MA HELI KARNAA AMNI LAGU KALSOONAAN KARO?

Haa haddii si sax ah ama daacad ah looga wada shaqeeyo gobollada iyo degmooyinka loona dhiibo dad yaqaan ama ehel u ah nabadda haa waan heli karnaa

marka hore aan is weydiinno ma yahay guddoomiyaha degmada mid ay dadka degmada ku wada kalsoon yihiin, ma yahay mid buuxiyay sharuudaha dhammaan uu mas’uuliyaddaasi ku qaadi lahaa

haddaba guddoomiye degmo ama taliye saldhig degmo marka ugu horreysaa waa inay da’doodu aysan ka yaraanin 50 /sano, waa inuu wax ka yaqaannaa xaaladaha ciidan iyo tan amni sidoo kalena  waa inuu wax ka fahamsan yahay arrimaha diinta iyo dhaqanka iyadoo lagu imtixaamayo xilka loo doortay iyo mas’uuliyaddaas  inuu qaadi karo, waa in la eegaa dabeecad ahaan iyo da,ahaan in uu u bisil yahay in wax xukumi karo, iyadoo ay dheer yihiin wax yaalka aan kor ku sheegnay iyo in had iyo jeer laga helo mas, uulka degmadiisa ama

saldhiiggiisa boliska ee degmada, waayo wuxuu madax u yahay ummad aad u badan oo isugu jira da,kasta iyo derejo kasta, mus’uuliyadda waxaa ku jira guddoomiyaha waa in uu qancin karo qof kasta oo deegaankiisa ka tirsan waxaa la mid ah taliyaha saldhigga degmada waa inuu ogaadaa in uu xambaarsan yahay xil weyn waana kuwa ay ku hurdaan bulshada deggan degmadaas.

Intaas marka la hubiyo, ayay mas’uuliyiinta degmada iyo saldhigga oo wada jira ogaan karaan wax walba waxaana u sahlanaaneysa sidii ay usugi lahaayeen amni degmada.

waxaa iyadoo la raacayo tusaalooyinkaan  soo socda la billaabayaa howlgallo lagu baarayo, guryaha, garaashyada, hoteellada, dukaamada iyadoo ciidan xooggan la dhigayo isgoysyada soo gala degmadaas.

Waa in lala shaqeeyaa guddoomiyeyaasha laamaha iyo waaxyaha si ay uga soo warbixiyaan waaxyahaas hoteellada, garaashyada iyo guryaha deegaanka xaafaddooda ku yaalla, meeshii ay ka shakiyaanna loo diro ciidan ku filan, sideedaba waa in la helaa isla shaqeyn ka dhaxeysa degmada saldhigga boliiska degmada

Runtii haddii sidaas la yeello amniga wax badan ayaa laga qaban karaa waayo xilku waa xujo iyo imtixaan laakiin waa inuu qofku garan karaa Meesha uu culeyska ka saran yahay.

Haddaba waxaa habboon in la wada dadaalo oo qof kasta ogaado in ay jirto maalin wax la iska weydiin doono sidoo kale waa in la ogaadaa in xilku yahay meerto adduuyaduna waa silsilad ee adiga kulama dhalan.

Waxaa lagaa rabaa adigoo ilaahey kaashanaya in si daacad ah u gudato waajibaadka ku saaran ee aad dhabarka u ridatay.

Muuji maalmaha aad joogto ama aad gacanta ku hayso xilka degmada in aad u gudato waajibaadkaaga howleed si hufan oo Alle raalli kaaga yahay.

xisaabta  haddaba walaal haddii daacad laga yahay abniga degaanka waa la sugi

karaa ee ha lala yimaado daacad nimo iyo khibrad aqoon shaqo oo wax lagu qabto ha iska seexan meel

guddoomiye iyo taliye shirarka oo kaliya ha u dhar xiranina ee la imaada shaqo run ah, waa sahal sida lagu sugaa amniga goblka iyo degmooyinkiisa ee halloo balaan isku xiran oo silsillad ah hana loo dhaqaaqo shaqo iyo daacadnimo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan) ha xaadin hana qiyaamin dalkaada iyo dadkada waxaana la hubaa in la heli karo amni

haddii la qaato talooyinkaan, degmooyinka iyo saldhigyada boliiska waa halka keliya ee laga sugi karo amniga degmada iyo xaafadaheeda, waa in si deg deg ah loo soo nooleeyaa isla shaqeyntii degmada, saldhigga, laamiha degmada, waaxda iyo fallarka iyadoo guri walba lagu dhejinayoy nambar aqoonsi ee degmada iy saldhiggaba laga heli karo, sidaa wax walba waa ku dhan yihiin ee yaan waxba leys dhaameelin.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

MAXAA KALIFAY IN KHAWAARIIJTU SALDHIG KA DHIGATAAN SOOMAALIYA?

Runtii khawaariijtu waxay jireen sabankii Rasuulkeenna wuxuuna nooga digay oo wax badan nooga sheegay in ay yihiin kuwo khatar ku ah nolosha iyo inay soo noqnoqdaan.

Hase yeeshee inaga xaggee nooga yimideen oo dalkeenna ka soo galeen maxayna tahay sababta ay u door bideen in ay dalkeenna soo galaan oo ay hooy ka dhigtaan?

Dabcan khawaariijta waan maqli jirnay inay yihiin koox arxan daran oo aan wax naxariis ah u galin bini’aadanka iyagoo aan u kala saareynin muslim iyo gaalo.

Khawaariijtu waa cadowga ummadda siiba kuwa islaamka ah waana kuwa laaya muslimiinta ay ku sook or degeen iyagoo aan u kala aabbo yeelin qof weyn iyo mid yar hooyo iyo cunnugeeda si ay u abuuraan cabsi badan iyo argagax si aan dhankoodaba loo soo eegin.

Meelaha ay ka taliyaan kama jirto wax nolol ah ama tacliin ah waayo ma oggola dadku inay ku ilbaxaan oo luqadaha wax lagu barto way diidaan.

Haddaba, khawaariijtu halkey nooga timid annaga waxaa hubaa inay nooga timid halkaa iyo dalka afganistaan oo ahayd halkii saldhigga u ahayd argagixisada la magac baxday Al-khaacidda kaasoo uu hoggaanka u hayay waddaadkii la oran jiray Usaama Binladin, halkaasi ayaa laga soo diray waxaana ku kalifay dagaallo badan oo looga hayay dalalka ay markaasi ku jireen waxaana sida badan laga soo eryay dalal ay kamid yihiin suuriya liibiya ciraaq iyo kuwo kale waxaana ay ahaayeen kooxda Al-khaacida iyo kooxda Daacish ooh adda labadoodaba u soo guuray dalka soomaaliya sababtuna ay tahay in dalkaan aysan ka jirin wax degenaasho ah ama awood uu markaasi isaga xakameyn karo aysan jirin.

Khawaariijta soomaaliya joogta oo haatan isu beddeshay dad cun ayaa haatan waxay la’yihiin meel ay ku nastaan markii shacabku fahmeen muddo ka dib in ay yihiin kuwo diin u wada ee ay yihiin burcad qowleysato ah.

Ugu dambeyntiina waxaa cir iyo dhul looga qaaday weerar ku wajahan khawaariijta arxanka daran markii ay umaada laayeen iyagoo gumeysi uu isu beddelay xaalkooda.

Waxaa ilaah mahaddii ah in manta hal meel looga soo wada jeestay oo ay ummadii fahantay waxayna noqdeen duke cambaar leh oo qof waliba uu raadinayo waxayna joogtaa manta in ay gaajo ugu dhimanayaan gododka hoostooda iyagoo cabsidii ay ummadda ku hayeen iyaga manta uu ilaahey ku dambeysiiyay, hooggoodii baa kacay gabalkoodiibaa dumay, manta raxan raxan bay isu soo dhiibayaan iyagoo weydiisanaya in la saamaxo.

Dalka Edatorial

KHAWAARIJTA OO KU HAMINEYSA INAY MAR KALE HELAAN KALSOONIDA BULSHADA REER BANADIR

Ka dib markii looga soo  adkaaday dagaalladii gobollada dalka ka socday ayaa haatan waxay billaabeen mar kale iyo kalsooni raadin iyagoo iska dhigaya in ay u danqanayaan bulshada ku dhaqan gobolka banaadir oo ahayd halkii markii hore sida weyn looga taageeray iyagoona ku soo caana maalay muddo.

Sida aan ognahay argagixisada khawaariijta ah markoodi hore waxay xadeen qalbiyada iyo kalsoonida shacabka, waxayna muujiyeen kalsoon abuur iyo  inay la dagaalaan burcadda iyo tuugada iyo kuwa dilalka geysan jiray oo weli itus itaabsii ah iyagoo weliba sameystay xabsiyo u gaar ah, markaas ayay dadka qaarkiis aamineen inay yihiin dad ay ka daacad tahay u adeegidda bulshada.

Hayeeshee ma dhicin taasi ka dib markii ay gaareen ujeedkooda ayna heleen muraadkooda oo ahaa kalsoonida dadka markay ogaadeen taasi ayaa waxay billaabeen inay dadka Cabsi geliyaan intaa ka dibna waxay billaabeen inay gowracaan dadka iyagoo soo dhigaya meelaha banka ah oo dadka ka arkayaan iyo weliba iyagoo dadka isugu yeeraya si ay u tusaan sida ay wax u gelayaan iyagoo sheegaya inay fulinayaan xukun sharci ah, kuwaasoo isugu jiray dil, gacan goyn, lug goyn, qoor goyn, garbaash iwm iyagoo uga dan lahaa in aan qofna ku soo warcelin iyo in laga dambeeyo awaamiirta ay soo saaraan iyo in loo hoggaansamo amiirrada dulleysan ee faasidiinta ah.

