Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha

Wasaaradda Maaliyadda oo kaashaneysa hoggaanka Hey’addaha Garsoorka ayaa xeer ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha iyo Khidmada Diiwangelinta Qareennada.

Kaddib kulan wadatashi ah oo ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Ururka Qareennada, ayaa waxaa ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xeer-nidaamiye ka soo saartay Ajuurada (Lacagaha) laga qaadaayo adeegyada garsoor oo ay bixiyaan Maxkamaddaha Dalka, Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ee laga rabo Qareennada.

“Maanta waa maalin taariikhi ah, maadama Wasaaradda Maaliyaddu, oo si dhaw ula shaqaynaysa hoggaanka Hay’addaha Garsoorka, wada-tashina la yeelatay Ururka Qareennada, ay soo saartay Xeer-nidaamiyaha Ajuurada Maxkamaddaha, iyo Khidmada Diiwangelinta iyo Midda Sanadlaha ah ee Qareennada”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda,  Dr. Cilmi M. Nuur.

Xeer-nidaamiyahaan ayaa waxa uu si cad u qeexayaa khidmaddaha lagu dabaqaayo adeegyada kala duwan ay bixiyaan Maxkamadaha, cidda mas’uul ka ka ah ururinta khidmadahaan iyo sidoo kale koontooyinka bangiyada ee lagu shubayo.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in bixinta khidmadahaan ay muwaadiniinta u sahli doonta in ay u furtaan galal,dacwadaha ay qabaan, walibana ay fursad u helaan in dacwadahoodu ay dhagaystaan saraakiisha garsoor ee awoodda u leh.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in si loo dhiirigaliyo Xirfadda Qareennimada ay ku soo biiraan xirfadlayaan qareenno ah oo cusub, hoos loo dhigay khidmada diiwangelinta ee laga rabo qareennada cusub, iyadoo laga dhigay $ 300 dollar,halka markii hore ay ka ahayd $500 dollar

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in la hubin doono in Xeer-nidaamiyuhu u shaqeeyo hab wax ku ool ah, walibana ay Waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa si joogto ah u korjoogteeyn doonta qaabka loo ururiraanayo khidmadaha la xeeriyay, iyadoo warbixin bille ah loo soo gudbin doono Wasiirka Maaliyadda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Wafdi uu horkacayo Guddomiyaha Hey’adda Mareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Abdulle oo booqasho kujooga Caasimadda maamulka Puntiland ee Garowe ayaa kulan laqaatay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxwaynaha puntiland.

Kulanka ayaa looga wadahadalay xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira deeganada Puntland gaar ahaan xaladaha ay ku sugan yihiin sugan yihiin dadkii ka soo barakacay colaadaha Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

Sidoo kale, waxay labada dhinac isla garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhagaxdhigo xarunta Howlagalada Gurmadaka deg deg ah taasoo shaqadeedu tahay lataaclida xaaladaha deg deg ah ee dalkeena.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Dowlad goboleedka Puntland .

Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Waxay noqon kartaa sawirka 2 qof, dad fadhiya iyo gudaha

Madax ka kala socda Falastiin iyo Israel oo ku kulmay Masar

Mas’uuliyiin ka kala socda Israa’iil iyo Falastiin ayaa maanta ku kulmay magaalada loo dalxiis tago ee Sharmal Sheekh ee dalka Masar,halkaas oo ay uga qeybgalayaan wadahadal nabadeed oo ay soo qaban-qaabisay Masar.

Kulanka manta oo ah hal cisho, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka kala socda dalalka Masar, Mareykanka iyo Urdun.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in wadahadallada looga golleeyahay in lagu taageero wadahadalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil si looga shaqeeyo joojinta falalka wata rabshadaha, lana gaaro xasillooni.

Tani waxay fududeyn kartaa abuurista jawi ku habboon dib u soo celinta geeddi-socodka nabadda”, ayaa lagu daray bayaanka.

Wadahadallada ayaa imanaya ka hor bisha Ramadaan, oo lagu wado in ay bilaabmaan dadaal diblumaasiyadeed oo lagu ilaalinayo xaaladda inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xaalada dhulka ayaa kacsan in ka badan hal sano, waxaana si joogta ah u dhacayay weeraro iyo dilal maalinle ah oo ciidamada Israel ay kula kacayaan dadka reer Falastiin.

