Madaxweyne Laftagareen iyo Hay’adda Islamic Relief oo ka wada hadlay sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay abaartu Saamaysay March 7, 2023

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hogaaminayey Madaxa Hay’addaha Islamic Relief Bariga Afrika, Yuusuf Maxamuud Rooble.

Kulan saacado qaatay ayay labada mas’uul uga wada hadleen arrimaha gargaarka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay abaartu Saamaysay.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ku meel gaarka maamulka koofur galbeed ayaa haatan la ciir-ciireysa kumanaan qoys oo kasoo barakacay abaaraha dalka ka jira, kuwaas oo u baahan kaalmo bini’aadannimo.

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka BFS oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka BFS ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka xooga dalka General, Odawaa Yuusuf Raage oo uu guddigu su’aalo ka weydiiyay Shaqada ay Qaranka ugu xilsaaran yihiin.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Mudane, Yuusuf Geelle Ugaas ayaa Ajandaha waxaa ka mid ahaa kawarbixinta Istaraarijiyadda Wasaaradda, ka warbixinta qaab dhismeedka Amniga Qaranka, Qorshaha Hawlgallada ladagaalanka Khawaariijta, Warbixin ku saabsan guulihii hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka gaareen, caqabadaha taagan iyo qodobo kale.

Guddiga Warfaafinta ee golaha shacabka BFS oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka Dhowrista xogta

Guddiga Warfaafinta,wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan, Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji Jeego waxa ay ku yeeshay xafiiskiisa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

kulanka oo ahaa kulanka todobaad ee guddiga waxa uu Ajendihiisu ahaa ka doodista iyo diyaarinta Akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka Dhowrista xogta, kaasoo horey akhrinta labaad u maray loogana dooday kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga ayaa isla falanqeeyey qodobada hindise sharciyeedkan si loogu daro fikradaha iyo talooyinka ay xildhibaanadu ka dhiibteen ka dibna golaha dib loogu celiyo si loo marsiiyo Akhrinta sedaxaad.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay safiirka Denmark u joogo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa uu ku qaabbilsay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Mudane, Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii loo joojin lahaa rabshadaha ka taagan gobollada Woqooyi

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow uga shaqeyneysa sidii ay nabad ugu soo celin lahayd gobollada waqooyi ee Somaliland, xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa maamulka gobollada waqooyi iyo ciidamo beeleedyo deegaanka ah, sidaasi waxaa yiri, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay Aljazeera.

“Waxaan rumaysanahay in midnimadu ay tahay xalka kaliya, laakin kuma doonayno midnimada rabshado,” Mudane Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray.

“Waxaan u ololeyneynay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay sidii aan marka hore u joojin lahayn rabshadaha, ka dibna aan u furi lahayn meel wadahadal ah,” Madaxweynaha ayaa ku yiri wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-shabaab, abaaraha baahsan ee ka jira dalka iyo qodobbo kale.

Dagaal ayaa bishii hore ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana ku dhintay ugu yaraan 80 qof, waxaana ku barakacay in ka badan 185,000, sida ay sheegtay QM.

Wasiirka maaliyadda “Dib-u-habeynta Maaliyadda dalka waxa ay nagu caawinaysaa in aan horumarino dakhliga gudaha”

Wasiirka Wasaaradda maaliyada XFS, Dr; Cilmi Maxamuud Nuur ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee Wadamada soo koraya (LDC5) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa hadal jeedintiisa diiradda ku saaray isbadalka hannaanka maamulka maaliyadda oo dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saartay sidii looga miro-dhalin lahaa sugnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalkeenna.

Mudane, Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dib-u-habeynta Maaliyadda dalku ay nagu caawinayso in aan horumarinno dakhliga gudaha, maamul wanaagga Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha.

Khawaarijta Al-shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaanka Jannaay Cabdalla

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ayaa jilibka u laabay weerar fulaynimo ah oo ay malleyshiyaadka khawaarijta Al-Shabaab saakay ku qaadeen saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin deeganka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 60 km u jirta magaalada Kismaayo.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ayaa waxay sheegeen in malleyshiyaadka khawaarijta halkaas lagu gaarsiiyay jab weyn, iyaga oo ka cararay meydad tiro badan.

Hadafka kooxda oo ahaa qabsashada deegaanka Jannaay Cabdalla ayaa waxaa quus gooyey ciidanka naftood hurayaasha ah, kuwaas oo hadda ku raadjooga firxadka khawaarijta.

Safiirka Turkiye “Soomaalidu waxay noo muujiyeen Hiil Walaalnimo” (WARBIXIN)

Soomaalidu dhaqan ahaa waa Dad deeqsiyaal ah, marka ay timaado is caawinta, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa marka ay iyaga dhexdooda isu samafalaan, Soomaalidu waa Reer Guuraa, marka ay safrayaan ma qaadan jirin wax sahay ah, waxayna kolba cidda ugu horreysa u soo marti jireen, kuwaasi oo u looga hadba waxa ay hayaan, habeenkaasi hakaasi ayuu ku hoydaa ilaa uu subaxii dambe ka sii kalaha, sidaasi ayuu ku gaaraa ilaa meesha uu doono.

Dhinaca kaalmeynta Wadamada kale ee dunida ayay kaalmo mug leh ka qaadan jireen, waxayna deeqo iyo sadaqo gaarsiin jireen dalalka Carabta, sida ay sheegeen Culumo aqoon durugsan u leh taariikhda, islamarkaana ka sheekeeyay sida Ummadda Soomaaliyeed ay waligoodba loogu yaqaan marti soorka iyo u kaalmeynta dadka u soo martiya, waana ku caan Shacabka Soomaaliyeed arrintaasi, mana ah wax ay iyagu isku faaninayaan ee waa wax u dhasheen oo soo jireen ay ka sdhaxleen Awoowayaashood.

Haddii aan gudagalo dulucda warbixinta muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye?, waa xiriir diblomaasi iyo mid bulsho ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiye, kaasi oo ah mid taariikhdiisa fog tahay ama fac weyn tahay, waxaaana ku soo xasuusan karnaa dawladii Cusmaaniga oo uu hogaaminaye Cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya, taasi oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneed dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa dawladaan ayaa Soomaaliya ka talineyse ku dhawaad 300 oo sano.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka Soomaaliya waxa uu hakad galay, kaddib markii ay burburtay dawladii Cusmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923.Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa iyo markii uu Qarankii Soomaaliyeed bur-buray sanadkii 1991-kii.

Mar kale ayuu xiriirku soo laabtay, waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay abaar iyo colaad bishi July sannadkii 2011-kii, iyadoo ay Qaramada Midoobay ku dhawaaqday in macluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada hoose, markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe, Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar , awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Kooxda Khawaarijta ah ee Alshabab.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkige oo xilligaas Ra’iisulwasaare ahaa ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay meel halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii ama Barakacayaashii abaarta, waxa uu ahaa ficil dareenkiisa leh, Imaantinkiisu waxay furitaan u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa ama ka cabsanayay Soomaaliya, waxaana durba bilowday in Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain, China, Dunida Muslimkas iyo kuwo kale ay bilaabaan inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya, sidaa darteed dawladda Turkiye waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka, Quwadaha dunidana kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo deg degin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka.

Markii uu ka dhacay dhulgariirkii aadka u daraa Dalkaasi Turkiye ayay dunidu u gurmatay, gacan ka geysashada dhibaatadaasi ka dhacday Dalka gaar ahaan Gobolada Dalkaasi qaarkood, sidaasi awgeed Soomaaliya Masuuliyiinteeda ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Shacbiga iyo Madaxda Dalkaasi u diray dhambaallo tacsi ah, iyagoo u muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ka dhacay halkaasi, “waana la qeybsaneynaa murugada” ayay ku yiraahdeen Dhambaaladooda, waxaana dhawaan la bilaabay dhaqaale ururin la doonayo in lagula garab istaago Walaaaha Turkiye ee waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay, waxaana Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, Culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaran ee gurmadka dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa shaaciyay Akoonnada ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaada karaan gurmadka oo lacagaha ay ku soo diri karaan, waxaana bilaabay Dowladda Soomaaliya ayaa ku bilowday 1 Milyan oo Doolar, halka Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, halka Maamulka Gobolka Banaadirna uu yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay türkiye oo u dhiganta 106,005.20 United States Dollar, sidoo kale ayay Jaamcadda ZamZam ugu deeqday Dalkaasi lacag dhan 50 kun oo dollar.

Safaaradda waxay uga mahadcelinaysaa is garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u fidisay dhibanayaashii dhulgariirkii ka dhacay Turkiga, oo uu hindisay H.E. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo H.E. Xamza Cabdi Barre Raiisulwasaaradaha Xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ayaa waxay dhawaan Dowladda Turkiye gaarsiisay lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada Dalkaasi, “ waa yar tahay balse qiimaheeda yay leedahay lacagtaasi la gaarsiiyay Dadka aan walaalaha nahay ee Turkiye, intaas ka badan ayaya naga istaahilaan balse tabarteenna ayaa na dhigtay meeshaasi”, sidaasi waxaa yiri Prof. Cusmaan Cali Cali Yuusuf oo ah falanqeeye arrimaha xiriirka Caalamka.

Dhawaan dalka Turkiga waxaa ka dhacay dhul gariir aad u xoogan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 45,960,dhaawaca iyo hanti badan oo ku bur-burtay taas oo dalalka caalamka bilaabeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka halkaas dhibka kasoo gaaray.

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo ay ka qayb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ganacsato iyo xubnno ka socday beesha caalamka ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka cadadka lacagtan ayaa dhamad $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey Shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadaasi ks hadlay goobtaasi ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo mar kale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii haleeshay, waxaa kaloo munaasabadaasi ka hadlay Danjiraha Dowladda Turkiye ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Turkiga iyo dowladooda ay Soomaaliya u soo gurmadeen wakhti ay xaaladu aad u adkeyd isla-markaana hadda dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay Walaalahooda turkiye u muujiyeen garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan, “ lacagtaani qiima ahaan annaga waanagu badan tahay, waxaad noo muujiseen Walaaltinimada ka dhexeysa labada Dal iyo labada Shacbi, waxaad kaloo noo muujiseen hiil Walaasnimo” ayuu sii raaciyay Safiirka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin oo cambaareysay amaradii ka soo baxay Israa’iil

Wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin ayaa ka digtay khatarta ka dhalan karto baaqyada kasoo yeeraya Isra’iiliyiinta ee ku aaddan in duulaan ballaaran ay ku qaadayaan degaanada Falstiiniyiinta.

Wasaaraddu waxay ku baaqday in dalalka caalamka ay soo fara galiyaan arrinkan, si loo joojiyo beegsiga Yahuudda ay ku hayaan Masjidka Al-Aqsa iyo dhamaanba dhulka Falastiin.

Sidokale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa si kulul u cambaareysay hadalladi ka soo baxay Wasiirka Amniga Israa’iil, Itamar Ben Gvir, ee ku baaqayay in la baabi’iyo degaanada Falastiiniyiinta ay ku leeyihiin magaalada Quddus, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Ugu danbeeyntii, Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in hadalladani ka soo yeeray madaxda Isra’iil, ay hurin doonaan colaadaha ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Isra’iil, mas’uuliyadeedana ay qaadi doonaan Madaxda Yahuudda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee dalka, dedaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Khawaarijta Al-shabaab lagu cirib tirayo.