DADOOW DOWLADNIMO LAABTA KA OGAADA

Soomaaliya markay xornimada qaadatay habeenkii Calanka Jamhuuriyadda la saarayay lana dejinayay kuwii gumeystaha aniga waxaan ahaa 6 jir gacanta laga hayay oo waxay waalidkey ii sheegeen inay habeenkaas ila taagnaayeen goobta calan saarka ee fiisho governo, waxaana soo garaadsaday iyadoo ay shaqeynayso dowlad aan isleeyahay waxba idinkama haleynin, oo waxaa dhisnaa waxyaabo badan oo dowladnimada looga baahnaa, waxaana 9 jirkeygii ley geeyay iskuul, kaasoo lagu magacaabi jiray (gardana masaya) kolkii dambana dowladdii kacaanka u beddeshay Dugsiga hoose/dhexe ee Macallin Jaamac, wuxuuna ku yiillay halka maanta uu ka dhisan yahay guriga hooyooyinka ee ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Maddaddaalada National Theatre-ka Muqdisho Soomaaliya.

Dugsiyada xilliyadaasi caanka ahaa ayuu ka mid ahaa, sidoo kale iskuulka Media Centeraale, oo dowladdu u bixisay dugsiga Bartamaha, sidoo kale, waxaa caan ahaa dugsiga Allaahida oo masaarida wax ka dhigi jirtay, dugsigii kolleejo nova somalo, dugsigii Yusuf Al-kowneyn, dugsigii iskola Comerciale, sidoo kale waxaa jiray machadyo sida machadkii sidam iyo kuwo kale oo fara badan, jaamacadaha ayaa iyagana ahaa kuwo faro kutiris ah sida jaamacaddii umadda, lafoole iyo gahayr, xilliyadaasi waxbarashada dalka way dhisneyd waana nidaamka dowladnimada sida laga rabo.

Sidoo kale, ciidammada ayaa ahaa kuwo aan darajadooda lagu helin ama lagu qaadan si fudud, dalkuna wuxuu lahaa kuuliyado lagu tababaro saraakiisha sida kuuliyadda Jaalle Siyaad, sidoo kale ciidammada ayaa heegan ku ahaan jiray xeryahooda, halka maanta aan weli waxbadan laga qaban xeryihii ugu caansanaa dalka.

Habeenkii 1969-kii maalin talaado ah 21-ka Oktoobar aniga oo subaxaasi aaday iskuula ayaa waxaa nalaga soo celiyay isgoyska ceelgaabta waxaana meelwaliba ku go’naa dabaabaad waxaana dadka guryahooda ku celinayay ciidankii sameeyay inqilaabka waxaana la dhihi jiray kacaankii 21-ka oktoobar

Si kastaba ha ahaatee, waxaan dareennay haddaan nahay shacabkii waagaasi joogay dalka horumar iyo dadaal ay muujiyeen golahii kacaanka sare

1973-kii waxaan ka mid ahaa ardaydii loo diray in ay dadka gaarsiiyaan iftiinka waxbarashada ee markaasii dowladdu aad ugu howlaneyd waa oOlolahii Horumarinta Reer Miyiga, waxaan halkaasi ka billoway anigoo arday ah in aan magaca dowladnimada ugu shaqeeyo bulshadeyda soomaaliyeed aana noqdo mid nasiib u helay inuu dalkiisa kala dagaallamo saddaxda cadow mid ka mid ah oo ah jaahilnimada.

sidoo kale, waxaana nasiibkaasi helay arday badan oo waagaasi ila eyni ahayd ama iga waa weynaa, laakiin waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan dareemo mas’uuliyad dowladnimo in ay isaaran tahay.

Waxaan reerkeyga uga fogaaday iyagoo aan jecleyn in aan habeenna ka soo dhaxo waxay ahayd waddaniyadda iyo dowlad jaceylka ay qabeen iguna soo barbaariyeen in aan dalkaan u taagnaado horumarkiisa iyo wanaagiisa.

