Wasiirka Caafimaadka XFS oo dalka Qadar uga qeyb galay shirka Badqabka iyo tayeynta Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar uga qeyb galay shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad,(Middle East Forum on Quality & Safety in Healthcare).

Madasha bariga dhexe ee tayada iyo badbaadada daryeelka caafimaadka oo lagu qabtay magaalo madaxda dalka Qatar ee Dooxa ayaa la isu keenay in ka badan 3000 xirfadlayaal daryeel caafimaad oo ka socda gobolka iyo adduunka oo dhan, si loo xaqiijiyo xal u hellida iyo bedqabka Caafimaad ee bulshada caalamka oo dhan.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay madax badan oo kasoo qeyb gashey shirka, isagoo kala hadlay iskaashi ku aadan horumarinta caafimaadka, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameyna caafimaadka, iyadoo uu sidoo kalena dalalka qeybahooda Caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadlay taageerada qeybta caafimaadka Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka dalkeena maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah uu u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh, iyadoo la raacayo hiigsiga hirgilinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka caafimaadka.

   

Guddoomiyaha golaha shacabka oo soo xiray kalfadhiga labaad ee golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa hadal kooban ka jeediyay xarunta golaha ayaa dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan Dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Ajandaha kulanka ee maanta waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo.

         

Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga oo guddoon cusub doortay

Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga, ayaa maanta doortay guddoonka guddigaas.

Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah  kana dhacday xarunta Villa Hargeysa  ayay ku doorteen xubnaha guddigan.

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga, halka ku-xigeen loo doortay Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cumar Macallin xoghayaha guddiga loo doortay.

Xubnaha la doortay ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

    

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Fanaanada Qaranka Aamina Cabdillaahi Xirsi

Alle ha u naxariisto Aamina Cabdillaahi Xirsi oo ka tirsaneyd fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Boorama.

Aamiina waxay ka mid ahayd hablihii fanka ku biiray bartamihii 1960-yadii, waxayna sidoo kale ahayd heesaa iyo majaajilayste.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo guud ahaan howlwadeennada wasaaradda ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee fanaanada Aamina Cabdilaahi Xirsi, waxayna murugada iyo xanuunka la qaybsadeen qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ka baxday Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi.

Shir looga hadlayo ballaarinta Idaacadaha DF,DG iyo gobolka Banaadir oo ka furmay Kismaayo

Shirka wadatashiga ballaarinta Idaacadaha Dowlad Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.

    

JAALIYADDA QAARADDA YURUB OO KULAN LAGU GARAB ISTAAGAYO DIB U XORREYNTA DALKA LA YEELATAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay garab istaaga iyo saaxiibtinadda faca weyn ee dalka Talyaaniga taasoo laga xusi karo dhismaha Jaamacadda Ummadda iyo soo dhaweyntii Soomaalida magangalyada u timid Talyaaniga, madaxdooda markaan la kulanayna waxaa ka go’an wada shaqeyn iyo hiilo ah garab istaag, iasagoo kaga mahadceliyey xiriirka soo jireenka ah ee laba dal.

Kalmada saxda ah ee aan ugu yeereyno argagaxisadu waa Khawaarij ee shabaab maaha, shabaab waa dhalinyarro, khawaarij macnaheedu waa kuwii diinta ka baxay, sifo sharci ah ayuu wataa magaca Khawaarij oo uu Diinta dhexdeeda ku leeyahay.

Mashruucii ahaa hal doolar dalkaaga ku dhiso hadda waxaa loo beddelay hal doolar dalkaaga ku daafac, hal doolar maanta qof waxba uma tarro balse malaayiinta Soomaaliyeed markay isku soo daraan waa wax badan bulsho dhan ayeyna wax tartaa, hayareysan hana saluugin.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadaha ku dhiirigeliyey in aanan la joogin wakhtigii gadaal laysku dhigi lahaa, waxaan rabnaa dhaqanka, kala dambeynta iyo wanaagga aad dalalkaan ku joogtiin in aad u sheegtaan dadkiina qaanuunka iyo kala dambeynta ay leedahay Dowladnimadda, calankaas buluugga ah waa in aan qiimihiisa ilaalinaa kaas ayuu adduunka inagu garanayaa oo ah astaanteenna, miyiga markaan joogno xoolaha summad ayey noo leeyihiin sow maaha innaga summaddeenna waakaas, ee aynu ilaashano, calankaas maalin walba wiilal Soomaaliyeed ayaa u dhinto iyagoo xabadka ku wato meelaha ay xorreeyeenna ka taagayo kana siibayo kii madoobaa ee Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Jaaliyadaha in ay carruurtooda baraan Diint, Dhaqanka, Waddaniyadda iyo Af-soomaaliga, wuxuuna ballan qaaday in meel walba oo ay Soomaali degto iskuulo Afka Soomaaliga ah looga furi doono si aanay ubadkeeno luuqadda ugu lumin.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Jaaliyadda ugu war bixiyey xaaladda uu dalka marayo iyo dib u xorreynta deegaannadda iyadoo guulo badan laga gaaray cadowga ummadda Soomaaliyeed ee UGUS, taana waxaa u sabab ah shacab iyo Dowladdooda uu is garab saday kuwaasoo si layaab leh shabaabka u ugaarsaday, har iyo habeen waxaa daba joogo Khawaarijta niman la yiraahdo Macawiisley oo hargal u diiday diyaarna u ah in ay geed walba la galaan ilaa laga waayo cadow, Macawiisleyda macno badan ayey ku fadhiyaan waa xorreyayaasha maanta iyo booliiska berrito ee deegaanka sharci iyo kala dambeyn ku haayi lahaa weeye, idinkuma garab iyo gaashaan ba waa la idinka rabaa, in aad dalkii hiil iyo hoobba gaarsiisaan.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyey dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan qaaradda Yurub wuxuuna sallaan gacaltooyo u diray guud ahaan Soomaalida qurba-joogta ah.

WQ:  Cabdiweli Daljir

 

 

 

TUUGSI IYO TAAKULO AADMIBA MIDNA LAGUMA TANAADO

Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxaa dalkeena ku habsaday dhibaatooyinka ka dhashay dagaallo sokeeye oo aan anaga qudheenu iba-furkooda lahayn, hayeeshee aanu afarkooda awoodi kari waynay oo aanu illaa maanta la tiicayno.

Abaaro, bara-kac joogto ah, cudurro, fahaado, sicir barar, biyo la’aan iyo baad yari, iyo dac-darro dad iyo duunyoba basarkii iyo bahdii ka dishay ayaa kaalimaha hore kaga jira waxyaaba aanu collaadaha ka dhaxalnay oo miyi iyo magaalo bulshadii baylahda dhan walba ah u horseeday.

Hooggii iyo hagaaskii dhibaatooyinkaas ka dhashay ayaa kumanaan soomaali ah  ku riixay inay dalaabaan oo ay dalal shisheeye u tacabiraan nolol feecan baadi goobaya, carrigooda hodankaana ay jinnigii  isha caddaa ka nebcaadaan  oo isaga huleelaan.

Socdaal ay halis baaxad lihi ku gadaamantahay oo dhimasho iyo dhur xumo kale leh ayay isku biimeeyaan ayagoo halku-dhaggii caan baxay oo ahaa ” ama yurub ama yaxaas” laabta ku qabowsanaya oo aan miyir iyo maamin kale toone lahayn.

Kuwaa buufiska baahida huwane qaaday garanaye, waxaa ayaguna jira qaar ay abaaraha iyo fatahaaduhu cayrteeteen ama deegaankoodii collaad uga bara kacay oo magaalooyinka buushash iyo cooshado ka ag waabtay, yididiilladooduna ay ku soo ururtay kaalmada danaha shisheeye ku daaban ee ay hay’aduhu bixiyaan.

Qaarkood qabkii iyo iimaankii ayaaba ka dhintay markaa bay baryadii Illaahay iyo maciinsigiisii ka hormariyeen tuugsiga iyo gacma hoorsiga faranjiga, marka  noloshooda ka waramayaanna ka billaabaya “waanu  dhibaataysannahaye hay’aduhu si deg deg ah ha nooga soo gaareen”.

Ayaga qura ma ehee soomaalida oo dhan ayuu dawarsigu meherad u noqday oo qolo waliba waxay ku leeyihiin keligeen waxba ma qabsan karno haddii aynaan taageero helin oo aan waxaa iyo waxaa laynaga gacan siin, caalamkuna inoo soo gurman.

Warbaahintu markay qof abaar, fatahaad ama collaadi saameysay wareysanayaan wuxuu yidhaahdaa” waxaan baaq u dirayaa hay’adaha caalamka, haddii aan si deg deg ah laynoogu soo gurman waxaan qarka u saarannahay inaanu gaajo iyo harraad u baaba’no iwm”.

Dhawaqyada caynkaas ihi waxay kansho dhaqaale u noqdeen boqolaal urur oo magaca soomaaliyeed qaaraanno badan ku aruursada, magaallo walbana intay xeryo iyo daashad ka samaysteen yidhaahda dadka tabaalaysan ayaan u gargaaraynaa.

Kooxahaasi dhowrkii biloodba waxay soo saaraan warbixinno ay ku sheegayaan in dalka soomaaliya uu halis ba’an wajahayo, loona baahanyahay in in malaayiin doolar loogu deeqo si noloshada dad badan loo badbaadiyo tusaale waxay dhahayaan” 2.5 malyan oo soomaali ah ayaa macaluul la il-daran, haddii aan deg deg loogu soo gurmanna dhimasho ayay qarka u saaranyihiin”.

Howlaha caynkaas ah ayay 30 sanadood ka badan ku caano maalayeen, mana muuqato tab iyo xeelad looga gudbi karo qorshahan bah-dilaadda xambaar oo astaanta saboolnimada mageceenna ku ladhay.

Waa run oo haddii ay dhibaato culuse inagu habsato waan u baahannahay garab istaag iyo gacan siin, balse ma aha inaanu abbaar iyo aaranba u hanqal taagno sandareerto iyo deeq yaroo dullinimo huwan, tabcashada iyo isku tashigana inaga hor istaagaysa.

Haddaba waxaa habboon inaanu dhammaanteen xoogga saarno sidii aanu maskaxdeenna iyo muruqeenna u maali lahayn, cuuryaanimada iyo cindi xumaanta maankeena  ku dahaaran oo wax-qabsiga noo diidanna aanu iska tirno oo isku tiirsanaan iyo tanaadnimo  u tafa-xaydanno.

W/Q: Abwaan Hareeri

 

SHUMACII AQOONTA LA SHIDAY SHARWADOW SHURUGGA KU RAAC

SAWIRKA GOOB JOOG

Waxaa mar labad soo laba  kacleyey waxbarashada waddanka soomaaliya waxaana aas aas u ah wasaaradda waxbarashada oo diyaarisay maclliimin kasoo baxay jaamacadda ummadda soomaaliyeed

oo si weyn lo xulay kuwaasoo noqon doona macallimiinta hoostaga wasaaradda waxbarashada ee dalka

soomaaliya waxaana loogu tala galay in ay wax ka dhigaan  dugsiyada waxbarashada ee dalkasoomaaliya wasaaraddu waxay ka qayb qaadataa difaaca dalka iyo waxbarashada dadka soomaaliyeed mid yar iyo mid weyn waayo dalka waxaa difaacikara qofkii waxyaqaan ee ma difaaci karo qof jaahil ah dalkiisa iyo

diintiisa    Khawaariijtu waxay ummadda soomaaliyeed kaga faa’iideysatay dhanka diinta markii ay ogaatay in ay tahay Meesha ugu sahlan eel aga geli karo oo ay dadku ka jilcan yihiin, marka haddii dadka sidaa wax u wada ogyihiin manta ma dhacdeen waxa dhacay.

Dowladda federaalka oo arrintaasi ka duuleysa oo aragtay waqtiga dhumay iyo dayaca jira ayaa waxay qabtay shir heer qaran ah oo ay ka wada qayb galeen golayaasha dalka oo dhan sidaas awadeed waxaa dib mar kale dib u soo laabanaya aqoontii ardayda dalka soomaaliya waxaana soo muuqanaya iftiinkii iyo muuqaalkii bilicda lahaa iyo lebiskii dugsiyada waxbarashada soomaaliya waxayna macallimiintu ay ahaayeen furihii maskaxda dalka soomaaliya.

Ardayda Soomaaliyeed waxaa lagu xasuustaa ololihii horumarinta reer-guuraaga ee dalka laga sameeyey oo ay hirgeliyeen golahii sare ee kacaanka oo dalka muddada dheer haystay runti waxay aheyd waxyaalkii ay ku guuleysteen dowladdii dhexe ee uu madaxda u ahaa janaraal maxamed syaad barre taasoo weliba wabarashada ka dhigay lacag la,aan waana wixii ay soomaalidu ka mideysneyd illaaa iyo markii ay dhacday ama burburtay.

runtii arday aad u badan oo dowladdu ay soo baratay ayaa  wasaaraddu gacanta ku heysay waxayna hoos tegi jireen oo difaaci jiray xaquuqda macallinka

guddoonka waxbarashada oo hoostegi jiray wasaaradda waxbarashada waxaana hadda soo baxay muuqaal lagu farxo oo mar kale sare u qaadaya waxbarashada shacabka sooomaaliya.

guul ayey u tahay in mar kale dib loo soo nooleeyo aqoontii dalka soomaaliya iyadoo diyaarinayo macallinmiin taya sare leh oo jaamaciyiin ah

Haddii aan aqoon jirin ma jireen iftiinka dunida kaas oo lagu kaashado akhilga qof kasta ilaahey hibada u siiyey oo lagu tilmaamo maskaxda iyo dheehashada indhaha oo iyagoo hawada sare ku fallaara bixiya kana mid ah meerayaasha jahooyinka oo dhan ku meereysta oo aan laheyn ruxasho iyo bood bood la Garan karo midna.

Haddaba,  aqoontu wuxuu saldhiggeedu yahay qaybaha kore ee maskaxda aqoontu waa iftiinka wax lagu arko aakhirana lagu dhowrsado adduunkana wax lagu dhaqdo.

Sidoo kale, aqoonta waxaa neceb iyo akhligaba dadka doonaya in ay ku noolaadaan boob iyo xaq dadka iney iska qaataan waayo dabaalku akhli madoonayo wuxuu ka horjoogsanaya wixii uu doonayey oo baadil raadinta ahaa

Dhanka kale, waxaa la mid ah khawaariijta burcadda ciyaal weerada tuugada iyo sakhajaan oo dhan marabaan in ay dadka wax fahmaan ama uu koro garaadkooda wuxuu rabaa inuu dhaco si daciifnimo ah isagoo u arka in aad jaahil ka tahay wuxuu doonayo.

Haddaba,  aqoonta iyo akhliga wanaagsan waxay sheegayaan in waddada toosan ay ku jirto waxbarashada iyo aqoonta, sidaas darteed aqoontu waa iftiinka wax lagu arko ee hallagu dadaalo waxbarashada dalka ,

WQ: Abwaan C/salaam Gabeyre

 

TAARIIKHDA DHAQAALAHA SOOMAALIYA

Soomaaliya wax-soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda , waxayna soo saari jirtay waxyaabo badan oo kala duwan, sida sonkorta, hilibka, caanaha, qudaarta, miraha iyo waxyaabo badan oo la tiri karin. Soomaaliya waqtigaas waxay ahayd  waddan aad loogu soo dalxiisi jiray, oo dhaqaalihiisa kor u socday.

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xooggan bariga afrika. Wadamada ee Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ee dariska yihiin iyo kuwa yurub iyo aasiya.

Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaalada aan dhammaadka lahyn iyo qalqal siyaasadeed. Run ahaantii waddan aan dowlad laheen, dhaqaalihiisa iyo ganacsiga ma socon karaan, laakiin somalia ilaaheey amarkiis ganacsiga wuu sii socday, sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, ganacsatada oo  ku dadaaleen in uusan wadanka joogsan dhinaca dhaqaalaha .Maanta Sirdoonka Mareykanka waxay  soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya oo kor u socdo, waxaa wadamada kale loo diraa, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somalia laga dhoofiyaa ariga, laxda geela iyo Lo’da . Sida ee sirdoonyaasha mareykanka ee sheegayaan, Soomaaliya ayaa bariga afrika ugu dhoofis badan dhinaca ariga , geela ama lo’da.

