FAA’IIDOOYINKA KU JIRA KA GANACSIGA SALBUKADA

Salbukada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu magacaabo cunno maalmeedka (quutal daruuriga) ah waana dalag ka mid ah dalagyada inoo baxa oo uu Illaahay ku manaystay dalkeenna.

Dadka ka ganacsadana waxay ka helaan faa’iidooyin badan haddey noqon lahay cunto iyo lacagba.

Salbukada siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaala, ku darsashada bariiska, kadhigista bajiyo iyo in goosaar ahaan loo isticmaalo.

Salbukada waxay leedahay “protein” iyo “carbohydrate” waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay leedahay macaadin sida “calcium, copper, magnesium, phosphor, potassium, silver, sulfur, folic acid, Vitamin B1, Vit C, Vit E”.

Sido kale waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay Xoojiso xubnaha jirka, baabi’isana jajabka wajiga, caloosha way jilcisaa, xabad xanuunka, waana qandha jabiye.

sido kale waxa ay dumar u qaadan karaan nafaaska (caadada) oo aan hagaagsaneen, waxay u roontahay lafa xanuunka, dhabar xanuunka, daal bi’iye , dheefshiid xumida wax wayn bay qabataa, sokorta hoos ayay u dhigtaa, waxay xoojisaa difaaca jirka .

Darul Dawa Herbal Hospital oo ku yaala magaalada Muqdisho, oo ah macad lagu barto dawo dhireedka ayaa daraasaad uu sameeyey waxaa lagu sheegay in ay dawo u tahay cudurro badan oo ku dhaca bini'aadamka

salbukada waxay ka hortagtaa kansarka dhiiga ku dhaca iyo baabasiirka, wando xanuunka, dhiig-karka, nabraha wajiga ka soo baxa, sunta jirka way ka saartaa, dhiigga way nadiifisaa, maqaarkana way dhalaalisaa, culayska way siyaadisaa, sido kale waxay wax wayn ka qabataa qunfaca,  cunaha, romatisimada iyo kalastaroolka.

Hadaba intaas iyo inkabadan ayay leedahay oo faa’ido ah digirta salbukada.

Waa cunto aad u fiican waxay leedahay “vitamin C iyo bir iyo vitamin D iyo vitamin B6 iyo Calcium iyo Magnesium” iyo waxyaabo kale waxaa ka mid ah faa’idooyinka ay caafimaadka u keento waxay yareysaa caabuqa jirka sidoo kale cudurka sokorta ayay u fiican tahay, sidoo kale waxay dhistaa murqaha jirka, lafahana way u roon tahay.
Waxaa kaloo la sheegay inay u roon tahay salbukada dumarka uurka leh.
waxay ka baxdaa dalal badan
Soomaaliya way ka baxdaa waxaa loo yaqaanaa salbuko, waxayna qoys yihiin Digirta oo ay isu si u wada baxaan, beerashadda miraha Salbukada waa nooc fudud oo Digirta kama beddelno, oo waxay u wada baxaan isku hab.

WQ: Cabdiweli Daljir.

Ramadaan waa bishii sadaqada

Sadaqadu waa wax Allaah (Swt) uuna faray in loogu gargaaro dadkeena tabaaleysan ee dan yarta ah, dadka kiisa ladanna uu caawiyo kiisa miskiinka ah.

Bisha Ramadaan waa bisha ugu kheyrka badan ee dadka masaakiinta ah caawinadu gaarto.

In la iscaawiyo waa sheey wanaagsan, laakiin dadka sadaqada gaarsiinaya maskiinta intooda badan waxa ay horey u wataan Kaamero iyo dad muuqaallo u duubo oo marka ay sadaqada bixinayaan sawir uga qaada miskiinka ay sadaqadu gaartey.

Marka la duubayo qof ama la sawirayo sida caadiga ah waxaa habboon haddii uusan u diyaarsaneyn qofka ama raali ka aheyn waa inaad oggolaansho  ka heshaa.