Sida badan dadkii markaas joogay waxaa ku abuurmay cabsi iyo argagax aan caadi ahayn markii ay arkeen sida wax loo gelayo.

Muddo badan ka dib tacaddiyo badan ay geysteen ayaa shacabka waxay gaareen heer ay cabsidu gaadhay in layska wato gabdhaha iyadoo aan looga hebeysaneynin cidna, waxay arrintaasi khawaariijtu ku aruurtay cabsi gelin dil xabsi iyo fool xumeyn qofka iyaga soo horjeeda.

Muddo markay sidaasi soo ahayd ayaa waxaa buuxsamay koobkoodii takrifalka iyo saqajaameynta waxaa hubkii qaatay ciidammada xoogga dalka markii ay gadoodeen shacabka soomaaliyeed kuna soo baraarugeen sida ay u gacan galeen sheekaduna aysan ahayn in diin la wado ee loo socdo maalkooda iyo naftooda, intaa ka dib dalka waxaa ka bilowday guluf aan kala go’lahayn oo ay iska kaashanayaan walaalaha soomaaliyeed shacab iyo ciidanba, waxaana ku dhacay khawaariijta waxaysan weligood ku fakerin kuna riyoon.

Markii ay arkeen in dagaalka gobollada looga adkaaday lana wiiqay awooddoodii kalsoonidii shacabkana ay goor hore lumiyeen ayaa hadda mar labaad waxay isku dayayaan in ay soo dhisaan kalsooni ka helidda bulshada soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka banaadir ka dib markii ay heleen fursad ay ku ugaarsan karaan bulshada noocyadeeda kala duwan.

Waxay marmarsiiyo uga dhiganayaan inay la dagaalamayaan kuwa iibiya maandooriyaha iyo khamriga isla markaana ay laaynayaan Ciyaal Weerada iyagoo durbadiiba billaabay inay fuliyaan dilal dhowr ah.

Haddaba, side suurta gal u tahay in khawaariijta ay ka fuliyaan howlgallo lagu baacsanayo ciyaal weero iyo kuwa iibiya maandooriyaha.

Haddaba, bulshada reer muqdisho iyo ciidamada oo iskaa Shanaya waa inay arrintaasi wax ka qabtaan intii shabaab uu ka faa’iideysan lahaa kuna baayactami lahaa dhiigga ciyaalka dhaqan celinta u baahan.

Dowladdu waa inay waxbadan ka fiirsataa arrintani waa arrin Qatar ku jiritaanka caasimadda iyo dadka ku dhex nool.

Howlgalladu waa inay noqdaan kuwa habeen iyo maalinba socda si looga daba tago awoodda ay khawaariijtu sheeganeyso ee ay muqdisho ku heystaan.

Dalka Edatorial

GARANWAAGA GURIGAAGA KA SAAR

Garanwaa waa eray loo adeegsado wax ama qof meel loo raaco lawaayay ama tixrac aan haysan. Madaxaweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay dhagar qabeyaasha oo ku tilmamay Aragagixisada ku dhex dhuumaaleysanaya shacabka ayaa ugu magac daray “Garanwaaga” taas oo uu uga jeedo dadka ku cusub deegaanka ee aan loo bogin hab-dhaqankooda in la la socodsiiyo laamaha Amnig.

Sidaasi daraadeed shacanka oo ka duulaayo ayaa hal hees u sameystay “Garanwaaga gurigaaga ka soo saar!!!”

Arinkaan ayaa la bilaabayo mudo xileedk hore ee Madaxweyne Xasan Sheikh (2012 – 2016) xiligaas oo laga bilaabay  Gobalka Banadir barnaamayka “Dariseeyn” taas oo ah isku xirka bulshad degmooyinka G/Banaadir oo la isugu xirayo toban-toban guri iyada oo loo sameeyay hoggaan ay ku soo ururiyaan macluumaad kaas oo si toos ah ugu xiran maamulka degmada iyo laamaha Amniga ee degmadaas si uu u siiyo warbixinno joogto ah.

Khawariijtu haddii ay bulshada ka dhex barxaan waxay    noqonayaan kulluun Biyaha laga soo dhex bixiyay oo waxa uu sugaaba  waa dhimasho ee bulshooy  Garan-waag gurigiina ka saar, bannaanka ha ku dhinte waayoo aadi bulshadu iska soo dhex saarto Garan-waaga waxa ay is mudanayaan  Ciidanka Xoogga Dalka oo eysan u babac dhigi karin oo soo afjari doonana Garan-waaha.

Haddaba muwaadin ogow garanwaagu waa gumeeste rabo in uu ku gumesto ama ku dulleesto jecelna inuu  kula daba tagnaado  Bahdilaad, Baad iyo Baadi aan  Adduun iyo Aakhiroba lagu liibaani doonin haddii aan iska dul qaadin heeraadiga guumeestaha Khawaariijta ee ku dhex dhuumaaleysanaya Bulshada.

Garan-waaga waa la soo gubay ee Guriga ha gashan.

