Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xal u helidda isbeddelka cimillada

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimillada ayaa magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar kulan kula yeelatay kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Qatar, marwo Lu’lu’a Al-khaadiri.

Labada mas’uul ayaa isla qaadaa dhigay iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo doorka ay dowladda Qatar ka qaadan karto xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka Cimillada.

Madaxweynaha Shiinaha oo eedeyn kulul u soo jeediyay dalalka reer galbeedka

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku eedeeyay dalalka reer galbeedka oo uu ugu horreeyo Mareykanka, in ay wadaan olole siyaasadeed oo ay ku caburinayaan dalkiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Madaxweynaha Shiinaha oo shalay khudbad ka jeediyay fadhiga baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in Waddamada reer galbeedka oo uu ugu horreeyo Maraykanka ay dhaqan galiyeen siyaasad ku saabsan go’doominta Shiinaha, taas oo ah caqabado aan hore loo arag oo ku wajahan horumarka Shiinaha.

Xi Jinping, waxa uu sharraxay in haddii ay hirgasho Siyaasdan ay damacsanyahiin reer galbeedka in Shiinaha uu ka dhici doona isbeddel degdeg ah oo aan la saadaalin karin inta uu sii socon doona.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxa uu intaa ku daray in shantii sano ee la soo dhaafay ay la soo derseen caqabado hoos u dhigay koboca dhaqaale ee dalka, kuwaasi oo ay laf dhabar u ahayeen hagardaamada dalalka reer galbeedka.

Warbaahinta qaranka oo booqatay xaruntii ugu weynad ee khawaariijtu ku askarayn jirtay Caruurta

Kooxda khawaariijta ah ee ku caan baxday ka been sheegida iyo dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxay ku kacday jariimooyin iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka dib markii ay ku kaceen in ay askareeyaan caruurta aad u da’ada yar taas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka,xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka Federaalka Soomaliya,deegaanka Al-kawsar oo hoos taga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ahayd goobaha ugu waaweyn ee kooxdu ku tababarto caruurta ay askaraynayso.

Magaaladan ayaa dhowaan laga xoreeyey kooxda khawaariijta hawlgal ay ciidanka qaranka oo kaashanaya xoogaga dib u xoraynta deegaanku ka fuliyeen halkaas,warbaahinta qaranka ayaa deegaanka ku gaartay safar ay ugu kuur gelayso xaaladda deegaanka oo mudo gacanta ugu jiray kooxda khawaariijta halkaas oo ay warbaahintu booqatay goobihii kooxdu ku dhibaatayn jirtay caruurta ay xoogga kaga soo wadato waalidiintood.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in khawaariijtu caruurta xoog uga soo wadan jireen waalidkood ka dibna halkan ku askarayn jireen”meeshan waxay ahayd meel ay u yaqaaniin jamacadda,jaamacad na ma ahayn ee waa goob ay ku dhibaatayn jireen ilmaha masaakiinta ah,ilaahay ayaana ka xoreeyey,ilamaha halkan kasoo baxaa waxay ahaan jireen kuwa is qarxiya”ayuu yiri mid ka mid ah shacabka magaaladda oo la hadlay warbaahinta qaranka.

Kooxda ayaa sidoo kale shacabka ku khasbi jirtay in ay keenaan caruurtooda tan oo ka dhigan in kooxdu wax diin ah lahayn maadaama diinta islaamka ogolayn dulmiga loo geysto caruurta”jiingadahan waxay ku xerayn jireen caruurta,annaga way naga haajiriyeen waxay na dhaheen wax aad tihiin murtadiin naguna diin ma tihidin”sidaas waxa warbaahinta u sheegay qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Al-kawsar.

Sidoo kale kooxda khawaariijtu waxay xireen Schoolkii magaalada iyagoo u bedelay xabsi ay dadka ku ciqaabaan iyo xafiisyo,deegaanka ayaa sidoo kale waxa ka hayaamay xoollo dhaqatadii deegaanka ka dib culays iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee kooxda khawaariijta kala kulmayeen.

Shacabka deegaanka Al-kawsar ayaa Dowladda iyo Ciidanka qaranka uga mahadceliyey in ay ka xoreeyeen kooxda khawaariijta oo deegaankan ka geystay tacadiyo iyo dhibaatooyin daran.

XIGASHO SONNA

Hantidhawraha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Hantidhawrayaasha Dowlad Goboleedyada

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan isbarasho ah aaladda fogaan-aragga kula qaatay Hantidhawrada Guud ee Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Hantidhawrada Guud ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa intii uu kulanku socday waxay isku waydaarsadeen xog dulmar ah oo ku aaddan hawlihii iskaashiga iyo taageerada ku qotomay ee soo socday mudaddii la soo dhaafay. Hantidhawre Axmed Guutaale oo tilmaamo ka bixiyey heerka uu soo gaaray iskaashiga labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahanyahay in la sii dardargaliyo iyadoo xoogga la saarayo taageero mug leh oo ay helaan Xafiisyada Hantidhawrada Guud ee heer dowlad goboleed.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa isbarashada kadib muujiyay sida ay uga go’antahay inuu sii dhaqaajiyo xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeyay xafiisyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada aqoon-kororsiga, tababbarada kobcinta xirfadda hawlwadeennada iyo in Xafiiska Hantidhawrka Guud uu sii wado in uu u qareemo in bahwadaagta caalamiga ay horumarka ka taageeraan xafiisyada heer dowlad goboleed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, waxaana ogolaatay 145-xildhibaan, hal ayaa diiday, lix xildhibaan ayaa ka aamustay.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah marsiinta Akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Socdaalka, dhameystirka dooda warbixinta akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada, ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka dhowrista xogta iyo ka doodista warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maareynta deegaanka.

kulanka xilidhibaanada oo wali socda ayay ka doodayaan sharaciyada kale ee horyaala maanta golaha kuwaa la filayo in sidoo kale ay ansixiyaan

Soomaaliya oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaynsa shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda Turkiga ku wareejisay ku dhawaad shan malyan oo Dollar oo ay ku caawinayso dhibanayaasha Turkida oo dhibaato kasoo gaartay Dhul gariirkii ku dhuftay dalkaas dhowaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hore 16 February u magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Soomaaliya oo ku suntaneed in muddo ah dal la caawiyo markay dhibtooyin ka dhacaan ayaa hadda u muuqato mid la tartamaysa dhigeeda caalamka,ka dib horumaro dowladda Soomaliya ka samaysa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u kaca dhaqaalaha guud ee dalka iyadoo hadda muuqato in dowladda iyo shacabkeeduba aysan hilmaamin kaalintii dalalka qaar ay ka geysteen u gurmashada ummadda Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee la soo maray.

Dhawaan dalka Turkiga waxaa ka dhacay dhul gariir aad u xoogan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 45,960,dhaawaca iyo hanti badan oo ku bur-burtay taas oo dalalka caalamka bilaabeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka halkaas dhibka kasoo gaaray.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo la wada xasuusto kaalintii walaalaha Turkiga ay ka qaateen abaarihii kala duwanaa ee ku dhuftay dalka haba ugu darnaato abaartii sanadkii 2011-kii kolkaas oo dowladda turkiga iyo shacabka Turkigu gurmad weyn ka geysteen sammata bixinta shacabkii Soomaaliyeed ee abaartu haleeshay.

Munaasabad lagu qabtay muqdisho oo ay ka qayb galeen  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ganacsato iyo xubnno ka socday beesha caalamka ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed  uga qayb qaadanayaan gurmadka cadadka lacagtan ayaa dhamad $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii haleeshay.

Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Turkiga iyo dowladooda ay Soomaaliya u soo gurmadeen wakhti ay xaaladu aad u adkeyd isla-markaana hada dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay walaalahooda turkiga u muujiyeen garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada soomaaliyeed aya sheegay in ganacsatada soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin in ay garab istaag dhinac walba leh u muujiyaan walaalahooda Turkiga, isagoo xusay in iyadoo lagu jiro marxalado adag ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed.

Pakistan:Sagaal askari oo ku dhimatay weerar ismiidaamin ah March 6, 2023

Ugu yaraan sagaal askari ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koofur galbeed gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Ciidamada ayaa ku socdaalayay bas marayay degmada Kachhi ee gobolka Balochistan ,waxaana afhayeen Mehmood Khan Notizai uu sheegay in qofka  ismiidaamiyay uu watay mooto ,kaas oo si barer ah ugu dhacay gaarigaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in askartaasi  ay ka soo laabteen bandhig todobaad ka socday halkaasi,axaana sidoo kale, saraakiisha cisbitaalka ay sheegeen in ugu yaraan todobo ciidan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Kooxaha hubaysan ee qowmiyada Baloch ayaa muddo tobanaan sano ah dagaal kula jiray dowladda, iyagoo ku eedeeyay inay ka faa’iidaysanayso gaaska iyo macdanta Balochistan ee hodanka ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho oo la filaya in uu xal u noqda saxmada badan ee ka jirtay Airport-ka.

Xarig jarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiisha Amniga Airport-ka Aadan Cade iyo xubna ka socday beesha Caalamka.

 

Pakistan:Sagaal askari oo ku dhimatay weerar ismiidaamin ah

Ugu yaraan sagaal askari ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koofur galbeed gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Ciidamada ayaa ku socdaalayay bas marayay degmada Kachhi ee gobolka Balochistan ,waxaana afhayeen Mehmood Khan Notizai uu sheegay in qofka  ismiidaamiyay uu watay mooto ,kaas oo si barer ah ugu dhacay gaarigaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in askartaasi  ay ka soo laabteen bandhig todobaad ka socday halkaasi,axaana sidoo kale, saraakiisha cisbitaalka ay sheegeen in ugu yaraan todobo ciidan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Kooxaha hubaysan ee qowmiyada Baloch ayaa muddo tobanaan sano ah dagaal kula jiray dowladda, iyagoo ku eedeeyay inay ka faa’iidaysanayso gaaska iyo macdanta Balochistan ee hodanka ah.

Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay kulanka horumarinta degmada boosaaso iyo hiigsiga 2030.

-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Kulanka Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashqadeynta magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha nashqadeynta ee ku socda magaalada, sida loo horumarinayo iyo adeegyada Bulsho ee magaalada. Iyadoo Sidoo kale la soo gudbiyey muqaal soo koobaya Mashaariicda horumarin ee ka socda Boosaaso , sida horumarinta Airport, Balaarinta Dekadda Boosaaso, Wadooyinka , Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Horumarinta Korontada, Dhismaha xarumaha Dowladda iyo howlgalada lagu baneynayo Wadooyinka magaalada iyo Dhulka Dowladda.

Dhammaan Masuuliyiinta, hoggaanka dhaqanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka qeybgalay Kulanka ayaa soo dhoweeyay sida ay Dowladda muhiimad u siinayso dhismaha iyo horumarinta , bilicda iyo nashaqadeynta magaalada. Waxayna muujiyeen sida ay Dowladda garab ugu siinayaan taabagelinta qorshaha nashqadeynta iyo Horumarinta Degmada ee Hiigsiga 2030.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo muhiimadiisa wuxuuna ku adkeeyay Bulshada Boosaaso in Dowladdu ka howlgashay Horumarinta iyo hagaajinta bilicda magaalada loona baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan, si wada jir Dowlad iyo Shacaba looga shaqeeyo in Boosaaso la gaarsiiyo meel ay istaahisho iyo in ay la mid noqoto magaalooyinka la mid ka ah ee Adduunka.