Dhallinyarada ama Hay’adaha qaar ee masaakiinta caawiyo ma ka taxaddaraan ilaalinta xuquuqda sawirka ee maskiinka baahan, miskiinkuna waxa keliya ee uu u jeedo waa deeqdaas yar ee loo taagayo, laakiin haddii la weydiin lahaa waxaa suurta gala in uusan raali ka eheyn in la sawirto eey dantu ku qasbeyso, xaqna maaha in qofka dantiisa looga faa’iideysto.

Laba hab waad u isticmaali kartaa sawirka qofka baahan adigoo oggolaansho ka helaya, inaad dadka hantida leh wax uga soo qaado iyo in aad qof sadaqo u soo dhiibay aad cadeyn uga dhigto.

Haddaba, waa wax aan wanaagsaneyn in aad sawir kaga qaadato adigoo hadafkaagu yahay kaliya dadku ineey ku arkaan inaad sadaqo bixisay.

Caawinta kuma xirna sawir in laga qaato la caawiyaha, Sadaqaduna sawir maha ee waa waxa aad baxsaneeyso.

W/Q: Xuseen Xasan Rooble Shadoor

 

DUCADA WAALIDKA WAA FURAHA JANNADA

Bari baa islaan aad u da’wayn oo dhul hawd ah ku nooleed, 1wiil oo ay aad u jecleedna ilma ka dhashay , waxaa kadeeday wiilkeedii oo ahaa mid aad u dhib badan oo mar walba lug-goyn jiray ficilo aanay ku farxin si joogto ah u samayn jiray.

Maalin maalmaha kamida ayadoo uu qorshuhu yahay ; in barito la hayaamo oo deegaanka oo markaa colaad iyo abaar isku darsaday laga digo-rogto, ayuu 1-kii rati ee uu reerku ku guuri lahaa asagoon kala tashan gowracay oo birta ka aslay.

Markay ogaatay inuu ratigii qalay reerkuna wuxuu bari ku guuro aanu haysan, ayay aad u xanaaqday markaa bay tiri ” maandhow habaar kale kuuma quuree idman alle kaa buubyoo” ,

isla galabtii ayaa reerihii cadow soo weeraray, dhamaan waa lawada cararay asaguse waa dhaqaaqi waayay oo lug ayuu ka kabaabyoonayay, cadowgii ayaana ka daba yimid meeshii ku dilay.

sidoo kale cadowgii waxa ay bilaabeen in ay bili liqeystaan aqal somaligii reerka goobta oga carareen sidoo kale waxa ay qaateen wixii alaab ahaa oo goobta looga cararay.

reerkii ayaa soo gurya noqday kadib markii ay cadowgii goobta iskaga tageen,

waxaana ay lakulmeen wax ay aad ula yaabaan oo ay kamid yihiin maamadii da’da weyneed wiilkeedii oo ay habaar u quuri weysay oo goobta lagu dilay,

Sidoo kalena waxaa ay lakulmeen gurigii ay ku hoyanaayeen oo la bili liqeystay oo cadowgii goobta raad xumo oga tagay.

-dulucda sheekadu: waxa ay ku saabsanatahay waa inaanu habaar waalid yaraan iyo waynan lahayn, loona baahanyahay in waalid mar walba baari loo ahaado oo laga ducaysto.

   

W/Q Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

 

 

MA OGTAHAY FADLIGA IYO FAA’IIDADA LAGA HELO BISHA RAMADAAN

Bisha Ramadaan waxay leedahay fadli gaar ah oo aanay la wadaagin Bilaha kale, waa Bisha 9aad ee Bilaha Hijriga, waa Bishi lagu soo dejiyay Nabigeenna Muxammad N.N.K ha ahaatee Qur’aanka Kariimka, waxaa ku jira Bishaan Habeen ka Fadli badan Kun Habeen.

Bishaan waxay Fadli aad u weyn iyo maqaam sare ku leedahay Diinta Islaamka, soonkeedu wuxuu waajib ku yahay dhammaan Musliinta inta Ahliyada Wujuubka u sugnaatay, waa Tiirka Afaraad ee Tiirarka Islaamka.

