Diyaaradda Fly Dubai oo Muqdisho ka bilowday duulimaadyo toos ah

Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan waxaana ay duulimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeisa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Khartoum, Jubba, Asmara iyo Addis ababa.

Fly Dubai Boeing 737 Max ayaa isku xiri doonta Ganacsiga iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gudoomiyay kulanka gudiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kullanka guddiga ayaa maanta looga hadlay qorshe howleedka guddiga oo ay ugu horeeyaan qaabaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada golaha iyo ajandeynta hindise sharciyeed-yadda harsan ka hor inta uusan soo xirmin kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Shir u dhexeeya Boliiska dowlad goboleedyada iyo kan Federaalka oo Kismaayo lagu soo gabangabeeyey

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta soo xirey shirkii taliyayaasha boliiska dowlad Goboleedyada, kaas oo u dhexeeyey wasaaraddaha amniga dowlad goboleedyada, wasaaradda amniga dowladda FS iyo taliska ciidanka boliiska Federaadka, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa u mahadceliyey guud ahaan wasaaraddaha amniga iyo saraakiishii ka soo qeyb gashey shirka, isagoo faray saraakiisha in laga shaqeeyo horumarka amni ee dalkeena iyo u adeegga bulshada Soomaliyeed oo la daalaadhacaysa hadimadii ay u geysteen Khawaarijtu.

Taliye Sulub ayaa intaas ku daray in guud ahaan boliiska heerarkiisa kala duwan laga qeyb qaadto dib u xureynta dalka iyo xasilinta, qof kasta oo boliis ahna uu safka hore ka galo dagaalka khawaarijta lagula jiro.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la yeeshay wafdi ka socday hay’adda SIDA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee Hey’adda Kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socday Hay’adda Iswidhishka ee horumarinta caalamiga ah (SIDA), Swedish international Development Agency.

Wafdigaan waxaa hoggaaminayey Annna Saleem Högberg oo ah Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kadib ay kulan la qateen Guddoomiye Maxamuud macalin abdulle iyo masuuliyiinta kale ee Hey’adda Maareynta iyaga oo ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, arimaha la xariira hawlaha bini’aadannimo, gurmadka deg-deg ah ,abaraha iyadoo masuuliyiintaan dhankooda balan qaadeen in Hey’adda ay ka taagari donaan qalabeenta xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah.

Kulanka kadib Masuuliyiintaan ayaa si wada jir ah u kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta dhexe ee Hey’adda Maareynta, waxaana intaas kadib Guddoomiyaha Hey’adda mareynta iyo masuuliyiintaan booqasho ku tageen xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah (NEOC) oo dhowr bil ka hor xarigga laga jaray iyaga oo kormeer ay ku sameyeen kadib halkas ka sameeyey dhir beeris.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Mudane Maxamuud Macallin Abdulle ayaa uga warbixiyay howlaha la taaban karo ay Haydda SoDMA Qabatay bilaha aadka u yar ee Hay’adda SoDMA jirto , kagana mahadceliyay si guud dowlada Sweden howlaha ballaaran ay dalka ka qabteen ay ugu horeeyaan mashaariicda Hormarinta, gargaarka, si qaas na ugu mahadnaqay Madaxda Haydda SIDA si wacan ay ugu taageereen dowlda soomaaliya dhisida xarunta qaran ee Howlkalka Gargaarka Degdega NEOC oo ay dhawaan dhisamheeda soo dhamaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Sharciyada Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka iyo Korontada Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha  iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo  Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

 

   

Munaasabad lagu maamuusayay halyeeyadii ku shahiiday dagaalka Khawaarijta oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka

Munaasabad lagu maamuusayay xaasaska, carruurta iyo qoysaskii ay ka shahiideen halyeeyadii ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee ku geeriyooday dagaallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah ee Alshabab ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Maxamed Axmed oo madasha ka  hadlay ayaa tilmamaamy in Haweenka Soomaaliyeed ay hormuud ay u yihiin halganka dalka looga soorayo khawaarijta caadeysatay daadinta dhigga shacabkeenna, isaga oo xusay in qoysaska ay ka tageen shuhadadii ku shahiiday halganka xoreynta dalka ay dowladdu u taagan tahay daryeelkooda.

“Shidaalka uu ku socdo qorshaha qaran ee xoreynta dalka waa Haweenka Soomaaliyeed, sidoo kale, waxa ay aas-aas u yihiin Soomaaliya guuleysata oo horumaransan. Maanta waxa aan halkan u taagannahay maamuuska hooyooyinka ay ka shahiideen qaar ka mid ah halyeeyadii Ciidamada Qalabka Sida ee u dhintay difaaca dalkeenna”

Munaasabadda xuska maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso oo lagu qabtay Madaxtooyada, taas oo lagu maamuusay sannadkan qoysaska halyeeyadii u shahiiday xoreynta dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasime Ku-xigeenka Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo howlwadeennada Madaxtooyada Qaranka.Agaasimaha ayaa sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay in hay’addu ay yeelato sharci ay ku howlgasho,islamarkaana aas-aas u noqdo hirgelinta adeegyo hufan iyo ilaalinta xuquuqda howlwadeenada hay’adda oo muddo dheer u soo dhabar adeygay bixinta adeegyada ay hay’addu ka bixiso gudaha dalka iyo dibaddiisa.