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi Maalgashi.

Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga caalamiga ah ee JFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene ayaa maanta heshiis ku saabsan iskaashiga dhanka Maalgashiga ah la saxiixday Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Sudan, Ahlam Madani Mahdi oo shalay soo gaartay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daahfuray Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan oo muddo labo maalin ah ka socon doonta magaalada Muqdisho.

Madashan ayaa waxa kasoo qeybgalay wafdi ka socday Dowlada Suudaan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga, Ahlam Madani Mahdi, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo shirkado Ganacsi oo ka kala socday labada dal.

     

 

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku Qaabilay Ergayga iyo Safiirka Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Norway ee Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen iyo safiirka dalkaasi u fadhiya Muqdisho Haakon Svane.

Wasiirka iyo ergeyga ayaa kulanka  Inta uu socday,arrimmaha xoogga lagu saaray waxaa ugu weynaa Xasillinta, soo kabashada, dadaallada dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

   

Guddoomiye sheekh Aadan oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alberto Vecchi.

Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee taariikhiga ah. Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaaniga garab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka argagaxisada iyo deyn cafinta, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan doonaan dhawaan.

    

Sidee loo xasillinayaa deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta? (Warbixin)

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya, dadka deegaanka iyo ciidanka Daraawiishta ayaa bilihii la soo dhaafay kooxda Khawaarijta ka xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo dadka ku nool duleysiga Khawaarijta loogu beddelay adeegyo dowladeed.

Qorshaha xasillinta deegaannada howlgalladu ka socdaan oo ah mas’uuliyad weyn oo u taalo Dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada ayay magaalada Dhuusamareeb shir ku aadan ku yeesheen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay agaasimayaasha wasaaradaha arrimaha gudaha Dowladda Dhexe iyo dowlad gobolleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood isla gartay inta uu shirkani socday, inta ay la egtahay dowladnimada gaartay shacabka laga dul qaaday Khawaarijta iyo casharada laga bartay goobaha howlgallada laga fuliyay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Ceydaruus Macallin Xasan ayaa si faah faahsan u sharxaya doorka dhinacyada shirkan ku kulmay ee kaga aadan qorsheynta howlgallada xoreynta.

“ Haddii aan isgarabsano oo gacmaha isqabsano,waxaan awoodeynaa in meel walba oo laga saaro Khawaarijta in marka koowaad looga darin oo xaaladda hadda ku sugan yihiin mid ka fiican ay helaan ka dibna ay xasiliintu ay gaarto,”.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa tusaaleeyay ka qeyb galayaasha caqabadaha ay kan dowlad gobolleed ahaan diiwaangeliyeen ka dib, xoreyntii degmada Xarardheere oo ka mid ah meelaha ay Khawaarijtu la hartay dhowr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay.

“ Waxaan isleeyahay wadajirkeennu waa guusheenna, wadajirkeennu wuxuu dhaawac ku yahay cadowga, annagana lafteennu niyad bey noo tahay kullamadan oo kale oo aan isweydaarsano maxaa horumar ah, Maxaa caqabad ah?, inaan isweydiino muhiim bey inoo tahay, marka kullankan oo kale aad iyo aad buu faa’ido ugu leeyahay arrimaha xasilinta,”.

Wuxuu wasiirka carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta la gaarsiiyo adeegyada Dowladda sida Biyaha,cuntada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah Bulshada laga dul qaaday argagixisada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshe adeegyada bulshada lagu gaarsiinayo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta si ay shacabka u dareemaan hannaan dowladnimo iyo horumar ka dib caburinta iyo handadaada argagixisada.

Share this Article

HOGGAANKU WAA NASIIB HADDANA WAA MID DHIB BADAN

Waxaa loo baahan yahay in loo midoobo dalka difaaciisa iyo midnimadiisa waxaana habboon in hoggaanka lagula shakheeyo gacan aan hagar laheyn oo mideysan si mas,uulku u guto xilka iyo waajibaadka dalka iyo dadku ay ka sugayaan.

