Doorashada Goleyaasha deegaanka puntland oo la mudeeyey

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland taas oo la qaban doono maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa  u qornaa sidaan:-

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS oo soo xiray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga kor-jogteynta tirakoobka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa soo gabagabeeyay tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa socday muddo bil iyo bar ah , kaa oo soo billowday 1-dii bishii Febaraayo,2023 – iyadoo ujeeddada tahay in la xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Shaqada.

“ Waxay ahayd Shaqo muhiim u ah qaranka ,waxaana boggaadinaya labada guddi ee Shaqada sida wanaagsan ku soo gabagabeeyay.” ayuu yiri Agaasimaha Guud ,Cabdullaahi Maxamed Cali oo intaa ku daray “Ujeeddadu waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan , daahfurnaan iyo hufnaanta Shaqada.”

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in warbixinta Guddiga ka soo saari doonaan tirakoobka inay noqota mid wax tar u leh Dawladnimada iyo adkeynta isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, si dhaqso ahna loo soo bandhigo doono

  

Doorashada kursi kamid ah golaha Shacabka oo maanta lagu qabtay Baydhabo

Guddiga KMG ee doorashooyinka ayaa maanta Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay GSH #176

Doorashada korsigan ayaa waxa ku tartamay labada murashax ee kala ah Mukhtar Mohamed Mursal iyo Khadiijo Samow Cabdi.

Mukhtaar Mohamed Mursal. ayaa ku guulleystay kurisaga GSH # 176  kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Samow Abdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukkhtaar Mohamed Mursal oo helay 101 cod ee ergada madasha ku sugneeyd

  

Xildhibaan Xusul”Horjoogayaasha Maleeshiyaadka khawaarijta wali waxay haystaan fursad ay iskusoo dhiibi karaan”

Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame Xusul kana mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay guulaha ciidamada xoogga iyo kuwa degaanka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalka dalka looga xoreeynayo khawaarijta uu hada marayo meel wanagsan,Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu uga mahadceliyay u istaaga sidii dalka looga saari lahaa khawaarijta oo mudda badan dhibaata ku heysay dadka shacabka,waxa uu sheegay in kaalin muuqata ay ka ciyaareen ciidamada dadka degaanka howlgalka socda si dalka looga ciribtiro khawaarijta.

“dadka deegaanka iyo Ciidamada Macawisleyda dagaalka lagula jiro cadowga kaalin muuqata ayey ka cayaareen waxaana loo baahanyahey in looga daydo sidey Ciidamada qalabka sida usoo garab istaageen oo tuulo kasta dadkeeda u kacaan”sidaa ayuu yiri xil Xusul

Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame Xusul ayaa sidoo kale tilmaamay in wali dhalinyarada ay qaldeen khawaarijta ay heystaan fursad ah in ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda si ay u helaan nolol dhaanta mida ay hada ku suganyihiin ee baadida ah.

”Horjoogayaasha iyo Meleeshiyaadka kooxda khawaarijta wali waxey heestaan fursad ay iskusoo dhiibi karaan waxaan ugu baaqayaa iney ka faa’ideystaan”ayuu markale yiri xildhibaanka

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay hada billaabay wajigii labaad dagaalka kaa oo khawaarijta firxadka ah looga saarayo degaanada ay kaga suganyihin gobolada jubooyinka,halkaa oo durba ciidaamada ay ka howlgaleen sidii khawaarijta looga saari lahaa degaanada ay kaga suganyihiin goboladaasi.

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo howl fiican qaatay (WARBIXIN)

Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uu sanadkaan meel mariyay dhowr Hindise sharciyeed oo ay ka mid yihiin seddex Hindse-Sharciyeed oo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horay Goleyaashii u soo maray waddanka aaney wax badan ka fulin, waxaa xeerarkaan ka mid ah:- Hindise-Sharciyeedka La dagaallanka Argagaxisada oo ahaa mid muhiimad weyn ku fadhiya, marka la eego xaaladda uu dalku ku jiray 15-kii sano ee ugu dembeeyay, walow loo baahan yahay in xeerkaan laamaha Amnigu u isticmaalaan si sax ah oo aan baal marsaneyn qaanuunka, laguna dhibaateyn muwaadiniinta aan waxba galabsan. Dadka aad wax u taxliiliya gaar haanna amniga ayaa horay su’aal u gelin jiray sababta goleyaashii Sharci-dejintu aan xeerkaan loo horkeenin.

Haddaan soo qaadanno Hindise-Sharciyeedka NISA:- hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda dalka ayaa 53 sano kadib ayay yeelaneysa xeer uu Baarlamanka dalku meelmariyay, waxaa kaloo jira Hindise-Sharciyeedka cuna-qabateynta cayiman ee maaliyadda oo isagana ah sharci kale oo muhiim ah. Marka Dhammaan xeerarkaan waxay la jaan-qaadayaan marxaladda amni ee Dalka Soomaaliya, waxayna ku soo aadeen xilli loo baahnaa in sharci loo helo tallaabo kasta oo dhanka nabad-gelyada loo qaadayo, si aan loogu xad-gudbin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Prof. Xasan Shiikh oo ka mid Macalimiinta wax ka dhiga Kulliyadaaha Dalka qaarkood, islamarkaana ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya oo jooga Magaalada Mudisho ayaa yiri “Dowladnimadu waa qaanuun, marka sharciyadaan uu Madaxweynuhu saxiixay waxaa lagu dabaqayaa sidii aan Dowladaha hore u maray looga dabatagi laha, si aan ula shaqeynno”.

Hindise Sharciyeedyadaasi waxaa kaloo ay wax ka weydiisay Wakaaladda Wararka ee SONNA qeybteeda warbixinnda sida uu waxtar ugu yahay dalka iyo dadka Falanqeeye Ciise Xasan oo deggan Magaalada Helisinki ee dalka Finland ayaa ka waramaya sida uu u arko Hindise- sharciyeedyadani, waxa uuna ku bilaabay sidan:- “Walaahi Dalkaan Sharcigaan sinna waa u fiican yahay oo wax ka qabashada argigixisada, laakiin waxaad maanka ku heysaa in Madaxda Dalka Shacbiga ma soo dooran, oo Kuwa ay magacabaan sidii ay doonaan ayeey ugu takri fali karaan awoodaha la siiyo, oo Dadka ka fikir duwan waa u isticmaali karaan, balse haddii sida wanaagga ah wax shariciyo wax u taraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Dhianaca kale Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.

Hay’addu waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee JFS, sidoo kalena ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.

Waxaa sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ay farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso haddey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo.”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hey’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseeday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna, kuwaasi oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hey’adda, tan iyo markii la aas-aasay, wuxuuna xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Haddaba maadamaa ay labada Glee e Baarlamaanka Soomaaliyeed ay shaqo wanaagsan ay qasbteen shaqo wanaagsan Xilligan, muujiyeenna kartida iyo waajibaadka loogu doortay inay ka gutaan gudaha Baalamaanka sida uu qeeayo waajibaadooda dastuuriga ah ayaa waxaan dhihi karnaa waa markii ugu horreeysay oo la ansiyo sharciyo intaa la eg, muhiimna u ah Dalka ina ay meel mariyaan, marka waxaan dhihi karnaa waxay qabteen howl ama shaqo wax ku ool ah, maadama ay ansii=xiyeen dhowr mashruuc hindise sharciyeed oo aysan waligood qaban Barlamaannadii iyaga ka horreeyay.

Khawaarijta Al-shabaab oo ku jabay dagaalka tooska ah

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku jabay dagaalka tooska ah ee ay la galeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga dib u xoreynta, waxaana Alle mahadiisa ah in hadda deegaannadii laga xoreeyay argagixisada shacabka ku dareemayaan nabad, xasillooni iyo horumar.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa facebooka ku sheegay in dagaalka Khawaarijta uu mideeyay Dowladda, shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.

“Hoggaanka Qaranku, waxa uu ku mideeyay Dagaalka Khawaarijta, saaxiibadeenna caalamka, Hay’adaha Dawladda, Dawlad-goboleedyada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxeey ku timid, faham, talaysi iyo tanaasul,”.

