiin maalmihii ku xigayba ay ganacsato kale jidkii maqaayadda uu ka furay ay iyagana ka fureen dhowr maqaayadood ooduba hilibka digaaga.

“Aniga maalmihii hore maqaayadeydu suuq bay laheyd oo macaamiishu waa ku badnaayeen laakiin hadda maya. maqaayadihii la iga daba furayna iyaga laftooda suuq la’aan baa ku dhacday..waan wada shiiidnay “ ayuu yiri C/laahi.

Arrintaan waxay muujineysaa in uu yar yar hal abuur lala yimaado laakiin la sugo hal qof oo wax cusub oo ganacsi gal ah keeena ka dibna fikradiisii la wada qaato oo ganacsigii lagu dabaqo taas oo aaan anheyn horumar balse ah caajisnimo iyo in aan maskaxda laga shaqeysiineyn.

Maxamed Cilmi oo ah aqoon yahan u fiirsaday ganacasigaas isku dayashada ah ee aan ku dhisneyn wax cusub curinta wuxuu sheegay in dad badan oo ganacasato ah oo qaarkood fikrado la yimid halkii ganacasigoodu badan lahaa ay curyaamiyeen ganacasato kale oo minguurin ama koobi fikradadaha ganacasiga joogto ka dhigatay.

“Waxaad arkeysaa mar walba Muqdisho iyo meelo kale ganacsi hal nooc ah oo soo badanaya, mar waxaa magaalada ku badnaa MMiNIMARKET, mar kale wxaa soo batay isbitaalada gaarka loo leeeyahay.

mar waxaa badnaa rugaha qurxinta dumarka, muddoyinkan dambena goobaha dalxiiska..taas waxay ku tusinyesaa in ganacsiga Soomaalida aanu ku imaanin fikrad la shiilay oo muddo dheer laga fekerayey laakiin uu noqday wixii loo bato adna sameyso.

Ganacsiyada horumaray waxay ku dhisan yihiin wax aad ganacsiyada kale ee suuqa ku jiray dheeraaan karto ee ma aha in aan fikrad qof la yimid adna aad sameyso oo ganacsi ka dhigato.

Ganacasiga noocaaan ah waa duminta ganacsiyo hore u jiray oo kaa horreeyey hirgalayna maadaama aad isla isagii la soo shirtageyso taas oo ah wax aaan wanaagsaneyn.

Sidoo kale tani waxay ka mid tahay caqabadaha hortaagan in ganacsiyo waaweyn ay Soomaalid u sameyn karto maadaama ay tahay curinta asalka ah ee qofka raba in uu ganacsi iyo adeeg dadka u soo kordhiyo.

“In aan firad cusub lala imaan oo minguurin amma koobi mid qof leeyahay la wado waa tan maanta mar keliya wax aan sanad dhammeyn ay u soo baxaaen in ka badan 65 shirkadood oo FOREX ah oo la og yahy wixii lagala kulmay “ ayuu yiri Sadiik abdi Afrax oo aad uga soo horjeeda fikrada ganacsi ee isku dayshada ah.

Taas waxaana iyana sii raaca shirkado soomaali ah oo dharka ka soo sameeya dalal ay Shiinuhu ka mid yihiin oo qaata naqshado ay shirkado kale hore u lahaayeen, wax ka soo bedela , waxna dhima tayadii hore balse u ekeysiiya tii asalka aheyd.

Inta aan la heynin fikir curin hal abuur leh oo aan wadno ku dayashao wax qof ka fekearay oo fikirkiisu leeyahay sidii aan annagana u dayan laheyd marna ma dhaceyso horumar loaga tallaabsado dhinaca ganacsiga iyo la tartanka dadka kale eek u nool caalamka.

WQ: Mohamed Shiil