KHEYRAADKA IYO BARAKADA BISHA RAMADAAN

Sannad kasta bilaha muslinka waxaa ku jira bil la yiraahdo bishii cibaadada iyadoo mar kasta iyo bil kasta la iska doonayo cibaado aan barax laheyn oo ilahey nagu addoonsaday ayaa bishaan ramadaan eebbahey  waxaa uu siiyey magac iyo awood ka sareysa bilaha kale, markaas ayaa haddana uu ilaahey ku yiri addoomadiisa aniga ayaa iska leh abaal marinteeda iyo xogta Bishan.

waxaa cajiib ah in ilaahey isagoo koonkoodhan iska leh ayuu  haddana si gaar ah u sheegtay bishaan ramadaan  si weyn uga halay.

hadaba haddii ay sidaas tahay waxaa nalooga baahan yahay in aan u diyaar garoowno soddonka maalmood oo khayrka badan ee bisha ramadaan iyo maalinta iyo habeenka ku dhex jira ee lagu magacaabo leylatul qadriga ilaahoow  nawaafaji adiga iska leh oo helikara.

Haddaba, waxaa habboon  inla soo dhoweeyo  oo qalbiga iyo ficilkaba si

wada jir ah waana bishii ay ka faa,iideysan jireen dadka ilaahey waxsiiyey waana bishii dadka muslinka ah oo rabbi uu wax siiyey ay afurinjireen masaakiinta iyo kuwa xoogga leh ee aan waxba heysan waayo xooluhu waa imtaxaan waxaa laguu siiyey inaad xilka iyo waajibaadka kaasaaran waayo dadka oo dhan wuu siin karaa waanalagu fiirinayaa ee ka faa,iideyso bisha ramadaan walaalaha muslinka ahoow kuna talagal in aysan bishaan dib kuu soo mareyn.

lama hubo inaad gareyso kuwa kale ee soo socda, soomaalida waxaa lagu yaqiin deeqsinimo iyo wax isasiin is jaceyl iyo hiillin waan dad qalbga hodon ka ah laguna tilmaamo ummad dhaqan wanaagsan.

Waxay wadaagaan asalka dhaqanka iyo deegaanka weliba diinta oo ma ahan dad ay ku dhex nool yihiin dad diimo kale haysta oo sheegta diimo kale taasuna waa nimco u gaar ah dadka soomaalida ah.

Haddaba, waxaa habboon in si weyn loogu diyaar garoobo bishaan ramadaan ee kheyrka badan waxaana aad u nasiib badan

qofkii ilaahey isugu daray xoolahii caafimaadki iyo bishaan ramadaan u soo gashay.

Laakiin, waxaa ayaan darro ah in adigoo intaas la isugu kaa daray in aad  haddana  aad garan weydo barwaaqada kala duwan oo boqorku kugu manneystay oo naf iyo sheydaan kugu yiraahdaan weligaa ayaad waxaan heysaneysaan ama

aad ku dhexjireysaa ee ha dhiibin ka dibna adigoo xoog iyo xoolaba kaa dhammaadaan,  waqtiga ayaa kuu imaanayaa sidaas wixii shalay adigoon waxba ka heyn sidaas darteed waqtigaada ku xisaabtan inta aan lagu xisaabin.

Sidaas darteed, yey kula tegin saacadaha kooban ee maalmaha adduunyada waana inaad ka faa,iideysataa xooggaaga iyo xoolahaaga iyo caafimaadkaaga inta dunida aad dhex mushaaxeyso oo ah waqti aad u yar.

wax u dhigo safarka dheer ee  aakhiradaada inta aad ku nooshahay dunida guudkeeda, diyaarso deeqdii bisha ramadaan aad kaga faa,iideysan laheyd  barwaaqada lagu sheegay barakada badan oo ilaahey ammaanay ka

faa,iideysta xoolahiinna  bixiya oo u diyaar garooba walaalayaal waa bishii kheyrka badneyde qof kastuu isku day inaad afuriso deriska aan waxba heysan intii aad kari karto.

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

Shamso” Al-shabaab waxay dileen Aabahay, Walaalkay iyo Adeerkey, waliba lacag baad ah ayay na dul dhigeen,”

Shamso Maxamed Ceel Jooge, waxay dhibane u tahay Kooxda Khaawrijta Al-shabaab, waxayna ka dileen Aabaheed, Walaalkeed iyo Adeerkeed, intaas ugama sii harin ee waxayna dul dhigeen lacago baad ah oo gaaraya 7-kun oo dollarka Mareynkanka.

Shamso hadda waxay qeyb ka tahay ciidamada dib-u-xoreynta galbeedka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay argagixisadu ku wajaheyso ciqaab adag oo ka dhalatay caburin iyo gumaad joogta ah oo ay shacabka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ku hayeen.

Sidoo kale, Shamo Maxamed Ceel Jooge oo ah gabadh dhiiran ayaa ka qeyb qaadatay howlgallo ay ciidamada dib-u-xoreynta kula wareegeen deegaanno badan oo dhaca galbeedka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Mar ay warbaahinta qaranka la hadahay Shamso waxay sheegtay in iyadoo ganacsato ah ay door biday in cadowga mahadhada ku reebay ka difaacdo nafteeda,maalkeeda iyo waliba walaalaheeda kale ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Shamso waxay gabdhaha kale ee asaageeda ah ugu baaqday in ay yimaadaan furimaha hore ee cadowga lagula dagaalamayo, halkaas oo ay taalo xaqiiqda dhabta ah ee lagu wajahayo kooxda Khawaarijta ee banneystay dhiiga ummadda musliimta ah ee Soomaaliyeed.

“ Dowladda sharafta leh ee maanta halkan nagu soo salaantay, Wiilasheenna macaawisleyda, ciidamada kale ee dowladda waa mahadsan yihiin, aniga Al-shabaab Aabahey ayay dileen ma garatay, god Allaala iyo godkii ay galaan inaan uga daba gala ayaa jeclahay,wiil iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed oo Al-shabaab godob ka gashay ha imaadaan ayaa dhihi lahaa,” ayay tiri geesiyad Shamso Maxamed Ceel Jooge.

Waxay hadalkeeda intaas ku dartay in aysan dib u laabaneyn, islamarkaana argagixisada halkii ay gasho uga daba geli doonto. Khawaarijta ayaa sidoo kale, dhacay hantida qoyska ay Shamso ka soo jeedo sida ay markale sheegtay.

“ Dhibaato badan ayay inoo geysteen, Geel waa naga dhaceen,Aabahey oo maskiin ah oo ganacsanaayo ayay dukaankiisa ku dhex dileen, intaas oo ciidan ayay ku soo weerareen, wax arxan oo ay inoo sameeyeen malahan, Aabahey xittaa marka ay dileen 7-kun oo dollar oo baad ah ayay naga qaadeen, Adeerkey iyo Walaalkey xittaa waa ay dileen, asxaan nooma falin Al-shabaab aan iska reebno,”.

Dhibaatada argagixisada ay u geysato Shacabka Soomaaliyeed waa bad, waxayna hadda dhadhimanayaan qaraarka natiijada ka dhalatay falalka guracan ay Bulshada ku hayeen.

Waxaa hadda ku socdo dagaal xooggan oo u jeedkiisu uu yahay sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada fara ku tiriska ay ku hareen. Ciidamada xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgallada lagu naafeynayo argagixisada loogana hortagayo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo dalka Qatar kula kulmay dhiggiisa dalkaasi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay Wasiirka Caafimaadka ee dalka Qatar Dr Hanan Al-kuwari

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay qodobo dhowr ah sida mataaneynta labada wasaaradood, tababaradda iyo fursad siinta Shaqaalaha Caafimaad, taageeridda taqasusyada dhaqaatiirta, gaarsiinta adeeg Caafimaad deegaannada la xoreeyey, iyo in ay naga taageeraan Ambalaasyo, qalabka Isbitaallada iyo dib u dhiska howlgelinta Isbitaallada waaweyn ee aan adeeggoodu dhameystirnayn.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden iyo dhiggiisa dalka Qatar Dr Hanan Al-kuwari ayaa isla gartay in kulamo kale ay isugu yimaadaan si loo dardargeliyo hirgelinta waxyaabaha leysla soo qaaday.

Dr Ali Haaji Aden Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Hay’adaha Caafimaadka dalkeena waxa uuna bogaadiyey qodobadii kasoo baxay kulanka dhexmaray asaga iyo dhiggiisa dalka Qatar si loo gaaro yoolka horumarineed Caafimaadka dalkeena.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun Qisaas ah ku fulisay Laba askari

Maxkamadda Ciidamada Qalab sida Soomaaliya ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur oo kol hore lagu xukumay dil.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur ayaa waxaa uu Midna hore u Dilay xaaskiisa halka kan kale uu Dilay askari ka tirsan Boliiska.

Aroornimadii hore ee saakay ayana lagu fuliyay Qisaaasta oo ka dhacaday Cara tuurka oo ah woqooyiga Magaalada Baydhabo

Ciidamada Boliiska qeybta guud ee Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay koox burcad ah

Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Deegaanka Ceelasha Biyaha oo sameeyay Howgal amni xaqiijin ah ayaa gacanta ku soo dhigay tiradii ugu badnayd oo ka mid ah Ciyaalweerada ah kuwaas oo watay Tooreeyo, baangado islamarkaana ku howlanaa dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa Kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-geelle ee Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana Dhammaantood lagu soo xiray Saldhigga Deegaanka.

Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan si amaanka Bulshada u noqda mid sugan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGANDA TABABAR UGU SOO XIRAYA CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMADA QALABKA SIDA

Kambaala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalkan Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed oo si naf hurnimo leh u wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dhiiggoodana u huraya xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee Ciidamadeennu ay ka soo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

   

Wasiirka Qorsheynta XFS oo soo dhoweeyay Wafdi ay hoggaamineeyso Wasiirka Maalgashiga ee Suudaan

Wasiirka Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo Galabta Garoonka ku soo dhoweeyay Wafuud ay hogaamineyso Ahlam Madani Mahdi, Wasiirka Maalgashiga & Iskaashiga Caalamiga ah ee Sudan.

Soo dhoweynta wafuuda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Qorsheynta, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Madaxa Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, Agaasimaha Dhiirigelinta Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta XFS iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Qorsheynta XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ka hadlay soo dhoweynta wafuudda ayaa in labada dal ay wadaagaan xiriir ku qotoma maalgashiga iyo Ganacsiga.

Ahlam Madani Mahdi, Wasiirka Maalgashiga & Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan oo munaasabadda hadal ka jeedisay ayaa ka mahadcelisay soo dhoweynta waxaana ay hoosta ka xariiqday istaraatijiyadda cilaaqaadka iyo Maalgashiga labada dhinac.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashaneysa Wasaaradda Ganacsiga XFS ayaa casuumaad u fidiyay wafuudda Suudaan si ay uga qeyb galaan shirweynaha labo geesoodka ah ee Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan kaasi oo maalinta 19-ka March oo berri ku Beegan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu wehliye Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa dib ugu soo laabtay caawa magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo kaga qaybgalay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Wasiirka Awqaafta ee Masar oo soo xiray aqoon is-weydaarsi loo qabtay wafuud ka socda Warbaahinta dowladaha Islaamka

Wasiirka Awqaafta ee dalka Masar Drohamed Mukhtar Juma, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi loo qabtay wafuud ka kala socotay  warbaahinada dowladaha Islaamka oo Soomaaliya ay ku jirto Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Mudadii 10 maalmood ahayd ee uu socday dood cilmiyeedkaan, waxaa looga hadlayay dowrka warbaahintu ay ku qaadn karto dhinca horumarka, nabadda, dowlad wanaagga iyo in bulshada islaamku ay ka fogaadaan ficillada la xiriira xagjirnimada.

Dalalka ka qeyb galay waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Suudaan, Algeria, Liibiya, Sucuudiya, Cumaan, Yemen iyo Chad.

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 3 qof iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 13 qof iyo dad taagan

Howlgal lagu baacsanayay Khawaarijta oo laga sameeyay gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland iyo ciidamada howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hawlgal ka sameeyay deegaanada Cali Bulay, Dhagax iyo Shabaax oo hoos yimaadda degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu baacsanayay kooxaha Khawaarijta Al-shabaab, ka dib markii Ciidamada ay heleen xogta goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale, Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada Dhoobley iyo kuwa ATMIS ayaa baaritaanno kala duwan ka sameeyay waddooyinka muhiimka ah iyo tuulooyiinka ku teedsan deeganadaasi.

Taliyaha ciidanka nabad sugida dagmada Dhooblay, Kabtan Cabdulaahi Ibraahim Cadde oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta dowladda Jubbaland u xaqiijiyay in ay hadda nabdoonyihiin dhammaan deeganadii ay ka sameeyeen howlgalka.