Xilligaasi shacabka soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwa waloolo ah oo isku laab xaaran lamana aqoon xumaanta iyo luggooyada maanta jirta oo kale, ninna nin kale kuma mashquuli jirin dalkana wuxuu ahaa barwaaqo iyo nimco.

Ujeeddada taariikheyntaydu waxaa weeye in aan dowladnimada lala garab dhigin wax walba oo ka soo horjeeda.

Haddaan dib u fiirsho dhaqanka dowladnimada ee xilligaas, waxaa muhiimadda ugu weyn la saaray dhanka amniga iyo ammaanka muwaadinka soomaaliyeed iyo bad qabkiisa, qof wuxuu soconayay saacadduu doono meeshuu doonana waa tegayay isagoo xor ah, shaqaalaha dowladdu waxay ahaayeen kuwo aan marnaba lagu murmin mushaaraadkooda oo waxaa si weyn loo adkeeyay la dagaallanka musuqa waxaana jiray sharci adag oo la yiraahdo xisaabi xil maleh, waxaana la gaarsiiyay sharcigan ilaa heer la toogan karo qofka haddii ay xisaabta uu dhacay gaadho malaayiin, sidoo kale waxaa lala xisaabtami jiray qofkii lagu eedeeyo waxa loo yaqaanno qaa’in waddanka.

Sidaadaba, waxaa habboon in dadka la baro dal jaceylka iyo waddaniyadda waana Meesha aan isleeyahay wax badan ayaa dhiman, qofka Soomaaliga ah waa in laga dhisaa dhanka waddaninimada iyo dal jaceylka iyo horumarinta si uu fekerkiisa ugu darsado in ay jiraan dal iyo dad isaga u baahan, isla markaana la baro in uusan dalkiisa dhicin qiyaamin, wax xunna uusan ku sameynin.

waa in ardaynimada lagu baraa oo lagu daraa muqararrada lagu dhigo fasallada sida taribiyada wanaagsan, waa inay dugsiyada iyo jaamacadaha ka soo baxaan arday waddaniyiin ah oo jecel dalkooda iyo dadkooda, hadda waa la helaa dhallinyaro aad u dal jecel laakiin waxaa sidoo kale jira kuwo kale oo kuwasi cagsigooda ah, waana kuwaas kuwa la doonayo in la baro waxa ay tahay dowladnimada.

Qodob muhiim ah haddaan ku sii darsado waa habboon in dowladdu uruuriso xanaaneyso dhillinyarada kala duwan ee ku dayacan hareeraha iyo daafaha magaalooyinka kala duwan ee dalka, kuwaasoo gaaraya tiro aad u badan oo haddii la jiheeyo dalka wax badan u tari lahaa.

Dowladnimadu waxay la dagaashaa wixii xun oo dhan iyo wax ka sii badan oo bulshada lagu ilaaliyo lagana ilaaliyo kuwa doonayay inay diirtaan dal iyo dad kuwaasoo aan waxba reebin una aaba yeelin saqiir iyo kabiir, waana waxa dowladnimada loo jecel yahay, dowladnimada waa tan naga horjoogta in maalinta cad leys furto ama leys dilo, waxba leysu reebi mayo haddaan dowladnimo jirin.

Ciidammada kala duwan waa halyeeyada u taagan sugitaanka amaanka dalka lamana helayo haddii dowladnimada la waayo, sidaa daraadeed ciidammada waa sal dhigga dowladnimada waana inaysan marnaba ku biirin siyaasadda waayo iyagu waa ilaaliyaha dalka iyo dadka iyo sugitaanka amaankooda, waa midka u taagan xasiloonida iyo deggenaashaha, waa ilaaliyeyaasha sharciga waa kuwii soo qaban lahaa kuwa ku xadgudba sharuucda dalka ku heshiiyo.

Dowlad waa ileys shida, waa nuur aan la qiyaasi Karin waase markii dowladdaasi tahay mid daacad ah oo aan caloosheed la ciyaar aysan noqon, waxaa ku diirsada oo ku noolaada kuna daaqsada dhammaan dad iyo duunyaba, waxayna dadkeeda ka heshaa duco iyo ammaan aan caadi ahayn.

Halkaan laguma soo koobi kari macaanka dowladnimadu leedahay ee dadow kol waliba xigsada dowladnimada, waayo waxaa laga helaa faa’iido badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin lamana helayo wax loo dhigo dowladnimada ee dadow halagu fara adeego, Caalamku waxay yaqaaniin dowladnimo ee ma yaqaanaan qabaa’illo iyo ururro ujeedkooda yahay wax dumin, taasbaana idinku adkeynayaa ee dadkeygoow ogaada dowladnimo.

WQ: Osman Dhiblaawe

CUDURKA MASKAXDA IYO DHIMIRKA KU DHACA OO WAX KA QABAD U BAAHAN !

Toddobaadkan oo ku beegneyd 10kii bishan Oktoober waxaa caalamka oo dhan laga xusay maalinta dhimirka iyadoo Soomaaliyana ay ka mid tahay dalalka muddooyinkan dambe cudurkan aadka loogu arkay .

Ma aha wax aad la yaabeyso in aad aragto bukaan cudurka dhimirka qaba oo silsilad gacmaha iyo lugaha uga xiran xiran yihiin oo ku katiinadeysan geed jirrid weyn oo uu habaas , oon iyo gaajo isugu darsameen balse dadka haya moodayaan in ay isaga u dadaalayaan oo waxtarayaan.

Caalamka waxaa ka jira hal kudheg ah “ha xirin bukaanka dhimirka, ha cadaabin balse sii la talin una muuji dhaqan wanaagsan “ laakiin aanaga waxaad mooddaa in aan taas meel iska dhignay.

Dr C/raxmaan Cali Cawaale “Xabeeb” ayaan weydiiyey sababaha cudurka dhimirka ugu soo badanayo dalka oo dariiqyada ay ugu soo kordhayaan dad uu ku badan yahay isla hadalka iyo isdhex marka maskaxeed.

“Kulli dadka waxaa haya tiih ama trauma “ ayuuna yiri isagoo intaa raaviyey in dadka Soomaalida ah ay hayaan dhibaatooyin nololeed shaqo la’aan, amni darro iyo qofka oo aan haysan mustaqbal cad oo u muuqad taas ayaan keeneysa in ay bataan dadka waalidu asiibtay “ ayuuna yiri.

Dalku ma laha xarumo waa weyn oo wax looga qabto cudurka dhimirka marka laga reebo kuwo ku taagan is xilqaan shaqsi ah sida xarumaha uu ka shaqeeyo Dr Xabeeb oo muddo dadka cudurkan qaba iyo dadka soomaaliyeedba u ahaa isha keliya ee ay la kaashadaan daweynta cudurka dhimirka.

Dawladda siiba wasaaradda caafimaadka oo xilligii kacaanka laheyd xaruntii Laasareeti ee daweynta dhimirka maanta ma laha wax xarun dhimir ah waxayna u muuqataa in arrintaa faraha laga qaaday oo xitaa la dhihi karto dalka dhaqaatiir dhimir maba joogaan marka laga reebo tiro aad u kooban oo is xilsaartay.

Soomaaliya maanta in ka badan boqlkiiba toddobaatan maskax ahaan ma fayooba oo waxaa lagu tilmaami karaa waxa dadka qaar ugu yeeraan waalida dhaqanta taas oo jirtana lama hayo dawo iyo dadkii daweyn lahaa ee ka dabiibi lahaa cudurkaa dhimirka.

WQ: Mohamed Hassan

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame” Khawaarijtu qeyb ayay ka yihiin kororka abaarta ka jirta dalka,”

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay ka qeyb ka tahay kororka abaarta dalka jira.

Ergayga ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu qaatay go’aanka ah inuu dalka ka qabto Kooxdan argagixisada.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Kooxda Khawaarijtta Al-shabaab ay dadka beeraleyda ah u diideen in ay beerahooda tacbadaan xilli ay dadkaasi wajahayaan xaalado abaar oo roob la’aan ay ku dhacday.

“ Dadkiinna in ay beerihii tacbadaan ayay u diideen, xoolihii in ay dhaqdaan ayay u diideen, nin masaakiin ah oo abaar hayso oo roob la’aan ku dhacday shan xillina roobkii uu ka baaqday ayaa waxay weydiinayaan baad ay ugu yeereen sakawaad, haddii ay bixin karina in ay ilmaha keenaan si ay  u dagaallamaan, Beerihii ma falan karaan lacago fara badan ayay kor saarayaan, run ahaantii qeyb ayay ka yihiin sababaha abaaraha ayagana,”.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” “ Aniga nin beeraley ah ayaa wuxuu igu yiri oo ceel beertiisa xitaa ugu dhex qodan yahay, “ Habeenkii ma daari kartiin ayay nagu dhaheen nalka beerta inoogu dhex yaalo ”, sababtoo ah nalka waxaa soo raacayo diyaaradaha Drones-ka ah, maalintii kaliya ayaa daari kartiin,”.

Kooxda Khawaarijta oo nolosha ku ciriiriyay dadka masaakiinta ah ayaa hortaagan nabadda iyo horumarka, taasina waxay keentay in abaarta culeyskeedii qayb ay ka noqdaan.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib u xoreynta ayaa suurta geliyay in deegaanno iyo degmooyin badan laga xoreeyo Khawaarijta, kuwaas oo shacabka ku nool ay heleen nabad iyo horumar buuxa.

Share this Article

Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dardar uga socda Jubbaland

– Waxaa dardar ku socda howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo deegaannada Jubbaland kuwaas oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Madaxda qaranka iyo kuwa Jubbaland ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta in ay doorkooda ka qaataan qorshyeyaasha dib u xoreynta iyo horumarinta deegaannada Dowlad gobolleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku booriyay ciidamada huwanta ah dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaq-dhaqaaqa iyo howlgallada bilowga ah ayaa wal-wal iyo cabsi xooggan ku abuuray Khawaarijta, kuwaas oo hadda bilaabay in ay ka cararaan deegaannada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna ciidamada qaranka iyo kuwa Jubbaland ay jilibka u dhigeen weeraro fulaynimo oo ay maleeshiyada Khawaarijta soo abaabuleen, kuwaas oo dhawaan ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalla, waxaana halkaas argagixisada lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo mahadho ku reebay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamada isgarabsanaya ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeennu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.

Ugu dambeyntii, ciidamada qaranka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa guulo wax ku ool ka soo hooyay dagaalladii ugu dambeeyay ay la galeen Khawaarijta. Dowladda federaalka ayaa sii xoojineysan doorkeeda howlgallada socda.

 

Share this Article

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wax gal noqday (WARBIXIN)

Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uu sanadkaan meel mariyay (3) Hindse-Sharciyeed oo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horay Goleyaashii u soo maray waddanka aaney wax badan ka fulin, waxaa xeerarkaan ka mid ah:- Hindise-Sharciyeedka La dagaallanka Argagaxisada oo ahaa mid muhiimad weyn ku fadhiya, marka la eego xaaladda uu dalku ku jiray 15-kii sano ee ugu dembeeyay, walow loo baahan yahay in xeerkaan laamaha Amnigu u isticmaalaan si sax ah oo aan baal marsaneyn qaanuunka, laguna dhibaateyn muwaadiniinta aan waxba galabsan. Dadka aad wax u taxliiliya gaar haanna amniga ayaa horay su’aal u gelin jiray sababta goleyaashii Sharci-dejintu aan xeerkaan loo horkeenin.

Haddaan soo qaadanno Hindise-Sharciyeedka NISA:- hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda dalka ayaa 53 sano kadib ayay yeelaneysa xeer uu Baarlamanka dalku meelmariyay, waxaa kaloo jira Hindise-Sharciyeedka cuna-qabateynta cayiman ee maaliyadda oo isagana ah sharci kale oo muhiim ah. Marka Dhammaan xeerarkaan waxay la jaan-qaadayaan marxaladda amni ee Dalka Soomaaliya, waxayna ku soo aadeen xilli loo baahnaa in sharci loo helo tallaabo kasta oo dhanka nabad-gelyada loo qaadayo, si aan loogu xad-gudbin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Prof. Xasan Shiikh oo ka mid Macalimiinta wax ka dhiga Kulliyadaaha Dalka qaarkood, islamarkaana ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya oo jooga Magaalada Mudisho oo ka hadlaayay Hindfise shirciyeedyada la meelmariyay ayaa yiri “Dowladnimadu waa qaanuun, marka sharciyadaan uu Madaxweynuhu saxiixay waxaa lagu dabaqayaa sidii aan Dowladaha hore u maray looga dabatagi laha, si aan ula shaqeynno”.

Hindise Sharciyeedyadaasi waxaa kaloo ay wax ka weydiisay Wakaaladda Wararka  ee SONNA qeybteeda warbixinnda sida uu waxtar ugu yahay dalka iyo dadka Falanqeeye Ciise Xasan oo deggan Magaalada Helisinki ee dalka Finland ayaa ka waramaya sida uu u arko Hindise- sharciyeedyadani, waxa uuna ku bilaabay sidan:- “Walaahi Dalkaan Sharcigaan sinna waa u fiican yahay oo wax ka qabashada argigixisada, laakiin waxaad maanka ku heysaa in Madaxda Dalka Shacbiga ma soo dooran, oo Kuwa ay magacabaan sidii ay doonaan ayeey ugu takri fali karaan awoodaha la siiyo, oo Dadka ka fikir duwan waa u isticmaali karaan, balse haddii sida wanaagga ah wax shariciyo wax u taraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Dhianaca kale Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ay farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso haddey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hey’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseeday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaasi oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hey’adda, tan iyo markii la aas-aasay, wuxuuna xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Haddaba maadamaa ay labada Glee e Baarlamaanka Soomaaliyeed ay shaqo wanaagsan ay qasbteen shaqo wanaagsan Xilligan, muujiyeenna kartida iyo waajibaadka loogu doortay inay ka gutaan gudaha Baalamaanka sida uu qeeayo waajibaadooda dastuuriga ah ayaa waxaan dhihi karnaa waa markii ugu horreeysay oo la ansiyo sharciyo intaa la eg, muhiimna u ah Dalka ina ay meel mariyaan, marka waxaan dhihi karnaa waxay qabteen howl ama shaqo wax ku ool ah.

WQ: Ruush C/llaahi

 

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda IMF oo shir ku saabsan arrimaha Deyn Cafinta uga furmay Nairobi

Waxa magaalada Nairobi Nairobi ee dalka Kenya, Shir muhiim ah uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, horumarinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

” Waxa maanta noo bilowday dib eegistii 5aad ee barnaamijka ECF aan leenahay Hey’adda IMF. Waxa aan uga hadli doonaa horumarka aan ka samaynay kicinta dakhliga gudaha, hannaanka MaamulkaMaaliyadda Guud iyo Dowlad wanaagga. Waxa naga go’an in aan sii xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda dalka keenna” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya, Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Caddaaladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Xafiiska Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha masuuliyiin ka tirsan iyo Wakiilo ka socda Hey’addaha IMF,Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hey’addaha kale Soomaaliya taageera.

      

Wafuud ka socda Warbaahinta Dalalka Islaamka oo kaqeybgalay tababar ka furmay Masar

Wasiirka Awqaafka Dalka Masar Mudane Mukhtaar Maxamed Juma ayaa  tababar u furay wafuud ka kala socotay warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay ku jiraan xubno matalaya Soomaaliya.

Ujeedka Tababarkaan ayaa ah in warbaahinta Dalalka Islaamka ay muujiyaan dowrkooda ku aadan horumarinta arrimaha biniaadanimada, dhaqanka wanaagsan iyo in bulshada ay ku wada noolaadaan ixtiraam iyo isfaham toosan.

Mudane Mukhtaar Maxamed Juma, wasiirka Awqaafka ee dalka Masar oo ka hadlay furitaanka tababarkaan oo socondoona mudoo todobaad ah ayaa kula talayay bulshooyinka Islaamka in ay ka fogaadaan  wax kasta oo xiriira la leh Xagjirnimada.

