Wasiirka ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga

Dhuusamareeb-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayey hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga oo magaalada Dhuusamareeb ka socoday maalmihii lasoo dhaafay.

Shirkan oo u dhexeeyay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray qodobbo

In la mideeyo Documentiyada ganacsiga lana qaato hal nooc oo ay bixineyso wasaaradda ganacsiga iyo Wershedaha DFS , kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isla markaasna ay Documentiyadu ahaadaan kuwo ka mideysan nashqadaha iyo xogta ku qoran oo ay ku kala duwanaadaan saxiixa iyo astaanta.

In wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii, si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.

In wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha DFS, Wasaaradaha Ganacsiga maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wada jir ah u diyaariyaan heer nidaamiyeyaasha sharciga shirkadaha iyo hannaanka loo maraayo diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.

In Wasaaradda ganacsiga DFS , kuwa maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ay ka qeyb qaataan dib u eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhowaan wasaaradda ganacsigu kasoo celisay golaha wasiirrada XFS.

In Wasaaradda Ganacsiga DFS ay wasaaradaha ganacsiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir la wadaagto warbixintii qiimeynta ahayd ee laga diyaariyay diiwaan gelinta ganacsiyada kadibna aragtideeda ay ku biiriso wasaarad kasta, si loo gudo galo daadejinta hannaanka ganacsi ee Soomaaliya.

Waxay isku raaceen wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in la billaabo hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya Saddex bil gudahood, laguna billaabo maamul goboleedka Jubbaland.

In soddon maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban Sagaal xubnood oo ka kala imanaya wasaaradda ganacsiga DFS, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadi, guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta qilaafaadka ku salaysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan gashan maamullada kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorshe howleedkiisu uu soo dhamaytirmayo ka hor daadejinta hannaanka ganacsiyada Soomaaliya .

Iyo in wasaaradda ganacsiga DFS ay diyaariso abla-ableynta ganacsiga hab waafaqsan jaantusyada caalamiga ah kuna salaysan tirsi lambar International Classifications Course.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji oo soo xiray shirka ayaa tallaabo waxtar weyn u leh dalka ku tilmaamay heshiiskan ay wada gaareen wasaaradda ganacsiga, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

    

Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare oo maalmo dheeri ah ku daray waqtigii uu xirmi lahaa kalfadhiga labaad

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee kalfadhiga labaad ee guddiga joogtada Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa dardar gelinta ansixinta sharciyada golaha horyaala iyo muddaynta waqtiga fasaxa.

Dood iyo falanqayn kadib guddiga joogtada Aqalka Sare, ayaa isla qaatay in maalmo dheeraad ah lagu daro waqtigii uu xirmi lahaa Kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare lana gaarsiiyo 20-ka Maarso, si loo dhameeystiro sharciyada Akhrinta maray.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

     

Aqalka sare oo aqrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka ka hor aqriyey hadaljeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa Golaha la wadaagay faahfaahinta wax ka badalka lagu sameeyey sharciga waxaana uu hoga tusaaleyey ahmiyadda ee sharcigan u lee yahay horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

“Sharcigan waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo ah la tashiyo iyo turxaan bixin waxaana ka shaqeeyey khuburo isugu jira wasaaradda iyo xeel-dheereyaal dhinaca Kalluumeysiga iyo Badaha ah, waxaan aamin sanahay in sharcigan uu ahmiyad  weyn u lee yahay badbaadinta iyo ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Kheyraadka Kalluunka ee dalkeenna”. Ayuu wasiirka Ahmed.

Waxa uu intaa ku daray  “Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (8 Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee dalka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan.

       

Wasiiru dowlaha Amniga oo bogaadiyay ansixinta sharciga la dagaallanka argagixisada

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga XFS , Maxamed Cali Xagaa ayaa golaha aqalka sare uga mahad celiyay meel marinta Sharciga la dagaallanka Argagixisada, isagoo golaha ku bogaadiyay sida qiimaha iyo sharafta leh ee ay u ansixiyeen sharciga oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay in sharcigan uu is-waafajinayo laba arrimood oo kala ah in dambiilaha la qabto muwaaddinka kalana uu nabad galo iyo in uu sharcigani yahay mid si toos ah u abbaarayo cidda loo sameeyay ee Daacish iyo Al-shabaab oo qayb ka ah Al-Qaacidda.

Wuxuu sheegay Wasiirku haddii loo baahdo in cid kale lagu asteeyo magaca argagixiso ay wasaaradda oo kaashanaysa hay’adaheeda u xil-saaran amniga usoo gudbin doonaan golaha wasiirrada si uu u maro labada Aqal ee Baarlamaanka.

Soomaaliya oo xubin ka noqotay ururka xoghayayaasha guud ee baarlamaannada aduunka

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka JFS, Mudane, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Bahrain.

Kadib fadhigii ay yeesheen Guddiga fulinta Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku biiro ururka, markii cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay ka mid noqoshada xubinnimada Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka JFS, Mudane, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa horay u gudbiyay codsi ku aaddan kamid noqoshada ururka.

Duufaan sababtay dhimasho badan oo mar kale ku dhufatay dalalka Malawi iyo Mozambique

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay dalalka Malawi iyo Mozambique ka dib markii duufaanta Freddy oo wadata dabeylo xooggan iyo roobab mahiigaan ah ay dib ugu laabteen dhul weynaha Koonfurta Afrika.

134 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay 16 kalena waa la la’yahay. Caasimada ganacsiga Malawi ee Blantyre ayaa diiwaangelisay 85 dhimasho ah.

Dalka dariska la ah Mozambique, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 14 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Machadka Qaranka Mozambique ee Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in duufaanta ku soo noqotay dalka ay ka sii xun tahay tii hore.

Duufaanta Freddy ayaa markii labaad ku soo laabatay dalalkaasi,kadib kolkii dabayaaqadii bishii Febraayo ay ku habsatay dalalkaasi,waxaan suurtagal ah in tiradu dhimashada ay kor u kacdo,sida uu ka dhawaajiyay Charles Kalemba oo ah madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka.

Pyongyang oo markale tijaabisay Gantaallo halis ah

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi maanta oo Talaada ah ay laba Gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku ku tijaabisay xeebteeda bari ee dalkaasi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa intaasi ku dartay, in Gantaaladan ay yahiin kii ugu dambeeyay ee ay tijaabiso Kuuriyada Waqooyi, xilli Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanku ay sameeynayeen dhoolatus milatari oo muddo sannad ah qaatay.

Taliyaha guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in labadan Gantaal la soo riday abaarro 7:40 subaxnimo ee xilliga maxalliga ah, isaga oo intaasi ku daray in Gantaalladan laga soo riday gobolka South Hwanghae, ee u dhow xeebaha galbeed ee Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganeysa Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Koonfureed ay ku jiraan heegankii ugu sareeyay, iyagoo kaashanaya khubarada Maraykanka.

Tijaabada Gantaaladan ayaa ah tii labaad ee ay sameyso Pyongyang muddo saddex maalmood gudahood ah, taasi oo ay kaga jawaabeysa dhoolatuska militari ee ay si wadajir ah u sameeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washinton iyo Seoul, ayaa muddooyinkii danbe sare u qaaday iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhanka ah hanjabaadaha ka imaanaya Kuuriyada Waqooyi, taasoo sii kordheysay tijaabooyinka hubka halista ah ee Xukuumadda Pyongyang.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir sanadeedka guddiga xaaladaha Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Marwo Khadija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York uga qeyb galay kal fadhiga 67-aad ee shir sanadeedka Guddiga Xaaladaha Haweenka, kaas oo looga hadlo arrimaha horumarinta haweenka, waxaana sanadkan halku dhig u ah horumarinta haweenka hal-abuurka leh iyo isticmaalka tiknolajiyadda casriga ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada Haweenka dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka wasaaradda Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Diiriye ayaa ku soo bandhigtay khudbad ay uga hadashay xaaladaha haweenka hal abuurka leh ee Soomaaliyeed iyo horumarka dhinaca tiknolajiyadda.

Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo cafis u fidiyey tiro maxaabiis ah

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xiray mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay.

Bayaan ka soo baxay garsoorka Iiraan, ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda Kacaanka, eek u bilowday geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.

Wakaaladda wararka Iiraan oo soo xiganeysa madaxa garsoorka ayaa sheegtay, in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, uu cafis u fidin doono maxabiis badan oo ka mida dadkii la qabqabtay intii ay socdeen mudaharaadadu, iyada oo lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taas oo dhamaan Muslimiinta ay wada sugayaan bilashadeeda.

Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in cafis loo fidiyey maxabiis dhan 22,628, kuwaasi oo u xernaa ka qaybgelka mudaharaadyadii dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa balanqaadadiisii ololaha doorashada waxa ka mid ahaa kor u qaadida waxbarashada dalka iyo in dhamaan adeegyada dowladda si siman loo gaarsiiyo dadweynaha,sidoo kale madaxweynaha ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka kaas oo ay ka soo qayb galeen dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka,gobolka Banaadir,xubno ka socda laba gole ee baarlamaanka,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socda wakiilada beesha caalamka,madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaliyau qorshaysan tahay qaadashada ilaa 10 kun oo macallimiin ah si loo buuxiyo baahiyaha waxbarasho ee ka jira dalka.

Wasiirka Waxbarasahdda XFS mudane Faarax sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in shirkaan lagu soo bandhigi doono daraasado iyo aqoon isweydaarsi la xariira sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka iyo mastaqbalkana loo heli lahaa waxbarasho tayo leh,wasiirka ayaa xusay in shirkan ujeedooyinka loo qabtay ka mid tahay sidii la isula fahmi lahaa caqabadaha ku gadaaman waxbarashada dalka iyo sidii la isula fahmi lahaa loona xalin lahaa.

Wasaaradda waxbarasahdda Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa ka hor inta uu shirka furmin la kulantay culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka kuwasa oo laga aragti galinayay sida loo tayayn karo guud ahaan waxbarashada dalka,wasaaradda waxbarashadda ayaa sidoo kale wada daddaallo lagu hormarinayo waxbarshada dalka ayaa dhawaan qaaday imtixaanka macalimiin seddex kun oo ay wasaaraddu doonayso in ay qayb ka noqdaan horumarinta waxbarashadda dalka hadana ay socoto sixitaanka imtixaankii dhawaan ay wasaaraddu qaaday lana shaacin doonto dhowaan natiijada.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.