Shirka taliyeyaasha Boliiska dowlad goboleedyada oo ka furmay Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta si wadajir ah u furay shirkaTaliyayaasha Booliska dowlad goboleedyada dalka iyo Taliska guud ee booliska federaalka Soomaaliyeed.

Shirka oo soca doona muddo 3 maalmood ah  ayaa looga hadli doonaa in heerarka kala duwan ee booliska dowlad goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan horumarinta tababarrada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan.

Warbixinta waxqabadka todobaadlaha ah ee dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland, kulamo ku saabsan dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta iyo dib u heshiisiinta la yeeshay mas’uuliyiinta Jubaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC oo ka dhacay magaalada Dooxa u sheegay in meel fiican marayaan hawlgalada milateri ee ka dhanka ah haraaga Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa kulamo wax ku ool ah kula yeeshay Amiirka Qatar, Madaxweynaha Djibouti iyo madax kala duwan oo ka soo qeybgaley Shirka Caalamiga ee Dalalka Soo Koraya ee LDC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka Caalamiga ee LDC ee ka dhacay Dooxa u sheegay Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan oo ay ku barwaaqoobi karto,  balse colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed ay muddo ragaadiyeen, haatanse Dowladda Soomaaliya ay si guul leh wadahadal iyo geeddi socod dowlad dhis loo dhan yahay ugu xalineyso labadaasi caqabadood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cadbi Barre ayaa sheegay in tallaabo sharci ha laga qaadi doono askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir la yeeshay Guddiga Qaran ee ka shaqeynaya daabicidda Shilinka Soomaaliga.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dowladda Turkiga guddoonsiiyay deeq lacageed oo gaareysa 5m oo dollarka Mareykanka oo DFS iyo shacabka ugu deeqeen dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalka Turkiga.

Soomaaliya iyo saaxiibada beesha caalamka Mareykanka, Britain, Turkiga. Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo ku shiray magaalada Washington D.C, ayaa ku heshiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda loogu taageero dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

Tallaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal ugu raadineyso biyo yaraanta ayaa Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Salah Ahmed Jama waxaa uu Muqdisho ka furay shir ay beesha caalamku ka soo qeybgashey oo looga hadlayey hanaanka horumarinta biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ansixiyay qorshaha guud ee barista 2023-ka ee la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaadey.

Soomaaliya oo ku biirtey Ururka Xeer Ilaaliyeyaasha Bariga Afrika.

Hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale. Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

Olalaha Haweenka Soomaaliyeed ee Garanwaaga Gurigaaga ka soo saar oo Muqdisho ka socda.

Wasaaradda kalluunmeysiga XFS oo digniin u dirtay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumeysta biyaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo maanta saxiixday hab maamuuska IGAD ee isku socodka xorta ah.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Muqdisho kula kulmey wafdi ka socday Taliska Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa raashiin gargaar ah gaarsiisay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe -Dowlad Goboleedka HirShabelle, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xorreeyay Khawaarijta.

Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska oo si rasmi ah u bilowday barnaamij ka bixi doona warbaahinta dowladda oo lagu lafa guri doono waxqabadka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo maanta xuseysa maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8 Maarso

Xasan Warsame” Horjoogayaashii ila midka ahaa meel qarisa ayey la’ yihiin”(warbxin)

Kooxda khawaarijta oo xiligaani wajaheyso bur bur iyo kala carar kadib markii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay uga adkaadeen dagaalada ka socda guud ahaan dalka,waxa ayna taa sababtay in horjoogayaashoodii ugu Sar sareeysay iyo maleeshiyaadkooda isku soo dhiibaan ciidamda dowladda iyo dadka degaanka.

Horjoogayaal badan oo ka tirsan khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka kadib markii ay ogadeen waxa ay ku jiraan in ay yihiin baadil iyo diin la’aan ,islamarkaana ay ka faa’ideysteen fursadii madaxda qaranka ee ahayd in ay isku soo dhiibaa dowladda lana siin doonno nolol ka wanaagsan tan ay ku noolyihiin.

Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socday ayaa dhawaan  isku dhiibay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku sugan bariga Gobolka Galgaduud gaar ahaan degaanno hoos taga degmada Baxdo halkaa oo mudda dhibaata Ku hayeen dadka shacabka ah.

Waxaa uu kamid ahaa horjoogahaani kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.

Horjooge Xasan  (Jabal) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in si wanaagsan ula dhaqmeeyn ciidamada dowladda,waxa uu ugu baaqay maleeshiyaadka ka sii midka ah wali khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee looga been sheegay diinta Islaamka.

“Wax dhib ah oo aan la kulamay ma jirto waxa  aan la jogaa walaalaheyga soomaaliyeed,xubnaha kale wali jira dhanka khawaarijta waxa aan ugu baaqayaa in ay ka soo baxaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda,waxa ay hayaan waa ka been sheegida diinta Islaamka” ayuu yiri horjooge Xasan Jabal

Dhalinyarada kale ee ay qaldeen khawaarijta ee isku soo dhiibay ciidamda dowlada ayaa dhankooda ka shekeeyay waxyaabihii ay la kulmeyn inta ay ku jireen wadadii baadida ahaayd iyo ficilladii garacnaa ee bulshadooda ay ku dhibateen jireen.

“Kuwa duurka ku jiraa wali waxaan leenahnay isku soo dhiiba ciidamada dowladda iyo dadka degaanka,wana ka mahad celineynaa si wanagsan ee naloola dhaqmay culimada degmad Baxdo” sidaa ayay dhaheen qaar kamid ah dhalinyaradii isa soo dhiibtay.

Sidoo kale sheek Muuse oo kamid ah Culimada degmada Baxdo ayaa dhankiisa  sheegay in fursadda kaliya ee khawaarijtu heysato ay tahay in ay isku soo dhiibaan ciidamda qaranka iyo kuwa degaanka.

“Al-shabaab naftooda ayay Halaagayaan,cadaab ayay shaqeysanayaan,adduunkana hoog iyo bur bur,nimanka ka soo baxayna waan u mahadcelineynaa Sid ay u garteen in waxa ay ku jireen ay diin la’aan ahayd” ayuu yiri Sheekh Muuse

Ciidmada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa guul is daba joog ah ka gaarayo dagaalada lagula jiro khawaarijta iyo degaanno dhowr ah laga saaray,taa oo ku qasabatay horjoogayaasha iyo Maleeshiyada khawaarijta in ay isku soo dhiibaan ciidmada dowladda iyo dadka degaanka si ay naftooda u bad-baadsadaan.

Madaxda Qaranka ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada la qalday ee ku jira khawaarijta in ay ka soo baxaan dowladuna ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto,waxan xiligaa wixii ka danbeeyay isa soo dhiibay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa khawaarijta.

Waxa muuqato in uu dhammaan rabo wayihii khawaarijta oo mudda 15-sanno ka badan dhibaata ku hayay ummadda Soomaaliyeed,kuwaa oo ka been sheegay diinteenna suuban ee Islmaaka,Ficillada gurracan ee mudda ku dhibteen jireen shacabka soomaaliyeed ayay soo dadajisay in ay kacaan bulshada ku nool gobolada dalka kuwaa oo qaatay hubka islamarkana go’aansaday in ay iska dhiciyaan khawaarijta arxanka daran ee u diiday in ay u nolaadan sida asagooda oo kale,taa oo surta galisay in laga saaro degaanno farabadan khawarijtu aysan mudda ku ladin in laga qabsan doonno balsa geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ugu daateen fariisimahooda lagana saaray degaanno dhowr ah.

XIGASHO SONNA

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta nabadda By Kulane March 8, 2023 3 Min Read Share

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub  ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay wadahadalkoodii 3-aad ee dhanka siyaasadda, Waxaana ka sii horeeyay kulan midowga Yurub ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Mudane Xamza Cabdi Barre.