           

Guddoomiyaha golaha shacabka oo xuska 8-da Maarso ugu hambalyeeyay haweenka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xuska 8-da Maarso oo ku beegan Maalinta Haweenka Adduunka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay doorka lama ilaawaanka ah ee haweenku ay ugu jiraan dhismaha dowladnimada dalkeenna.

Guddoomiye  Sheekh Aadan Madoobe ayaa haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay in ay hormuud u yihiin horumarka dalka, dhismaha Dowladnimada, waxaana uu xusay in kaalin muhiim ah ka soo qaateen geedi socodka nabada, u gurmashada dadka tabaaleysan, la dagaallanka argagaxisada, isagoo tilmaamay in ay u udub dhexaan u yihiin bulshada adduunka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga XFS oo shirka (ESCWA) uga qeyb galay dalka Tunisiya

Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dawlada Federalka mudane Cabdisalaam Shariif Xuseen ayaa dalka Tunisiya uga qayb galay shirka golaha dhaqaalaha iyo bulshada ee galbeedka Aasiya ee Qaramada Midoobay (ESCWA).

Shirka farsamo cilmiyeedka ganacsiga iyo dhaqaale kobcinta ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga caawiyo ganacsiyada gobolka sidii ay u heli lahaayeen suuqyo heer gobol iyo heer caalami ah, kobcinta ilo-dhaqaalaha iyo keenista xeeladaha loo baahan yahay in lagu taageero SMEs.

Wasiir Cabsisalaam Shariif ayaa kulanka ka sheegay iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya dunida Carabta iyo baahida loo qabo in la bilaabo waji cusub oo loogu talagalayo kor u qaadista heerka maalgashiga ganacsiga iyo in lasii xoojiyo xiriirka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ESCWA.

Wuxuu wasiiru dowlaha ka qeyb galyaasha kulanka la wadaagay in soo laabashada shirkadaha shisheeye ee Soomaliya ay ku timid isbeddalka wanaagsan ee xaaladda amniga, xasilloonida iyo mustaqbalka dalka oo dhan wanaagsan u sicda, taas oo ku timid ballanqaadyadii uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sidoo kale, carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la taageero oo la hawl-geliyo rugaha wadajirka ah ee gobolka, si loo horumariyo ganacsiga gaarka ah loona fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsatada iyo hababka maaliyadeed ee qaab dhismeedka dib-u-soo-nooleynta ganacsiga, warshadaha iyo waaxaha maalgashiga.

Madashu waxay matali doontaa saldhig muhiim ah oo qaabkeedu aasaasku yahay iskaashi istiraatijiyadeed oo dhammaystiran oo faa’iido u  leh gobolka iyo fursadda ka faa’iidaysiga dheeraadka ah ee dhinacyada is-dhexgalka ganacsiga ee ka dhexeeya gobollada ay hay’addu matasho iyo Soomaaliya, gaar ahaan ka ganacsiga suuqyada  cusub  ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Aqalka sare ku bogaadiyay ansixinta hindise sharciyeedka hay’adda

Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed Cabdiqaadir Cilmi Cali ayaa golaha Aqalka sare uga mahadceliyay ansixinta hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJS).

Agaasimaha ayaa sheegay in uu sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay in hay’addu ay yeelato sharci ay ku howlgasho,islamarkaana aas-aas u noqdo hirgelinta adeegyo hufan iyo ilaalinta xuquuqda howlwadeenada hay’adda oo muddo dheer u soo dhabar adeygay bixinta adeegyada ay hay’addu ka bixiso gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Dan Qaran oo si qurux badan uga shaqeeyay sidii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ku yeelan lahayd sharci ay ku fuliso waajibaaka ay ugu xil saaran tahay JFS.

Xubno ka mid ah guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda oo tababar loo soo xiray

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Diiwaangelinta iyo Tababaradda Mudane Ahmed Mohamed Hassan iyo Agaasimaha Guud ayaa manta shaqaalaha Guddiga u soo xiray tababar socday muddo laba todobaad ah.
Tababarkan oo ku saabsanaa habraacyada shaqo ee guddiga, maareynta hantida, iyo u adeeggidda muwaadiniinta, ayaa xubnaha ka qeybqaatay kaga bogteen mawaadiic kusaabsan habraacyada guddiga, maareynta hantida iyo qodobo kaloo muhiim u ah adeegga bulshada.

Gudoomiyaha ayaa boogaadiyay sida howlwadeenada guddiga ay uga faa’ideysteen muddadii uu socday, isaga oo kula-dardaarmay aqoonta ay faa’ideysteen in ay kula laabtan xafiisyadooda. Tababarka waxa bixinayay khubaro dhanka maamulka shaqaalaha ah.

Ugu dambeyn, shaqaalaha ka qeybgalay tababarka ayaa boogadiyay tababarka iyaga oo xusay in uu tababarkan uu muhiim ugu yahay gudashada waajibaadkooda shaqo isla markaasna uu wax weyn ku soo kordhin doono waxqabadkooda.