Wadamada ka qeybgalaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Sacuudi Carabiya, Liibiya, Comoros, iyo dalal kale oo kujira Jaamacadda Carabta

 

Yaa wiiqay awooddii kooxda khawaariijta

Yaa wiiqay awooddii kooxda khawaariijta

Kooxda arxanka iyo naxariista daran ee khawaariijta kana been sheegata diinta Islaamka waxay ummada Soomaaliyeed in mudo ah ku hayeen dhib xooggan oo saameeyey dhinacyadda nolosha ee kala duwan.

Kooxdan oo caadaysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed iyo dhaca hantida shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda xaalkeedu marayaa heer gabo gabo ah oo laga takhalusi raba jiritaabkeeda,kooxdan ayaa beryihii u dambeeyey la kulmaysay jab xooggan oo dhanka maleeshiyaadkooda iyo illihii dhaqaalaha ah.

Ciidanka qaranka oo kaashanaya xooggaga dib u xoraynta deegaanadda ayaa weerar joogto ah ku haya kooxda khawaariijta iyadoo ciidamadu mudo 7 bilood ah kaga xoreeyeen kooxda 92 magaalo oo isku jira degmooyin iyo deegaano,kuwaas oo dhamaantood la isaga kala gooshi karo maanta.

Degmooyinka laga xorreeyey kooxda ayaa ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhexe,Hiiraan,Galguduud iyo gobolka Mudug iyadoo ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen degmooyinka Ceeldheer,Ruun-nirgood,Moqokori,Masagawaa iyo Xarardheere.

Kooxda khawaariijta ayaa sidoo kale hawlgalada waxa looga dilay tiro ka badan 3000 oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogayaal,waxa sidoo kale laga xiray in ka badan 250 Account oo kooxdan adeegsan jirtay sidoo kale waxa laga burburiyey Maxkamad beenaado ay dadka ugu yeeri jireen kuwaas oo u ahaa illo dhaqaale.

Khawaariijta ayaa beryahan dambe jabka gaaray dartiis bilaabay in ay isu soo dhiibaan ciidanka qaranka,jyadoo qaar kalena u baxsadeen degmada Jilib iyo deegaanada ku hareeraysan halkaas oo ay naf iyo gabaad bideen balse aan looga hari doonin sida Madaxweynaha qaranka ku dhawaaqay.

SONNA

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qaadaysa talaabooyin qeyb ka ah fulinta go’aannada NAMLC

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul wasaare Xamse”waxaa naga go’an in wax la baro gabdhaha”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xamse Cabd i Barre ayaa sheegay in xukumada Dan Qaran ay ka go’an tahay in wax barashada gabdhah ay door fiican ka qaadto,si kor loogu qaado aqoonta haweenka.

“Waa in gabdhah wax la baro oo la ilaaliyo xuquuqdooda aas-aasiga ah iyo xuquuqdooda gabarnimo oo Ilaahay siiyay,shaqada markii la wada galay ee wasiirro la wada noqday  waxay noqdeen gabdhaha kuwa ugu kartida badan,ugu masuqmaasuqa yar uguna shaqada badan,waana in ay waxbarta si ay dalkaan u hoggaamiyaan.

Waxaan rajeynaya in aad xooga saari doonta sidii gabdhaha yaryar iyo kuwa waaweyn ay wax u baran lahaayeen,arintaasi waa muhiim hadii hal garab la diyaariyo  oo wax la baro bulsho ayaa la diyaariyay sidaa darteed si bulshadeenu u hagaagto waa in aan haweenka waxbarnaa’’, waxaa sida yiri Xamse Cabdi Barre.

Inta badan waxaa jirta Oraah la adeegsado oo ay soo qataan dadka u olaleeya waxbrashada gabdhaha oo ah “Gabadh wax baratay waa bulasho waxbaratay”. Ujeedka laga leeyahay Oraahdaan ayaa ah in gabdhaha lagu dhiirrigaliyo waxbarashada diini iyo maadi intaba. Nebi Muxammad NNKH, wuxuu dhiirrigaliyay waxbarashada rag iyo dumarba.