Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay horumarka laga gaaray dagaalka Khawaarijta lagula jiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Khubad ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay dowlad dhiska, dagaalka lagu cirib tirayo Khawaarijta dalka iyo xaaladda Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray arrimaha dowlad dhiska, adeegyada Bulshada iyo waliba dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

“ Waxaa meel fiican mareysa dib u xoreynta dalka oo runtii howl culus laga qabtay oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaageen, ma jiro qof Soomaaliyeed oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalkana waa ay ku wada jiraan, kuwo hadda dagaalka si xoog leh uga dhacaya oo gabagabo ayay marayaan, kuwana hadda ay bilow yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Baydhabo loogu sameeyay madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa markale soo hadal qaaday arrinta Laascaanood iyo dhibaatada ka jirto.

“Beryahan waaad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi in ay na gubayaan na dhibayaan aanan raali ka ahayn, kuna faraxsaneyn kuna qanacsaneyn, dadkii dhintay oo Soomaaliyeedna oo qaaliga ahaa inaan ka xunahay oo aan in badan ku baaqnay nabadda,”.

Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah magaaladaas uga socday madaxda dowladda federaalka,Dowlad Gobolleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed.

         

Wasaaradda dhallinyarada XFS oo wada qorshe lagu soo bandhigayo siyaasadda ka hortagga Maandooriyaha

Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa meel gabo-gabo ah marinaysa siyaasadda qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha (Daroogada ) oo faro Kulul ku haya Dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo wasaaraddu howshan kala shaqaynaysa Ababsy Consultanting limited oo ah hay’ad ay ku midaysanyihiin sharci yaqaanno dowladaha geeska kala shaqeeya horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda cusub.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo masuuliyiinta hay’adda Ababsy Consultanting limited oo xafiiska agaasimaha guud ku kulmay ayaa isla gartay dardargellinta Siyaasadda Qaran ee ka hortagga Maandooriyaha oo wasaaradda muhiimad gooni ah u leh, maadaama ay tahay Siyaasad lagu badbaadin mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud iyo masuuliyiinta hay’adda ayaa si wada jir ah u xafiiskiisa ugu booqday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyagoo xog waran ka siiyay heerka gabogabada ah ee ay marayso Siyaasadda Qaran ee ka hortagga iyo la dagaalanka Maandooriyaha. Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in cadowga labaad ee dhallinyarada Soomaaliyeed wajahayso uu yahay Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan isagoo sheegay inay muhiimadda labaad u tahay wasaaraddiisa marka laga soo tago halganka dib u xoraynta iyo xasilinta dalka.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa muhiimad gooni ah siiyay Siyaasadda la dgaaalanka Maandooriyaha isagoo ku daray balanqaadkii uu Raisul Wasaaraha Xukuumadda DAN-QARAN Mudane Xamse Cabdi Barre la gallay bishii December ee sanadkii hore inuu sanadkan 2023 dhexdiisa dhamaystirayaan Siyaasadda Qaran ee la dagaalanka iyo ka hortagga Maandooriyaha.

Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo war murtiyeed laga soo saaray

War murtiyeed kasoo baxay Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo ka socday Shantii Maalmood ee lasoo dhaafay magaaladda Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso:-war murtiyeedka shirka.

       

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga soo saaray

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Khamiista ka furmay magaaladda Baydhabo ee xaruunta KMG maamulka Koonfur Galbeed  ayaa lagu soo gabagabeyay waxaan laga soo saaray war murtiyeed shirka gollaha wadatashiga qaran.

Hoos:-ka akhriso war murtiyeedka ka soo baxay shirka gollaha wadatashiga qaran.

HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Baydhabo 15–17 Maarso, 2023. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Federaalaynta Maaliyadda dalka, Dimuqraadiyaynta iyo heshiiska Doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo DXDF, iyo Dhameystirka Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Sidoo kale, Golaha ayaa iska xog wareystay xaaladda amni ee dalka, saameynta abaaraha iyo qodobo kale.