Fadaa’isha Bishaan waxaa ka mid ah in uu Eebe ku gaar-yeelay in la soomo, wuxuu sidoo kale ka fadilay Bilaha kale ee Sanadka, waxaa ka mid ah fadliga bishaan:

1) waxaa la soo dejiyay Qur’aanka Kariimka iyo Dhammaan Kutubta Samaawiga, sida ku cad Aayadda 185 ee Suuradda Baqara. Xadiiska uu wariyay Waa’ilah Bin Al-asqac wuxuu dhigayaa: in la soo dejiyay Bishaan Suxufti Ibraahim, Towraad, Injiil iyo Furqaan(Qura’aanka).

2) Waxaa la farad-yeelay Soonka, waxaana la waajibiyay Sanadki 2aad ee Hijriga.

3)  Waxaa la furaa Bishaan Albaabada Samada iyo Albaabada Jannada.

4) Waa Bisha Towbada iyo dembi dhaafka.

Wuxuu tilmaamayaa Xadiis laga wariyay Abu-Hurayrah:”in Salaadaha shanta ah, Jimco ilaa Jimcaha kale, Ramadaan ilaa Ramadaanka kale ay dhaafayaan dunuubta yaryar haddii laga fogaado kuwa waa- weyn”.

5) Qofka sooma Bishaan, ku nooleeya cibaado, Habeenki Tukado, maalinti akhriya Qur’aanka isagoo ajar iyo dembi dhaaf ka dalbanayo Allaah SWT, waxaa loo dhaafaa dhammaan dembiyadiisi hore.

6) Waa Bisha naarta layska xureeyo, waxaa Habeen kasta oo ka mid ah Bishaan laga xoreeyaa Naarta Kumannaan Qof.

7) Waxaa la furaa irdaha Jannada, waxaa la xiraa kuwa naarta, waxaa la xabisaa/jeebeeyaa Shayaadiinta.

8) Ruuxa Sooman waxaa u duceeya had iyo jeer Malaa’igta Eebe, waxayna dembi dhaaf u weydiiyaa Allaah S.W.T.

9) Waxaa  ku jira Bishaan Habeenka Lay-latul-Qadarka oo ka fadli badan Kun Habeen.

10) Irdaha Jannada waxaa ka mid ah Albaab lagu magacaabo Rayyaan, wuxuu u gaar yahay dadka Sooma, marka ay galaan ayaa la xiraa, loomana ogolaado cid kale in ay gasho.

11) Qofka sooma wuxuu soonkiisu u shafeecaa Maalinta Qiyaamaha.

12) Waa Bishi Samirka iyo Dulqaadka, waayoo qodka soomani wuxuu u dulqaadanayaa gaajada iyo harraadka, wuxuu ka ilaalinaya naftiisa wax allaale iyo waxa ay jaclayd, abaal marinta samirkuna waa jannada.

13) Waa Bisha  la ajiibo ducooyinka. Qofkii Allaah barya wuxuu aqbalaa ducadiisa, sida ay inoo caddaynayso Aayadda 186 ee suuradda Baqara ee ka dambaysa Aayadaha ka hadlaya Ramadaanka ee Suuradda. Allaha S.W. wuxuu yiri marki adoomadaydu wax i waydiisanayaan waxaan ahay mid u dhow aqbala kan wax i waydiisanayo.Nabiguna N.N.K wuxuu yiri: “Sadex lama celiyo ducadooda, waa mustajaabo, qofka soomaan ilaa uu ka afuro,Imaamka Caadilka ah, iyo Ruuxa la dulmay ama madluumka ah”.

14)  Soonka Bishaan wuxuu u dhigmaa 10 Bilood soonkood.

15) Waxay dareensiisaa Muslimiinta sinnaan, maadaama ay dhammaan wada sooman yihiin, kan Hantiilaha ah iyo Faqiirkaba.

16) Waa Bisha Raxmadda, Isu-turidda iyo Daryeelka, waayoo dadka hantiilayaasha ahi waxay dareemayaan dhibaatada harraadka iyo Gaajada, waxayna ogaanayaan duruufta nololeedka ee dadka Saboolka ah.

17) Waa Bisha wax-bixinta iyo Sadaqada. Waana Bisha bixinta sadaqadu ka fadli badantahay Bilaha kale, waxa uu Nabigu ahaa mid si gaar ah deeqsi u ah Bishaan, inkastuu ahaa marwalba deeqsi, hase ahaatee wuxuu si gaar ah u bixin jiray bishaan sadaqo dheeri ah.

18) Soonku waa gaashaanka iyo xijaabka Naarta.

19) Cumrada Bishan waxay u dhigantaa Xaj, waxay la mid tahay Xaj oo kale

Bisha soon oo la cumraystaahi waxay u dhigantaa Xaj, adigoo xajiyey oo kale ayay lamid tahay

20) Xasanaadka iyo ajarka waa lalaba jibbaaraa bishan, Salaadda Sunnada ahina waxay u dhigantaa Faradka (waajibka ah).

21) Qofki Maalin kaliya ilaah dartiis u soomo ilaah wuxuu ka fogaynayaa Naarta 70 sano, ama 100 sano.

22) Qofka sooman afkiisu waxa uu ka udgoon badanyahay ilaah agtiisa miskiga ama catarka aadka u udgoon ee la yiraahdo Miskiga.

23) Abaal marinta soonku waxay gaar u tahay Allaha S.W, isaga ayaana ka abaal marsiinayaa ruuxa soomo.

24) Qofka soomani laba mar ayuu farxaa, marki uu afuro iyo marki uu la kulmo Allah S.W.

25) Allaah S.W.T wuxuu u dambi dhaafaa dadka sooman habeenka ugu dambaysa ee Bisha.

Haddaba akhristoow adigoo mahadsan ka faaiidayso fursaddaan qaaliga ah, ma ogid in ay ku soo mari soonto iyo in kale, ma ogid in aad gaari doontid Ramadaanka soo socdo,ilaali wakhtigaada,  nidaami acmaashaada, is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo kormeer shaqo ku tegey Hoggaanka Gaadiidka Boliiska

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tegey hoggaanka Gaadiidka Boliiska iyo Qeybta nabadgelyada waddooyinka ee Traffico.

Kormeerka Taliyaha ee Qeybta Nabadgelyada Wadooyinka (Traffico) ayaa daarnaa dardargelinta howlaha Shaqo, iyada oo la tixgelinayo cabashada dadweynaha.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidanka inta ay shaqadu socoto inaan loo dul- qaadan doonin wax kasta oo shaqada dhaawici kara sida muqaadaraadka iyo dhaqamada kale.

       

Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Zambia

Wasiiru-Dowladaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Dhucle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Livingstone ee Dalka Zambia uga qeyb galay shirka 8-aad ee Wasiiradda Dekadaha iyo  Gaadiidka Badda ee urur goballeedka ISCOS.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray isku xirnaanta Gaadiidka Badda dalalka barriga iyo bartamaha Afrika, Kor uqaadida xirfadlayaasha Badda iyo ilaalinta badqabka gaadiidka Badaha.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay sidii looga gacan siin lahaa ilaalinta badqabka gaadiidka Badda iyo kor u qaadida aqoonta xirfadlayaasha Badda.

     

Cali Iidow Xasan oo kaalinta labaad ka galay tartanka oroddada 1,500 mitir

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa hambalyo u diray Cali Iidow Xasan oo kaalinta labaad ka galay tartanka oroddada oo ah tartan 1500 mitir, kaas oo ka dhacay dalka Jabuuti.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, ayaa mar sii horaysay Orodyahan Cali Iidow iyo koox kale oo dhallinyaro ah ku booqday goobaha ay tababarka ku qaataan, isagoo ku booriyay dadaalka ay ugu jiraan in ay dalkooda guul u keennaan.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Dan Qaran ayaa waddo qorshe lagu horumarinayo ciyaaraha Maaratoonka oo ay Soomaaliya taariikh ku leedahay, waxaana Cali Iidow oo Soomaaliya ku matalayay tartankii Olompikada adduunka ayaa xalay ku tartamay oradka 1,500 mitir.

   

MUWAADIN KA FEEJIGNOW KHAWAARIIJTA FIRXADKA AH

Muwaadin Feejignoow xilliyada ay dagaalladu ka jiraan dalkaada iyo dadkaaga dhexdiisa ,

Mar haddii ay jiraan howgallo iyo dagaallo ka soconaya gobollada iyo degmooyinka ku teedsan caasimadda dalka ayaa waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo amniga korna loo qaado amniga  magaalamadaxda dalka taas oo laga yaabo in jihooyin kale ay ka soo galaan cadowga islaamka oo ay dhabar jebin sameeyaan, maadaama ay ciidamadu ku sii jeedaan gobollo iyo degmooyin ka fog gobolka banadir.

Sidaas darted, ayadoo ay is kashanayaan  dadweynaha gobolka banaadir iyo ciidamada qalabka sida waa iney si wada jir ah u difaacaan gobolka banaadir iyo qaybaha uu ka kooban yahay gudaha caasimadda waxaana habboon in ay hor kacaan guddoomiyayaasha degmooyinka iyo duqa magaalada xamar.

Dhanka kale, Ciidamadu waxay u baahan yihiin dhiirrigelin iyo isgarab istaag ay u  muujiyaan shacabkoodu kalsooni.

Magaalada muqdisho waxay u baahan tahay indho feejigan oo waddanimo, nabadda iyo dowladnimadu iskama yimaadan ee dad ayaa dhiigga u dadiyey oo naftooda u huray mana jirto barwaaqo meel iska ceegaagta oo aan waardiye la heyn, haddaba toddobaadkaan waxaa ku soo batay qulqulka dadka soo galootiga ah ee ka yimaada gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan waxayna leedahay qatarteeda haddii aysan jirin hubin iyo baaris ka dhan ah soo galootiga,

Muqdisho waxaa soo gala maalin kasta boqolaal dad ah oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Haddaba waa in xil la iska saaraa sidii loo maareyn lahaa amniga gobolka banaadir iyo degaamada ku dhow dhow waana in xal loo helaa dadka soo golootiga ah ee faraha badan oo dhan kasta ka soo galaya magaalada.

Gaadmada cadowga khawaariijta way nuucyo badan tahay wayna xanuun badan tahay, laakiin ayadoon lagu talax tageyn dad shacabka ah si walaalnimada soomaaliyeed oo aan dhibaato loo geysaneyn ayaa yar uga soo dhex qabo khawaarijka.

haddaba dadka soomaaliyeed ee wada dhashay ee isku asalka iyo diinta ah ayaa haddana loo baahan yahay in la sugo amniga waddanka iyo kan deegaanka gobolka baanaadir oo ah saldhiggii waddanka oo dhan iyo meesha looga taliyo oo adduunku noo aqoonsan yahay.

Haddaba, waxaan diginin iyo feejignaan u soo jeedineynaa shacabka gobolka banaadir iyo madaxdooda in ay hurdada ka toosaan oo ay iska fiiriyaan khawaariijta oo fahmaan waxa ka jira adduunka iyo dalkooda gudahiisa.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa markii firo timaado ishaada ayaa gacanta la saartaa waana dadaal iyo difaacu nafsi.

Haddaba tani waa digniin gobolka looga digayo habacsanaanta iska dhega tirka waxa ka socda dalka gudahiisa iyo siyaasadda dibadda qaybta aan ku leenahay iyo dagaallada rogaal celiska ah, Iyadoo aan la ogeyn Meesha ay duufaantani sal dhigan doonto.

Haddaba sidoo kale, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa Culeys iyo Dhib badan haddii aad aragto aqligaaga ayaa la kulmiyaa, macnaha soomaalidu waa inay gartaan inay kulmiyaan xooggooda iyo xoolahooda iyo maskaxdooda waxaa kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa Meeshii Madax jiraa Mijo loo laabaa.

Sidaas awgeed, waa muhiim in ayadoo la fiirinayo waqtiga meesha uu marayo la galo difaac nafsi iyo in lays uruuriyo.

Muwaadin, adduunku talo kama maarmo oo waxaa hoggaamiya caqliga iyo cilmiga oo is kashanaya ee iska jira waxa berri dhici kara, waxayna soomaalidu ku maahmaahdaa Geeridii galbeed laga sheego Gondahaada ka fiiri.

Sidaas darteed, u fiirso waanada iyo wacyigelinta la soco had iyo jeer Meesha ay wax marayaan iyo waxa ka jira gobollada iyo degmooyinka dalka gaar ahaan sida  dabeyluhu u dhacayaan iyo arrimaha xilligaan la taagam, ha idin deeqdo waanadu haddaad dhego wax maqla leedahiin .

WQ: Abwaan Gabayre

 

JABKA ARGAGIXISADA OO SII LABA JIBAARMAYA.

Kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa maalinba maalinka ka sii danbeysa waxaa la gaaraya jab xooggan oo awoodooda sii wiiqaya waxayna uga imaaneysaa dhanka Ciidmada xoogga dalka iyo bulshada is abaabulay ee la magac baxay dib u xureynta qeybohooda kala duwan iyo bulshada Soomaaliyeed oo ku dhiiraday iska celinta kooxda naf lacaariga ah ee khawaarijta Al-shabaab ee dhiigya cabka ah kuwaas oo lagaar siiyey jabkii ugu xoogga badnaa Abid la gaarsiiyo.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa 16 sano dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa ay ku haayeen jariimooyin xooggan oo ah Qaraxyo, dilal qorsheesan, weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheesan oo shacabka Soomaaliyeed lagu xasuuqay mudadaas 16 ka sano ah.

Jabka khawaarijta Alshabaab ayaa soo dadajisay tacadiyadii iyo dhibaatooyinka arxanka daran ee bulshada Soomaaliyeed ee ku haayeen sanado badan taasina waxa ay keentay in shacabkii ay kacdoon oo ay  heeryada gumeeysiga iskaga dul qaadeen waxayna shacabka iyo dowladda oo wada jira siiwada baacsiga kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab ee gabalkooda dhacay.

Kooxda khawaarijta ah ayaa laga saaray deegaano badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ku dhibaateen jireen dhowr iyo toban sano ee lasoo dhaafay waxaana lagaar siiyey jab xooggan oo dhankasta ah sida dhanka militeriga, dhanka dhaqaalaha iyo ladagaalanka fikir taasina waxa ay u horseeday dhiig bax badan kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay ku dhiiradaan iska celinta kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab taasina waxa ay keentay in bulshada Soomaaliyeed ay isku daydaan oo ay iska celiyaan cadowga khawaarijta ah ee dhiigya cabka ah waxaana ay Ka xoreeyeen deegaano badan oo ay Ka heesteen dalka muddo sanado badan.

Dowladdu uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federal Dr Hassan Sheikh Mahamuuud, Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare iyo xukuumadiisa waxaa Ka go an garab istaaga shacabka Soomaaliyeed ee u bareeray iska celinta kooxda khawaarijta ah ee naflacaariga ah ee Alshabaab waxaana ay ku taageereen mid dhaqaale iyo mid ciidanba waataa maanta khawaarijta laga ciribtiray deegaano badan oo dhibaatooyin ay ku haayeen in muddo ah .

Shacabka Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay markale kaca oo kaca oo heeryada kooxda khawaarijta ah iska tuura oo dabar jara oo dila meeaha aad ku aragtaan waa kuwa noodiiday hormarka, Nololsha iyo degenaashiyahaba.