Dalka Editorial

MUSUQA IYO WAX ISDABA MARINTA MAXAY KA QABTAA DIINTA ISLAAMKA?

Musuqa ayaa ah wax qiyaamayn iyo tuugnimo kuwaasi oo diinteenu ay xaraam tinimaysay haddaba hadii aad tahay qof diintiisa ku dhaqmaya oo wanaagsan iska ilaali musuqa kana waani bushada kale inay sameeyaan musuqa una sheeg inuu yahay wax aad u xun aduun iyo aaqirana lagugu xisaabindoono.

Musuqa ayaa ah wax isdamarin iyo qiyaamo aad ku samayso howlaha aad qabanayso taasina waxay liddi ku tahay diinta Islaamka, diinta Islaamka ayaa na amraysa inaan si hufan wax u qabano hadii aan howl qabanayno.

Musuqa ayaa ah ficil aad uxun, bulshada uu musuqu ku batto ma hormaraan waxayna noqdaan kuwa ugu liita bulshooyinka caalamka, sida ay hadda dowladaha caalamku u kala hooseeyaan ayay ku kala musuqmaasuq badan yihiin.

Soomaaliya ayaa kamida wadamada musuqa kaalmaha hore uga jira dowladaha caalamka, hadaba waxaa ayaan darro ah soomaalida oo boqoliiba boqol ay muslimiin yihiin inay kamid noqdaan wadamada ugu musuqa badan caalamka.

Siyaabo badan ayaa ku keenikara soomaalida arinkaa waxaana kamida mudada dheer ee uu dalku dowlad la’aanta ahaa, dagaaladii sokeeye uu dalku soomaray kadib burburkii dowladii milatariga ahayd 1991 iyo bulshada oo ka warqabin dunuubta ka dhalanaysa haday wax musuq maasuqaan.

Musuqa ayaa kala tarajo sareeya ama sii kala xun, waxaana ugu daran markaad xoolo dadwayne xaddo, waxaa laga yaabaa adiga oo xaafiis dowladeed bulshadu kuu dhiibatay fadhiya  inaad xaddo boqol doolar oo markaas qiimo wayn aktaada kalahayn laakiin aad cadaab xagga Alle ah ku mutaysato, markay kuu yimaadaan Qiyaamaha qowmayad aa u madan oo ah dadkii aad xilka u hayn jitay iyo ilamaha ay sii dhaleen oo uu Alle ku yiraah sii dadkaan xoolihii ay kuu dhiibteen kadibna aad ka xaday adiga oo markaas awoodin inaad bixiso.

Waxaa laga yaabaa inaad maanta xoolo dadwayne u musuqdo dadku kuuma jeedaan balse waxaad dafiraysaa oo aadan ka xishoohayn Allihii ku abuuray inuu kuu jeedo, intaad bini’aadam ka baqi lahayd marka hore kabaq Allaah oo hasamayn waxyaabaha xun xun ee uu kaa reebay.

Haddaba, waxaa laga rabaa qof walba oo inaga mida hadii uu howl qabanayo inuu u qabto sihufan oo aan wax idabamarin lahaayn, muwaadin hadii aad howl qabanayso u qabo si xayi ah oo aan caajis lahayn.

W/Q Muuse Cabdinuur Maxamuud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SOO DHAWEYNTA BISHA RAMADAAN IYO FARXADDA DUNIDA ISLAAMKA

Waxaa sanadkiiba hal mar dunida muslimka ay soo dhaweysaa bisha Ramadaan, bishan oo ah bil cibaado oo aad u qiimo badan . waana tiirka afraad ee diinta Islaamka.

Marka aad dhageysto qiimaha ay leedahay waa bil Ilaahay bilihiisa ka doortay waxaana abaalgudkeeda bixinaya Ilaahay oo keliya .

Hadaba waxaa nagu soo fool leh toddobaadka nagu soo aaddan ee 13ka bisha Abriil iyadoo la dareemayo dhaqdhaqaaq aad u badan ganacsi xoog leh oo so socda dhinaca cuntada, gadashada dharka ciidda ee carruurta iyadoo dadka iyagoo raxan raxan ah ay dhex socdaan suuqyada iyo carwooyinka iyadoo aan weli la gaarin ciiddii .

Gadashada alaabooyinka kala nooca ah, nidaaminta goobihii afurinta ayaa laga dareemayaa Muqdisho iyo meelo kale taasi oo kuu mujineysa in ay soo aaddan tahay bil cibaado.

Xagga masaajidada ayaa Iyana bishan qeyb libaax ka qaata wax u sheegga dadka siiba kuwa la xiriira soonka iyo axkaamtiisa iyadoo siyaabo kala duwan ay culimadu uga hadlaan arrimahan inta lagu guda jiro bisha soon.

Soonaka waa bil Ilaahay ugu talogalay cibaado iyadoo uu Ilaah dadka soo gaarsiiyey amar ah in la soomo oo ay soonto cid kasta oo qaangaara ah.

Bisha Ramadaan waa bilk u saleysan nabad iyo iscafis muslmka meel uu joogaba waan mid u baahan dhowrista sharciga iyo axkaamta gaarka ah ee ay leedahay waana in laga soomaa isha , afka iyo gacanta.

Ilaahay waa boqor naxariis badane ah wax aanan sameyn Karin nooma dirin naguna ciqaabi mayo waxaana si gaara Ilaahay ugu naxariistay safarka, bukaanka iyo waayeelka , umusha iyo intii kale ee aan qaadi Karin laakiin waxaan og nahay in marka lagaaro bishan oo kale in kuwo kale oo muslim sheeganaya ay furtaan maqaayado iyo meelo gaar ah oo balwado lala tago.

Kooxahaa waxaa laga codsanayaa in ay Ilaahay ka baqaan waayo waxaa Ilaahay kuu fasaxay in bilaha kale oo dhan oo 11ka ah aad shaqeysato waana maalmo kooban bisha Ramadaan waana in Iimaanka la is galiyo oo naf iyo sheydaan la iska ilaaliyo in ay ku hoggaamiyaan.

Waxaa intaa ka fiican oo ka wanaag badan nimcada faraha badan ee Ilaahay noo ballanqaaday haddii sida ay tahay looga soo baxo.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

MAANDEEQ MAXAA LOO GOWRACAYAA?

Magaca Maandeeq marka lagu dhawaaqo xusuus badan ayuu leeyahay , dadka qaar waxay xasuusanayaan hashii maandeeq ee madiida aheyd ee geela ugu caano badneyd looguna magac daray tii maanka deeqday .

Marka la yiraahdo xagga siyaasadda waxaa loogu magacdaray xilligii xorriyadda hashaa la yiraahdo Maandeeq iyada oo looga faa;eynayo xasuusta gimeysiga iyo dhibtiisii loona dabaaldegayo farxadda xoriyadda iyo madaxbannaanida Ilaah uu siiyey ummadda soomaaliyeed .halgankooddina uu noqday mid miro dhalay si hiigsi iyo muuqaal la taaban karo.

Waxay dardaaran ka bixiyeen wadaniyintii iyo siyaasiyiintii MAANDEEQ in aan la gowricin maadaama naasaheedu caano nagu deeqaan in laga ilaaliyo gumeysiga iyo cadowga iyo kuwa shoisheeye kalkaalka ah oo laga yaabo in ay caloosha ka soo ridaan ama ay gowracaan.

In xorriyadda la adkeeyo aasaaskeeda iyo dhismaha guud laakiin waxaa caado u noqotay soomaalida waxna lala yaabana ah mar kasta oo la doonayo in wax la dhiso oo lagu jiro abaabul iyo isku xir meeshii aan wanaaagga gacan siin laheyn maamul dhisidda waddanka gudihiisa in ay qaar soo weeraraan degmooyinka qaar iyagoo dheeganaya in ay iyagu leeyihiin welibana ku dhasheen halkaas oo ay ka baabulaan dagaallo qax iyo kala carar.

Waxaa wax lala yaabo ah in dadka muslimka ah oo aad qaraabada iyo ehelka tihiin in lagu dhibaateeyo siyaasad meel kale laga soo xawilay iyo damac gaara ah , degmooyinkaas oo ay ku nool yihiin dad maato ah iyo kuwo tamar yar .

Waxaa wax laga xumaado ah in la galiyo qax dagaal , dano gaara  iyo siyaasado isdiidan degmooyinka ay ka dhacaan dagaalada kuwaas oo noqda kuwo uu dib u dhac ku yimaado, ma qaataan qoondada ay ku leeyihiin maamulka ay hoos tagaan kama faa’ideystaan nabadda iyo horumarka meeshaas laga rabo.

Soomaalida waxay ku mahmaahdaa cir marka uu da’ayo ayaa la doogtaa haddii aadan maanta ka faa’ideysan abaabulka loogu jiro wax qaybsiga iyo maamul u dhisidda waddanka , degmooyinka ay ka jiraan colaaaha kama qeyb galaan wax qeybsiga .

Hadaba haddii aad maanta ku aafeyso guluf been ah iyo siyaasado isdiidan ma maashid maandeeq waxna kama heleysid waxaadna gowraceysaa hashii la wada lahaa, calankeena iyo ciiddeenana waa kuwo u baahan iskaashi nabad iyo walaalnimo .

Haddii aan la sugin amniga maandeeq oo aan laga ilaalin bahalka dilaya cadow badan ayey leedahay waxayna cillad iyo dhibaato ku abuuri doontaa qeybta aad ka joogto waardiyaheeda gaar ahaan marka cadowga kuugu soo dhiibo waran , toorrey iyo baley af badan ee aad ka disho Meesha aad ka joogtay.

Sidaa darteed maandeq ha gowricin , dadkana meel ha uga dhicin oo yuusan kuu arag cadowga gudaha.

