Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Safiir ku-xigeenka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta la kulmay Safiir ku-xigeenka safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ahna sii hayaha safaarada Ed Barnett.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo Wasiirku uu uga warbixiyay Safiirka xaaladda guud ee dalka iyo howlgallada dalka looga ciribtirayo khawaarijta, kaasi oo guulo waa weyn laga gaaray.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay UK kaalinta ay ka qaadato doorka ku aaddan taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ayaa bogaadiyay howl-gallada guud ahaan Dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, waxa uuna xusay in Boqortooyada Ingiriiska ay kaalin mug leh ka qaadato taageerada Soomaaliya iyo sidii cunaqabateynta hubka saaran looga qaadi lahaa.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dooxa kaga qeyb-galaya shirka Qaramada Midoobay ee dalalka soo koraya

Dooxa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagaya xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, isagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Yaasiin oo shir guddoomisay Kalfadhiga 2aad kulankiisa 25aad ee Golaha Shacabka BJFS

Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 2aad kulankiisa 25aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow

Kulanka oo ay soo xaadireen 151 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa 1)Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

2)Qeybinta Warbixinada Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada Kala Ah
A)Dhowrista Xogta
B)Maareynta Deeganka.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” iyo qaar kamid Ah xubnaha guddiga Ayaa xildhibaanada ka hor aqriyay Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada oo uu guddigu ka soo shaqeeyay Ayagoona sheegay diyaaritana sharcigaan in ay la kaashadeen khubaro sharciyaqaano Ah iyo qabiirro ku xildheer sharcigaan wax ayna xildhibaanada ka codsadeen in ay meelmariyaan sharcigaan oo muhiim u ah dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaan xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ‘talosoojeedin ku saabsan sharcigaan.

Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona sheegtay in kulankaan kulankiisa xiga ay dhameeystiri doonaan ka doodista sharcigaan oo ay ka harsan yahiiin 11 xildhibaan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kormeeray Akademiyada Boliiska ee Jeneraal Kaahiye

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto Kaahiye, kaasi oo lagu Tababarayo Ciidamo kamid Noqonayo Boliiiska Soomaaliyeed,  Ciidamadii dhawaan laga Keenay Dalka Jabuuti ee Tababarka Soo dhameystay.

Taliyaha ayaa qeybahan kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed kula Dardaarmay ilaalinta Xuxuuqda Muwaadinka Soomaaliyeed iyo Handitooda.

Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada in ay ka fogaadaan Waxyaabaha Maanka dooriya maadama Booliska uu yahay ilaaliyaha Bulshada, loona baahanyahay in ay ka fogaadaan Waxayaabaha maanka dooriya, awaamiirna laga soo saarayo ciddii lagu qabto isagoo isticmaalaya Balwad nuucey doonto ha ahaatee.

Waxay noqon kartaa sawirka 11 qof, dad taagan, dareeska ciidanka iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo bannaanka

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo bannaanka

Dalalka Qaniga ah oo lagu eedeeyay in ay wadaan xeelado arxan-daran oo k adhan ah dalalka saboolka ah

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhaleeceeyay dalalka qaniga ah iyo shirkadaha waaweyn ee  tamarta in ay wadaan xeelado  arxan-daran  oo ka dhan ah dalalka saboolka ah ee doonaya in ay kobciyaan dhaqaalahooda.

Dalalka Qaniga ah iyo shirkadaha waaweyn ayaa lagu eedeeyay in lacago ribo ah iyo dulsaar kale ay saareen deynaha lagu leeyahay dalalka saboolka ah,iyadoo sidoo kale la cuuryaamiyay qiimaha shiidaalka isla markaana lagu sameeyay sicir barar.

Khudbad uu maanta ka jeediyay furitaanka shirka ka dhacaya Qatar, Guterres wuxuu sheegay in wadamada hodanka ah ay tahay in sanadkii ay bixiyaan $ 500-bn, si ay u caawiyaan dalalka saboolka ee la daalaa dhacaya dadaalada kor loogu qaadayo dhaqaalaha iyo horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada.

Shirwaynaha ka dhacaya Qadar, ayaa caadiyan la qabtaa 10-kii sanoba mar laakiin laba jeer ayaa dib loo dhigay tan iyo 2021 sababtoo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.

Ma jiro hoggaamiye ka socda mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka oo ka qayb galay shirkaasi,waxaana sidoo kale kulankaasi goob joog ahaan uga maqan Afgaanistaan iyo Myanmar oo ah laba dal oo  sabool ah.

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawlwadeenada sare-sare ee  ka socday barnaamijka UN-JPLG ee Qaramada midoobay, kaas oo taageero Dawladaha Hoose ee Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa in hawlwadeenada maamulka guud ee barnaamijkaan ee uu hogaaminayay Mr. Paul Simkin laga dhageesto qorshaha wajiga 4-aad ee bilaaban doono Bartamaha sanadkaan.

Sidoo kale, guddomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay qorsheyaasha hortebinada horumarineed ee uu maamulka gobolka ka leeyahay horumarinta caasimadda Muqdisho, sida adeegyada bulshada, maaraynta khashinka, shaqo abuurka dhalinyarada, tababarada dhalinyarada, kobcinta Dhaqaalaha iyo hagaajinta Sharciyada iyo habraacyada shaqo ee Dawladda Hoose.

Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadnaqay taageerada barnaamijka JPLG isagoo dhinaca kale ku adkeeyay in la xoojiyo taageerada ay Caasimadda ka hesho barnaamijkaan. Kulanka waxaa goob joog ahaa  guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka.

  

Golaha Aqalka sare oo Akhrinta koowaad marsiiyay labo sharci oo muhiim ah

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 19-aad.

Ajandaha Kulanka ayaa ahaa qeybinta Xeerka gaarka ah ee Habraaca Nidaamka dib-u-eegista iyo  wax-ka-beddelka dastuurka KMG.

Sidoo kale, waxaa Akhrinta Kowaad la marsiinayay Hindise Sharciyeedyada Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan beenebeene iyo Wasirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u akhriyay labadaas sharci oo ka mid ah sharciyada dalka muhiimka u ah.

Guddoomiye Cali Shacbaan, oo kulanka soo xiray ayaa guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda iyo qorshaynta Aqalka Sare, faray in ay la wareegaan labadaas sharci oo ay ka soo gutaan waajibaadkooda kuna soo celiyaan golaha si akhrintiisa labaad loo guda galo.

              

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kormeeray xeryaha ciidamada DANAB ee magaalada Kismaayo

Kismaayo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xeryaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danabee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey ciidamada nafhurnimada ay u sameynayaan dadkooda iyo guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

        

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada Booliska gobolka Banaadir

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray Qeybta Boliiska Bartamaha ee gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigyada Boliiska degmooyinka Xamar-jajab, Xamar-weyne, Cabdicasis iyo Shangaani.

Ujeedka Kormeerka taliyaha ayaa ku qotomay ukuurgelida xaaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan iyo hannaanka adeegga dadweynaha ee saldhigyadaas, wuxuu si gaar ah u kormeeray OP-ga.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay dhammaan saraakiisha ciidamada goobaha uu booqday in ay adkeeyaan amniga iyo wada shaqeynta ay lala leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada gobolka Banaadir oo ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay.