Xildhibaanno ka tirsan BFS oo Baxrayn uga qaybgalaya shirka Baarlamaannada Adduunka

Wafdi ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa gaaray magaalada Manama ee caasimadda dalka Baxrayn oo ay uga qayb gelayaan shirka guud ee Baarlamaanka Adduunka.

Sanatarrada iyo xildhibanaannada oo uu wehliyo xoghaya guud ee aqalka sare mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa maanta ka qayb galay shirar horudhac ah oo ka dhacay xarunta uu ka furmi doono shirka guud ee Baarlamaanka Adduunka oo sanadkan lagu qabanayo caasimadda Baxrayn ee Manama.

     

Golaha Shacabka oo Ansixiyay labo sharci oo muhiim ah

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta hor geeyay golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada xukuumadda.

Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Ansixinta ka dib, wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha guddiga madax bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

  1. Maxamed Xasan Idiris
  2. Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Maxamed Cabdalla Saalax
  4. Farxiya Muumin Cli
  5. Burhan Aadan Cumar

Dhanka kale, Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka  horumarinta iyo maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 142, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Sharicigan ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa uga mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiim u ah kor u qaadista Kheyraadka dalkeenna.

TIXANAHA SHEEKADA MAANA FAAY (QEYBTII 33-AAD)

Hadday taasi ku adkaato, sida badanaaba dhacda, wuxuu ku dadaalaa in uu ka guntado xarig uu berri raad raaci karo. Gurigeeda, taleefoonkeeda, meesha ay ka shaqayso, ama dugsiga ay dhigato iyo wixi la mid ah. Kuma aammino taleefoon ay isaga ka qaadato, ama ballan ay u dhigto oo keli ah. Isla markaas, waa in uu inta ay la joogto ‘burhaantiisa’ wax ka tusaa, ee run iyo beenba ku indha sarcaadiyaa, si ay araggiisa labaad ugu soo hilowdo. Taasi waa qofta caadiga ah ee uu ugaarsanayo. Laakiinse tani waa dumaashidi. Dumaashidi miyaa hunguri ka hayaa? Xaashaa lillaah! Sharafkiisaa ka weyn! Oo haddaas muxuu ilaa xadkaas u danaynayaa? Muxuu barnaamijkii u qorshaysnaa ugu loogay? Muxuu isagoon waqti haysan u soo ag fariistay, ee sheekada dheer ugu galay? Hayaay! Muxuu uga hagaagi la’yahay, ee ay weli u haysataa sidii magnadkii? Muxuu u sii dhadhansanayaa erayadeeda? Muxuu u sii macaansanayaa daymadeeda? Bal adba! Ma uu garanayo. Timir laf baa ku jirta! Ceeb Alla ha asturo! Maya. Maya. Xaashaa. Alle iguma jirrabin in aan saaxiibkay gacan dhaafo. Inta naago Ilaahay badshay dumaashiday wax ka damci mayo. Immisaa bocor i daba ordaysa, ee aan ballannadoodii kala jahayn kari la’ahay! Laakiinse tani dumaashiyo la mid ma aha, dumar la jaad maaha. Eeysh calaa cuyuun! Qoftu ma qof baa! Yaa salaam! Bal Ilaah baan idinku dhaarshaye, eega canabkaas bislaaday! Ma indhahaasaa la iska celin karaa! Ufaa caleeg! Jalleeceeda macaan baa i dishay! Istaaqfurulla! Nacallaa shaydaan ku yaal! Hungurigaygow yur! Ceeb caleeg! Laakiin sow ma suurtowdo in ay saaxiibkaa kala haraan, illayn isma qabaane, ee aad markaas ka dib cidla ka heshid? Haah. Maxay u suurtoobi wayday. Yaakhey muu isaga haro! Tolow sidee uga reebtaa? Calaa kulli xaal, qofta si fiican isu bar. Intii uu xabbad sigaar ah shidashadeed ku marmarsoonayey, buu mawjadahaas oo dhan dhex muquufay. Dhawr jeer buu Maana-Faay ku celceliyey soo bandhigiddii martiqaadka. Wuxuu isku dayey in uu ku qanciyo. Hase yeeshee way u soo dabci wayday. Waxay markii dambe ku afgobaadsatay, “Caawa kuma soo tala geline waqti kale ha noo ahaato.” Axmedna markii dambe ra’yigaas ‘reer magaalnimada’ ah garab buu ku siiyey. Saaxiibkiisna wuxuu ku qanciyey in ay Maana galabtoo dhan gurigoodii ka soo maqnayd, intaas ka badanna ka maqnaan karin, waana wax jira. Wuxuu kaloo u raaciyey in loo baahan yahay in Kulmiye saaxiibaddiisna martiqaadka laga qayb galiyo, taasina ayan habeenkaas suurta gal noqon karayn. “Maxaa yeelay qoftii la marti qaadayo waa in waqti hore la wargeliyaa,” buu yiri Axmed, isagoo si dadban Kulmiye ugu sheegaya in martiqaadkiisu degdeg yahay, loona baahnaa hadduu caawa Maana marti qaadayo in uu shalay ama dorraad u sii sheego. Sidaasaa loogu heshiiyey in martiqaadkii dib loo dhigo. “Maana waxay i soo xusuusinaysaa,” Kulmiyaa yiri, isagoo Maana eegaya, “Gabadhii sannadkii dhawayd ku guulaysatay tartankii boqoradda quruxda adduunka ee Landhan lagu qabtay. Aad baad isugu eg tihiin. Haddaad isku dal u dhalan lahaydeen, waxaan is-oran lahaa waa mataano.” Axmed markuu warkaas maqlay buu buugaag koomadiin Maana gadaasheeda yaal ku dul rasaysnaa ku dhaqaaqay. Sidii nin aan sheekada u dhugma lahayn buu buug ku sii jeestay. Laakiinse buugga akhrin mayne sheekada Kulmiyuu hoosta kala socday. Wuxuu ku sigtay inuu yiraahdo, “Aaheey waa markaagii. Adeerow boqorad quruxdeed ma aadan arag, gabadha beenta ha iiga beer goyn.” “Ad gebertaas intee ku aragtay?” M

) SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTII 9-AAD

Maryan bay ahayd qoftii markii xabbaduhu dhawr jeer dul mareen iyagoo geedkay fuushanayd laama badan ka daadshey inta dhegihii u furmeen awooddey inay qaylo, oohin, baroor iyo muusanno aan kala go’ lahayn oodda ka soo qaadday, “Waa wareey!, waa wareey!, waryaaya!, waryaaya!. war bahalka iga dhiciya!. alla wuu cunaya!, waaw,- waaw,- waa, waaw …..”
Raggii safarka wataye awalba yaabbanaa ayaa sii yaabay una qaadan waayey qaylada meesha ka baxaysa, Nin raggii ka mid ah ayaa inta adkaysan waayey wuxuu isku sii daayey dhankii qayladu ka yeeraysay, isagoo qorigiisii oo xabbadda ka buuxaan wata mid midna hawada u quusinaya. Orod iyo qayluu isku daray isagoo leh “Yur, yur, yur,” nin kalaa isna ka daba tegay si uu gacan u siiyo kan sii ordayey.
Maryan qayladii ma ay joojine meesheedii bay ka miistay. Nimankii oo sidii isu daba ordaya meesha qayladu ka baxaysana higsanaya ayaa ku yimid geedkii Maryan ka dhex qaylinaysey. Labadoodii oo is daba garmamaynaya baa isa soo hoostaagay.
Geedkii Maryan markay aragtay in dad aadami ahi hoos joogaan bay meeshay joogtay iska soo qaadday. Labadii nin ayaa arkay inay soo lulato soona dhacayso, iyagoo u wada jira bay qabta maageen. Saddexdoodiiba dhulkay wada galeen culayskii iyo xawligay Maryan ku socotay daraaddeed.

Maryan baa suuxdin dhag tiri. Labádii ninee qabtay intay yare kaakaceen oo jafjafteen Maryan oo suuxsanna dhan isaga dhigeen bay is kor taageen. iyagoon isla hadlayn bay marna iyagu is eegaan marna Maryan eegaan. Dhiciddday dheceen darteed nabarro sahlan baa gaaray walowba ay mid u badnaayeen.
In cabbaar ah ayaa wixii sharqan, hadal qaylo ama yabaq jirayba dameen. Kuwii awrta hayay ayaa shakiyay oo is yiri “War nimankii ma raxan bay afka u galeen oo horaa loo burbursaday” Mararkay waxba hubi waayeen baa garcaddaagii ragga ku jirey qaylo dhaamiyey. “Waryaaya war idin mee oow, war Cali.
Labadii loo dhawaaqayey ee Maryan kortaagnaa awalna hadalkaba iska la’aa ayaa sidii raadiye awal dansanaaye hadda la daaray hadal bilaabay markay maqleen qayla-dhaamada iyagu u dhacaysa.
Mid, baa inta qorigii hagaagsaday Maryanna ku foorarsaday yiri, “Waar maqal, adna bahalka ina ka eeg diyaarna u dhow anna inantaan qaadaya’. Waxbana maba sii sugine inantii buu laabta u ritey. Siday u sii sideen iyadoo weli suuxsan bay dhex geeyeen raggii kale. Markay dhigeen baa mid kuwii awrta hayey ka mid ahi yiri, “Oo maxaad u sooqaaddeen qofka meydka ah. maad u soo dhaaftaan bahalkii dilooday?’
Kii sidey baa inta yare qosol gaaban qoslay yiri: “war qoftu meyd ma aha, bahalna maba taabane way suuxsan tahay oo keliya, Qoftani geed bay fuushanayd kana dul qaylineysay. Waad iska garanaysaan bay ila tahay libaaxuna iyaduu hoos joogayoo ilaashanayey. Arrini waa sidane hadda maxaynu yeeli?
Markaas oo kale talada waxaa sida badan yare lagu eegaa ninba intuu ninka kale ka waaya-aragsan yahay walowba haddana aad loo tixgeliyo ragannimada iyo tala-asiibka laga yaabo in lagu kala horreeyo. Odaygii is bidayey ayaa arkay in taladu sugeyso, ragga kaloo dhallinyaro wada ahaana uga wadá maageen waxa ka dhihidda isagii untuu xagga iyo xagga eegay buu yiri, “war bal bahalka inaga ilaasha ina kama dheeree. Waxaynu yeeleynaa waxay ila tahay qofta da’daa ahee meeshan cidlada ah joogtaa way naqsan tahaye haddii wax biyo ah aynu wadannay u soo fura madaxana u qooya bal inay miyirsato.’  inan ayaa boodey oo qarbad biyo ku jireen soo dhuftay. Naas buu inta furay madaxa kaga shubay. Maryan mar alla markii biyuhu taabteen bay kor u booddey qaylana af labadii yeertay, Aaa, waaw, waaw, alla, alla”
Waa la qaqabtay oo inta la soo fariisiyey la tusay inay dad la joogtee libaax uuna cunayn. Intay indhaha galka ka soo saartay bay hadba dhan eegtaa. Dharkay qabtayoo awalba calallo dhammaada ahaa baa haddana waxaa sii dhammaystiray qarda-jeexii, hirigihii caawa markay ordeysay la horaysay iyo geedkay hadda iska soo tuurtay oo sii luufiuufshey.

 

SHEEKII TODDOBA DILE

Bari baa waxaa magaalo joogi jiray nin dhallinyaro ah, oo fool-xumo iyo fulaynimo haad ka carar ah isku darsaday.

Maalin walba waxaa tuuryayn jiray, oo magaalada ku dhax cayrsan jiray ciyaal yar-yar iyo dumar aan sinnaba ugu jixin jixin oo shiidka iyo ulaha isugu rogi jiray. Dhibaatadii ay ciyaalku u gaysan jireen iyo dhag xumadii markuu u adkaysan waayay, ayuu go’aan ku gaaray inuu iska socdaalo, oo dhul aan laga aqoon qabto ama (aado).

Markuu dhowr maalmood socday ayuu magaalo ku baxay, wuxuuna dadkii magaalada joogay u sheegay inuu yahay nin geesi ma gambada ah, oo la yiraahdo “toddoba dile”.

Boqorkii magaalada ayaa maqlay inuu nin “toddoba dile” la yiraahdo oo geesi ihi yimid, wuxuuna dalbaday in loo keeno.

Toddoba dile ayaa boqorkii loo geeyay markaa buu ku yiri “ Ninyahow maadaama aad tahay geesi waxaa magaalada dhibaato ku haya Liibaax habeen kasta qof uu cuno geed loogu xiro, caawana gabadhayda ayaa la rabaa in loo xiro, markaa waxaan kaa rabaa inaad Liibaaxaas disho, gabadhana ii badbaadiso”.

toddoba dile oo cabsi darteed wadnuhu sidii dhariga u taqayo farahana ka garcinaya, balse qosal been ah isku maldahaya ayaa ugu jawaabay “ Boqorow taasi waa shaqadayda ee geedka Liibaaxa korkiisa aniga halay saaro si aan u dilo”,

sidii ayaa la yeelay oo geedkii korkiisa ayaa toddoba dile lagu diyaarshay qofkii hoos lagu xiri lahaana waa la fasaxay.

Xilli saq-dhexe oo habeenimo ah ayaa Liibaaxii geedkii hoos yimid, wuxuuna ka waayay qofkii meesha loogu xiri jiray, asagoo xanaaqsan, baahi daran la hamaansanaya ayuu laba jeer Af labadii dhawaaqay, toddobo dile ayaa dhawaaqa Liibaaxa maqlay hayeeshee cabsi aawadeed ayuu geed haleel uga soo dhacay, oo dhulka kuma dhicine Liibaaxii dusha uga dhacay.

Markuu arkay inuu Liibaaxii sidii faras kooraysan dusha uga saaran yahay, hadduu ka dhacona sidii doolshaha loogu hanfiilan doono, oo lagu cashayn doono ayuu Liibaaxii sidii mooto laba lugoodlay ah labada dhagood ku dhagay, kallidana qoob kaga dhiftay.

Liibaaxii oo asaga qudhiisa aad u naxay ayaa sidii faras baxdooya ula booday, oo afar qaadle orod ah iskula jin baacay, wuxuuna la dhax maray magaaladii asagoo sidii faraska ula kablayna hadbana dhinac ula rogmanaya.

Dadkii oo dhan ayaa la yaabay ninkan liibaaxa sidii faraska u kaxaysanaya, waxayna dhamaantood iska dhaadhiciyeen inuu yahay geesi sooma jeeste ah , hayeeshee waxaa isla markiiba dareenkoodii dhanka kale u rogay oo haddana ka yaabshay markay arkeen toddoba dile oo liibaaxii ka dhacay, naftiisana la cararay iyo liibaaxii oo sidii gantaalka u daba jooga, Illaahay amarkii toddoba dile wuxuu gacanta midig ku haystay toori yaroo laba afle ah.

Ayadoo uu toddoba dile liibaaxii qaban gaaray, orodkiina uu meel ku gaari la’yahay ayaa tooraydii uu gacanta ku lalminayay waxay galowda ka dooxday liibaaxii oo asaguna markaa isla gacanta rabay inuu afka ku rito, halkaas ayuu liibaaxii ku dhintay.

Subaxdii ayuu boqorkii ku kalahay, wuxuuna u sheegay inuu liibaaxii dilay, waxaana lagu abaal mariyay gabadh uu boqorku dhalay iyo hanti fara badan.

WD: Liibaan Xirsi Jimcaale

WAXSOO-SAARKA BEERAHA OO HOOS U DHAC LAGA DAREEMAY

Markii ay baaqdeen fasalkii xilliyada roobka oo isxig xigay ayaa waxaa dalka ku dhufatay abaar oo sababtay barakac xooggan oo haleelay beeraleydii ku howlanaa waxsoo saarka tacabka beeraha.

Waxaa beeraleydii ay soo beegsadeen magaalooyinkii waa weyn iyo meelaha ay is leeyihiin waad ku barabixi kartaan.

Inkastoo beeraha waraabka ay yara dhaamaan kuwa roobka haddana waxaa kor u kacay sicirka guud ahaan qudaarta iyo quutul daruuriga oo kor u kacay taasoo ay ka dhalatay markaa dhan kale laga eego isbeddelka cimilada iyo xaalufinta loo geystay kol hore deegaanka oo isbiirsaday, weli waxaa taagan macluul iyo nafaqo darro oo la soo daristay beeraleydii oo ku soo barakacay magaalooyinka waa weyn

Dadkani ayaa u baahan gargaar wallow dadka wax heysta ay qaarkood gacan ka geysteen arrintaas abaarta ayaa sidoo kale ku dhufatay gobollada jubbaland, Galmudug oo dadkii xoolaha nool lahaa ay dhamaan dhaafeen kuwaasoo la il daran macluul iyo gaajo iyo daryeel la’aan una baahan gurmad caafimaad iyo mid aadannimo.

Beeraha dalka oo u kala baxa kuwo waraab ah iyo kuwo kubaxa fasalka xilliyada go’ga iyo deyrta ayaa laga dareemayaa inuu ku yimid dib u dhac xooggan wax soo saarka beeraha ee gobollada shabeellada hoose iyo dhexe ayaa badiyaa daboola baahida qudaarta iyo furatada dalka inkastoo ay wabiyadu ay biyo yareeyaan haddana wax uunbaa ka soo baxa beerahaasi, haddaba waxaa loo baahan yahay in daraasad lagu sameeyo dib u dhaca iyo waxyaabaha sababa oo asalka u ah abaarta waana mid looga fadhiyo wasaaradda beeraha inay xil iska saarto arrimahaasi isla markaasna ay ka howlgasho tijaabada saraca beeraha ee ka bixi kara dalka taasoo micno weyn ugu fadhida dadka soomaalida.

Wax soo saarka beeraha waa muhiim in dadaal dheeri ah laga muujiyo daboolidda baahida bulshada waddanka oo laga xaqab tiro cuntada daruuriga ah sida masagada, galeyda, digirta, salbuko, bariiska, iyo qudaarta sida basasha, baradhada, limo ugunji, limo dhannaan, barbarooni, baabaay, qaraha, muuska, cambo, canuuni, iyo caad iwm.

Si markaasi  loo helo suuq geyn dibadda ah sida ay ahaan jirtay in muuska soomaalida loo dhoofiyo iyadoo loo dhoofin jiray dalalka talyaaniga, boqortooyada sacuudiga, yemen, khaliijka carabta, taasoo dalka ka soo geli jirtay lacag adag, waa in dib u habeyn lagu sameeyaa habka wax soo saarka beeraha ee dalagyada muuska iyo kuwa soo raaca/

Waxaa habbooneyd in la dayac tiro kanaalladii biyaha waraabka doorka ka qaadan jiray ee shabeellada hoose iyo dhexe, oo kaalin wacan ka qaadan kara habka waraabka beeraha iyo doorka wax soo saarka dalagyada laga qoto beeraha inkastoo weli si wacan aysan u muuqan ururkii iskaashatooyinka beeraha soomaalida oo kaalin wacan ka ciyaari jiray wax soo saarka dalka ayaa imanka looga baahan yahay inay boorka iska jafaan una dhaba galaan habkii lagu yiqiin ururka ee soo saarka beeraha wacdarana ka dhigi jiray.

Arrinta si kastaba ha ahaatee hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka beeraha sannadahaan dambe ayaa dhinacyo badan quseeyaan balse haddana lagama maarmaan ay tahay in dib loo yagleelo kaalinta wax soo saarka beeraha dalka, taasoo aan looga maarmin in la gaaro isku filnaasho dalka quutul daruuriga gudaha waana mid loo baahan yahay in loo dejiyo qorsho dhow iyo mid fog oo ku aaddan horumarinta iyo fidinta beeraha si markaasi ay u muuqato habka dhaqan dhaqaale ee waddanka.

WQ: Ibraahim Fanax

Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha

: Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta guddoomiyeyay shir ay golahu ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Sharcigan cusub ayaa muhiimad gaar ah siinaya in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka ayaa uga mahadcelisay guddoonka iyo senatorada aqalka sare ansixinta Hindise-Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan ayaa golaha shacabka meelmariyay March 1, 2023 halka golaha Aqalka Sarena ay maanta gudbiyeen, waxaana haray saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

  

Shir hordhac u ah Ajendayaasha Madaxda Wadatashiga Qaranka oo ka furmay Baydhabo

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in 14 bishan ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka.

Shirka ayaa looga hadli doonaa dhammeystirka nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furey shir hordhac u ah Ajendayaasha Madashada Wadatashiga Qaranka oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

 

      

Share this Article

KA GANACSIGA KHERAADKA BADDA WAA MID FAA’IDO KU JIRTO

Waxaa jira ganacsato soomaaliyeed ooh adda fahmay faa’idooyinka ku jira kheyradka badda , inta aan la gaarin faa’idooyinka waaweyn sida shidaalka iyo dheemanka ayaa waxaa jira nafley badan oo ka mid ah kheyraadka badda oo Ilaahay ku manneystay baddeena .

Waxaa jira shirkado yar yar oo si toos ah uga ganacsada kalluunka qeybihiisa kala duwan kuwaas oo subax kasta ka soo saara malaayiin iyo malaayiin una qeybiya hoteelada iyo maqaayadaha waaweyn ee magaalada qaarna ay dibedda u diraan sida Dubai , sacuudiga iyo dhammaan gobolada dalka oo ay xiriir la leeyihiin.

Cunista iyo ka ganacsiga ka sokow waxya dhaqaale u yihiin xoolaha miyiga ku nool sida geela , ariga , lo’da kuwaas oo boqolkiiba toban hadda laga qalo meeshii awal boqolkiiba soddon la qali lahaa , dadna maba cunaan hadda hilibka xoolaha oo waxay cunaan kalluunka caafimaad awgiis.

Qaar ayaa la isku daweeyaa iyadoo la isticmaalo hilibka kalluunka oo keliya .

Hadda ka hor soomaalida ma aqoon cunista kalluunka marka laga reebo dad yar oo dega dhinaca xeebaha .

Xoolo badan ayuu Ilaahay na siiyey oo ku nool badda dadka soomaaliyeedna hadda si fiican ayey u fahmeen cunista kheyraadkaa, shirkado badan ayaa sameeyey doonyo iyo shabaqa lagu jillaabto dad bandanna wey u tababareen kuwa ku nool degaanka xeebahana hore ayey u yaqaaneen kalluumeysiga iyo kallaanka jillaabashadiisa.

Subax walba gobolada iyo degmooyinka waxaa u baxa gaadiid sida kalluun waxayna dadku hadda u soo jeesteen ka faa’ideysiga kheyraadka badda waxaana in badan taas ku dhaqaalooba xoolo badan oo la iibgeyn lahaa .

Dadkii hore uga faani jiray hadda wey ku faanaan in ay kalluumeystaan , barashaduna waa hoggaanka ku geysa Meesha nolosha fiican ay ku jrito laakiin aad bay u wanaagsan tahay kheyraadka waddankeenna ku jira oo dhan iyo midba waxa u uku wanaagsan yahay.

WQ: Abwaan Gabeyre

ISKU DAYASHADA KU DHISAN IN LEYSKA DHINAC FURTO GANACSI ISKU MID AH MA SAX BAA?

Mararka qaar fajac ayey kugu noqoneysaa in aad aragto afar farmashiye oo iska barbar furan iyadoon hal waaddo u dhaxeyn, sidoo kalena waxaa la yaab kugu noqonaya labo maqaayad oo cunto isku mid ah kariya oo iska soo horjeeda.

Muqdisho oo keliya ma aha laakiin magaalooyinka soomaalida inta badan caadadan waa leeyihiin waxaana kugu soo dhacaya ganacsi isku wada mid ah ooh al nooc ah in uu jiro.

