Wasiirka Caddaalada oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Mudane, Xasan Macalin Maxamuud ayaa la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Wasiirka iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay horumarka laga gaaray Hannaanka cusub ee Cadaaladda Soomaaliya, oo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee xasilinta, iyo taageerada Qaramada Midoobay ee helida caddaaladda goobihii dhowaan laga saaray khawaarijta

30 ruux oo lagu la’yahay dooni ku qallibantay badda mediterraneum

Illa 30 qof ayaa la la’yahay, 17 kalena waxaa laga soo badbaadiyay bartamaha badda Mediterranean-ka, kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay waqooyiga Dalka Liibiya.

Doonidaan oo ka soo shiraacatay Dalka liibiya ataa lagu waramay dad isugu jiray tahriibayaal ah iyo muhaajiriin ka koobnaa 47 qof .

Doontaan oo ku socdaalayay jihada Talyaaniga, ayaa ku qallibantay meel qiyaastii 177km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Benghazi.

Hay’adda samafalka ee Mediterranea Saving Humans ayaa barteeda twitter-ka ku soo qortay in hawlgallada samata bixinta ay ka qeybqaateen maraakiibta ganacsiga iyo Midowga Yurub ,gaar ahaan hay’adda xuduudaha ee ee Frontex.

ilaalada xeebaha Talyaaniga,ayaa sheegay in shilkaasi uu sababay dabeylo aad u daran oo xagga isbadlka cimilada ah.

Maxkamadda ciidamda Qalabka sida oo toogasho ku fulisay askar ka tirsan dowladda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay askar katirsan dowladda oo horay  loogu xukumay dila toogasho ah

Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen.

Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa  waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.

Subaxan ayaa laga wada Oofiyay xadkii Qasaasta ah ee lagu xukumay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal

Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan sidaan oo kale xukun dil ah ugu fulisay askar dilal u geeystay qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Moota Bajaajta,kuwaa oo siyaaba kala duwan loogu dilay muqdisho gobolada dalka.

Hawlgal ay ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ka fuliyeen Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Hawgalkan qorshaysan oo ay sameyeen ururka 5-aad guutada 16-aad  ee ciidanka Kumandoosta Danab ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Miido oo 26-KM u jira degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamadu waxa ay halkaa ku dileen inta la xaqiijiyey ilaa 7-dhagar qabe oo uu kujiro horjooge lagu magacaabo Asad, waxaana looga dhaawacay 5 kale.

Hawlgalkan waxaa lagu soo furtay 4-qori oo ah nooca AK47 iyo  1-qori oo BKM ah sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad Danab Carab Dheeg Axmed.

Hawlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa burburinta fariisimaha argagixisada iyo baacsiga haraadiga kooxda gabalkoodu dhacay ee Khawaarijta.

       

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka danjiraha Suudaan u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Sudan u fadhiya Soomaaliya Camaar Axmed Babakar Cali.

Wasiirka ayaa Danjiraha uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey tan iyo markii ay xafiiska timid.

Danjire Camaar Cali ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay dadaalada dhinacyada kala duwan iyo horumarka ay ku tallaabsaneyso Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqey taageerada xukuumadda Khartoum u hayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale isla qirey muhimadda xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal oo ah mid soo jireen ah, loona baahan yahay in waqtigan xaadirka ah la labanlaabo.

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad fadhiya iyo gudaha

 

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad taagan, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta waxaan kulan miro dhal ah la qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane  Fei Shengchao.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah,  horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay ajandayaasha dowladda ee la dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, fadhiya, suud iyo gudaha

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan la yeeshay guddiga dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka

Wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS  Xasan Macalin Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

Xubnaha Guddiga ayaa wasiirka uga warbixiyay halka ay mareyso howsha dib u eegista dastuurka.

Wasiirka ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in marka la dhammeystiro sharciyadooda ay dar-dargaliyaan arrimaha dib u eegista dastuurka iyo dhamaystirkiisa, ayna muujiyaan dedaal kudhisan howlkarnimo.

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan, suud iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya iyo gudaha

 

Waxay noqon kartaa sawirka 4 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Wasiirka ganacsiga XFS oo a furay shir looga hadlayo hirgalinta hanaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shir looga hadlayo hirgalinta hanaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga, kaas oo ay ka qaybgaleen wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka oo socon doona muddo 4-maalmood ah ayaa waxaa furay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS, iyadoo ayb ka qaybgalayaan wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada dalka, wakiilo ka socda gibolka Banaadir iyo lataliyaal iyo hawlwadeeno kale, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo hirgalin lahaa hanaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiyada dalka, kaas oo ka kooban heer dowlad goboleed iyo heer Federaal.

Wasiirka ganacsiga dowlad goboleedka Galmudug ayaa martida shirka ka qaybglaysa ku soo dhaweeyey Dhuusamareeb, isagoo ku dhiiri galiyey in si daah furan looga doodo ajandayaasha shirka.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa xusay in hanaankan cusub oo internetka ku shaqeeya uu kor u qaadayo dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda, sidoo kalena uu ka hortagayo in shirkaduhu ay ka baxaan magacyo isku eg.

Wasirka ganacsiga Koofur Galbeed Cabdulaahi Cabdi maxamed, wasiirka ganacsiga Jubaland Cabdiwahaab Axmed Cismaan, wasiirka ganacsiga Hirshabeelle Feysal Axmed Xasan ayaa soo dhaweeyey hanaankan cusub oo sahlaya in si fudud dowladdu ugu adeegto ganacsada dalka.

Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof, taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 12 qof, dad taagan, dad fadhiya iyo gudaha

Qaar ka mid Goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka oo dayac fara badan uu ka muuqdo (Warbixin)

Aaska-aaska nolosha carruurnimada Soomaalida waa waxa ay waligeedba  ahayd mid barashada Qur’aanka Kariimka muhiimad gaar ah lagu siiyo, waana sababta adduunyadu ugu taqaanno “ Soomaalida Ahlu Qur’aan”.

Balse, marka aad joogto goobaha waxbarasho ee carruurteennu ay wax ku baranayaaan gaar ahaan goobaha lagu barto Qur’aanka kariimka ah, waxaad arkeysaa in ay ka duwan yihiin goobaha kale ee da’yarteennu ku baranayaan waxbarashada Maadiga ah qaab ahaan iyo sidoo kale, dhisma ahaanba.

“ Jaamacaddu in ay qurxoonaato, iskuulka inuu qurxoonaado, meel dadka indhahooda iyo qalbigooda soo jiidanaayo wax lagu barto oo lagu farxo in ay noqoto waa fiican tahay, laakiin cagsigeeda, Dugsiyadeennu inn ay  jidka ku dhex yaalaan ma ahan, Dugsi Qur’aanku inuu jidka ku dhex yaalo ma ahan, asna waa inuu qurxoonaadaa, oo nadiif noqdaa, oo dad meel isugu yimid wixii ay lahaan lahaayeen waa inuu yeeshaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ahmiyad gaar ah siinayay goobaha lagu barto Diinteenna Islaamka.

Qaar ka mid ah macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah wax ka  dhigo ayaa iyagana wax laga weydiiyay  waxa ay la kulmaan dayaca ka muuqda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah iyo marka uu roobka da’ayo?. Mid ka mid ah Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Qur’aanka magaalada Muqdisho oo ka Jawaabayay Su’aashi ayaa Yiri:-

“ Maadaama iskuulada loo dhiso dabaqyo waxna lagu barto, Dugsiyadana ay ku yaalaan waddooyinka oo mararka qaar haddii maanta uu roob da’o, dhowr iyo labaatan maalmood aan Qur’aan laga dhigeynnin, sidaasi daraateed, waxaana dowladda federaalka ka codsaneynaa, Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah in ay goobo loogu talagalay oo fiican u dhisto,”.

Cumar Yare oo ka mid ah carruurta yar yar ee wax ka barto mid ka mid ah Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay wax ka bedelaan Dugsigiisa oo si hagaagsan aan u dhisneyn.

Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil gaar ah la iska saaro loona istaago Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah sidii loo dhisi lahaa si carruurta ugu suurta gasho in ay si wanaagsan u bartaan Qur’aanka Kariimka oo ah Kallaamka Eebe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday horumarinta iyo ka warqabka goobaha lagu barto Diinta Islaamka sida Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah, lana dhiirageliyo carruurta dhibaateysan ee isugu jira Agoonta iyo kuwa taagta daran ee aan awoodin in ay wax-bartaan.

Dufcadii 16-aad ee ka tirsan ciidanka Booliiska oo tababar loogu qaaday dalka Jabuuti

Afhayeenka ciidamada Booliska Col. Sadiiq Doodishe oo la hadlay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle laga sagootiyay ciidamo Boolis ah oo tababar ku soo qaadanaya dalka Jabuuti.

Ciidamadan tababarka loo qaaday ayaa gaaraya ku dhawaad 100-askari, kuwaas oo muddada saddexda bil ah ee tababarka u socdo lagu bari doono xirfadaha kala duwan ee booliska sida ka hortaga rabshadaha, barista dambiyada iyo fulinta howlgallada qorsheysan.

dhanka kale Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan C/laahi Maxamed oo ciidanka ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.

Waa dufcadii 16-aad ee loo qaado dalka Jabuuti si ay ugu soo qaataan tababar kor loogu qaadayo heerka aqoon iyo tayo ee Booliska Soomaaliyeed.