Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qaybgalay shirka 49-aad ee Ururka Dalalka Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Xuruuse) ayaa ee dalka Mauritania kaga qayb galay shirka 49-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkaasi oo ka dhacay magaalada Nouakchott,waxaa mudada uu socdo looga hadli doonaa arrimo la xiriira amniga  iyo Xasiloonida dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Xuruuse),ayaa sidoo kale kulammo gaar ah la yeeshay madaxda dalkaasi iyo kuwa ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Kenya ku booqday xarummo lagu tababaro ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka dalka ayaa booqday dugsiga lagu tababaro ciidamada lugta ee Dalka Kenya.

Taliyaha oo safar shaqo ku tagay dalka Kenya, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca ee Kenya.

Taliye Odowaa iyo saraakiisha kale ee ka soctay Kenya,waxa ay halkaasi isku dhaafsadeen arrimmo la xirray iskaashiga labada ciidan ee Soomaaliya iyo Kenya iyo sida looga miro dhallin karo la dagaalanka kooxaha hubeysan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo gaaray dalka Qatar

Dooxa- Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee dalka Qatar si uu uga qeybgalo shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad,(Middle Eastern conference for health services quality and safety).

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji waxaa halkaas ku soo dhaweeyey sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Ruun Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiin ka socota wasaarada caafimaadka ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar madaxda ka soo qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadli doono iskaashi ku aadan horumarinta caafimaadka, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameyna caafimaadka,iyadoo uu sidoo kalena dalalka qeybahooda caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadli doono taageerada qeybta caafimaadka Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka dalkeena, maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah uu u leeyahay adeeg caafimaad oo tayo leh, iyadoo la raacayo hirgilinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka caafimaadka.

Aqalka sare oo ansixiyey 3-sharci oo muhiima

Ugu horrayn golaha aqalka sare ayaa gudagalay ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista xogta, kadib markii gudddigii ka soo shaqeeyey ay Sanatarrada la wadaageen xogta aqrinta 2-aad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada, waxaana codka kalsoonida siiyey 30 Senetor, wax diiday iyo cid  ka aamustana ma jirin.

Intaas kadib waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Socdaalka Soomaaliyeed iyo sharciga horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed. waxaana dood iyo falanqayn kadib la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah leh isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Senetorrada, iyadoo la go’aamiyey ajende cusub oo lagu ansixinayo  hindise sharciyeedka socdaalka Soomaaliyeed iyo hindise sharciyeedka horumarinta iyo maaraynta kalluumaysiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaaday meel marinta labadaas sharci 31-Senetor hal Sanatar ayaa ka aamusay wax diidayna ma jirin.

Kulanka golaha oo maanta ahaa fadhiga 25-aad iyo 26-aad, waxaa gudoomiyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyey guddoomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Dowladda oo kulan la qaadatay shirkadaha Isgaarsiinta

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda oo maanta si wadajir ula kulmay Shirkadaha Isgaarsiinta & Adeegyada Lacagaha Mobile-da,Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fulin lahaa go’aanada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiinta & Adeegyada Lacagaha Mobile-da.

Kulankan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Maareeyaha HIQ, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Dr Cali Yaasiin Wardheere, Agaasimeha Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, Aamina Maxamed Cali iyo Madax ka socotay Shirkadaha Isgaarsiinta & Adeegyada Lacagaha Mobile-da.

Geba-gebada kulanka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta & Adeegyada Lacagaha Mobile-da lagu faray in mudadii loo cayimay ku fuliyaan dhammaaan qoddobada ka quseeya go’aannada

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday is-afgarad dhanka horumarinta ciidanka Xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ahmiyadda is-afgaradkan uu yahay in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.

 

  

Mareykanka oo Niger ka taageeraya dagaalada ay kula jirto kooxaha jihaad doonka ah

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa booqanaya dalka Niger ,lugtii labaad ee booqashadiisa kooban ee uu ku marayo wadamada Afrika.

Waxaa la filayaa in uu ku dhawaaqo taageero dheeraad ah oo uu Maraykanku siinayo dagaalka ay Niger kula jirto jabhadda jihaad doonka ah oo malaayiin qof ku qasbay in ay ka qaxaan guryahoodii gobolka Saaxil.

Mr Blinken ayaa ka mid ah saraakiil badan oo Mareykan ah oo booqasho ku tagay qaaradda Afrika bilihii la soo dhaafay,waxayna doonayaan Maraykanku waxa uu meesha ka saaro saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ay ku leetihiin Afrika.

Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum ayaa dhigiisa Mareykanka waxa uu sanadkii hore ku amaanay dhismaha dimoqraadiyada dalkaasi oo marar badan ay ka dhaceen afgambi militari.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray xarunta fadhiga Ciidanka gaarka ah ee Goodir

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeeray Taliska Qeybta La-dagaalanka Argagixisada gaar ahaan fadhiga Ciidanka gaarka ah ee Goodir (RRT).

Kormeeka taliyaha ayaa ku saabsan u kuurgelidda xaaladaha shaqo ee taliska iyada oo Bishii Ramadaan fooda nagu soo hayso,taliyaha ayaa dhanka kale kormeeray Ciidan dhawaan koorso tababar meheradeed loogu furay Akademiyada Booliiska ee Sareeye Guuto Kaahiye.
 

 

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo furay shirka golaha madasha wadatashiga qaran

Baydhabo:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

    

Wasiirka Warfaafinta JFS Daa’uud Aweys oo faahfaahin ka bixiyay Shirka ka furmaya magaaladda Baydhabo

Baydhabo:- Shirka Madasha wada tashiga qaranka ayaa magaalada Baydhabo maanta ka fumaya waxaan shir guddoominaya madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galayaan  madaxweynayaasha dowladda goboleedayada Soomaaliya.

“Waxaa diirada lagu saaraya shir arrimaha amniga ,midaynta maaliyadda maamul goboleedayada iyo dhowladda dhexe ay ku wada shaynayaan,arrimaha doorashooyinka iyo sameynta nidaamayo doorasho oo dalku yeesh taas oo qayb ka ah kulamadda ay yeelanayaan madaxweynaha XFS iyo kuwa maamul goboleedayadda oo ajandah shirka qayb ka ah.

Sidoo kale,madaxweynaha jamhuuriyadda iyo madaxda heer dowlad goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka,shirkan ayaa ah shirkii shanaad ee madashan oo gabagabada Shirka madasha wada tashiga qaran laga filaya in ay natiijo wanaagsan ka soo baxdo,” waxaa sida yiri w