Marka la soo xusho hoggaan nasiibkiisuna saare qaado, waxaa looga baahan yahay wax badan oo ay ka mid tahay in la siiyo talooyin fiican isguna helo waqti uu ka baaraan dego howshiisa loo idmaday iyo waajibaadka ballaaran ee horyaalla.

Haddii mudanaha ama mas’uulka la doortay lagala hortgo qaylo, buuq iyo sawaxan isla markiiba wuu warerayaa oo niyad jabayaa, dhibaatada mas,uulka sare qabsatana waxay dib ugu soo noqoneysaa ummadda uu mas,uulka ka yahay waayo ma helin wixii uu dadkiisa xaq ugu lahaa, taas oo aheyd la shaqeyn daacad ah iyo howl karnimo.

Dalkeennu wuxuu ku jira xillgii uu ka soo kabsan lahaa burburka dagaalladii sokeeye iyo dowlad la,aanta waxaan la soo gaaray waqtigii laga xoreyn lahaa ururrada khawaariijta ee xoogga ku heystay degaamada ummadda soomaaliyeed gaar ahaan gobollada koofurta iyo gobollada dhexe oo ay mudda dheer ka qaraabanaayeen, kuna hayeen dil iyo dhac iyo is hor taag maamul.

Dadka ay u xukumayeenna ma helin caafimaad, waddo, biyo nadiif ah.

Haddaba, haddiii intaas ay jiraan dalkana ay burbureen kabayaashii dhaqaalahana ay dhulka ku dareen maamul xumo awgeed dalkiin ay gobol gobol  u kala googooyeen, markii runta la isu sheego qabiil qaran ma noqon karo ee qabyaaladda halaga tago.

qarannimadu waa dad isku tegay oo isku duuban oo wax wada dhistay kuna ballamay inay isku tiirsanaadaan.

waxaa ka jira hadallo fadhikudirir ah oo  siyaadda lagu haddana qofka dowlad yaqaan ma ahan wax uu qaadankaro ma ahan sababtoo ah waxa dowlad u baahan tahay

xilligaan hadda lagu jiro iyo waxa uu dalkeenna iyo dadkeenna u baahan yihiin oo keliya in laga shaqeeyo ayaa habboon wixii intaas ka soo harana waa in faraha laga qaadaa.

Haddaba qofka mas,uulka ahi wuxuu hayaa ammaano cir iyo dhulba diiday oo haddii uu ka soo baxo sida ay tahay abaal gudkeeda ayuu helayaa kolba meesha uu wax dhigo.

Caddaaladda ilaahey ayuu la hortegayaa kumana saarno adiga laakiin, mafiicna dadkii shaqada loo hayey in laga shaqeyn waayo.

waxaa habboon mar haddii uu xil qaaday eed ayuu qaaday oo waatii uu yiri

abwaankii Nin xil qaaday eed qaad waxaana laga doonayaa dulqaad iyo adkeysimo iyo miisaan dheeraad ah waayo waa mas,uul, mas’uulnimadana waxay ka soo billaabataa guriga iyo qoyska, samir iyo daacadnimo dheeraad ah iska ilaali eexda iyo qabyaaladda, soomaalidii hore waxaa dilay eex  qabyaalad iyo musuq maasuq xilna la isuma dhiibo oo ilaahey ayaa bixiya isga ayaana qaada wax kasta rabbi agtiisa ayey ka ahaadeen ee ku talo gal  hoggaanka waa mid  culeys iyo dhib badan waayo eeddiisu wey badan tahay  ee iska jir

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia halkaas oo uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo uu ku joogi doono muda dhowr cisho ah.

Madax ka socotay Dowladda Hoose ee Riyaad iyo Safiirka Jamhuuriyada Soomaaliya u jooga dalka Saudi ayaa Magaalada Riyaad kusoo dhaweeyay Guddoomiye Madaale iyo Wafdigiisa oo uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo boqorka Magaalada Riyaad oo la filaaya   in dhawaan ay kulan rasmi ah wada yeeshaan iyagoo kawada hadli doono oojinta iskaashiga iyo wax wadaaga ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad.