Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatey magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Eritrea .

Inta uu joogo halkaasi, waxaa labada Madaxweyne ay yeelan doonaan kulamo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Eritrea ayaa qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Soomaaliya ee ku dhisan xiriir wanaagsan oo iskaashi oo lala yeesho dalalka deriska iyo gobolka intiisa kale.

Siyaasadda gobolka ee Soomaaliya ee najaxdey ayaa waxaa ka mid ah rajada ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community). Waxaa sidoo kale Soomaaliya ay bishii February 1-deeda ay magaalada Muqdisho ku martigelisay Shir madaxeedkii waddamada Safka Hore oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

   

Khawaariij oo isaga cararaya deegaano mudo dheer gabaad u ahaa

Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal ee ay ku hayaan Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deeganada,kooxda oo beryahan ba la kulmaysay jab joogto ah ayaa hadda bilaabay in ay ka fakadaan deegaanadii ay ku dhuumaalaysan jireen.

Warbaahinta qaranka ayaa heshay xog xaqiijinaysa in degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ooh ore ugu dhuumaalaysan jirtay kooxda khawaariijtu ay hadda isaga carareen,deegaanada khawaariijtu ka carartay ayaa sida ay ogaatay warbaahinta qaranku kala ah degmada Ceel garas,deeganka Xiindheere,Xagareey,Ceel la helay iyo dhamaan tuulooyinka hoos taga kuwaas oo dhaca koonfurta gobolka Galguduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Degmooyinkan iyo deegaandan ayey mudo ku dhow 15 sano ku dhuumaalaysanayeen kooxda khawaariijtu balse hadda ayey cabsi soo wajahday darteed u baneeyeen Cabdifataax Cali Xalane oo ah xoghaya degmada Ceel garas ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in khawaariijta baneeyeen gobihii ay ku dhuuman jireen”maalmihii ugu dambeeyey khawaariijta oo la kulmayey jab xooggan ayaa dhamaan ba baneeyey deeganada hoos taga degmada Ceel garas,khawaariijtu waxay deeganadan uga baxeen cabsi ay ka qabaan ciidanka qaranka iyo kuwa dib u xoraynta ee iskaashanaya”ayuu yiri xoghaye Cabdifataax.

Kooxda khawaariijta ayaa beryahan bilaabay in ay dhexdooda is weeraran sidoo kale waxa korodhay tirada isu soo dhiibaya dowladda Soomaliya halka sidoo kale Hawlgalada baaxadda leh ee lagu ekeeyey kooxda khawaariijta ay sababeen kala shaki soo kala dhex gala khawaariijta,sidoo kalena waxa adkaatay isu socodka gobolada ay isaga kala gooshi jireen khawaariijtu,intaas oo keliya kuma eka jabka gaaray khawaariijta ee sidoo kale waxa lumay xiriirkoodii wada shaqayneed ka dib markii horjoogeyaasha kooxdu diideen in ay isticmaalaan gabi ahaanba wax Telefone ah iyagoo ka cabsi qaba in xogtooda la helo una noqdaan bartilmaameed.

dowladda soomaaliya xayritay in ku dhow 250-Akoon iyo 70-lambar oo kawaarijta lacaga loogu diri jiray,taas oo ay Shacabka soomaaliyeed la soo wadaageen islamarakaana laga howlgalay oo gebi ahaanba la xiray,“Sidee suurgal u tahay in tubooyinka ay lacagtu ugu socoto khawaarijta Shacabkana ay ku dhibaateeyaan,ma aqabalayno in Al-shabaab lacag ay ka qaataan shacabkeenna, dowladda way ka go’antahay in ay joojiso gebi ahaanba lacagaha ay helaan khawaariijta” sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh,tan ayaa marag u ah in khawaariij dhan walba looga adkaaday maantana ay yihiin gacan ku gabad.

XIGASHO SONNA

Wasiirka Caafimaadka XFS oo furay shirka Sedex-biloodlaha ah ee Iskuduwidda Hawlaha Caafimaadka Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta qabatay Kulanka Sedex-biloodlaha ah ee Iskuduwidda Hawlaha Caafimaadka Soomaaliya kaasoo socon doona mudda 2 malin ah.

Kulankan oo ah mid Sedex-biloodla ah ayaa mar walba diiradda lagu saaraa Hormarinta Hawlaha Caafimaadka dalka ee hortabinta leh, iyo sidoo kale lagu sameeyo soo bandhiggidda qodobaddii kasoo baxay shirkii hore ee dhacay Dec 2022 kaas oo uu furay Ra’aiisul Wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi barre, Kulankaan ayaa muhiim u ah lafaguridda xaaldaha Caafimaad ee taagan kuwaas oo u baahan in si degdeg ah loo wajaho.

Kulanka waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr Cali xaaji Aadan oo ay wehelinayeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka  Dr. Maryam Maxamad Xuseen iyo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr Maxamad Hassan Mohame Bulaale .

Shirka waxaa ka soo qaybgalay qaar kamida Agaasimyaasha Waxaayaha Wasaraadda Caafimaadka , Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa ka Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowllad Goboleedayda, Madaxa ka socotay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha gaar ahaan qaybta tiirka hormarinta arimaha Bulshadda, Hay’addaha Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka dalka, iyo ururuada Bulshadda , isbitaalada Guud iyo kuwa gaarka loo leeyahya.

Labdda maalmood ee uu shirka socdo waxaa lagu wada gorgfeyn doonaa Mawduucyo kala duwan oo ay kamid yihiin:

 

  • Xoojinta Hanaanka Maamulka adeegayda Caafimaadka
  • Horumarinta Cuududa Shaqaalaha Caafimaadka qeybahooda kala duwan
  • Horumarinta nidaamka , Maamulida iyo maaraynta xogta caafimaadka dalka
  • Kor-uqaadida nidaamka adeeg bixinta

Golaha Aqalka Sare BJFS oo ansixiyay guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka, 30 Senator ayaa ogolaatay, ansixintaan Senator diiday majirin, wax ka aamusayna majirin, xubnaha guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa kala ah:

  1. Maxamed Xasan Idiris
  2. Farxiya Muumin Cali
  3. Burhaan Aadan Cumar
  4. Axmed Maxamuud Jaamac
  5. Maxamed Cabdalla Saalax.

Wasiirka wasaaradda caddaalada  iyo arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa u mahadceliyey golaha Aqalka Sare ansixinta xubnaha guddiga madaxa-banaan ee la socodka dib u eegista dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah furay shirweynaha qaran ee ay soo qaban qaabisay wasaadadda waxbadashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya doorkan 4ta sano ah ay u qorsheysan tahay in ay qaadato ugu yaraan 10 kun oo macallimiin cusub ah oo ka shaqeyn doona horumarinta waxbarashada Dalka.

Shirkan ayaa waxa kasoo qayb galay dowlad goboleedada xubnaha ka ah dowladda federaalka,gobolka Banaadir,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socday wakiilada Beesha caalamka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo dhagax dhigay Qeyb cusub oo lagu soo kordhin doonno isbitaalka Madiina

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa Maanta Kormeerey shaqo  ku tagay Isbitaal Madiina ee Ciidanka Boliiska

Taliye  intii uu Ku guda jirey Kormeerka wuxuu Dhagax  dhigay Qeyb Cusub oo isbitaalka lagu Soo kordhin Doono taasi oo  qaabil San Hooyada Iyo Dhalaanka,isagoona mid mid u booqaday qeybaha kala duwan ee isbitaalka Madiina.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa wada dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidamada Boliiska u hayaan bulshada iyo sidii sii hufnaan iyo caddaalad ku jirto loogu adeegi lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya MR Alberto Vecchi,

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga Safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir.,iyo sidoo kale arrima ay kamid yihiin, dib udhiska xarumaha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H.yada, Wadooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay Dowladda Talyaaniga, xarumaha farsamada gacanta, maareenta Barakacyaasha iyo dib u soo celinta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty.

meeqa degmo ayaa u gudubtay wareega afar dhamaadka tartanka kubadda cagta ee Gobalka Banaadir?

Tartanka kubada cagta oo ay ku tartamayaan Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka banaadir aya u socda si dar-dar leh  iyada oo ay hareen degmooyinka qaar.

Wareega afar dhamaadka tartanka kubada cagta ee Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir 2023 waxa hada isugu soo haray afar degmo oo kala ah :-

Warta Nabadda, Yaqshiid ,Gubadley Shangaani,kuwaa oo ay ugu danbeeyn ka soo bixi doonaan laba koox oo ciyaarta finaalka ah isla aadi doonno

Tartankaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa sannad walba la qabtaa wax uuna ujeedka yahay sidii looga qeyb qaadan lahaa is dhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daha furay tababar loo qabtay shaqaalaha waaxda Dabdamiska

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta daha furay tababar socon doono mudda 7-cisho ah oo loo qabtay howl Wadeenada waaxda Dabdamiska ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Tababarkan oo ay fulin doonan Howl wadeena ka socda Magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa ah mid kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha kooxda Dabdamiska ee Dowladda Hoose xamar

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay musiibadii ka dhacday dalka Turkiga, isagoo Intaa kadib uga mahadceliyay Dowllada Turkiga iyo shacab keeda sida walalnimada leh oo ay u garab istaagtay dib usoo kabashada Dowladnimada Soomaaliya.

Shirweynaha waxbarashadda Qaran oo maanta muqdisho ka furmay

Wasaaradda waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS ayaa maanta daah furaysa shirweynaha waxbarashadda Qaranka ,kaas oo socon doono mudda 5-maalmood ah islamarakana uu daah furi doono  Madaxweynha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb gali doono xubnno ka socda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka,gobolka Banaadir, bahda waxbarashada dalka,waalidiin,arday iyo qaar ka mid ah Ha’ayaddaha caalamiga ah ee wasaaradda ka tageera dhanka waxbarashada,waxana looga hadli donaa tayaynta waxbarasahada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan waxbarashada.

Wasiirka Waxbarasahdda XFS mudane Faarax sheekh Cabdulqaadir oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ayaa sheegay in shirka lagu soo bandhigi doono daraasado aqoon iyo isweydaarsi la xariiro  sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka iyo mastaqbalkana loo heli lahaa waxbarasho tayo leh.

Ujedooyinka shirka ayu wasiirka ku sheegay dajinta aragti waxbarasho oo lagu midaysan yahay ku xeeran baahida iyo danta ummadda soomaaliyeed,Isla fahamka caqabadaha hortaagan tayada waxbarashadda dalka iyo ka doodista sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi.

Wasaaradda waxbarasahdda Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa ka hor inta uu shirka furmin la kulantay culimada iyo bulshada Rayidka kuwaa oo laga aragti galinayay sida loo tayayn karo guud ahaan waxbarashada dalka.

Wasaaradda oo wadda daddaallo lagu hormarinayo waxbarshada dalka ayaa dhawaan qaaday imtixaanka macalimiin seddex kun oo ay wasaaraddu dooneyso in ay ku qaadato Macalimiin,hadana ay socoto sixitaanka imtixaanka dhawaana ay wasaarada shaacin doonto.