Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Soomaaliya Cagaaran

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Al Maqzuumi oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Qatar ayaa sii wadda kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadaneyso Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Waddankaas iyadoo kala hadleysa sidii dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd wax ka qabashada culeysyada ka dhashay isbadalka Cimilada ee dalkeena ka jira.

Wasiir Khadiijo oo ka warbixineysay Qorshaha is kaashiga labada dowladood ayaa tiri” Fursad ayey inoo ahayd ka qeybgalka ololeha hindisaha dhir-beerista dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar oo hiigsanaya 10 milyan oo geed. Waa hindisa lamid ah “Soomaaliya cagaaran” oo ay wasaaraddu hirgelineyso, taas oo suuragelineysa inaan isdhaafsanno khibradaha iyo hal abuurrada kala duwan, isla markaasna iska kaashano ka gudbidda caqabadaha taagan ee nabaad-guurka dhulka”.

Dowladda soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii wax looga qaban lahaa is badalka cimilada  iyo xaalufinta degaanka taa oo ay ka dhalatay in nabad guur uu ku dhaco degaanka si taa looga foojignada dowladdu ay ku dhawaaqaday barnaamijka soomaaliyada Cagaaran oo lagu beerayo guud ahaan dalka dhir fara badan.

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

1-Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Socdaalka

2.Dhamaystirka dooda warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada

3-Ka doodista warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta

Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in markii ay ka doodaan Hindise sharaciyedyadasi in meel mariyaan

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga dalka Switzerland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qayb gelaya shirka caalamiga ah ee wadamada soo koraya ( LDC5) oo tobbankii sano ba mar la qabto, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga dowladda Federaalka ah ee Switzerland Amb. Patricia Danzi.

“Waxaan ka wada hadalnay dhinacyada aan iska kaashan karno iyo khibradda Dowladda Switzerland ee dhinacyada horumarinta arrimaha bulshada maadaama ujeedada ugu weyn ee shirkani ay tahay in wadamada horumarka sameeyay khibraddooda iyo taageeraba la wadaagaan dalalka soo koraya”ayuu yiri wasiir Abshir.

Kulankan ayaa waxa Wasiirka ku weheliyay Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee XFS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo madaxa ergada inoo joogta xarunta qaramada midoobay ee New York Danjire Abuukar Baalle.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo daah furay mashruuca Daryeelka Dhallaanka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta daahfuray mashruuca Daryeelka Dhallaanka , iyadoo ay munaasabadda goobjoog u ahaayeen Wasiirro ka tirsan XFS, Dawlad-gobolleedyada, Xildhibaannada Federaalka, wakiillada hay’adaha Dawladda, UNICEF, Dallada Somalia Cash Consortium iyo marti kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali oo ugu horreyntii daahfurka mashruucan ku soo dhaweeyay ka soo qeybgalayaasha ayaa sheegay in horumarinayaan taageerrada Dhallaanka.

Xildhibanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka,xubnaha Dawlad-gobolleedyada ee madasha ku sugnaa , wakiilka hay’ada UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef , iyo

wakiilka dallada Dallada Somalia Cash Consortium, Alessandro Bini ayaa ku tilmaamay daahfurka mashruucan inuu wax ka tari doono xaaladda ay ku suganyihiin Dhallaanka.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene oo boggaadiyay daahfurka mashruuca Daryeelka Dhallaanka ayaa ku sheegay tallaabo kale oo loo qaaday taageerrada Bulshada nugul, wuxuu tilmaamay siyaasadda Ilaalinta Bulshada iyo barnaamijka Qaran ee Ilaalinta Bulshada Baxnaano inay fuliyeen barnaamijyo wax ku ool ah oo looga hortagay nuglaanta Bulshada ee saameynta abaarta.

Gabagabadii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS , Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay ujeeddada mashruucan inay la xiriirto taageerrada Daryeelka Dhallaanka , isagoo intaa ku daray inuu mashruucan gacan ka geysanayo hagaajinta bedqabka Haweenka ururka leh iyo kuwa nuujinaya.

Mashruuca Daryeelka Dhallaanka oo qeyb ka noqonaya mashaariicda uu fulinayo barnaamijka qaran ee Ilaalinta Bulshada ee Baxnaano ayaa Dawladda Soomaaliya , waxaa taageerraya Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KfW , iyadoo ah fulintiisa ay gacan ka geysanayaan Hay’adda UNICEF iyo dallada Dallada Somalia Cash

    

Ra’iisul Wasaaraha Xamse “Dib u daabicidda shillin Soomaaligu waxa uu qayb ka qaadanayaa kobcinta dhaqaalaha dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Soomaaliga, kaasi oo looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee ay guddigu yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen online.

    

Madaxweyne xasan sheekh iyo amiir ka dowlada qatar oo yeeshay kulan miro dhal ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

  

Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare oo kulan su’aalo weydiin ah la qaatay wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga XFS

Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ugu yeeray Xarunta Golaha Aqalka Sare wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,si ay u waydiyaan su’aalo la xariira Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare sen. Aaden Cabdinaasir Maxamed iyo xubnaha Guddiga ayaa soo dhoweeyay Masuuliyintan oo uu hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa.

Guddiga Amniga ayaa wax ka waydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hadda horyaalla Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda iyo Hay’adda ayaa ka jawaabay dhammaan weydiimihii uu Guddigu hordhigay.

Kulanka gebagabadiisa waxaa lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.

  

Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo maalintii shanaad ka socda Muqdisho

Hoggaanka haweenka Soomaaliyed oo ay hor kacayso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS ,Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa muqdisho maalintii 5-aad ka wada ololaha wacyigelinta bulshada ee Garanwaaga ka soo saara guryihiin iyo xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da maarso,Wasiir Khadiija oo la hadashay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay iska soo dhex saaran Garanwaaga, jaqaya dhiiga ummada Soomaaliyed islamarkaana haweenka ay ka go’an tahy in ay la shaqeyaan hay’adaha amniga.

“anagoo ku jirna toddobaadkii Haweenka ee Ololaha Garanwaa waan uga Mahad celinayaa haweenka isku duubnidooda”. Wasiir Khadiijo Diiriye.

Qeybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed oo maanta isugu yimid taalada dhagaxtuur ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeyaan laamaha amniga islamarkana ay iska soo saaraan Garanwaaga ku dhax dhuumanaya bulshada dhexdeeda.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga guddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay ayaa haweenka Soomaaliyeed uga mahadceliyay isu soo baxooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska soo dhex saaran khawaarijta ku dhex dhuumaleysaneyso, kadib markii ay ku soo jabeen dagaallada ay kula jiraan geesiyaasha xoogga dalka,iyo kuwa deegaanka.

” Haweenka Soomaaliyeed Tiir iyo Laf dhabar baad u tihiin Dowladnimada waana guuleysaneynaa”sidaa ayuu yiri wasiir Xagaa.

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay dibad bax ka dhacay muqdisho ayaa faray shacabka gobolka Banaadir in ay iska soo saaraan Garanwaa oo bulshada dhexdeeda isku dayaya in falal amni darro ka sameeyo.

  

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay koox ka socoto hay’adda Global Protection Team

Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Qaranka  Mudane Maxamud Macallin Cabdulle iyo qaar ka mida madaxda hay’adda ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho koox ka socoto hay’adda Global Protection Team.

kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha dadka ku barakacay gudaha dalka oo ay sameeyeen abaaraha iyo colaadaha, sidoo kale Madaxda Hay’adda SoDMA ayaa la wadaagay wafuudda ka socotay GPT qorshaha lagu ilaalinaaya dadka ka soo barakacay xaladaha abaaraha iyo colaadaha.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Maxamud Macallin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Wafuudda ka socotay hay’adda Global Protection Team sida ay u garabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qebgalay kulan looga hadlayay dardargalinta amniga Caasimada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qeyb galay kulan looga hadlayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira ka hortaga dhagarta Khawaarijta.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Xildhibaano katirsan DFS, saraakiisha Amniga Madax kala duwan iyo qeybaha bulshada rayidka.

Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray arrima kamid yihiin, Ciribtirka Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda.