Kalfadhiga labaad Aqalka Sare ee BJFS oo maanta la soo xiray.

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu Maanta soo xirmay Kalfadhiga labaad Aqalka Sare, kaas oo furmay 1-kii Bishii November ee sanadkii 2022.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa lagu sheegay in kal-fadhiga 3aad ee Aqalka Sare uu furmi doono 20-ka Bisha May ee soo socota.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo deegaanka Qalqaloocan ka hirgalisay dugsi hoose

Wasaaradda Waxbarashada ee Maamulka Galmudug ayaa maanta deegaanka Qalqaloocan ee Bariga Gobolka Mudug ka hirgalisay dugsi hoose oo baahi weyn ay u qabeen dadka deegaankaas.

Mas”uuliyiin katirsan Galmudug ,madaxada mashruuca waxbar carruurta iyo bulshada degaanka ayaa ku sugnaa munaasabada kuwaa oo sheegay in dugsiga hoose ee laga furay deegaanka ay baahi weyn u qabeen dadka shacbka,islamarkaana ay uga mahadcelinayaan cid kasta oo kaalin ku lahay ka qeyb qaadashada dhismaha iskuulkan

Guddoomiyaha degaanka Qalqaloocan Maxamed Sheekh Cali ayaa mas”uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Galmudug ugu mahadceliyay hirgalinta dugsign ee deegaanka, oo baahin ay u qabeen shacbka  oo aan awal heeysan goob ay wax ku bartaan carruurtooda.

Qaar kamid ah bulshada deegaanka Qalqaloocan ayaa dhankooda tilmaamay in ay soo dhaweynayaan helida goob wax lagu baro ubadkooda,“Baahi weyn ayaan u qannay iskuulkaan, muddana ma anan heeysan waxbarasho, waan u mahadcelineynaa maanulka Galmudug iyo  dhammaan dadkii ka qeyb qaatay dhismahaan” sidaa ayuu dhahay mid kamid ahaa odayaasha degaanka

Hanad Cabdi Cali guddoonka waxbarashada Magaalada Caluula ee wasaaradda waxbarashada Galmudug iyo injiner Maxamed oo isna ka socday Mashruuca waxbar carruurta ayaa bulshada degaanka kula dardaarmay in ay ka faa”ideystaan iskuulkan,ayna sii wadi doonaan tayeenta iyo hirgalinta waxbarashada Galmudug.

Kulanka Shiinaha iyo Ruushka ma keeni doonaa xal laga gaaro dagaalka Ukraine?

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in safar xambaarsan saaxiibtinimo, iskaashi iyo nabad uu ku tago Magaalada Moscow,kadib markii dhowaan Beijing ay soo bandhigtay warqad 12 qodob ah oo ay ku jireen  baaq xabbad-joojin ah oo la xiriiray dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Booqashada maanta ayaa qaadan doonta muddo saddex cisho ah, iyadoo madaxweynaha Shiinaha uu wada-hadallo fool-ka-fool ah la yeelan doona Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin oo ah nin uu hoggaamiyaha Shiinuhu ku tilmaamay saaxiibka ugu wanaagsan.

Shir madaxeedka ka dhacaya Moscow ayaa noqonaya kii 40-aad ee ay yeeshaan labada madax,waxaana suurtagal ah in booqashadaan ay kor u qaaddo rajada ku saabsan soo afjaridda dagaalka Ukraine.

Colaadda Ukrine ayaa gashay sannadkii labaad,,iyadoo galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof,halka  malaayiin qof ay ka qaxeen guryahoodii, waxaana intaa dheer in ay sababtay xanuun dhaqaale oo ku baahay dduunka .

Dhowaan Madaxda Shiinaha ayaa dhexdhexaadiyay dalalka Sucuudiga iyo Iran oo in muddo ah uu xumaa xiriirkoodu.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada XFS oo kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi kaga qayb-galaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa Ciraaq Mudane Axmed Maxamed Xuseen Qaasim waxayna ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo labada dal taabanaya.

Qodobada ugu muhiimsan ee labada wasiir isla soo qaadeen ayaa ahaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khibradda Ciraaq ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo argagixisada oo dalkaasi uu natiijo wax ku ool ah ka gaaray.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Ciraaq Mudane Axmed M Xuseen Qaasim ayaa la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud heerarkii kala duwanaa ee dalkiisu lasoo maray la dagaalanka argagaxisada iyo fikirka xagjirnimada isagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay walaalahood Soomaaliya la wadaagaan wixii khibrad ah.

Kulanka labada wasiir waxaa ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS  Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil ka kala socotay labada wasaaraddood.

Waxaa sidoo kale halkaa lagu soo gabogabeeyay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa intii uu shirku socday ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda kala guurka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed xilligan oo cadowga Al-Shabaab laga xoreeyay inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil toogasho ku fulisay laba Rag ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa markale saakay dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo horay dilal u geeystay.

Aroornimadii hore ee saakay ayaa laga Oofiyay Qisaasta oo horay Maxakamdda dil toogasha ah ku xukuntay taa oo ka dhacaday Cara tuurka Magaalada Baydhabo,waxana goobta toogashada ku sugnaa mas”uuliyiin katirsan Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida qeybta 60-aad ee Magaalada Baydhabo.

Shalay ayay ahayd sidaan oo kale markii Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ay dil toogasho ah ku fulisay Rag horay dilal u geystay asakar iyo waliba dad shacab ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR USOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDAMADA QALABKA SIDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay Tababarka ciidanka.

               

Wasiirka dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay shirka wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Barre ayaa shirka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isaga oo muujiyay in raasumaalka ugu muhiimsan ee dalkiisu ku tashanayo uu yahay xoogga usoo kacayo oo ah inta badan Mujtamaca Soomaaliyeed 75%, wuxuuna si gooni ah u tilmaamay marxaladdan kala guurka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay marayaan iyadoo inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab oo awal ahaa caqabada ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ka hor-taagan horumar inay sameeyaan.

Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbaddiisa ugu mahadceliyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Faysal oo shirkan marti geliyay iyo wasiir Dr Ashraf Subxi Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Jamhuuriyadda Masar oo madax ka ah golaha fulinta wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Jaamacadda Carabta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo xubno ka tirsan la-taliyayaasha Wasiirka ayaa ku weheliyay furitaanka shirkan Wasiir Maxamed Barre Maxamuud.

     

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Riyaad

Guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Riyaad Engineer Khaalid Al Ruweyshis ayaa xarunta dowladda Hoose ee Riyaad soo dhaweyn balaaran ugu sameeyay Wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Madaxda dowladda Hoose ee Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia ayaa warbixin hor dhac ah oo ku saabsan sida ay u shaqeyso qeybaha kala duwan ee degmooyinka magaalada siiyay duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale oo booqasha rasmi ah ku jooga Riyaad.

      

War murtiyeed laga soo saaray Shirka wada tashiga Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaalka iyo D/Goboleed

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daauud Aweys Jaamac ayaa soo xiray shirka Wadatashiga Ballaarinta Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo gobolka Banaadir oo Kismaayo ka socday Labadii cisho ee la soo dhaafay.

  

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo gaaray Magaalada Laascaanood

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Hirsi Timacade iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magalaada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wafdiga ayaa ka kooban Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood.

Masuuliyiintaan ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaladaas oo dagaalo khasaare dhaliyay ka dhaceen.