, Labada shirba, dooduhu waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo wax dhisaya,isla markaana yaabanaya dhinacyo badan, iyadoo lagu saleeyay qodobbo mudnaan wadaag ah oo lagu heshiiyey.

Qodobadaasi mudnaanta leh waxay u adeegi doonnaan aasaaska qaab-dhismeedka ka qaybgalka ee dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub in ay hadda horumarinayaan si kor loogu qaado nabad iyo ammaan waara iyo sidoo kale gaaridda rajada barwaaqada.

Intii ay shirarku socdeen, Midowga Yurub wuxuu soo dhaweeyay hamiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee barnaamijka dib-u-habaynta ee looga gol leeyahay in looga faa’iidaysto taageerada la-hawlgalayaasheeda, si loo gaaro natiijooyin waara.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa xusay in Madaxweynaha uu si wanaagsan uga qayb-galayo dib-u-heshiisiinta caalamka, heer gobol iyo mid gudahaba, isagoo dhidibada u taagay shaqo dhab ah oo loo dhan yahay, taasoo lagama maarmaan u ah in wax laga qabto sababaha keenay dhibaatooyinka wejiyada badan ee saameeyay Soomaaliya.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray rajada laga qabo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, taasoo ku xiran awoodda dowladdu ay u leedahay in ay gaarto kobac dhaqaale oo dhab ah.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale xusay guulaha la taaban karo ee laga gaaray sanadkaan  dagaalka hadda lagula jiro kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab iyo sidoo kale mudnaanta ay dowladdu siisay in laga adkaado argagixisada

Labada dhinacba waxay sidoo kale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga macnaha leh, kaas oo gacan ka geysan doona ka-qaybgal siyaasadeed oo sal-ballaaran, nidaam ammaan oo waxtar leh iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxay sidoo kale u noqon doontaa marjac wada-hadallo siyaasadeed oo dheeraad ah oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ku dhaqanka labada EU iyo tallaabooyinka taageerada dalalka xubnaha ka ah.

Wada-hadalka Siyaasadda ee Soomaaliya waxaa wada guddoominayay Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, iyo Midowga Yurub Ms Rita Laranjinha, oo ah Agaasimaha Maamulka Afrika ee Adeegga Waxqabadka Dibadda ee Midowga Yurub.

Share this Article

Maalinta Haweenka Adduunka oo laga xusayo Caalamka By Aadan Sooyaal March 8, 2023 2 Min Read

Faallo: Maanta oo kale caalamka guud ahaan waxa laga xusaa maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bisha Marso.waxaana gudha dalka iyo dibada lagu qabtaa munaasabada waweyn oo loogu dabaal dagayo maalintaan.

Sanadkii 1975 ayay golaha loo dhanyahy ee qaramada midoobay u aqoon sadeen in  sanad walba bisha seddexaad sedeedeeda loo dabbaal dago maalinta haweenka Adduunka oo ah maalin ku weyn haweenka Adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Maalinta haweenka Adduunka ayaa lagu soo bandhigaa caqabadaha iyo guulaha ay gareen haweenka gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, daryeelka caafimaadka, hal abuurka, waxbarashada, hoggaaminta iyo arrimaha bulshada.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaatay mareynta nolol maalmeedka qoyska, waxbarashada  iyo in ay qey ka qataan siyaasadda iyo dowlad dhiska ummadda soomaaliyeed.

Haweenka oo ah udub dhexaadka bulshada ayaa sanadahii danbe sameynayay horumarro dhinacyo badan leh oo la xiriira sida dhanka ka qey noqoshada dowlda waxbarashada iyo caafimaadka.waxana u sii dheer bar-baarinta ubadka soomaaliyeed oo la dhihi karo waa warshad wax soo saar .