QODOBADA HESHIISKA EE SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, Goluhu marka laga reebo Puntland, wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda iyo lifaaqyada qodob kasta oo la socda war-murtiyeedkan:

1. FEDERAALAYNTA MAALIYADDA DALKA

• Iyadoo la tixgelinayo heshiiskii Astaynta Awoodaha ee Golohu ku heshiiyay December 2022, Golaha wuxuu isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban; (1) Astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga, (2) Wadaagga Dakhliga. Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku heshiiyay in la unko laba hey’adood oo kala madaxbannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala 3 noqonaya; (1) Hay’adda Dakhliga Qaranka, (2) Guddiga Qoondeynta iyo Dardar-gelinta Dakhliga.

• Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.

• Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

• Goluhu waxa uu isku raacay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo isafgardyadii hore ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.

2. DIMUQRAADIYAYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu ka dooday arrimaha doorashooyinka gaar ahaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Goluhu wuxuu isku raacay in gorfaynta arrimaha doorashooyinka lagu dhameystiro kulanka xiga ee Golaha oo dhici doona May 2023.

3. DHAMAYSTIRKA HESHIISKA QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA

• Goluha waxa uu isku raacay meelmarinta iyo ansixinta dhammeystirka dib-u-eegista lagu sameeyay Heshiiska Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kaas oo mar labaad dib loogu heshiiyay October 2022, waxa uuna saldhig u noqonayaa:

-Dib u habeynata laamaha amniga;
-Tirada ciidamada;
-Waajibaadka hay’adaha amniga;
-Amarka iyo kala danbeynta; iyo
-Maareynta baahiyaha dhaqaale ee laamaha amniga.

• Goluhu wuxuu u soo jeedinayaa DXDF in ay soo dhameystiraan maamul u sameynta degmooyinka iyo deegaannada la xoreeyay iyo kuwa laga 4 xoreyn doono cadowga si ay iskula jaanqaadaan holwgalka dib u xoreynta dalka, barnaamijka xasilinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada. • Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. Sidoo kale, Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

4. QODOBO KALE

• Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka.

• Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa wadajir ka iyo isku-duubnida ay muujiyeen Culimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dedaalka hagar la’aanta oo ay Culimadu ka sameeyeen la dagaalanka Xag-jirka iyo Fatwadii sida wada jirka ah ay uga soo saareen Shirweynihii Qaran ee Culimada Soomaaliyeed oo taarikhiga ahaa.

• Goluhu wuxuu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada JFS xilkasnimadoodii iyo dedaaladoodii ku aadanaa meelmarinta shuruucyo laf-dhabar u ah dhamaystirka dowlad dhiska dalka muddo aad u kooban gudaheeda.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u amaanayaa Ciidamada Qalabka sida ee geesiyiinta ah, DXDF iyo bulshada Soomaaliyeed halganka iyo doorka ay ka qaateen la-dagaalanka joogtada ah iyo ciribtirka khawaarijta shabaab oo dhibaato ba’an ku ah dadka iyo dalka.

• Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka iyo sii socoshada colaadda. Goluhu wuxuu soo 5 jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo dowladaha Galmudug iyo Hirshabeelle guulaha waaweyn ay ka gaareen la dagaalanka Khawaarijta iyo dib u xoreynta deegaanada Galmudug.iyo Hirshabeelle.

• Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xukuumadiisa iyo shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida sharafta leh oo ay u soo dhoweyeen wafdigii balaarnaa ee labada heer dowladeed una martigaliyeen Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Lifaaqyo: Heshiisyada ay Golaha ku heshiiyeen: 1. Heshiiska Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. 2. Federaalaynta Maaliyadda dalka.

–Dhammaad-

Shirka diyaarinta qorshaha xasilinta goobaha laga xoreeyo khawaarijta oo galay maalintii 2-aad

Shir looga hadlaayo diyaarinta qorshaha xasilinta goobaha laga xoreeyo khawaarijta ayaa maalintii labaad ka socda Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Gaalgaduud.

Shirkaan oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda wasaaradaha Arrimaha gudaha dowladda federaalka kuwa dowlad goboleedyada iyo qaar kamid ah hey’adaha taageera xasiloonida,waxaa lagu lafaguray sida ugu habboon ee looga jawaabi karo baahiyaha dadka ku sugan deegaanada laga xoreeyo kooxaha khawaarijta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ceydaruus Macalin C/lle ayaa sheegay inberrito Magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeyn doono shirka diyaarinta qorshaha xasilinta goobaha laga xoreeyo khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kaga qeybgali doonaan shir ku saabsan horumarinta Warbaahinta dalka.

Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka,waxaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta Qaqaranka ayaa sheegay in maalinimada berrito ah uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shir looga hadlaayo horumarinta  warbaahinta dalka.

Shirkaasi ayaa  lagu wadaa in ay ka qeybgalaan Wasiirada warfaafinta dowlad goboleedyada dalka.

Shirka Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo maalintii labaad ka socda Beydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu lafa gurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiyada u xilsaaran soo dhiraan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay oo Khamiis aheyd ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ceel-huur oo loo qeybiyay deeq raashin ah oo ka timid Qadar

Maamulka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo gaaraya kun iyo laba boqol.

Deeqdaan raashinka ah oo loo qeybiyay dadka ku dhaqan deegaanka ceel-Huur oo dhaca  Koonfurta Xaradheere,waxaa  bixiyay Sanduuqa Alkheyriyah ee Qadar.

Xildhibaan Cabdi Cali Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenja Gobolka Mudug Axmed Shire Qoodaar oo ka hadlay munaasabaddii guddoonsiinta deeqdaasi ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Ceel-huur in laga  qeybgalo dagaalka looga horjeedo khawaarijta.

Tanzania: Shan ruux oo u geeriyooday cudur aan la garaneyn

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay woqooyi Galbeed Dalka Tansaniya,kadib markii uu doo riday cudur aan la garaneyn oo cusub,sida ay ku warameen saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi.

Maamulka caafimaadka ayaa cudurkaasi  ku tilmaamay mid la yaab leh,waxaanna ilaa hadda gobolka Kagera laga soo sheegay 7 kiis ,iyadoo halkaasi loo diray koox dhakhaatiir ah si ay u soo baaraan cudurka.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, daal iyo dhiig ka soo baxa  sanka, sida ay sheegtay madaxa caafimaadka ee dowladda Tumaini Nagu.

Waxa ay ka codsatay dadka ku dhaqan deegaanka in ay is dejiyaan oo ay ka fogaadaan in ay la xiriiraan dadka uu soo ritay cudurka.

Bishii Luulyo ee sannadkii hore, in ka badan 20 xaaladood oo astaamo la mid ah ayaa laga soo sheegay koonfurta gobolka Lindi,kaas oo marki dambe la ogaaday in uu yahay cudurka leptospirosis oo ah cudur ay keento bakteeriyada  oo la is qaadsiiyo kuna dhaca eyda iyo naasleyda kale, wuxuuna u gudbi karaa dadka.

Madaxda Sportiga dalka iyo Gobolka Banaadir oo booday xarunta wasaaradda oo lagu sameeyay dayactir iyo qalabeyn

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirrada dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir,ayaa booqday qaybo kamid ah wasaaradda  oo lagu sameeyay dayactir iyo qalabayn.

Wasiirka ayaa xog ka siiyay wasiirada dowlad goboledyada iyo maamulka Gobolka banaadir shaqada is-xilqaanka ah ee wasaaraddu ka samaysay qeybo kamid ah wasaaradda iyo dadaalkii loo soo galay dayactirka iyo qalabeynta wasaarada .

Booqashada xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa daba socota gunaanadka shirka wadatashiga 2-aad ee dhexmaray wasaaradaha Dhallinyarada heer federal,kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.