QORIGA DHIG EE QALINKA QAADO!

Dhallinyarada waa cududda Dal walba oo dunida ka tirsan ugu muhiimsan ahna awooda ugu badan oo ay ummaduhu ku tiirsan yihiin.

Dalka Soomaaliya ayaa Dadkiisa Boqolkiiba in ka badan Toddobaatan ay yihiin dhallinyaro awooddaa oo u baahan in si waxtar leh looga faa’iideysto.

Maxamed Faarax Cabdi waa nin dhallinyaro ah oo ku nool Muqdisho wuxuuna sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey dhallinayarada ay noqdeeen awood si qaldan looga faa’ideysto isagoo xusay in dhallinayarada loo adeegsaday dagaalladii sokeeye iyo iska hor imaadyadii qabaa’ilka, sidoo kalene ay jiraan siyaabo kale oo fara badan oo awooddooda si xun looga faa’iideystay.

“Dhallinta waxaa u baxay magac xun oo aan ka harin oo ah MALLIBANEYAAL LAGU LIIBAANAY..waxaana jirta in xaaladahaasi ay ilaa haatan weli muuqdaan oo dhallinayaro badan muruqooda iyo maskaxdooda weli ay ku bixinayaan meelo aan ku habbooneyn” ayuu yiri Maxamed.

Dhallinyarada maanta haddii looga faa’iideysto sida saxda ah waxaa la gaari karaa nabad iyo horumar buuxa maadaama awoodda dhallinyarada looga faa’iideysan karo wanaag iyo xumaanta labadaba .

Waxaan ognahay in in kumanaan dhallinayaro ah ay ku bas beeleen dagaallo iyo colaaad ay ka faa’iideysteen kuwii adeegsanayey oo ay ku jiraan siyaasiyiin , dagaal oogeyaal iyo wadaaddo si qaldan wax u rabay, taasi oo keentay in dhallintu ku hoobtaan wax aan iyaga faa’iido ugu jirin.

Dhallinyarada qaar ee habkaas looga faa’iideystay oo qaarkood xubnahooda ku waayey dagaallo aan iyaga wax dan ah ugu jirin ama laga dhigtay jaranjaro siyaasadda lagu gaaro ayaa qaarkood weli lagu arkayaa dariiqyada iyaga oo xubnahooda qaar ku waayey dagaalladaa ama ku waasheeen maanatana aaney jirin cid wax u tareysa ama ku faleysa oo la socota xaaladooda.

Cilmi Xasan oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho ayaa sheegay in dhallinyaro badan hore loogu qalday xaalado looga bayacmushtaray dhiigooda lagana dhigtay xaabo lagu shito dabka ka dibna ciddii sidaas ku sameysay aany dib u soo eegin oo ay ka dhaqaaqday.

“Imisa ayaa isbitaallada iyagoo dhaawac ah lagu soo xooray dibna aan loogu soo noqon oo halkaas ku dhinatay..imisaa maanta darbiyada gaajo ku heysaa iyagoo dhaawac ah ciddii ay dartood u dhaawacmeenna ay gaari qurux badan magaalada kula dhex ordayaan “ ayuu yiri Cilmi.

Dhallinyarada waxaa la gudboon in ay fahmaan dabinnada ay hore ugu dhaceen oo lagu qaldin magac Qabiil, Diin ama Kooxeysi, maadaama aan ognahay kuwa sidaas doonaya dhammaantood aaney nolosha dhallinyarada dan ka laheyn balse ay doonayaan in ay danahooda ku gaaraan.

Qoriga oo ay dhigaan kuna bedelaan Qalinka ayaa dhallinayaradu kaga qeyb qaadan karaan horumarka, nabadda iyo ammaanka dalka, taas oo ay ku gaari karaan hiigsigooda ah in ay helaan sharaf iyo cisi ay ku noolaadaan.

Aqoonta oo ay isku hubeeyaan ayaa ugu wanaagsan in ay qaadaan oo garabkooda saaraan qori ujeedada laga leeyahay aaney hubin oo qofka u dhiibayaa uu wato qiyaanooyin uu ku dhagrayo qofka dhallinyarada ah ee uu rabo in uu ku gaaro ujeedadiisa.

Dhallinyarada waa in ay gartaan dhagarta loo maleegayo oo aaney noqon xaabo wax lagu shito marka laga gaaro ujeedada laga leeyahayna laga dhaqaaqo

WQ: Mohamed Shiil.

ARAGTIYAHA GURACAN EE UU XIMBAARSAN YAHAY WADAADKA ARGAGAXISADA AH!

Meel kasta oo ay ku nool yihiin bulsho aaminsan diimaha waxaa laga heleyaa koox si qaldan u fahamtay diintaas oo wadaado ah kuwaas oo dadka bara ugana sheekeeya wixii diintaas la xidhiidha bulshooyinka aduunkuna waa ku kala duwan yihiin qaabkay ula dhaqmaan wadaadada.

Bulshada Soomaaliyeed qaadashadi diinta islaamka kadib wadaadku wuxu ka mid ahaa bulshada mudnaan gaar ahna ma lahayn maadaama Bulshadu ahayd bulsho qabiil. Bulshadaas waxaa xukumeyey nabadoon ugaas ama malaaq xoog difaacana waxaa u ahaa wiilasha reerka ku abtirsada ama u dhashay waranley baana la Dhihi Jiray

Wadaadku wuxuu ahaa noole iska tamar liita kuna nool tuugsi iyo baryo weeso iyo kitaab quraan ah oo harag xoolaad gal looga tolay ayuu sidan jirey qabiilna kuma abtirsan jirin habeenba reer ayuu kusoo dul dhici jirey iyaguna neef bay u qali jireen quraanka ayuu isna u akhriyi jirey maytida reerka, subaxina waa ka huleeli jirey, wuxuu ahaa marti joogta ah.

Marka laba qabiil islaayaan oo loo baahdo cid u kala dabqaada waxay qolo waliba u yeeri jirtey kooxda wadaadada ah ee reerka ku jirta, waxaana loo diri jirey ergo ahaan, waxay ahaayeen dad tamar yar oo aan looga baqayn in aargudasho loo dilo, reeraha waxaa qiime ugu fadhiyey ragga waranleyda ah ee geela dhicin kara soona dhici kara, kuwaana ergo ahaan looma diri jirin.