Ugu danbeyn jab xooggan ayaa ku socdo kooxda naf lacaariga ah ee khawaarijta Alshabaab waana xiligooda gabal dhaca ah waana xiliga DABAR go’ooda insha’Allah waxqitiyada soo aadan waa la soo afjarayaa

DALKA EDATORIAL

——————————————————————-CIIDANKA DIB U XOREYNTA GOBOLKA SH/DHEXE OO ISKU FIDIYAY DEGAANNO DHACA GALBEEDKA MAGAALADA JOWHAR

Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal ee ay ku hayaan Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deeganada,waxana khawaarijtu hada mareysaa xaalad quus iyo kala carar kadib markii ay u taag wayeen dagaalka ay kula jiraan geesiyaasha xaq u dirirka ah ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka.

Ciidamada xoogga oo kaashanayo kuwa degaanka ayaa isku fidinayo degaanno dhowr ah oo ka tirsan galbeedka gobolka Shabeellaha Dhexe halkaa oo ay kawadaan howlgallo looga sifeeynayo kooxda khawaartjta oo mudda dheer dhibaata ku heysay shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ayaa saakay howlgal kula wareegay degaanka Jariirow oo ah degaan istaraatiij ah oo mudda ay gacanta ku hayeen kooxda khawaarijta.

Khawaarijta ayaa dhibaata kala duwan ku heysay shacabka degaanka oo ay kamid tahay ah baad joogta ah blsa geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka aaya halkaa cadawga ka saaray iyadoo aan wax dagaal ah usan ka dhicin.

Intaa kadib mas’uuliyiin uu Hoggaaminayo Abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Bashiir Mukhtaar Axmed iyo sarakiil ka ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe ayaa kormeer isugu jiray dhiirigalin iyo qimeeynta xaalada degaanka ugu tagay ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka,kuwaa oo halkaasi ku soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha degmad Gamboole ee Gobolka shabeellaha dhexe oo wafiga la socday ayaa sheegay in khawaarijta ay ka saareen degaanno badan oo katirsan gobolka waxa una digniin u diray dadka shacabka ah in aysan waxa tacaamul ah ama ajiibida amarada khawaarijta aysan qaadan.

Taliyaha ciidanka dib u xoreynta galbeedka Shabeellaha Dhexe Yuusuf Macalin isaaq ayaa dhankiisa sheegay in ay sii wadi doonaan dagàalka ka dhanka ah khawaarijta tan iyo inta laga saarayo deganada ka tirsan galbeed shebeellaha dhexe oo meela fara ku tirisa ah khawaarijtu ku dhuumaleysaneyso.

“Ninmankaa arxanka daran ee khawaarijta waxa ay nolosha u diideen dadka shacabka ah,mana ogolo wax hormar ah warka waa in aan iska dulqaadnaa ayuu yiri Taliye Yuusuf Macalin

Taliyaha saldhiga Boliiska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidanka dib u xoreynta galbeedka shabeellaha Dhexe ay culeeys weyn ka dajiyeen Magaalda jowahar ayna mudanyihin ammaan waxa uu inta ku daray in ay kala qeyb qaadan doonaan howlgalada ka billaawdaday galbeedka shabeellaha Dhexe

“Waxaad naga saarteen culeys naga heystay agaan,habeen walba walwal ayan ku jirnay marakad deganadan xoreyseen waxa naga yaraday culeyskii iyo wal walkii na heystay wadna ku mahadsantihiin” ayuu yiri Taliyaha Boliiska Jowhar

Abaanduulaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Bashiir Mukhtaar Axmed ayaa ciidamda kula dar-daarmay in sii wadaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta dhawaana laga saari doono degaanada ay ku dhumaaleysanayaan khawarijta ee katirsan galbeedka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa khawaarijta ka saaray degaanno badan oo dacay Bariga gobolka shabeellaha dhexe iyadoo uu hadda billawday howlgalka dhinac galbeedka looga saarayo khawaarijta oo mudda dhibaato ku heysay shacabka Soomaaliyeed.