WQ: Abwaan C/kariim Axmed Gabayre

 

KHAWAARIIJTA OO LA TUSAY XANUUNKA GEERIDA

Gulufka Ciidammada geesiyiinta xoogga dalka iyo soo ma jeesteyaasha xaq u dirirka dib u xureynta gobollada dalka oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee il-ma-aragtada ah ee saaxiibadda Soomaaliya ka caawiya ciribtirka argagixisada ayaa wacdaro tusay Khawaariijta arxanka daran ee la dagay dalka iyo dadka intaba.

Ka dib markii ay u diideen inay isku aaminaan bannaanka ayey waxay door bideen inay godad ka qotaan jiridda geedaha hoostooda, Soomaalidu waxay tiraahda “Naf yahay nin ku doonay ku waa”, khawaariijtu haddey saas u naf jecel yihiin maxay dadka beenta ugu sheegayeen oo jannaa naga horreysa u dhahaayeen.

Haatan waxaa la kala garan la’ yahay in khawaariijtu tahay dad ama dugaag, waayo dugaagta ayaa gasha gododka ilmahana dhigata.

Side qof bini’aadan ah ugu jiri karaa habeen iyo maalin god dhexdiisa oo hadday ogyihiin inay naftu sidan u macaan tahay maxay dadka abriyada ah ee aan wax galabsan u goynayeen nafafkooda

Waxaan u maleynayaa in hadda la kala bartay inay argagixisad nafta aad u jecel yihiin, balse mahelidoonaan meel ay ku nastaan waxaana taasi ka dhabeeyay ciidammada kala duwan ee ku howllan la dagaallanka Khawaariijta maxaysatada naf lacaariga ah ee hadda harkooda ka didaya.

Argagixisada haatan waxaa la tusay inta ay awooddoodu la’egtahay kadib markii laga wada xoreeyay dhulal ay muddo si xaq darro ah uga talinaayeen iyaga oo ku amar taakleynaya dadka shacabka ah ee ku noolaa deegaannadaas.

Khawariijta aan naxariista lahayn waxaa ku dhacay jab iyo halaag aysan ka soo waaqsan karin waxayna hadda isku dayayaan in ay meelaha wax ka soo tuurtuuraan ka dibna cararaan, markii ay isku dayaan inay is aruursadaan oo dhibaato geystaan waxaa hawada uga soo dhaca gantaalka ay adduunka ugu neceb yihiin ee diyaaradaha guuxooda aan la maqlin ee aan duuliyaha lahayn (Drones) taas oo haatan caalamka ka yaabisay.

Argagixisada haatan waxay u la’anayaan gaajo iyo oon ka dib markii loo diiday dhaqdhaqaaq badankoodana waa la go’doomiyay oo hadda waxay ka taagan tahay mar uun yaa idinka bixiya mushkiladdaan.

Waa dulmigii ay geysteen waxa laga gudayo waayo waxay wax badan ku been abuurteen oo dad ku laayeen magaca Alle iyo Qur’aanka Kariimka ah waxay suurad xumeeyeen ku dhaqanka diinta islaamka, dhaqanka suubban ee islaamnimada iyo xiriirka ay caalamka la leeyihiin.

Waxaa haatan dib u bilowday qeybtii labaad ee ciribtirka khawaariijta kaas oo si xoog iyo dardar leh uga socda gobollada mudug iyo galgaduud.

Khawaariijtu waxay fursad iyo kalsooni ka raadinayaan shacabka dhexdiisa balse abaal umaysan dhigan shacabka mana ka helayaan waayo xumaantii ay horay u geysteen iyo midda ay haatan wadaan oo ay ka mid yihiin weerarrada gaadmada ah iyo qaraxyada foleynimada ah ayaa meel u yaal.

Ciyaar Weerada ay haatan ku dhawaaqeen inay beegsanayaan iyagaa abuuray si ay Bulshada ugu diidaan hadhsi iyo hoyaad haseyeeshee hora loo yiri “Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og.” Bulshada Soomaaliyeed tiiha iyo tiiraanyada ay badeen mid ka go’aysa Quluubtooda ma ahan, wayna ka go’an tahay inay heeryada Arxan laaweyaasha ee Khawaariijta iska kor qaadaan iyaga oo garabsanaya Ciidanka Xoogga Dalka.

Waa hubaal Khawaariijta inay ka taagan tahay ba’ay iyo hoogay oo ay la’ yihiinna meel ay arrin ka billaabaan waana tan keentay inay kala shakiyaan oo ay is ugaarsadaan balse weli waxaa u furan inay Alle u towba keenaan bulshadoodana ka dalbaan cafis iyo saamax oo ay isa soo dhiibaan.

Dalka Edatorial

 

 

 

DILALKA AAN DHAMMAADKA LAHAYN EE KHAWAARIIJTA, BURCADDA IYO CIYAAL WEERADA

Adduunka maanta waxaa ka soo haray ammakaag iyo af kala heyn, waxa socda waxa aan horay loo arag oo mucjiso ku noqday dunnida gaar ahaan dalkeenna soomaaliya

Nin adduunyo joogow maxaa weli aragti kuu laaban, ammaan faraha ka baxay oo middaan ka daran horay nooma sooma marin, dilal dhan walba ah oo habeen iyo maalin si iskugu mid ah u dhacayaa oo miyi iyo magaalo kala lahayn, sow wax lala yaabo maahan?