C/laahi Xasan Salaad wuxuu ku nool yahay Muqdisho wuxuu sheegay in degaanka Dharkenley uu ka furay maqaayadaha loo yaqaano borostooyinka ee lagu dubo digaaga laakiin maalmihii ku xigayba ay ganacsato kale jidkii maqaayadda uu ka furay ay iyagana ka fureen dhowr maqaayadood ooduba hilibka digaaga.

“Aniga maalmihii hore maqaayadeydu suuq bay laheyd oo macaamiishu waa ku badnaayeen laakiin hadda maya. maqaayadihii la iga daba furayna iyaga laftooda suuq la’aan baa ku dhacday..waan wada shiiidnay “ ayuu yiri C/laahi.

Arrintaan waxay muujineysaa in uu yar yar hal abuur lala yimaado laakiin la sugo hal qof oo wax cusub oo ganacsi gal ah keeena ka dibna fikradiisii la wada qaato oo ganacsigii lagu dabaqo taas oo aaan anheyn horumar balse ah caajisnimo iyo in aan maskaxda laga shaqeysiineyn.

Maxamed Cilmi oo ah aqoon yahan u fiirsaday ganacasigaas isku dayashada ah ee aan ku dhisneyn wax cusub curinta wuxuu sheegay in dad badan oo ganacasato ah oo qaarkood fikrado la yimid halkii ganacasigoodu badan lahaa ay curyaamiyeen ganacasato kale oo minguurin ama koobi fikradadaha ganacasiga joogto ka dhigatay.

“Waxaad arkeysaa mar walba Muqdisho iyo meelo kale ganacsi hal nooc ah oo soo badanaya, mar waxaa magaalada ku badnaa MMiNIMARKET, mar kale wxaa soo batay isbitaalada gaarka loo leeeyahay.

mar waxaa badnaa rugaha qurxinta dumarka, muddoyinkan dambena goobaha dalxiiska..taas waxay ku tusinyesaa in ganacsiga Soomaalida aanu ku imaanin fikrad la shiilay oo muddo dheer laga fekerayey laakiin uu noqday wixii loo bato adna sameyso.

Ganacsiyada horumaray waxay ku dhisan yihiin wax aad ganacsiyada kale ee suuqa ku jiray dheeraaan karto ee ma aha in aan fikrad qof la yimid adna aad sameyso oo ganacsi ka dhigato.

Ganacasiga noocaaan ah waa duminta ganacsiyo hore u jiray oo kaa horreeyey hirgalayna maadaama aad isla isagii la soo shirtageyso taas oo ah wax aaan wanaagsaneyn.

Sidoo kale tani waxay ka mid tahay caqabadaha hortaagan in ganacsiyo waaweyn ay Soomaalid u sameyn karto maadaama ay tahay curinta asalka ah ee qofka raba in uu ganacsi iyo adeeg dadka u soo kordhiyo.

“In aan firad cusub lala imaan oo minguurin amma koobi mid qof leeyahay la wado waa tan maanta mar keliya wax aan sanad dhammeyn ay u soo baxaaen in ka badan 65 shirkadood oo FOREX ah oo la og yahy wixii lagala kulmay “ ayuu yiri Sadiik abdi Afrax oo aad uga soo horjeeda fikrada ganacsi ee isku dayshada ah.

Taas waxaana iyana sii raaca shirkado soomaali ah oo dharka ka soo sameeya dalal ay Shiinuhu ka mid yihiin oo qaata naqshado ay shirkado kale hore u lahaayeen, wax ka soo bedela , waxna dhima tayadii hore balse u ekeysiiya tii asalka aheyd.

Inta aan la heynin fikir curin hal abuur leh oo aan wadno ku dayashao wax qof ka fekearay oo fikirkiisu leeyahay sidii aan annagana u dayan laheyd marna ma dhaceyso horumar loaga tallaabsado dhinaca ganacsiga iyo la tartanka dadka kale eek u nool caalamka.

WQ: Mohamed Shiil