Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal ah nuuca riddada dheer ka hor wadahadallada Japan iyo Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Waqooyi ayaa  tijaabisay mid ka mid ah  gantaalada riddada dheer ee isaga gudbah qaaradaha oo loo yaqaan  (ICBM) saacado ka hor inta aysan wada-hadallo taariikhi ah  yeelan hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Gantaalkaan ayaa noqonay kii afraad ee ay Pyongyang  tijaabiso  toddobaad gudihiis,waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay si wadajir ah u sameynayaan dhoolatus ciidan oo  dhanka badda ah.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxa ay dhoolatusyo ka wadeen gacanka Kuuriya – oo ah xulafada ugu weyn muddo shan sano ah,Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan sheegtay in ay dhoolatusyada noocaan ah ay  u aragto daandaansi.

Gantaalka ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista laga soo tuuray  Pyongyang oo ku taal xeebta bari ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada ee Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda difaaca ee Japan ayaa xaqiijisay in nooca ICBM uu yahay,waxayna sheegtay in laga soo tijaabiyay meel ka sarreysa 6,000 km isagoona ku dhacay meel ka baxsan Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee dalka Japan,Saraakiisha  ciidamada Japan ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalka.

Mr Yoon ayaa amar ku bixiyay in ay sii wadaan militariga dalkiisa dhoolatuska wadajirka ah ee Mareykanka ay la sameynayaan  sida loo qorsheeyay,gantaalka Kuuriyada waqooyi ee loo yaqaan ICBM oo ay tijaabisay ayaa abuuray kulan degeg ah oo ay iskugu yimaadan dalalka ku bahoobay G7 iyo Qaramada Midoobay waxaan lagu cabaariyay  falka ay Pyongyang ku dhaqaaqday ee tijaabada gantaalka  ICBM loo yaqaan,labada dal ayaa sheegay in ay isugu yeeri doonaah golayaasha Amniga ka dib markii Pyongyang ay hawada u dirtay toddobaad gudihiis gantaalkii afaraad oo tijaabo ah.

Kuuriyada Woqooyi ayaa horumarin ka sameysay istaraatiijiyadeeda hubka Nukliyeerka iyadoo u Kim Jong-un, kormeeray qaybo badan oo ka mid ahaa dhowr barnaamij oo lagu hormarinayay madaxyada xanbaarah  hubka Nukliyeerka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka qayb gashay shir ka furmay Mareykanka

Washington. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaaliya Xildhibaan Fardawso Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washintong DC ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirweynaha horumarinta gaadiidka Adduunka, kaas oo ka dhacay xarunta Bankiga Adduunka.

Maanta waxaa jiray dood-wadaag ay ka mid ahayd Wasiir Fardawso, iyadoo soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha haysta Gaadiidka Soomaaliya haysto, saameynta isbeddelka cimilada iyo Covid 19, kuwaas oo dib u dhac wayn ugastay hannaanka Gaadiidka Dalkeennu.

 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la kulmay dhiggiisa Kenya

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa waxaa uu la kulmay dhiggiisa dalkaas.

Generaal Odawaa ayaa salaan sharaf ka qatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya.

Intaas ka dib, Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Kenya Iyo saraakiisha sar sare ee ciidanka ayaa ka wadahadlay wada shaqaynta iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka warfaafinta XFS oo faah faahin ka bixiyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uga furmaya Baydhabo

Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay shirka madasha wadatashiga qaranka oo berri Khamiis ah ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirkan oo uu guddoomin doono madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dagaalka lagula Khawaarijta iyo xaaladda guud ee dalka.

“Ajendayaal badan oo qaran ayaa looga hadli doonaa shirka, waxaa ugu muhiimsan arrimaha amniga iyo dagaalka Khawaarijta lagula jiro, doorka ay ku leeyihiin dowlad gobolleedyada iyo dowladda federaalka oo wada shaqeynaya, sidoo kale, waxaa ka mid noqon doona arrimaha shirka looga hadli doono Maaliyadda iyo sidii loo mideyn lahaa iyo arrimaha doorashooyinka,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyada ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu si weyn ugu soo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Waa shirkii shanaad oo muddo 9-bil gudahooda ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada, kaas oo muhiimaddiisu ay tahay in la iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab oo deegaanno badan laga xoreeyay.

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha dowladda gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee  dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha KGS C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), goloyaasha dowladda, maamulka Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Qoor Qor ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb galaya  shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagaga arrinsanayo qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

        

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Safiirka Britain ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xaaladaha amniga, siyaasadda, dib-u-heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Wasiirka ayaa Ku-Xigeenka Safiirka uga warbixiyay horumarka laga sameeyay hawlgallada Militari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab, barnaamijyada xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta, iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Ku-Xigeenka Danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si buuxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta.

 

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Fei Shengchao.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu sii horumarin karo xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhaxeeya oo muhiimad gaar ah leh ayaa ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan sagootin ah la qaatey Madaxa UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatey Madaxa Xafiiska Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka ayaa Wakiilka UNDP uga mahadceliyay waxqabadkiisii la xiriira taageerada dowlad dhiska Soomaaliya intii uu xafiiska joogay. Wasiirka ayaa sidoo kale u sharaxay Wakiilka UNDP taageerada ay Soomaaliya ka fileyso hay’adda xilli ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya xoogga saareyso barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabab.

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr. Mason ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan wadashaqeyntii kala dhexeysa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta intii uu dalka joogay, waxaana uu sheegay in hay’adda UNDP ay sii wadeyso taageeradeeda joogtada ah ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hawlan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarinta ku saabsan.

 

  

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo Caasimada KMG ah ee Dowladda gobolleedka Koonfur Galneed.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Siihayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo uga qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya magaaladaas.