Sidoo kale, dagaalka tooska ah ee lala galay Khawaarijta ee ka dhacay Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland uu ku qasbay in ay kala firxadaan, kana cararaan deegaananadii muddada badan ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen, intooda badanna isku soo dhiibaan ciidamada dowladda ka dib markii ay u adkeysan waayeen nolosha ciriiriga ay ku wajahayaan dhulka howdka ah ee dantu biday in ay uga dhuuntaan rasaasta iyo duqeynta cirka ee sida joogtada ugala kulmayaan ciidamada xoogga, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed ayaa guul waa weyn ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta hadda waa nabad, waxaana ciidamada qaranka ka go’an in ay sida uga dhaqsiyaha badan u soo afjaraan halista Khawaarijta.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalooyin badan oo ka tirsan dalka u tegey dib-u-xoreynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta ee ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rejo wanaagsan ka muujiyay in muddo gaaban lagu soo afjari doono kooxda Khawaarijta Al-shabaab oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirrada Jubbaland la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar  galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed, isagoo rejo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kalsooni badan ka qabtay in hiigsigani yahay mid laga dhabbayn doonno sabab la xiriirta isbaddallada cadcad ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo amni ee uu ku hoggaaminayo dalkeenna.

Ugu dambeyntii, iyadoo la kaashanayo dhammaan bah-wadaagta caalamiga ah durba waxaa horumar wax-ku-ool laga sameeyay qorshaha cusub ee dhammaystiran ee  argagixisada Al-Shabaab lagula dagaallamayo – militari ahaan, dhaqaale ahaan iyo caqiido ahaan.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray la dagaallanka burcadda iyo xoojinta Amniga Caasimada

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Shirka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulankan oo intiisa ugu badan ahaa mid islaxisaabtan shaqo ayaa diiradda lagu saaray in Guddoomiye kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyada uu bulshada u hayo, gaar ahaan Sugidda Amniga, Diiwaangalinta Guryaha iyo dadweynaha kunool, Bilicda, Daqliga, la dagaallanka Kooxaha burcadka iyo Ciyaal weerada, Ciribtirka Maandooriyaha iyo fulinta Barnaamijka Garanwaa.

    

Agaasimaha Isbitaalka Martiini oo faah faahin ka bixiyay dab ka kacay Isbitaalkaasi

Dab damiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guulleystay in la damiyo dab xooggan oo galinkii dambe ee maanta ka kacay Isbitaalka Demartino ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Demartino, Dr Cabdirisaaq Jalaalu-diin Yuusuf oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qaliinka ee Isbitaalka, xilli uu qaliin ku socday mid kamid ah Bukaannada.

Agaasime Cabdirisaaq ayaa xusay in lagu guulleystay in la damiyo dabka, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Martiini.

Dabka ayaa ka dhashay ka dib markii ay qaraxday mid kamid ah haamaha Oxysigen ee yaallay Saalada Qalliinka.

Sidoo kale, Agaasime Jalaalu-diin ayaa sheegay in shaqada isbitaalka ay dib u soo laabatay, isla markaasna ay wadi doonaan howsha ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS “muhiimad gaar ah ayay Xukumadda siineysa dadka ku nool miyiga”

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda daah-furka Siyaasadda Ilaalinta Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay warbixintani u leedahay ilaalinta bulshada nugul ee u baahan garab istaagga, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo wax soo saarka gudaha, si loo yareeyo saboolnimada.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay warbixinta Siyaasaddan oo daaha ka qaadaysa hannaankii looga hor tagi lahaa cunto yari soo wajahda dalka iyo sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaale.

          

Ra’iisal wasaare Xamse oo sheegay in xukuumaddu hufnaan ku maamuli doonto arrimaha Xajka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta kormeer ku tagay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda FS ayaa sheegay in xukuumadda Dan-qaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka sanadkan.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay xarunta wasaaradda wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, guddiga maareynta iyo maamulka Xajka, waxa uuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada cujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.