Soomaaliya iyo Nayjeeriya oo ka wada hadlay xal u helidda dhibaatooyinka ay sababeen is beddelka Cimillada

Wasiiradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb; Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa kulan muhiim ah magaalada Dooxa kula qaadatay dhiggeeda dalka Nigeria mudane Mohamed Abdullaahi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay muhiimmadda ay leedahay wada shaqeynta labada wasaaradood si la iskaga kaashado xal u helidda dhibaatooyinka ay sababeen is bedelka cimilada , sida nabaad guurka dhulka iyo fatahaadaha oo ah mushkilado ay wadajir u wajahayaan labada dal.

FIFA oo soo dhawaysay doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Madaxweynaha Xiriirka Caalamiga ee Kubadda Cagta ( FIFA), Gianni Infantino ayaa soo dhoweeyay doorashada Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed iyo xubnaha kale ee Guddiga Fulinta ee dhowaan magaalada Muqdisho lagu doortay.

Warqad qoraal ah oo Madaxweynaha FIFA u soo diray Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed ayuu ku xusay in FIFA ay garab taagan tahay Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, ayna rajeyneyso in ay kaalin weyn ka geysan doonaan horumarka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.

 

Ergeyga madaxweynaha JFS ee gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay danjiraha Dowladda Sweden

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgärde.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden Irina S Nyoni.

Ergeyga ayaa ka warbixiyay xaaladda abaarta dalka ka jirta, isagoo sheegay in dadaallada wadajirka ah Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay looga hor tagay macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo damaadkii sanadkii hore.

Ergeyga ayaa sheegay in kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay dhibaato xooggan gaarsiiyeen qaar ka mid ah ilihii nolosha ee degaannadii ay gacanta ku hayeen, ka hor inta aan laga saarin, wuxuuna Dowladda Sweden ugu baaqay in ay gacan ka geysto gargaarka naf-badbaadinta ah ee dadka ku dhaqan goobaha khawaarijta laga xoreeyay.

 

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad fadhiya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS “Xukumadda waxaa ka go’an in muwadiniinteeda ku jira xabsiyadda Adduunka in ay si nabad ah ugu soo noqdaan dalka”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo, isagoo intaa ku daray in dowladdu muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo dad fadhiya

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta la shiray Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada-hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan kiisaska horyaala Maxkamadaha si loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad aan daahis lahayn.

Shirkan oo ah mid joogto ah, ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira iyo weli ba sidoo kale siddii loo fududeyn lahaa helitaanka adeega caddaaladeed ee dalka.

Guddoomiyaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Garsooreyaasha iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobalka  ku boggaadiyey sida hufan ee ay mar walba ugu adeegaan cid kasta oo caddaalad u soo doonata Maxkamadaha, waxaana uu kula dar-darmaamay in la sii hagaajiyo dedaalka iyo adeegidda bulshada.

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 9 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, fadhiya, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Amniga XFS oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha, xukumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cali Xaga ayaa maanta gaarey Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wefdigaan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Amniga, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle  ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay, wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Jubbaland, mas’uliyiin iyo saraakiil kale.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah in ay ka qeyb galayaan shir looga hadlay  amniga iyo dar dar galinta howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee dalalka soo koraya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi Mahamoud Nur ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee Wadamada soo koraya (#LDC5) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa hadal jeedintiisii diiradda ku saaray isbadalka hannaanka maamulka maaliyadda oo dowladda Soomaaliya ay xil wayn iska saartay sidii looga miro-dhalin lahaa sugnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalkeenna.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la qaatay Maamulaha guud ee shirkadda OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimaha deyn-cafinta maadaama OPEC ay ka mid tahay hey’adaha deynta ku leh Dowladda Soomaaliya.

a.

 

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo raashiin ka qeybisay degaanno ka mid ah Shabeellada dhexe

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa gargaar raashin ah ka qeybisay degaanada Ceelbaraf iyo Miirtaqwa ee Gobalka Shabeellada Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Mucaawinadaan oo isugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka ayaa waxaa ka faa’iidaystay qoysas gaaraya 1,000 qoys.

Qoysaskan gargaarka la gaarsiiyey ayaa ah qaybaha ugu nugul ee bulshada ay saamaysay abaaraha iyo colaada.

Guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka sare oo su’aalo ku saabsan hindise sharciyeedka maalgashiga weydiiyay Wasiirka Qorsheynta XFS

Guddiga Arimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah iyo Qorshaynta Aqalka Sare ee BFS, Senator, Maryama Faarax Kaahiye, ayaa u jeedadiisu ahayd turxaan bixin iyo ka jawaabista su’aalo dheeraad ah oo xubnaha guddigu ay uga baahdeen Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

Wasaaradda deegaanka XFS iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka wada hadlay dhireynta Caasimadda March 7, 2023

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafadda iyo Bilic-soo-celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane, Maxamed Suudi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Bay’adda iyo Isbeddelka Cimillada Soomaaliya Mudane, Saciid Maxamed iyo xubno ka tirsan Dhallinyarada ka shaqeysa horumarinta cagaareynta Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa loogu hadlay dhireynta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee ah Muqdisho Cagaaran iyo in laga qeyb-qaato ka hortagga isbeddelka cimillada ee saameynta ku yeeshay dunida.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u billaabay in Degmooyinka iyo Deegaanada Magaalada Muqdisho laga fuliyo mashruuca dhireynta Caasimada, iyadoo shirkan la iskula gartay in Waaxda Bilic-soo-celinta ay sii dar-dar geliso qorshaha Muqdisho Cagaaran.