Bulshada Soomaaliyeed waxay ahayd bulsho aan isku qasin diinta iyo maamulka waxaa lagu dhaqmi jirey Xeer isagaana ahaa waxa lagu kala baxo ninkii raba waa tukan jirey laakin reeraha iyo reerka laftiisaba Xeerka ayaa ahaa sharciga keliya ee lagu kala baxo, marka wax dhacaan waxa la dhihi jirey war maxaa hawshaa ama arinkaa xeer inooga yaaley?

Lakin mar walba waxa jirey koox yar oo wadaado ah kuwaaso fahansana in ay diintu tahay wax lagu adeegto dadkana lagu kiciyo kooxdaas waxaa ka mid ahaa Seyid Maxamed Cabdule Xasan iyo Axmed Gurey kuwaas oo ku guulaystey xaalado jirey awgeed inay dumiyaan nidaamki bulsho ee kala saarayey diinta iyo maamulka weliba mudooyin cayiman.

Burburkii dawladii kacaanka kadib dal iyo dadba waxaa bulshadii Soomaaliyeed gacanta u gashay wadaad. Wadaadadu waa is dhaamaan weliba meelo aduunka ka mid ah horumar dhaqaale iyo mid bulsho ayay keeneen, dalal badanna waa badbaadsheen waa maraky ogolaadeen oo aqbaleen inay ku shaqeeyaan qaybna ka noqdaan nidaam dawladeed oo calmaani ah dadkana dhex u ah, waxaana ka mid ah Ghanushi oo reer Tuunis ah Ordugaan iyo Arbikaan oo Turki ah Mahaatiir oo Malayshiya taladeeda qabtay.

Wadaadka Soomaaliga qariban si kasta oo uu diinta u barto wuxu marti uga yahay carab bisha ramadaan dhamaadkeeda ama bilawgeeda kuuma sheegi karo ilaa sucuudiga laga soo xaqiijiyo.

Wuxu wadaad Soomaalig Cusub aad u necebyahay dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, dadka wuxuu habeeen iyo maalin la hor taagan yahay muslimiintu waa umad keliya oo aan dalna kala lahayn hadana Makka iyo Madiina wuxuu raali ka yahay in laga sheegto oo uu dal ku gal ku galo. Wadaad Soomaaliga gadaal soo baxa ah wuxu jecelyahay in weligeed soomaalidu ahaato mid dhiban oo dhibkaa ku jirto dalkuna ahaado meel furan oo aan cidna lahayn si ay hoy ugu noqoto argagixisada aduunka isna magaca Soomaaliyeed uu ugu tuugsado, hableheenana uu hadiyad ahaan u siiyo denbiile aragagixiso ah.

Hanka wadaadka argagxisada ah ma dhaafsiisna inuu furto dugsi quraan ama masaajid uu soo tuugsaday oo uu dadka wax uga sheego ama meel waydiimo aad u liita laga soo waydiiyo sida sheekhow xaaskayga ma bidixda ayaan ka geliya mise midigta? Sheekhoow ducada suuliga lagu galo xili walba miyaa la akhriya? Sheekhoow nikaygu niikadu jeclyahay ana ma niikinkare ma ku denbaabayaa? Sheekhoow xaaskyag naaska ma ka dhuuqi kara? Waxyaalahaas aadka u liita ayuu dadka wax qiima leh uga dhigaa, ma jecla mana rabo dadku inay diinta bartaan waayo waa laga maarmaya.

Wadaad shaydaanku fekerkiisu wuxuu dhaafi la’ayahay inuu habeen iyo maalin camal ka dhigto ka shekeynta qaabka dumarka loogu galmoodo ama dheefta ku jirta xulbada xabaasooda iyo habka saliid Saytuunta geedka ragga loogu masaajeeyo.

Malaayiin Soomaali ah oo gaajo iyo colaad ku dhinta waxaa kala xun gabadh soomaaliyeed oo lugteedu muuqato ama timiheeda.

Inuu dadkiisa la fadhiisto oo la hadlo wuxuu ka jecelyahay nin argagixiso ah oo buuraha Toora-Boora kuu dhuumalaysanya weliba kaas ayaa nashiido usoo duubaya markuu soo dhegystona isagoo ooyaya ayuu boqolaal Soomaali ah oo masaakin isku qarxinayaa.

Dadka wuxuu habeen iyo dharaar faraya inay nolosha aduunyo iska ilaawaan aakhirona xoogga saaraan isaguna wuu ku raaxaysta nolosha aduunyo, haduu xanuusado wuxuu aada cisbitaalada kuwa ugu qaalisan uguna tayada fiican dadkana wuxuu fara inay Illaahay talo saartaan ama calyadiisa ayuu u soo tufaa si ay geerida xabaasha ugu dul sugaan.

Wadaadaada ku sheegyada Soomaaliyeed waa gacansato arxan daran wax walbana ka ganacsada dadkana aan u turin, wixii ay kusoo tuugsadeen magaca dadka Soomaaliyeed ayay dib uga iibiyaan, way adag tahay inaad aragto wadaad wadaadadaas ka mid ah oo dan yar ah hadana habeen iyo maalin masaajidka kama kaco.

Dalalka gaalada iyagoo ku nool ayay hadana dadka faraan inaan la iman dalkiina waxay leeyihiin maamulada ka jira waa gaalo ee ha la rido. Wadaniyadu waa xaaraan dawlada oo lala shaqeeyaana waa xaaraan, dhamaan kooxa diimdeyada maanta Soomaaliya ka jira waxay si toos ah iyo si dadbanba ugu xidhan yihiin laamaha wardoonka wadamada khaliijka waxayna fuliyaan ajandayaasha dalalkaas.

Wadaad Soomaaliga argagxisda noqday wuxuu la mid yahay ninkii madooba ee adoonka ahaa ee lagu yidhi waxaad xor u tahay inaad adoonta kale ee walaalaha ah garaacdo ilaaliso oo jir disho siday tahayna aad u fuliso fariimaha gumaystaha ee hadana xorta is moodey walaalihiina garaacay.

Dadka qofka ugu tamarta yari haduu awood yeesho waa cadaw aan arxan aqoon. Wadaad Soomaliga gadaal ka yimidna wuxuu ahaa kan dadka ugu derejo liita uguna tamarta yar, Waxaa lumay nidaamkii bulsho ee soomaalidu ku dhaqmi jirtey wadaadkii yara ee tuugsiga ku noolaa wuxuu noqday Waranlihi ugaaskii macalinkii wadaadkii siyaasigii iyo ganacsadihii.

Maanta 90% dadka Soomaaliyeed wadaadkaas bay wax ka dhegeystaan iyagay aaminaan, tolow maxaa u diidey dadka iyo dalka inay barwaaqo iyo dawladnimo ku hogaamiyaan? Ama ay dadka u sheeegaan in dawladaha lala shaqeeyo dalkana la ilaashado?

Wadaadkaas aan ka hadlayo waa bahal gar leh waana xayawaan dilaa ah oo muuq dad leh waajibna ay tahay in la iska qabto, waxaa lama huraan ah in la soo celiyo nidaamkii bulsho ee soomaalida ku dhaqmi jirtey si looga baxo dhibkan.

WQ: Cabdirisaaq  Absuge

 

Sheekh Aadan Madoobe” Ilmaha beenta loo sheegay ee isqarxinaya iyo ciyaal weerada aqoontaa ku yar,”

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay ahmiyadda ay waxbasrahada u leedahay Bulshada, qeyb muhiim ahna ka qaadato koritaanka iyo horumarka Bulshada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilmaha is qarxinaayo ee sida qaldan loogu fasiray Diinteenna Suuban, ciyaal weerada dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwa jidadka taagan ee Koolada (Xabagta) dhuuqaya ay aqoontu ku yar tahay loogana baahan yahay in wasaaradda waxbarashada aad u hubiso Manhajka waxbarashada dalka.

“ Ilmahan hadda isqarxinaya inta been loo sheegay, Diinta lagu qiyaameeyay, aqoontoodana yar tahay naftooda in ay haligaan oo isqarxiyaan gaaray aqoontaa ku yar, kuwa hadda la sheegaayo ee ciyaal weerada loo bixiyay oo dadka nafta u keenay aqoontaa ku yar, kuwa jidadka dhooban oo koolada (Xabagta) dhuuqa sidaas oo kale, dhinaac inaan xoogga saaro, wasaaradda waxaan u soo jeedinayaa in Manhajka waxbarashada dalka aad loo hubiyo”.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay waalidiinta in ay ka warqabaan carruurtooda lana socdaan dhaq dhaqaaqooda si aanay ugu dhicin gacanta cadowga ka been sheegaya Diinteenna Islaamka ee gaaray in ay haligaan naftooda isna qarxiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda soo xiritaanka Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo lagu soo gunnaanaday Muqdisho.

ALAABAHA DHACAY AMA KU DHOW DHICISTOODA SIDEE LAGU OGAAN KARAA?

Magaalada Muqdisho waxaa ku arkeysaa dukaamada ku yaala inta  badan alaabo waqtigooda dhicitaanka ay Ka harsan yihiin oo kaliya maalmo kooban, bilooyin sidoo kale waxa aad arkeysaa alaaba dhacay kuwaas oo lagu iibinaayo suuqayada magaalada muqisho waxaana ay Qatar ama halis weyn ay ku yihiin  nolasha bulshada soomaaliyeed ayna u horseedayso in bulshada soomaaliyeed ay qaar a siibaan xanuunka dilaaga ah ee Cancerka oo ay u dhinteen dadbadan qaarna ay la ildaran yihiin.

Intabadan badeecadaha waqtiga dhicitankoda uu dhow yahay ayaa dalka aad ugu badan waxaana arkeysaa cabitaan dhicitankiisa kaliya ay ka harsan tahay sadax maalin  sidoo kale waxa aad arkeysaa badeecado dhicitankoda ay ka harsan yihiin bil inkasto ay jirto hay’add u qaabilsan ilaalinta badeecadaha kala duwan ee dalka soo gala balse hay’addaas malahan qalab dhameystiran oo ay ku kontorolan taasina waxa ay sahashay in dalka si fudud ay ku soo galaan badeecadaha dhacay taasi ay Qatar ku tahay bulshada soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa jira daawooyin Iyana dhacsan oo dalka ku jira kuwaas oo aan marin baaritaano dheeraad ah oo lagu hubin lahaa taasi badalkeeda majirto baaritaan dadka Ayaana laga iibiyaa sidoo kalana waxaa jira daawooyinka la isku cadeeya qaarkood halis oo u badan in bulshada gaar ahaan dumarka isticmaala daawada ay Qatar ku tahay balse waa la iibiyaa gabdhihiina nafsadooda Qatar ayey galineysaa.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe dalka majirin baaritaano lagu sameeyo agabyada kala duwan ee dalka soo gala sida Raashinka, Batroolka, Saliida, Daawooyinka iyo alaabaha kala duwan ee dalka soo galo dhamaantoodna mana jirto hubin baahsan lagu sameeyo inkastoo ay jiraan hubino lasameeyo balse ma aha mid dabooli karta baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Hadaba sidee lagu ogaan karaa alaabaha dhaca ee dalka soogala waa su’aalaha ay isweydiinaayaan bulshada, aqoon yahana iyo xeel dheerayaasha.

Dabcan haddii ladoonaayo in la ogaado agabka dhacay sida Raashinka, iyo Dawooyinka dalka soo gala waa ay sahlan tahay haddii aan caqabad lagu noqon waxaana caqabad ku noqon kara ganacsatada, bulshada , rugta ganacsiga iyo dhamaan cidkasta oo ku lug yeelan karta.

Haddii aan qodobeeno sida lagu ilaalin karo waxa dhaca ee dalka soo gala iyo sida looga hortagi karo.

Dalka waxa uu leeyahay hay’add u xilsaaran ilaalinta iyo badqabka tayada waxa dalka soo galaayo iyo waxa dalka ka baxaayo ayada oo siineyso shahaado cadeyneyso in alaabta ay tahay mid labaaray ama la hubiyey taasina ay u horseedeyso in adduunka uu ku soo dhiirado.

Waa in lala shaqeeyaa hayadda taya dhowrka qaranka oo waajibaad uu ka saran yahay ilaalinta badqabka caafimaad ee kasaaran bulshada soomaaliyeed.

Waa in ganacsatada ay kala shaqeeyaan hay’adda sida ay ugu soo gudbin lahaayeen alaabaha dhacay , kuwa tayadooda hooseeso, kuwa aan caafimaad ahaan aanan wanaagsaneen dhamaan ganacsada waxaa looga baahan yahay in ay kala shaqeeyaan dowladda gaar ahaan hay’adda taya-dhowrka u xilsaaran in ay lawadaagaan xogaha waxkasta oo dhacay iyo waxkasta oo aan taya laheen.

Bulshada soomaalieed waxaa looga baahan yahay in iyaga ay kala shaqeeyaan waxkasta oo alaab ah oo ay oga shakiyaan in ay dhacdo, kuwaalati ahaan ay liidato ayaga oo lawadaagaya hay’adda taya dhowrka qaranka si ay hay’adda talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Hay’adda waxaa looga baahan yahay wacyi galin joogta ah oo ay u sameenaayaan bulshada soomaaliyeed ayna fahan siiyaan waxa ay tahay hay’adda shaqooyinka ay u xilsaaran tahay hay’adda oo ah waajibaad ka saaran bulshada badqabkooda caafimaad.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

BAQIILNIMADA WAXA AY LEEDAHAY DHIBAATO BAAHSAN

Maalin maal maha ka mid ah ayuu oday soo Gatay hilib geel ,wuxuuna ooridiisii ka codsaday inay u kariso hilibka geele oo uu suuq kasoo iibsaday si uu casho oga dhigo,

Gabadhii waxa ay markiiba bilaawday Karin iyo shiilis at ku  sameesay hilibkii geela uu odaygii keenay,

Gabadhii iyo Odaygii iyagoo cunaya cashadi waxaa dhagahooda kusoo dhacay in la garaacayo gurigooda albaabkiisa.

Odaygii taajirka ahaa ayaa istaagay oo albaabkii furay, waxaana iridka taagan will  faqiir ama sabool ah oo baahan wuxuu doonayaa cunto uu cuno,

odaygii waxa uu bilaabay in uu udiiday inuu wax siiyo isagoo kor u hadlaayo ama isma qashiinaayo dadka ayaa hadal jees jees ahna oranaya ayuu cayriyey wiilkii irida soo garaacay,

Wiilkii  baahnaa ayaa  yiri: Allaha kuu dambi dhaafee odayga, haddii aysan baahi i hayn lahayn gurigaaga maan soo garaaceen!

Muusan sugin odaygii  taajirkii inta uu hadalka dhamaynayo, oo albaabkii ayuu ka horgeeyey isagoo caro daranna ay ka muuqato , waxuuna usoo laabtay cunnadiisii.

Gabadhiisii ana owridiisii ayaa tiri: Maxaad Albaabka sidaas uga horgeysay wilks  wax na weydiisana?

Odaygii ayaa si caro leh u yiri: Oo maxaad dooneysay inaan sameeyo?

 

Owridiisii ayaa tiri: Waxaa suuro gal ahaan lahayd inaad siiso qayb kamida hilibka geela aan karshay si ay gaajada haysa u dayso,

Odaygii ayaa yiri: Ma waxaan siiyaa hilibkii San soo iibsaday oo aan iskugu taragalnay in aan labadeena cuno hilibka !!? Oo ma waalatay!!?

Owridiisii ayaa tiri: Haddii ay sidaas tahay waxaa qurxoonaan lahayd inaad hadal qabow oo wanaagsan ku dhahdid wiilka albaabka inoo soo garaacay,

Bilooyin kaddib waxaa dhacday in Odaygii  taajirka ahaa Carwadiisii dharka lagu iibinaayey  oo gubtay oo aan waxba ka bad-baadin dharkiiyoo dhanna ay baseen,

Odaygii  waxa uu ku  kusoo laabtay gurigiisa isagoo caraysan, wuxuuna ku yiri Owridiisii ama Xaaskiisii “Xaqiiqdii waxaa gubtay carwadeeydii  waxbana kama bad-baadin oo waa basbeelay,

Odaygiina waxa uu siiyiri waxaan noqday midaan waxba haysan.

Owridiisii ama Xaaskiisii ayaa tiri: Ha isu dhiibin murugooyinka xaaji, u dulqaado wuxuu Alle kuu qoray iyo qaddarkiisa, Hana ka quusan naxariista Rabbi swt, wuu kusiin doonaa waxaad ku raali noqotid wuuna kuugu badalidoonaa   wax khayr ah.

Hase ahaatee ninkii wuxuu ku yiri Owridiisii: “Imaqal gabar yahay, ilaa uu Alle khayr isiin doono orod aad guriga Aabbahaa, Anigu ma awoodo inaan ku biilo ayuu yiri odaygii ceertoobay!!.  Wuuna furay Gabadhii,

Hase ahaatee Eebbe waa karaameeyey gabadhii oo waxaa guursaday nin deeqsi ah una naxariista masaakiinta oo gacan furan, waa uu quudiyaa kii gaajeysan, mana celiyo mid wax u baahan oo weydiista baahidiisa in loo gudo.

 

Maalin maalmaha kamida ah, Gabdhii iyo ninkeedii cusbaa oo casheynaya, ayaa albaabka lasoo garaacay, Way istaagtay gabadhii si ay usoo fiiriso qofka garaacaya, ninkeedii kolkey usoo laabatay waxay ku tiri:

Waxaa noo taagan qof waxna weydiisanaya oo ka sheeganaya baahi haysa darteed wuxuu cuno ayuuna rabaa.

Ninkii deeqsiga ahaa ayaa yiri: Sii cuntadii aad noo karisay qayb kamid ahmid , waxaa nagu filan waxyar oo aan barakeesano, Oo Eebbe waa noo nimceeyey innaga, mana celinayno ciddii inaga wax inasoo weydiisata ayuu yiri ninkii deeqsiga ahaa,.

Waxay bilowday ooridii inay illinta kasoo dareerto iyadoo ooyeysa, markay  siisay qeyb kamid cuntada ay sugnaayeen, ninkeedii ayaa weydiiyey sababta ay u ooyeyso?

Waxay tiri: Anigu waxaan u oynayaa murugada aan dareemayo!

Ninkii baahnaa ee waxna weydiisanayey wuxuu ahaa odaygeygii hore oo taajir ahaa balse cayrtoobay,

Waxay bilowday inay uga sheekayso qisadii soo martay labadooda, oo uu u cayriyey wiilkii  baahnaa ee wax weydiistay, iyahadaladii adkaa ee aan naxariista lahayn uu ku yiri.

Ninkii deeqsiga ahaa ayaa yiri: Xaaskaygaay, hadii uu ahaa ninkii albaabka garaacayey zawjkaagii hore; anna waxaan ahaa wiilkii wax idin  weydiistay ee hore!!

Gabadhii ayaa  waxaa ku dhacay yaab iyo ama kaak ayadoona layaabtay dhacdooyinkaan ku dhaceen.

Gunaanudkii sheekada ayaa waxa ay muujineysaa in ay insaanka ay isku naxariistaan oo ay isku kaalmeeyaan,

 

Alle swt ayaa yiri qofkii adoonkeeyga dhibka kasaaro in aaqiro isna dhibka alle kasaaro.

 

W/Q Cabdinaasir Yuusuf Aadan.

SHEEKADII ADEEGTO (QEYBTII 10-AAD)

Sidaa daraaddeed lama oran karo dhar bay qabtaaba. Iyadoo sida u suxud la’ oy hahayaan aad iyo aadna ay u fiigsan tahay ba libaaxiiyoo quustay, maadaama waagii ku caddaaday aadna u xanaaqsan kayn aan sidaa uga fogeyn ka yeeray, Maryan markay maqashay Libaaxa cidiisa bay inta kor u boodday iyadoo qaylinaysa nin horteeda taagnaa saloolatay iskuna duubtay.

Ninkii baa qabtay oo si qabow u yiri, “Walaal, waxba ha cabsan libaaxii cararyoo waadigaa arkayee, harraad ma ku hayaa, biyase ma rabtaa?  Markuu intaa leeyahay waxay leefleefeysa biyihii horay madaxa looga shubay dardareerkoodii oo meelo afka u dhow marmaraya.

Iyadoo weli sidii ninkii u fuushan, sidii u yahay laantii caawa caymisay, bay, “haah, oo biyo waa rabaa” dheh istiri. Hadalkti baase ka soo bixi waayey. Intay hadli lahayd bay madaxay ruxdo “haah’ biri. Biyihii baa afka 1oo saaray. Qurquray labada dhaban qabsatay. Markaas way fadhidaa.

In cabbaar ah markay ka gow.gowsiineysay ayaa odaygii ka qabtay oo yiri. ka joojiya marka mar kalaa la siin doonaaye, yay ku biyoraboone.” Laga soo qabanayey maahee hunqaacay soo deysay aan biyihii madoobaaye ay cabbeysay la tarrixin.
Madaxa ayaa la qabtay. Nin ragga ka mid ah ayaa inta go’iisii sare biyo ku qooyey madaxa u saaray. Neef tuursidii ruux maratoon soo orday bay kala goyn weydey. Nin kale ayaa isana inta go’iisii sare iska soo xayuubiyey huwiyey si uu cawradeeda ugu asturo.
Intil meesha lajoogay baa qorraxdiiba soo baxday. Mar labaad baa biyihii la siiyey ka dib markii si fiican loogu luqluqay. Haddana markay cabbaar cabtay ayaa laga qabtay. Gabiday hoos u rogatay sidii iyadoo hunqaaco isku celineysa. Iyadoo go’ii la huwiyey isku dadeysa bay hoos isu eegtay markaasay garatay inay hore u qaawanayd.
Miyirkay miyirsatay darti bay xishood halkaa ka bilowday odaygii baa arkay inay ladnaatay markaasuu isagoon wax hadal ah oran inta awr soo fariisiyey fuuliyey meelahay qabsan lahaydna tusay. Si qarsoodi ahee Maryan ayan garan ayuu raggii kale u yiri: ina mariya waxba hadda ha waydiinninee.”

Safarkii baa halkaa ka ganqabtay iyadoo awalba la watey Awr aad u dheereysa. Si siibasho ah ayaa lao socday. Qorraxdii ayaa soo kululaatay. Odaygii ayaa eegay Maryan oo si hurdo u hayso inay ratiga ka dhacdana u dhow.

Awrkii ayuu joojiyey. lntuu jilibka u laabay buu ka dajiyey. Inay qof adadagee socon karta tahay markuu arkay buu in biyo ah intuu siiyeyku yiri, Hadda waad socon karaysaa bay ila tahay.”
Intay qosol xishood iyo naagnimo ku jirto hoos ula gabbatay wajigana dadabtay bay tiri: “Haa waa socon karaa maahee waa ordi karaa”.

Odaygii intuu gacanta qabtay buu dallad uu sitay hooskeedii wax ka wadaajiyey. Maryan markaa iyadaaba ka dheereyneysay baad mooddey dadka intiisa kale. Wax la sii dhadiiqeeyaba, qorraxdü baa harkii isku taagtay. Loogamase jimcine socodkii xalay baaqday baa in la kaabo la rabaa awrtana loo nixirnaayo wax saaran oo aan durfi ahayni ma jirin hadday rara gubyoon lahayd

Markii qorraxdli dhankay ka soo baxday mooyee dhankii kale u foorarsatay milicdeeduna mid geeri ah tahay ayaa lays wada eegay. Inta geedo waaweyne meel cawr yar lehna ka dhow la eegtay baa reeryadii saarnayd inta laga tuuray la seetaseeteeyey. Geed harac ah, ayaa inta laysku kala tuuray waxaa la karsaday shaah. Shaaha ka hor waxaa laga sii laacay hilbo caata ahee la sitay (Solay).

Maryan qaybteeday ka qaadatay. Iyadaa shaaha karisay. Gallad bay iyada u ahayd. Niyaddeeda farxad ayaa buuxisay, waxayna is lahayd Magaalada ayaa tagi doontaa, iyadoo dheg ay ka maqashay mooyee aan weligeeba arag meel magaalo tahay iyo si looga nool yahay midna.

Raggii indhuu is wada geliyay, Maryanse farxad, raynrayn iyo niyaddeeddo wax is tustuseysay daraadeed ayaa hurdaba ka imaan weyday.
Maryan oo sidii u fadhida ilna aan is gelin ayaa odaygii indhaha kala qaaday. Haddiiba si bootini ku jirto intuu isu taagay buu Awrtii daymooday. Maryan baa iyana intay istaagtay tiri, “Ma soo dabaa Awrta’, Odaygii baa inta qoslay yiri, “Allow ha ku celin. Iska fadhi heedhe harkaaga anaa soo kaxaynayee.. Horay intuu u sii dhaqaaqay, awrtiina haddiiba isku soo xiriirsaday raggii kaloo weli hurdana kor keenay buu qaylo hees rarmo oodda ka qaaday.

Raggii kalaa wada boodey awrtüna horay heeryada kaga boobay. Muddo saddexdaqiiqo ka yar ayaa inta lagu bogay haddiiba horay loo bushin tuurtay, toobiyihii baa carraabo ahaan cagta loo saaray.
Odayga oo isagu diiddan in Maryan la waraysto maahee ragga kaloo dhallinyarada ahi aad bay u jecel yihiin in iyada la xog warsado lana weydiiyo waxay tahay, meeshay ka timid, sidii bahalku ugu yimid amay geedka uga fuushay.

Odaygu aad buu u hor taagnaa waraysigaas oo wuxuu is leeyahay iyaduu wax yeelayaa maadaama baqdintii weli ku jirto, qof yarna ay tahay. Hadday iyagu warsan lahaayeenna isagay ku ixtiraamayeen maadaama uu yiri “yaan intii mudda ah waxba la weydiin qoftaas.”

Awrta oo caddaysimo aan wax ka duwaneyn, iyadoo ahayd mid dheerayn iyo xoogba loo soo saantay, rag wada gaamuraye xoog lihina gar hayeen darteed ayay Maryan aad ugu adkaatay inay la qabsato. markii si looga go’aba orod bay hoosta ka xaddaa, Kucle ayay reerka kula socotay.

Carraabadu waxay ahayd mid cagaha lagaga gubtay. Qorraxdu aad bay u dheerayd. Golcas weliba kaliil joogtee abaar tumaysa ee hongorraha iyo hanfiga ka soo baxayaa yihiin kuwa lagu aqdee dad horay u wada eeday, bay ahayd.
Maryan oo daalka iyo diiftii horay u soo halakeeyay wax weyn u dhimayaan

ABAAL DARRADII ABEESADA

Abeeso ayaa rag badan soo cuntay isla markas ayey soo carartay  waxaana ka horyimid nin shiikh ah  waxaana ku tiri shiikhoow I bad baadi  oo meeshaan iga qaad oo garabkaaga I saar igana fogee colbaa isoo daba joogee.

Shiikhiina wuu aqbalay wuxuuna ku duubay go,iisa garabkana wuu saaray nimankii abeesada soo raadiyey waxay waayeen meel ay u booday waxayna isaga laabteen meeshii ay ka yimadeen.

Shiikhii abeesadii wuxuu geeyey meel aad u fog cida badan meel ay degan yihiin wuxuuna yiri iga soo deg meeshii aad rabtay waan ku keenaye waxayna ku tiri degi maayee noogee dad maahane xoolo noo gar qaada waxaana loo tegay hal iyo rati waxayna ku soo geban gebayeen aadane abaal ma leh ee haka degin.

Wax badan ayuu garabka ku siday shiikhii wuuna daalay waxuuna helay markii uu hiil hagar u jabay aya waxa u timid dawaco waxayna ku tiri anigu uma garqadayo naf naf saaran dhulka soo fariista dhulka wayna aqbaleen in ay dhulka soo fariistaan si loogu gar qaado shiikha iyo abesada waxayna ku tiri: Shiikhoow madaxa ku dhufo shiikhiina ul ayuu la booday madaxa ayuuna ku dhuftay welina sidii ayaa madaxa looga dilaa abeeso.

waxaana lagu maahmaahaa: inan iyo abeeso afkooda ayey u dhintaan, iyaduna waxay tiri aadane markaan arkana waxaan irahdaa aarso markii aan ilaahey eegana waxaan iraahdaa aayarso oo nabad geli ummadda ilaahey.

sidaas awgeed, ulajeeddada sheekadaan waxay waano iyo tusaale u tahay in abaaldarrada laga fogaado lana fuliyo ballanta iyo waxii lagu heshiiyo waxaa kasii daran caasnimada ilmuhu ay ku caasiyaan waalidkii dhalay oo soo koriyey  ka dib markii  ay qaan gaaraan ilmuhu lagana sugaayey abaalkii iyo anfac iyo adduunya ah oo lagula soo hoowshooday intii ay yaraayeen haddii ay gudan waayaan aakhiro iyo adduunba waa laga jaaseeyaa.

haddaba dadka islaamku wuxuu isku leeyahay xaq badan abaaldarradu ma ahan wax wanaagsan waana sidaas oo kale mana habboona in la iskala dhaqmo abaaldarro iyo qayaano taasuna waxay dhashay colaad iyo uur ku taallo ay isu qaadaan aadanaha iyo abeesada, waxaana ka dhexbilloowda is ugaarsi hayeeshee dhibka oo  dhan qof ayaa billaaba naf ka mid ah noolaha ilaahey abuuray waxaana ka dhasha xumaan ama wanaag waxaana aad iyo aad u wanaagsan in aan la abuurin xumaan waayo geedkii aad abuurtaa miraha uu dhalo adiga ayaa guranaya macaan iyo qaraar wixii ay mirahaasi naqdaan.

waxaa habboon in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo kuwa saaxiibtinimo ee gaarka ah lagana fogaado wax kasta oo keeni kara xumaan iyo is naceyb iyo weliba kala fogaasho abaaldarro iyo kala irdhow.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa gacmo isdhaafaa galladi ka dhalataa ama iicunbaa iicun dhasha kulligoodba waxay ka hadlayaan wanaag iyo isu abaalgud waxeyna ka digeysaa abaaldarro iyo caasinimo diinta muslinkuna wey ka hadashay.

haddaba soomaaliyey guusha iyo barwaaqadu waxayka dhashaan aamaahda oo la isu celiyo waayo abaal qofkii kuu gala waa qof amaah kugu leh oo kale in kastoo soomaalidu ay mar kale ay tusaale ka bixisay waxayna tiri: Abaal Nin galay in badan baa la arkaa, laakiin Nin gudaana in yar baa la arkaa.

Sidaas darteed iska ilaaliya abaal darrada

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

XAGGEED KU QUBTAA QASHINKAAGA

Qashinku waa saqda ka soo hartay wixii la isticmaalay, Qashinku maahan wax dib loo isticmaali karo, qashinka maadama uu san lahayn qiimo iyo waxtar, waa leyska tuuraa.

Sida aan horay usoo barangay Qashinka wuxuu leeyahay dhibaato muuqato iyo mid daahsoon, wuxuuna galaaftaa nolasha iyo horumarka ummadda, deegaanka iyo wixii halkaasi ku nool oo xoolo iyo  dhirba ah.

Inta badan qaahinka aan ku qubno aagga guryaheena u dhow ayaa inoo keeni karayo caafimaad darro waxaana horay loo yiri inta ay wasakhda kuu jirto ayuu caafimaadka kuu jiraa.

Burburkii dalka ka dib waxyaabaha dalka dibaddiisa laga keeno ayaa dalkeenna Soomaaliya ku badan taas ayaana keentay in ay deegaankeenu ku sii badato wasakhda qashinka, oo buux dhaafiyay meelaha qaahin qubka ah.

Akhriste ma jirtaa meel gooni u ah oo aad u isticmaasho qaahinka si aanay qoyskaaga iyo deegaankaba waxyeelo ugu soo gaarin? Bacaha iyo caagadaha ka sameysan balastig’ga waa kuwa inta badan aad ku arkeysid meelaha xaafadaha u dhow taasoo ay soo badatay isticmaalkooda, deegaankeenuna uma wanaagsano oo waxa ay keenaan cudurro iyo nabaad guur.

 

Xoolaha ayaa inta badan isticmaalo qashinkaasi neefkii cunaa bac ama waxyaabo kale oo qashinkaa ah wuxuu la kulmayaa xaalad caafimaad darro, sidoo kale, caruurta deegaanka oo inta badan aagga xaafadda ku ciyaarto uma wanaagsano in ay ku dul ciyaaraan qashinkaasi.

Khataraha kale ee uu leeyahay  waxaa ka mid ah in ay khawaarijta ay isticmaali karaan si ay amnigaaga iyo kan deegaankaba u wiiqaan iyagoo ku aasi karo walxaha qarxo.

Qaahinka si aanu saameyn deegaanka ugu yeelan waa la gubaa, keyd lagu aruuriyo ayaana loo sameeyaa dibadeed markuu bato ayaa goob loogu talagalay lagu gubaa.

Kuwa aanan dabku karinna waa la aasaa, noolaha iyo deegaankaba khatar weyn ayuu u keenaa waxyeellada uu leeyahay qaahinka, waa in laga taxaddaraa dhibta uu ku hayo guud ahaan gayiga soomaaliya.

WD: C/wali Daljir

XAB XABKA AMA QARAHA OO LA SHEEGAY IN UU KELIYAHA U ROON YAHAY

Xabxabka ama Qaraha waa dalaga ugu biya badan ee miraha aynu beero, boqolkii ba 90 waxaa la sheegay in uu yahay biyo. Beerashadiisa ayaa ah mid sahlan oo aad u fudud, beerta ayaa la diyaariyaa oo la falaa kadibna miraha qaraha ayaa midh-midh ama lama midh loogu ridaa dhulka, maalmo kadib waa uu soo baxaa dhowr bilood dibadeedna waa uu soo go’aa

Qaruhu waxa uu ka mid yahay miraha inoo soo go’a xilliga xagaaga ah, waxaa lagu yaqaannaa dhadhan macaan oo wanaagsan iyo midab casaan ah oo qurxoon waxaana jira dhowr nooc oo uu u kala baxa qaraha, balse nooca midabka casaanka ah leh ayaa aad oo jecelyahay oo leh dhadhan macaan , sidaa darteed dadka oo dhami wey jecelyihiin, waxaa ku jira faytamiinno badan iyo waxyaabo muhiim ah oo caafimaadka jirka aan looga maarmin.

Faa’iidooyinka Xabxabka uu u leeyahay Jirka iyo guud Ahaan, Haragga sare iyo Timaha, inta laguma soo koobi karro waxaan ka mid ah kuwaan soo socda.

1- Qaraha jirka waxa uu ka ilaaliyaa xanuunnada wadnaha, istaroogga, sidaa darteed; faytamiinka faraha badan ee ku jira iyo nacfiga cunno ee uu leeyahay, waxey muhiim u tahay wadnaha iyo jirka.

2- Caafimaadka indhaha, dhegaha iyo sambabaha ayuu u roon yahay, wuxuuna leeyahay faytaminnada lagama maarmaanka ah ee caafimaadka indhaha u roon ayaa ka mid ah.

3- Xabxabka jirka waxa uu ka ilaaliyaa cudurrada halista ah sida kansarka sambabada ku dhaca, kan naasaha iyo kan prostate-ka ah.

4- Waxa uu kaalin weyn ka ciyaaraa xoojinta xubanaha taranka gaar ahaan  raganimada iyo awoodda bacraminta qofkana.

5- Biyo badan ayaa ku jira, sidaa darteed waxa laga helaa firfircooni, baruurtana waa lagu jaraa.

6- Qaraha waxaa laga helaa maadada Collagen oo ka qeybqaadata xoojinta caafimaadka jirka, wey ifisaa, waxeyna ka ilaalisaa caalamadaha duqnimada.

7- Daraasaad la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday in cunista qaraha ay u wanaagsantahay daadashada timaha rag iyo dumar, qofka intuu qofka kale ka xabxab cusnis badanyahay uu ka timo dhalaal badanyahay.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in xabxabka/qaraha ay ku jiraan maaddooyin ka dhigaya sida dawada loo isticmaalo awoodsiinta jinsiga ee Fiyaagara loo yaqaanno.

Arrintaas sababteeda markii ay sii baareenna waxa ay ogaadeen in ay la xidhiidho xabxabka oo wanaajiya caafimaadka xididdada dhiiggu maro si uu si habsami ah jirka oo dhan ugu gaaro dhaqso. In kasta oo ay sida oo kalana ku jiraan maaddooyin ka qayb qaata kor u qaadista doonista jinsiga ah.

Qaraha waxaa ku jira curiyeyaal ay ka mid yihiin Flavonoids, Carotene iyo Triterpenoid oo dhammaantood awood u leh burburinta sunta cuntada ka dhalata (Mariidka) iyo in jidhka ay ku samaysmaan waxa loo yaqaanno ‘Free Radicals’ oo qayb weyn ka qaata soo shaac bixita calaamadaha gabowga.

Qarahaa waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maadadda Glutathione oo ah curiye nafaqo oo muhiim u ah caafimaadka beerka.
Boqolkiiba 92 xabxabku waa biyo, sidaa awgeed waxa uu jirka si gaar ah u geliyaa firfircooni iyo nolol waxa aanu ka hortaga ingagga oo ah in biyuhu ay ku yaraadaan jidhka maadaama oo jirku u baahan yahay biyo badan.

Qaruhu waxa uu kaalin muhiim ah ka qaataa daweynta garaaca iyo kaarka jidhka, gaar ahaan xaglaha iyo dadka xubno xanuunka leh. Sababta ugu weynina waa faytamiinnada tirada badan iyo maaddooyinka mariidka lidka ku ah ee xabxabku hodanka ku yahay.

W/Q Cabdiweli Axmed Daljir

) SHUBAN BIYOOD (CHOLERA

Maxaa keena shuban biyoodka?

Bakteeriyada aynu kor ku soo xusnay ee keenta shuban biyoodka waxa ay soo raacdaa cunada iyo biyaha wasakhaysan kuwaas oo ka yimid saxarada ama mataga qofka xanuunka qaba. Meelaha ugu badan ee laga qaadi karo waxa kamida.

Shuban biyoodku waa xanuun la kala qaado kaasi oo keena shuban badan iyo matag halkaas oo uu qofku ku fuuqbaxo mudo yar gudaheed lagana yaabo inay geeri degdeg ahi ku timaado haddii aan la daweyn. Waxa laga qaadaa biyaha ama cuntada wasakhaysan ee ay ku jirto Bakteeriyada loo yaqaano Vibrio cholera. Xanuunkan waxa uu ka dilaacaa meelaha nadaafadoodu hoosayso, meelaha dadku ku badan yihiin, dagaalada, abaaraha iyo macaluusha.

Meelaha uu ku badanyahay ee laga qaado inta badan waxaa ka midda.

Meelaha bulshadu biyaha ka isticmaalaan sida (Barkadaha, Ceelasha, Balliyada IWM)

Biyaha fadhiista wadooyinka wakhtiyada Roobabka

Cunooyinka dariiqyada lagu iibiyo amaba cunno kasta oo aan si fiican loo dayac tirin.

Khudradaha ka baxa meelaha wasakhaysan.

Calaamadaha Shuban Biyoodka

Xanuunkani wuxu kusoo ifbaxaa ugu yaraan dhawr saacadood ugu badnaana shan maalmood xilliga cudurka la qaado. Iyada oo ay calaamaduhu iska yaryihiin wax badana aan laga dareemin, laga yaaba 20 kii qof in qof kamida xanuunku si ba,an uga soo ifbaxo halka inkale aanay wax calaamado ah ka soo muuqan haddana wali waxay ka qayb qaadan karaan fidida xanuunka.

Calaamdahan waxa ka mid ah

Wadne garaac xawli ah amaba degdeg ah

Haraga jidhka oo markaa lajiido isku soo noqon waaya

Xiddidadii wadnaha dhiiga u gudbinayey oo shaqadoodu hoos u dhacdo

Haraad

Muruqyo xanuun

Kaadida oo yaraata amaba la waayo muddo 8 saac

Dibnaha oo qalala

Gudaha afka oo qalala ama isku dhegdhega

Miisaanka oo hoos u dhaca

Tamar daro amaba daciifnimo

Indhaha oo god gala.

Daaweynta iyo ka hortaga Shuban biyoodka.

Shuban biyoodku waxa uu leeyahay talaal laakiinse intu noolaanyo ayaa yar mudo kooban ayuuna jirka ku jiri karaa sidaa darteed manfaco badan malaha talaalkiisu. Balse waxa layskaga ilaalin karaa iyadoo la karkariyo biyaha (3 daqiiqo heer kul sare ah) ama kiimikalis lagu daaweeyo.

Biyahaasi oo loo adeegsanayo

Cabitaan

Cunto karis

Cadey

Fool dhaqasho iyo gacmo dhaqasho

Khudaarta in lagu mayro

Iyo dabcan weelka cuntada lagu ridanayo oo lagu maydho

Waxaa kale oo loo baahanyahay in laga dheeraado cunooyinka cayriin sida.

Khudrada iyo cuntooyinka aan galka laga dhilin

Caanaha aan la karkarin

Hilibka aan dab sare lagu Karin

Kalluunka laga soo saaro harooyinka ama balliyada waaweyn ee laga cabsi qabo inay ku jiraan biyo wasakhaysan.

Waxa iyana muhiim ah in gacmaha si joogto ah loo dhaqo nadaafadana lagu dadaalo

Sida uu sheegay Daryeel Magazine, Shuban biyoodka si sahlan baa loo daweyn karaa balse fuuqbax degdeg ah ayuu keenaa kaasi oo halis galin kara nolosha bukaanka ay tahayna in isla judhiiba lala gaadho daaweyn sax ah. Fuuq celintu waa habka ugu muhiimsan ee lagu daaweyn karo shuban biyoodka, taasi oo ku xiran heerka uu shubanku gaarsiisan yahay.

Daaweyntaasina waxay ka kooban tahey mid afka laga qaadanayo iyo tu xididada laga qaadanayo si loosoo celiyo macdantii iyo dheecaanadii ka lumiyey. Antibiotics ka lagula tacaalayo bakteeriyada shubanka keenaysa kama mid aha gargaarka degdegga ah ee bukaanka loo fidin karo balse waxay qayb ka qaadan kartaa xadidista korodhka bakteeriyada taasi oo ka hortageysa fiditaanka xanuunka.

Inta badan magaalooyinka Soomaaliya wuu ka dilaacaa markii la gaaro xilliyadaan oo kale, wuxuuna dilaa oo uu naftooda galaafftaa  dadyaahow badan halka kuwa kalana ay la ildarnaadaan xanuunka Shuban Biyoodka.

WD: C/wali Axmed