Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan mahadcelin ah u sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa hoygiisa kulan mahadcelin ah ugu sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka casha sharafta ah waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, xubanaha Guddiga Golaha Shacabka BJFS iyo xubno ka socday Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay in kaalin muhiim ah ay ka qaateen golaha sharci dejinta habsami u socodka shaqada Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Sheekh Aadan  Madoobe ayaa xukuumadda kula dardaarmay in  shuruucda la ansixiyay ay muhiim u tahay in hore loo sii amba qaado shaqada golaha fulinta, si loo dardar geliyo howlaha baaxada leh ee horyaala, isagoona tilmaamay in la dhaqan geliyo looguna dhaqmo sida saxda ah ee loo ansixiyay.

Xubno ka tirsanaa khawaarijta oo xukun qisaas ah lagu fuliyey

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex dhagar-qabe oo ka tirsanaa khawaarijta kuwaas oo horey u geystay dambiyo isugu jira qaraxyo iyo dilal ay ku wax yeeloobeen shacab iyo askar.
Dhaqar-qabayaasha xukunka lagu fuliyey saaka ayaa kala ahaa: Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Raggan ayaa waxay khawaarijta u qaabilsanaayeen fulinta qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo askarta iyo shacabka soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Diinta, Guddoomiyaha G/Banaadir, Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo yeeshay kulan wadajir ah

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS  Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wasiiru Dowlaha Amniga  Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa galabta kulan wadajir ah ka yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha amniga, la dagaalanka Maandooriyaha iyo Anshaxa dhalinyaradda.

   

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Feysal Adan oo ay kamid yihiin howlwadeenada wasaarada, Ha’adda UNDP iyo xubno ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyinta wasaarada Caddaaladda oo ugu horeeyo wasiirka wasaaradaas.

Ujeedka socdaalka ayaa ah in meel leysla dhigo qorshaha lagu qabyo tirayo laguna howlgalinayo xabsiga cusub ee laga furi doono magalda Baydhabo.

Waxay noqon kartaa sawirka 11 qof, dad taagan, bannaanka iyo qoraal odhanaya 'WELCOME UNI7ED NATIONS NATIONS UNIES IA os'

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, dad taagan iyo bannaanka

Heshiis laga gaaray shirka howl-gelinta iyo xog-isweydaarsiga ku aaddan Hannaanka Diiwaan Gelinta Ganacsiga Soomaaliya

Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Galmudug kusoo gabagaboobay, shir muddo 4-maalmood ah 11/14/03/2023 uga socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada; Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Muddadii shirkaasi socday waxaa xoogga lagu saaray qoddobadaan hoos ku xusan.

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.

Shirka Wadatashiga Wasaaradaha dhallinyarrada ee heer federaal iyo dowlad goboleed oo ka furmay magaalada Muqdisho

Shirka Wadatashiga 2-aad ee wasaaradaha dhallinyarrada iyo ciyaaraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa socon doona labada maalmood, waxaan diirradda lagu saari doonaa kor u qaadidda wadashaqaynta wanaagsan ee haddaba ka dhaxaysa  Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS iyo wasaaradaha dowlad goboleedyada, tartankii  dowlad goboleedyada, siyaasadda qaran oo la isku raacsanyahay oo ay yeeshaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka ayaa wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada la wadaagay shaqada hortaala iyo baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee halista argagixisada,  shaqo la’aanta,  maandooriyaha iyo tahriibka, waxaa iyaguna hadallo furitaankii shirka ka jeediyay wasiirrada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulanka oo ah kii labaad tan iyo intii la dhisay xukuumadda DAN-QARAN ayaa la filayaa in go’aamo wax ku ool ah laga soo saaro labada maalmood ee uu socdo.

 

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo qoraal odhanaya 'WASAARADA DHALLINYARADA IYO CAYAARAHA MINISTRY OF YOUTH AND SPORTS ነው SHIRKA 2AAD EE WADATASHIG ABADDA DHALLINYARADA IYO CAYAARAHA XJFS, WASAARADA' ALLINYA EAARAHA AARAHA DOW' FEDERAALK SOMAÁLIYA YO GOB DOV 'AXUBNAHA KA AH NAADIR. SANA .IA'

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle  ayaa Maanta la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Madax ka mida hay’daha Bisha Cas iyo TIKA ee Somaaliya ka hawlgala.

Gudoomiyaha iyo Madaxda Safaradda Dalka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta hawlaha gargaar iyo garab istaag ay ka wadaan dalka isagoo kaga mahadceliyay taageeridda iyo garab istaaga umada soomaaliyeed.

Ugu danbayn Safiirka iyo Madaxda kale ayaa ballan qaadeen in ay hay’ adda Maaraynta Musiibooyinka si dhaw ula shaqey doonaan , si abaarta iyo khataraha kaleba wax looga qabto.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof iyo dad taagan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha Aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Mudane Muktar Mohamed Ware.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Muktar Mohamed Ware xilka safiirnimo, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad taagan iyo suud

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo xukun ku riday Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble

Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo taliye xigeen ka ahaa hogaanka Sahanka & Wardoonka (Hangashta) ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay bixinta Diya adag oo ah Magta marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Gaashaanlahan Xukunsan ayaa biya hafin ku dilay Marxuumka  23 February Sanadkan, xilligaas Aadan waxa uu u xernaa Qarax lagu Dilay taliye Ururkii 28-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Dhacdoyinkaas ayaa ka dhacay Dolow, Gedo.

Wasiirka ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga

Dhuusamareeb-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayey hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga oo magaalada Dhuusamareeb ka socoday maalmihii lasoo dhaafay.

Shirkan oo u dhexeeyay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray qodobbo

In la mideeyo Documentiyada ganacsiga lana qaato hal nooc oo ay bixineyso wasaaradda ganacsiga iyo Wershedaha DFS , kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isla markaasna ay Documentiyadu ahaadaan kuwo ka mideysan nashqadaha iyo xogta ku qoran oo ay ku kala duwanaadaan saxiixa iyo astaanta.

In wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii, si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.

In wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha DFS, Wasaaradaha Ganacsiga maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wada jir ah u diyaariyaan heer nidaamiyeyaasha sharciga shirkadaha iyo hannaanka loo maraayo diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.

In Wasaaradda ganacsiga DFS , kuwa maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ay ka qeyb qaataan dib u eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhowaan wasaaradda ganacsigu kasoo celisay golaha wasiirrada XFS.

In Wasaaradda Ganacsiga DFS ay wasaaradaha ganacsiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir la wadaagto warbixintii qiimeynta ahayd ee laga diyaariyay diiwaan gelinta ganacsiyada kadibna aragtideeda ay ku biiriso wasaarad kasta, si loo gudo galo daadejinta hannaanka ganacsi ee Soomaaliya.

Waxay isku raaceen wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in la billaabo hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya Saddex bil gudahood, laguna billaabo maamul goboleedka Jubbaland.

In soddon maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban Sagaal xubnood oo ka kala imanaya wasaaradda ganacsiga DFS, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadi, guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta qilaafaadka ku salaysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan gashan maamullada kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorshe howleedkiisu uu soo dhamaytirmayo ka hor daadejinta hannaanka ganacsiyada Soomaaliya .

Iyo in wasaaradda ganacsiga DFS ay diyaariso abla-ableynta ganacsiga hab waafaqsan jaantusyada caalamiga ah kuna salaysan tirsi lambar International Classifications Course.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji oo soo xiray shirka ayaa tallaabo waxtar weyn u leh dalka ku tilmaamay heshiiskan ay wada gaareen wasaaradda ganacsiga, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.