Waxaan maqli jiray adduunyo gaddoon iyo aakhiro samaan, war dadka xaggee loo gurayaa oo lagu wadaa, haddeyse sidan iskaga socoto dalkan yaa u hari doona waa yaabe, war yaa dadka laynaya?

Yaa mas’uuliyaddeeda qaadanaya dadkan maalin waliba ay dileyso gacan ka xaqdaran, mase la ogyahay gacmaha wax dilidda u bartay inaysan marnaba joogsaneyn?

Haddaba, waxa dadka dilaya waxay isugu jiraan dhowr nooc oo midba midka kale ka daran yahay, dadkiina waxay noqdeen xayawaan iska daaqaya oo maalin waliba xeyn la dilanayo, waana arrin uur ku taallo nagu reebtay dil aan cid loo raacanayo lahayn oo waa baareynaa iyo waan daba joognaa un ku soo afjarma.

Gacmaha dadka dilaya waxaa ugu horreeya argagixisada khawaariijta oo aan geedna ugu soo gabaneynin inay wax dilaan, waxaa ka laba ah Burcadda hubeysan oo meel walba u fariisatay bulshada ku baada ku furta, ku kufsada kuna dila iyagoon cidna uga baqeynin sidoo kale

Kuwa marqaanka iyo qamarjinimada ku fogaatay oo si gaar ah u dila haweenka iyo caruurta, ama ha qabo ama yuusan qabinee u diyaarka ah inuu laayo haweenka iyo caruurta, waana cadowyada haatan muuqda oo miiska saran.

Marka haddaan u soo laabanno maxay waxaan oo dhan u dhacayaan dalka miyuusan lahayn ciidammo amniga u qaabilsan waa su’aasha kowaad ee qof waliba hor iman karta.

Haddaba, dalka waxaa jooga ciidammo ku filan inay sugan amniga habeen iyo maalin, balse hasha maankeyga gaddayee ma miinsaar bay liqday baa Meesha ka muuqata.

Haddii qof waliba uu af tirtirasho ka dhigtay amaanka, haddana dadku la’anayaan Bal adiga maanso ka tiri, maxaa kalifay meel dowlo joogto oo ciidamo ka howlgalayaan in dadka lagu dilo si bareer ah.

War soomaaliyeey runta isu sheega oo fadhiga ka ka kaca oo amnigiina sugta, badalmaa aad isku haleyn lahaydeen cid kale oo danaheeda ku mashquulsan.

Amaanku kuma yimaado afka oo laga sheegto ee wuxuu ku yimaadaa howl gallo isdaba joog ah oo lagula dirirayo burcadda iyo balayaada kale oo dhan.

Sidaan horay u iri diinteenna macaanta badan arrintan meel ayay dhigtay oo ay iska taagtay, xaggana ma jirno xaggana ma jirnee sidee wax u jiraan.

Sow kuma habboona in dadka runta loo sheego oo la yiraahd iska difaaca, ama laga difaaco dhurwaayada u miranaya, ama maalinta cad kugu cunaya magaalooyinka dhaxdooda, sidan si maahan ee bulshada nabad gelyadooda iyo amnigooda hala sugo iyagaa dowlad loo yahaye.

Waan ogahay soomaalida runta iskuma jecla, laakin waa la sheegayaa haddey mudh ka qaraar tahayna.

Dabac aad u daran ayaa muuqda, howlgal yari ayaa sidoo kale muuqata, waxaana mudan in farta lagu fiiqo qeybaha kala duwan ee arrintan ku shaqada leh loona sheego inay dayacan tahay howshooda.

Haddey danta nagu qabasbtana mid mid ayaan u soo sheegi doonnaa, magaalada muqdisho iyo daafaheeda khabar iyo qeyla dhaanta ka soo yeereysa wax qabad ayay u baahan tahay ee uma baahna in dadka af lagu qanciyo.

Caddaaladda waxaan u sheegayaa in ay dhaqaaqo, arrimahan socdaa indho iyo dhego u yeelato, dadka ayaa wax lagu yahay, waxna loo yahay arrintan sida haloo dhaamo.

Nin wax dilaaya, waa in la idlaa, haddii kale inta kale ayuu dilayaa, waa hubaal inay dawo u tahay waxa socda ee umadda ka yaabiyay, dadku waxay leeyihiin waxaa dadka loo dilayaa oo laga faa’iideysanayaa kala guurka, waxaaba loo baahnaa in xilliga kala guurka si aad u daran loo adkeeyo amniga dalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa habboon in si dhaqso ah fadhiga looga kaco oo arrimaha haatan jira wax looga qabto, waayo qeylo fara badan ayaa yeereysa, degmo ilaa ka degmo ayaa dhawaaqeysa, dilal laga argagaxo oo alif dhaafay ayaa jira.

Arrintan waa in aan loo kala harin oo shacab iyo xukuumadda u diyaar garoobaan in ay bulshada hoostooda la gala baxay oo la guranayo ka difaacana kuwa u soo mara dhigtay feenashada hilbaha danyarta nolol la tacaalka ah.

Dalka Edatorial

 

ISBEDDELKA CIMILLADA OO SAAMEYN WEYN KU YEELATAY DHAQAALAHA DUNNIDA

Waxaa dunida soo food saaray arrimo hor leh oo ku soo kordhay kuwaasoo aan loo baran.

Waxaa kordhay duufaanno dabeylo oo biyo xoog badan wata oo waddamada dunnida qaarkood ay halakeeyeen iyadoo ay ka dhalatay bur bur hanti guryo iyo gawaari oo biyo xooggan ay maasheeyeen waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac dadka soo gaaray waxaa ayaana jirta volkaano ama qaraxa buuraha oo dab iyo holac socda soo daaya oo magaalooyinka soo gala taasoo barakac dhalisa.

Waxaa sidoo kale soo batay dhulgariir ku dhufta waddama badan oo dunnida ka tirsan oo dad kumanaan ah ay ku naf waayaan iyadoo u geysto burbur baaxad leh saameeya hanti guryo iyo qasaare dhaqaale.

Waxaa la dareemay roob la’aan oo isxig xiga oo waddamada dunida qaarkood soo wajahday siiba Afrika gaar ahaanna bariga afrika arrintaan ayaa ka dhalatay biyo yari oo ay la soo daristay beerihii wax soo saarka waraabka oo wax soo saarkii hoos  u dhac weyn ku yimid in muddo ah waxaa alyana jirta abaaro iyo macluul oo haleeshay bariga afrika gaar ahaan waddamada itoobiya kenya iyo soomaaliya qaramada midoobay ayaa ka digtay in macluul xooggan ay ku soo fool leh bilaha soo aadan oo haddii aaan laga gaashaaman ay dhici karto inay ku dhufato dalalkaasi macluul daran iyadoo awalba ay jirtay dad badan oo la daalaa dhacayay  abaar oo ay dhaafisay xoolahooda ayagoo gacmo maranna ay ku nool yihiin xerooyinka barakacayaasha IDP

Dad badan ayay degaan kood ku dhufatay abaar dhalisay biyo la’aan iyo beerihii o o waxba ka bixi waayay iyadoona leysaga hayaamay deegaannadasi .

Waxaa runtii ka jira bariga afrika xaalad bini’aadannimo oo u baahan gurmad deg deg ah malaayiin ruux ayaa la’ cunto hooy iyo biyo iyadoona ay u dheer tahay daryeel la’aan caafimaad sida caruurta oo ay haleeshay nafaqo darro iyo dhiig yari waana arrin u baahan gar gaar calami ishana lagu hayo xaaladda haatan dadkaasi ay ku sugan yihiin iyo sida looga caawin lahaa dhibaatadaasi ku habsatay mustaqbalka dhow iyo kan fog si markaasi dadkaasi ay u barabaxaan kol dambe.

Dhinaca kale, dagaalka aloosan yukreyn ee ruushka ku lugta leeyahay ayaa isna dhinaca si weyn ula degay dhaqaalaha dunida marka laga eego wax isdhaafsigii shidaalka iyo gaaska cunaqabateynta ruushka la saarayna ay ka soo if baxday mid dadka reer galbeedka  oo haatan laga dareemayoy ciir ciir iyo sabeyn ascaarta lagu kala iibsado seyladaha ee quutu l daruuriga iyo qalab yada kale ee dadku adeegsadaan waxaana hoos u dhac laga dareemayaa dunida in ay ka kacday lacagtii .

Qatarta haatan ka soo fool leh hadallada kulkullul ay isdhaafsanayaa dalalka mareykanka reer galbeedka shiinaha iyo ruushka taasoo ay ka dhalan karto cadaawad xooggan iyo isbaheysi cusub in dunidu yeelato haddii uu sii socdo dagaallka yukreyn oo sannad jirsaday ayaa laga yaabaa inuu keeno isku dhacyo hor leh iyo bur bur xooggan oo waddamo badan ay la kulmaan kolka xaalka faraha uu ka baxo lana adeegsado hubka qatarta ah ee bayolojiga iyo nukliyeerka ilaa iyo iminka waxaa taagan dhibaato dagaalkaasi laga dhaxley saameyntiisa oo dunida ku keenay qalqal.

Xaalkuna haatan waa mid murugsan oo aan wax waan waan ah loogu talagelin oo arrintuna u muuqato hajabaad militieri iyo daan daansi. Ma mooddaa dagaalkii saddaxaad ee dunid in uu halkaasi ka billaaban karo xaalka markii uu sidaa noqdo ayaa arrintu tahay allow sahal balse la arki doonee.

WQ: Ibraahim Abuukar Ali