Muqdisho iyo gobollada dalka waxaa lagu qabtaa munaasabada lagu xusayo maalintaan, iyadoo hoggaamiyaasha haweenka Soomaaliyeed todobaadkaan ay muqdisho ka wadeen dabaal dag xuska sideedda Marso oo sanadkaan halku dhig looga dhigay Garanwaa guriyihiina ka soo saara, haweenka ayaana qeyb weyn kuleh ololaha bulshada looga wacyigalinayo in ay iska soo qabtaan Garawaaga ku dhax dhuumanayo.

Puntland oo dil ku fulisay 19 qof oo 13 ka mid ah yihiin Khawaarij

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Marka laga tago 13-ka Khawaarijnimada lagu helay ayaa lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.

Bishii June ee 2021-kii ayay ahayd markii ay maxkamadda Ciidamada Puntland ay sidan oo kale dil ku ridday 17 xubnood oo ka mid ahaa khawaarijta Al-shabaab, iyadoo dilka maantana uu noqonayo kii ugu badnaa ee lagu rido kooxaha Khawaarijta.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (warbixin)

Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jiray dunida.

Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-

1-halganka  xoogagga shaqeeya ee haweenka ay  kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay  1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga  ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriyadda dalka iyo horumarkiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.

Sidoo kale,haweenku, waxay door muhiim ah ku lahaayeen  wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Inkastoo,  Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen  dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa  ay ku  guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaaminaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nidaamka hantiwadaagga ,waxa ay haweenka u aqoobsadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maarmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta  iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan  ragga,

Maanta tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka .

Xuska maalinta caalamiga ah ee 8-maarso ee sanadkaan ayaa dhacaya,xili haweenka Soomaaliyeed y wadaan olole loogu magac daray ka soo saara guryaha garanwaaga ah,kaas oo loola jeedo kooxaha khawaarijta ee ku dhexdhuumaleysanay  bulshada.

Ololahaan oo socda muddo 8 cisho ah,waxa uu ka dhaqangalay Gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka,si taageero loogu helo barnaamijkaasi oo uu hindisihiisa lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas  oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo baXIGASHO

XIGASHO SONNA

Dardargelinta adeegyada garsoorka ee dalka oo laga hadlay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Mudane, Baashe Yuusuf Axmed ayaa la shiray Guddoomiyeyaasha iyo Garsooreyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada-hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan kiisaska horyaala Maxkamadaha si loo xaqiijiyo helitaanka caddaalad aan daahis lahayn.

Shirkan oo ah mid joogto ah, ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxyaabahii qabsoomay, caqabadaha jira iyo weli ba sidoo kale siddii loo fududeyn lahaa helitaanka adeega caddaaladeed ee dalka.

Guddoomiyaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa Garsooreyaasha iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobalka  ku boggaadiyey sida hufan ee ay mar walba ugu adeegaan cid kasta oo caddaalad u soo doonata Maxkamadaha, waxaana uu kula dar-darmaamay in la sii hagaajiyo dedaalka iyo adeegidda bulshada.

Marwada madaxweynaha oo u hambalyo ku aaddan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Marwada Madaxweynaha JFS Maamo, Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego maanta oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lahaayeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda kasoo qaateen hanaanka dowlad-dhiska dalkeenna iyo samata bixinta dadkeenna oo kasoo kabanaya marxaladihii burburka.

Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qamar Cali Cumar ayaa ku bogaadisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed inay muujiyaan isku duubni iyo garab istaagga dowladnimada, waxayna xuska Munaasabadda 8-Maarso awgeed ku baraarujineysaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015

Helidda Shahaadada ISO ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxay ka dhigantahay in ay noqonayso Hay’adi ugu horreysay ee dowladda oo hesha shahaadada ISO. Si loo helo Shahaahada ISO, HIQ waxay martay hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran.
“Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qaadaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab maamulka taysan, waxayna muhiim u tahay hirgelinta qorsheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.” Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.
“Go’aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalamiga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga go’antahay fududeynta iyo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.