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga .

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryar yihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado iyo Miraha inta ay qaadaneeso:

Galayda 70 beri, Masagada 99 beri, Sisinta 90 beri, Mooska 199 beri, Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri, Babayga 99 beri, bataatiga 199 beri, Lowska 150 beri, Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha ka baxa dalkeenna:

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Baddaheenna:

Wax-soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo bilaabo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

 WQ: Axmed Muuse

 

GANACSIGA SOOMAALIYA OO HORUMAR SAMEEYNAYO

Soomaaliya waxaa Ka jiro hormarro ganacsi oo ay sameenayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku kula sugan dalka iyo dibadaba waxaana laga dareemayaa horumarrada ganacsi suuqayada waa weyn ee dalka gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo ah isha isku xirta Ganacsiyada gobolada dalka qaar.

Bulshada Soomaaliyeed waa dad aad ugu fir fircoon dhanka ganacsiga waxaana ay kaga dheereeyaan ganacsiga wadamada dariska ah taasina waxaa kuu cadeeneyso in ganacsatada Soomaaliyeed ay hormaro ganacsi ay kasameenayaan wadamada Kenya , Ethiopia Uganda iyo wadamo kale.

Marka aynu imaano magaalada muqisho waxa aad arkeysaa hormarada  ganacsi ee baaxada leh ee Ka jira gudaha caasimada oo ay sameenayaan bulshada ku nool caasimada dalka.

Hormarka ganacsiga ee soomaaliya marka aad eegto waxaad arkeysaa isbadal xoogg leh ee Ka muuqdo dalka oo dhankasta ah sida bilicda dalka isbadal xoogg leh ku yimid dhaqaalihii dalka oo kordhay, ganacsiyadii oo hormaro sameeyey iyo dowladdii dhaaqaalo xoogg leh Ka hesho ganacsiga.

Dowladda waxa ay ku tirsanahay cashuuraha laga soo ururiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka sababtoo ah dowladdu waxa ay dowladd ku tahay waa shacabkeeda , shacabkeedana haddii ay hormar dhaqaale oo dhankasta ah sameeyaan waxa ay Ka dhigantahay in dowladdaas ay hormar baaxad leh ay sameen karto sida in dowladdu ay sameeso kaabayaal dhaqaale, hormarinta awoodda dowladd nimo , kobcinta dhaqaalaha , bixinta waxbarasho free ah, bixinta daawo bilaash ah iyo mushaar bixinta shaqaalaha u shaqeeya dowlada dhamaan qodobada kor aan ku soo xusay waxa ay imaanayaan oo kaliya hormar dhaqaale oo taabagal ah marka uu leeyahay dalka.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay sii laba jibaaraan hormarkooda ganacsi sidoo kalena waxaa looga baahan yahay in ay layimaadaan ganacsiyo qaas ah (unique) oo lagu garto oo galiya mijtamaca Soomaaliyeed in ay iyaga sameeyaan ganacsiga qaaska taasina waxa ay sharaf u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho iyaga oo soo arkay dhibaatooyin badan sida dowladdii oo Ka burburtay , colaado daba dheeraaday iyo dhibaatooyin badan dalka iyo dibadaba Ka qabsaday balse shaqadooda ganacsi bulshada Soomaaliyeed marnaba ma joojin taasina waxa ay kuu muujineysaa dhabar adeegooda iyo kartidooda iyo hormarada ay gaareen, dowladdu waxaa looga baahan yahay in ay garab istaag xooggan ay u sameeso ganacsatadeeda hormarada dhaqaale sameeyey taasina waxa ay keeneysaa ganacsatada Soomaaliyeed ay dareemaan in ay heestaan dowladd adag oo garab taagan ilaalineysana hantidooda iyo badqabka noloshoodaba.

Ganacsiga oo marba marka kasii danbeysa guuleysta waxa ay Ka dhigantahay dalka iyo dadkaba in ay guuleysteen oo ay najaxeen.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan