Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi, oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran, iyadoo ay si gaar ah u caawineyso ganacsatada Suudaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Dhankeeda, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, waxa ayna xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taas oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Suudaan waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaankun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka.

     

Doorka warbaahinta qaranka ee la dagaalanka khawaariijta

Warbaahinta dowladda ayaa kaalin weyn ka qaadatay jabinta maleeshiyaadka Khawaarijta ah,ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weeraro joogto ah ku ekeeyet goobihii ay gacanta ku hayeen kooxaha khawaariijta halkaas oo ay kasoo hoyeen guul wax ku ool ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay ololihiisa doorashada bisha May ee sanadka 2022-ka, ciribtirka kooxaha xagjirka ah, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjari doono.

Runtii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa toddobaadyo kadib markii la doortay bilaabay olole ballaaran oo ciidan, waxaana ciidanka oo kaashanaya kuwa dib xoraynta ay dib u bilaabeen howlgallada dagaal ee ka dhanka ah haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta, taasoo keentay in dib loo xoreeyo 92 magaalo oo ka tirsan maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Howlgalladan milateri ayaa sidoo kale sababay in lagu dilay ilaa 3,000 oo xubno argagixiso ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo ku dhawaad 300 oo kalena ay isu soo dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

 

Marka la eego tebinta dagaalka lagula jiro argagixisada, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Telefishinka Qaranka, Radio Muqdisho, Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, iyo Wargeysyada dalka ayaa xoojiyay warbixinadooda maalinlaha ah, si ay u tabiyaan dagaallada socda ee lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadku Khawaariijta.

Waxaa la daah furay barnaamij maalinle ah oo loogu magac daray “DIIRADA MAANTA”, barnaamijkaas oo iftiiminaya xadgudubyada argagixisada iyo jabkooda, soona bandhigaya dhaqamada foosha xun ee ay kula kacayaan carruurta, hooyooyinka iyo dadka da’da ah, iyadoo barnaamijkan uu noqday mid si weyn u xiiseeyaan dhammaan akhristayaasha, dhageystayaal. , iyo daawadayaasha.

Warbaahinta qaranka ayaa soo bandhigtay sheekooyin badan oo argagax leh, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin weerarrada argagixisada, sida askaraynta carruurta, gowraca qaar ka mid ah mu’adiniinta iyo wadaaddada, masaajidda la dumiyo, goobo lagu xifdiyo Qur’aanka kariimka ah, xidhitaanka dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka, afduub, dhac Dhul-beereedka,xoolaha,iyo hantida dadka deegaanka,iyo kufsiga loo geysto haweenka.

Warbaahinta Qaranka ayaa adeegsata warar kala duwan oo ay ku xoojineyso wararka ciidamada qaranka oo burburinaya buulasha argagixisada ee jiidaha hore ee dagaalada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Warbaahinta Qaranku waxay safka hore ee dagaalka kasoo tebisay guullaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaariijta iyadoo wariyeyaasha qaranka qaarkood kusoo dhaawacmeen furimaha dagaalka kuwaas oo uu ka mid yahay wariye khaalid Muxammed Cismaa ” Ilkacase” oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay “Maxas” oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirtay boqollaal xisaabaad oo warbaahineed oo ku jiray in ka badan 600 bog oo warbaahin danabeed ah oo ay lahaayeen kooxaha khawaariijta.

 

Xarunta Gurmadka deg degga ah ee Puntland oo la dhagax dhigay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehEliyaan Wasiir ka Gar-gaarka Puntland Cabdullahi Cabdi Xirsi iyo Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada  Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad GobolLeedka Puntland.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga, taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland, Iyadoo Guddoomiyuhu uu dhawaan magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo  Baydhaba ka soo dhagax dhigay Xurunta Gurmadka deg degga ah.

Sidoo kale, wasiirada ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo ay uga mahadcelinayaan Hay’adda maaraynta musiibooyinka.

Ugu danbayn, GudDoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Wasiirka Duulista Hawda iyo Garoomada sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeego shacabka Soomaaliyeed ee Puntalnd daggan.

        

Ciidamada amniga oo baacsanaya dadka ka ganacsada maan dooriyaha

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa saldhiga degmada Kaaraan ku soo bandhigay Jawaano Xashiish ka buuxaan,calaq iyo waxyaabo kale oo ay ku jiraan daawooyinka maanka dooriya ah.

Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ka dhan ah dadka beerta, kuwa soo daabula, dadka iibiya iyo kuwa isticamala waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Taliyaha hoggaanka dhaqanka iyo Diinta ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mire Axmed Mataan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay joogto u baacsan doonaan maan-dooriyaha iyo dadka ka ganacsada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doondishe ayaa dhankiisa sheegay in howlgallo saddex weji leh ay ka socdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah howlgalka la dagaallanka mukhaadaraadka, howlgalka la dagaallanka burcadda hubeysan iyo howlgal kale oo lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta.

Howlgalladii ugu dambeeyay waxaa lagu soo qabtay ilaa 10-eedeysane oo lagu soo qabtay baaritaano laga sameeyay xaafadaha bartamaha iyo galbeedka gobolka Banaadir.

       

Golaha Wasiiradda XFS oo meelmariyey sharciyo muhiim u ah Qaranka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

Sharcigan Golaha Wasiiradu ay meel mariyeen ayaa muhiim u ah maareynta arrimaha qaxootiga iyo magangelyo-doonka dadka ka soo qaxa dalalka dhibaatooyinku ka dhacaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran Lixdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo la isla eegay qaabka bulshadda Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa meel kasta oo ay joogaan, isla markaana loo dhagaysto talooyinkooda muhiimka ah, si dowladnimadu u noqoto mid  ku shaqaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

   

Wasaaradda caafimaadka XFS oo soo saartay go’aan lagu xakameynayo ka ganacsiga iyo isticmaalka Daawooyinka la xakameeyo

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa iyadoo fulineyso go’aannada xukuumadda iyo aragtida madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo saartay go’aanno iyo awaamiir lagu xakameynayo ka ganacsiga iyo si xun u isticmaalka Daawooyinka La xakameeyo (Controlled substances) oo dalkeennu ku soo badanayay muddooyinkii ugu dambeeyay..

  

Bankiga Dhexe ee dalka oo ku guuleystay Abaalmarin caalami ah

Bankiga dhexe Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah oo ay bixiso Central Bankiga oo fadhigeedu yahay Ingiriiska, waana abaalmarin ay sanad walba ay bixiso.

Bankiga ayaa abaalmarintaan ku muteystay horumarka Bankiga uu ka sameeyay dib u habeynta kaabayashaa maaliyadda ee Dalka oo dhan iyo hirgelinta hannaanka lacag-bixinta Qaranka.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya mudane C/raxmaan M. Cabdullaahi ayaa ka hadlay waxa uu Bankiga ku muteystay Abaalmarinta.

“ Abaalmarintan wuxuu ku muteystay Bankiga dhexe ee Soomaaliya dib-u-dhiska iyo hirgelinta hannaanka lacah bixinta iyo kaabayaasha Maaliyadda ee uu wadanka ka hirgeliyay Bangigu ee labadii sano ee u dambeysay, haddan wax yar oo kooban idinka sheego abaalmarintan waxay inooga dhigan tahay in Soomaaliya loo arko in ay tahay wadan leh hanaan maaliyadeed oo caalamku qirsan yahay ama aqoonsan yahay,” .

Guddoomiye sheekh Aadan madoobe oo ka qayb galay salaada janaasada marxuum xil. maxamuud maxamed seysey

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Nur Maxamed Madoobe oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BJFS ayaa Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyadda Qaranka uga qeyb galay salaada jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Seeyseey waxa uuna Eebe ugu baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo, isagana naxriistiisa jano ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa halyeey qaran oo waqti dheer geliyay dhismaha dowladnimadda dalka, waxaana uu Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo.

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 11-dhalinyaro ku xirnaa xabsiyada dalka Libya

Xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta ee dowladda Soomaaliya, wasaaradda arrimaha dibedda iyo hey’adda IOM ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay 11-dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo saaray xabsiyada dalka Libya.

Ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta ee dowladda Soomaaliya Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ka hadashay soo dhoweeynta dhalinyaradaan soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiay ayaa sheegtay in xafiiska uu ka shaqeeyn doonno soo celinta dadka muhaajiriinta ee ku xiran xabsiyada caalamka,waxa ay tilmaamtay in soo deysmada dhalinyaradaan iska kaashadeen safarada soomaaliya ee Libya iyo wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya,madaxweynha JFS Mudane Xasan Sheekh ayay sidoo kale uga mahadcalisay kaalinta uu ku lahaa soo celinta Muwaadiniintaaan soomaaliyeed oo mudda ku dhibateeysnaa dalkaasi.

Ibraahim Guure Maxamed oo kamid ah mas”uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibada soomaaliya oo dhankiisa hadlay ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay in dhalinyaradaan dalkooda dib loogu soo celiyo,dowladna ay ka shaqeeyn doonto sidii loo bad-baadin laha oo dalkooda dib loogu soo celin lahaa dhalinta soomaaliyeed ee xabsiyada wadamada caalamka ku xiran.

Qaar kamid ah dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka shekeeyay dhibaatada ay mudda dheer ku heysatay xabsiyada dalka liibya,iyagoona u mahadceliyay dowladda iyo dhammaan dadkii qeybta ka ahaa in dalka dib loogu soo celiyo.

Dhowr jeer ayay dowladda soomaaliya waxa ay dalka  sidaan oo kale dib u keentay dhalinyaro badan oo ku dhibaateysnaa xabsiyada wadamada Caalamka.

Madaxweyne xasan sheekh iyo dhiggiisa uganda oo ka wada hadlay wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto argagixisada iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka argagixisada Alshabaab oo hadda galay waji labaad, isagoo xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada sifeynta khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ciribtirka argagixisada si dalkeenna hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.