Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo Caasimada KMG ah ee Dowladda gobolleedka Koonfur Galneed.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Siihayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo uga qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya magaaladaas.

      

Ra’iisul wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamse Cabdi Bare oo ay qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo lagu wada in maalinta berri ah uu ka furmo Magaalada Baydhabo ee caasimadda Gobolka Baay.

      

Ciidamada Qaranka oo howlgal lagu soo qabtay maandooriye iyo hub ka sameeyay duleedka Balcad

Balcad- Cutubyo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, NISA iyo Booliska maamulka Hirshabeelle ayaa deegaanka Ceelcadde oo hoos taga degmada Balcad kusoo qabtay shan qof oo ku howlanaa ka ganacsiga maan dooriyaha iyo hub qoryo fudud ah.

Taliyaha Booliska degmada Balcad, G/dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa sheegay inay soo qabteen Shan Rag ah oo sameynayay kana ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, aaladihii ay u adeegsanayeen iyo laba qori oo Ak47 ah.

“Waxaan soo qabannay14 dheri oo lagu kariyo Qamriga nooca loo yaqaan Calaqa, Jiirigaannadii lagu shubayay iyo laba qori oo Ak 47 ah iyo raggii lagu soo qabtay,mana ogolaan doonno in halkan lagu sameeyo calaq, xashiish iyo baqti umana dulqaadan doonno”

Taliyaha Booliska degmada Balcad, G/dhexe Xuseen Macallin Cabdulle ayaa u mahad celiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalka iyo dadka degaanka Ceel cadde oo gacan ka geystay soo qabashada kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

      

Dowladda Soomaaliya oo Markab sida shixnad gargaar kala wareegtay Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta safiirka Soomaaliya u jooga dalka Imaaraat- ka carabta, Axmed Jumca Alrumeyth kala wareegay markab sida shixnad gargaar oo isugu jira raashiinka noocyadiisa kala duwan.

Deeqdan ayaa loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen iyo dadka ku dhaqan deegaannadii dhowaan laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ee maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur galbeed iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dowladda Imaaraat-ka ugu mahad celiayay deeqda ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday inay hay’addiisu gaarsiin doonto dadka loogu talagalay.

  

Ciidanka dib u xoreynta gobolka Sh/Dhexe oo isku fidiyay degaanno dhaca galbeedka magaalada Jowhar

Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal ee ay ku hayaan Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deeganada,waxana khawaarijtu hada mareysaa xaalad quus iyo kala carar kadib markii ay u taag wayeen dagaalka ay kula jiraan geesiyaasha xaq u dirirka ah ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Ciidamada xoogga oo kaashanayo kuwa degaanka ayaa isku fidinayo degaanno dhowr ah oo ka tirsan galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe halkaa oo ay kawadaan howlgallo looga sifeeynayo kooxda khawaartjta oo mudda dheer dhibaata ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ayaa saakay howlgal kula wareegay degaanka Jariirow oo ah degaan istaraatiij ah oo mudda ay gacanta ku hayeen kooxda khawaarijta.

Khawaarijta ayaa dhibaata kala duwan ku heysay shacabka degaanka oo ay kamid tahay ah baad joogta ah blsa geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka aaya halkaa cadawga ka saaray iyadoo aan wax dagaal ah usan ka dhicin.

Intaa kadib mas’uuliyiin uu Hoggaaminayo Abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Bashiir Mukhtaar Axmed iyo sarakiil ka ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe ayaa kormeer isugu jiray dhiirigalin iyo qimeeynta xaalada degaanka ugu tagay ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka,kuwaa oo halkaasi ku soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha degmad Gamboole ee Gobolka shabeellaha dhexe oo wafiga la socday ayaa sheegay in khawaarijta ay ka saareen degaanno badan oo katirsan gobolka waxa una digniin u diray dadka shacabka ah in aysan waxa tacaamul ah ama ajiibida amarada khawaarijta aysan qaadan.

Taliyaha ciidanka dib u xoreynta galbeedka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Macalin isaaq ayaa dhankiisa sheegay in ay sii wadi doonaan dagàalka ka dhanka ah khawaarijta tan iyo inta laga saarayo deganada ka tirsan galbeed shebeellaha dhexe oo meela fara ku tirisa ah khawaarijtu ku dhuumaleysaneyso.

“Ninmankaa arxanka daran ee khawaarijta waxa ay nolosha u diideen dadka shacabka ah,mana ogolo wax hormar ah warka waa in aan iska dulqaadnaa ayuu yiri Taliye Yuusuf Macalin

Taliyaha saldhiga Boliiska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidanka dib u xoreynta galbeedka shabeellaha Dhexe ay culeeys weyn ka dajiyeen Magaalda jowahar ayna mudanyihin ammaan waxa uu inta ku daray in ay kala qeyb qaadan doonaan howlgalada ka billaawdaday galbeedka shabeellaha Dhexe

“Waxaad naga saarteen culeys naga heystay agaan,habeen walba walwal ayan ku jirnay marakad deganadan xoreyseen waxa naga yaraday culeyskii iyo wal walkii na heystay wadna ku mahadsantihiin” ayuu yiri Taliyaha Boliiska Jowhar

Abaanduulaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Bashiir Mukhtaar Axmed ayaa ciidamda kula dar-daarmay in sii wadaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta dhawaana laga saari doono degaanada ay ku dhumaaleysanayaan khawarijta ee katirsan galbeedka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa khawaarijta ka saaray degaanno badan oo dacay Bariga gobolka shabeellaha dhexe iyadoo uu hadda billawday howlgalka dhinac galbeedka looga saarayo khawaarijta oo mudda dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane, Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydho kaga qeybgeli doona shirka Golaha Wadataashiga Qaranka.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay tayaynta warbaahinta iyo dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Labada masu’uul ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal, gaar ahaan tayaynta dhinacyada Warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska oo uu Safiirku sheegay inay dowladdiisu ka taageeri doonto Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay soo xoogeysanaysay waqtiyadii u dambeeyay, taas oo ay soo kabashadeedu gacan xoog leh ka geysteen dowlado ay ugu horreyso Talyaaniga.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa sheegay inay si gaar ah diiradda u saareen isaga iyo Safiirku xoojinta arrimaha dhaqanka iyo dalxiiska, taas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka shaqa abuurna u noqon karta dhallinyarada Soomaaliyeed, maaddaama dalku uu aad ugu wanaagsan yahay dalxiiska.

Shirweynaha Qaran ee Waxbarashada oo galay maalinkii 3-aad

Shirweynaha waxbarashada dalka ayaa galay maalintiisa 3-aad, waxaana soconaya dood cilmiyeedyo kala duwan oo ay ka mid tahay Caafimaadka iyo Bed-qabka ardayda Dugsiyada iyo tayaynta waxbarashada dalka.

Madaxda iyo qubarada dhanka waxbarashada ee ka qeyb gashay shirka ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool u ah tayaynta waxbarasahada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan waxbarashada.

Shirka oo uu 13-kii bishan furay Madaxweynha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay qeyb ka yihiin xubnno ka socda dowlad goboleedyada , maamulka gobolka Banaadir, bahda waxbarashada dalka, waalidiin, arday iyo qaar ka mid ah Ha’ayaddaha caalamiga ah ee wasaaradda ka tageera Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu soo xirmo 17-ka bishan lagana soo saaro qodobbo lagu horumarinayo waxbarashada dalka.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

Muqdisho, Arbaco 15, March, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomin doona Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qeygalayaan madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkan oo ka dhacaya magaalada Baydhabo ayaa noqonayaa kii shannaad 9kii bilood ee la soo dhaafey.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara toddobaadkan wadahadal lagu xoojinayo xiriirka labada dal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in ilaa iyo toban kun oo macalimiin ay Dowladda Federaalka qoran doonto xilli uu furayey Shir Weynaha Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ethiopia u fadhin doona Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Sharciga Korontada Qaranka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ku baaqey in la fududeeyo maamulka adeegga socdaalka xujeyda Soomaalida ee sannadkan.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay Siyaasadda Ilaalinta Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.

8- Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey Sharciga La Dagaalanka Argagixisada, Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Sharciga Aqoonsiga Dadweynaha iyo. Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

9- Hawgal ay wada fuliyeen Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka dhacay degaanka Miido ayaa waxaa lagu dilay tiro ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta.

10- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibril Abdirashid Haji ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shir looga hadlayey hirgelinta hannaanka casriga ee diiwaan gelinta ganacsiga.

11- Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa Muqdisho ka furay shirka saddex biloodlaha ee isku duwidda hawlaha caafimaadka Soomaaliya.

12- Shirkadda Diyaaradaha Fyl Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u bilowday duulimaad maalin walba ah oo ah Muqdisho iyo Dubai ah.

13- Wasaaradda Shaqada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay tirakoobka shaqaalaha rayidka ee dowladda.

14- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalka fartey inay deg deg u fuliyaa go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

15- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Ahmed Firin ayaa magaalada Kismayo ku soo xisay shirka taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Honduras oo xiriirkii diblumaasi la yeelaneysa Shiinaha

Madaxweynaha Honduras, Xiomara Castro, ayaa ku dhawaaqday in dalkeedu uu doonayo in uu xiriir diblumaasiyadeed la yeesho Shiinaha, wallow go,aankaasi ay siweeyn ugu carootay Taiwan.

Galinkii denbe ee shalay, Castro qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka  ayay ku amartay Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda inuu sameeyo xiriir rasmi ah oo dalkeeda uu la yeesha Jamhuuriyadda Shiinaha.

Dhankakale, Xildhibaanada mucaaradka ah ee Honduras, oo tallaabadan ka biyo diiday ayaa sheegay in go’aankan uu saameyn xun ku keeni karo xiriirka ganacsi ee ay la leeyahiin Mareykanka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Honduras ay Shiinaha kala xaajooneyso sidii loo dhisi lahaa biyo-xireen cusub oo koronto, iyadoo Beijing ay hore u maalgelisay dhismahan biyo-xireenka ah oo ay ku baxeyso lacag gareeysa 300 milyan oo doolar.