Wasiirka Caafimaadka oo daah-furay qorshaha waxqabadka deg-degga ah ee ciribtirka dabeysha

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr; Cali Xaaji Aaden iyo la-hawlgalayaasha Caalamiga ee hindisaha ciribtirka cudurka dabaysha  (GPEI), oo ay ku jiraan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF iyo CDC Ameerika ayaa si wadajir ah u daah-furay qorshaha waxqabadka deg-degga ah ee ciribtirka dabeysha.

Isku-dubaridka dedaallada ciribtirka Cudurka dabeysha ee ku aaddan yoolalka nidaamka Caafimaadka loo dhan yahay  ayaa Soomaaliya si toos ah uga billaabanaya guud ahaan, taas oo lagu sii  xoojinayo adeegga bixinta tallaalka joogtada ah.

Dhanka kale, waxaa dhinac socon doona nidaamka la socoshada Cudur goobka ee baaritaannada shaybaarada iyo la socodka Cudurrada looga hortagi karo tallaalka maadaama ujeeddadu tahay xakameynta faafitaanka cVDPV2, si goor hore  looga jawabo xaaladaha deg-degga ah.

Arrintan ayaa horseedi karta ka jawaabista wax kasta oo mustaqbalka ah ee ku saabsan dabaysha iyo cudurrada kale ee laga hortagi karo ee ka jira dalka isla markaana dhibaato ba’an ku haya Bulsha waynta Soomaaliyeed, dhaqangelinta qorshaha kala guurka ee dabaysha ayaa noqonaya tallaabadii ugu fiicnayd abid maadaama Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ay muhiimad gaar ah u lee dahay babaadinta Jiilka mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Dadaalladani waxa ay Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii ay u gaari lahayd una waafajin lahayd shaqada hadda jirta ee ciribtirka dabaysha iyo himilooyinkeeda horumarinta qaranka sida Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) –9, khariidad lagu gaaro caymiska Caafimaadka Caalamiga ah, Xidhmada Aasaaska Adeegyada Caafimaadka (EPHS) 2020, ajendaha 2030 ee horumarinta Joogtada ah iyo ajendaha tallaalka ee 2030-ka.

    

Maalinta Keymaha Adduunka oo laga xusay Muqdisho

21-ka Maarso oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Keymaha ayaa maanta laga xusay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabado kala duwan lagu qabtay dunida oo dhan.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS oo ka tarjumeyso ahmiyadda maalintan ay u leedahay Umadda Soomaaliyeed iyo Hal-kudhigga Qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Ee SOOMAALIYA CAGAARAN ayaa waxay 1,500 geed ku beereysaa maanta goobo badan oo muhiim u ah Dalka.

Goobaha loo asteeyay in geedahan lagu beero ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka, Isbitaallo, Iskuullo, Jaamacado, Xarumaha Ciidamada Qaranka iyo waddooyinka Caasimadda.

Haddaba Muwaadin adiga oo ka qeyb qaadanaya Ololahaan Muhiimka ah ee SOOMAALIYA CAGAARAN fadlan ku tallaal geed gurigaaga iyo goobtaada ganacsi, si aan u gaarno hadafkeenna Qaran iyo bulsho oo ah helidda deegaan dhireysan oo Caafimaad leh, kana caaggan waxyeellada Isbadalka Cimillada.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday daadad ka dhashay roob ka da’ay Baardheere

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday roobabkii daadadka watay ee ka da’ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay musiibadaasi.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay taxaddar muujiyaan xilliyada ay roobabka xooggani da’ayaan, isagoo dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ahba in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan shacabka magaalada Baardheere ee ay waxyeellada kasoo gaartay daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka curtay  degmadaasi.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imanaya markii ay duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ku geeriyooden 9 qof, kuwaas oo ay la duntay Buundo ay isticmaalayeen xilli uu da’ayay roob mahiigaan ah.

waxqabadka xukuumadda Danqaran ee lixda bilood

Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda DanQaran Micnihiisu Waa Isla Xisaabtan iyo Daahfurnaan – Waxaana Loo Madlan Yahay 5-ta Galabnimo 21 Maarso 2023.

Bandhigan waxaad si toos ah ugala socon doontaan warbaahinta Qaranka.

Ciidanka XDS oo 30 khawaarij ah ku dilay Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa fashiliyay isku day weerar oo Khawaarijta Al-shabaab ay saakay kusoo qaadday deegaanka Daaru-naciim ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Ciidanka ay  khawaarijta ka dileen in ka badan 30 malleeyshiyaad ah iyo Horjoogayaal, waxaana halkaasi loogu furtay hub fara badan.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa SONNA u sheegay in khawaarijtu ay ka carareen meydad badan, welina lagu raad joogo firxadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Doorashada soo socota waxa ay noqon doontaa qof iyo cod”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada soo socota ay Soomaaliya noqon doonto mid qof iyo cod ah oo xisbiyeysan.

“Soomaaliya ilaah idinkiis doorashada soo socoto waa qof iyo cod xisbiyeysan”

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad uu ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka ayaa xubnaha guddoonka iyo guddiyada labada Aqal ee halkaasi ku sugnaa ka codsaday in ay qabyo tiraan dastuurka.

Mudane, Xasan Sheekh ayaa qabyo tirka dastuurka ku tilmaamay mid horseedi karta in laga gudbo habka Baarlamaaniga ah ee ay haatan ku dhacaan doorashooyinka dalka, wuxuuna intaa ku daray inaysan xildhibaannada iyo hoggaanka maamul goboleedyaduba diyaar u ahayn in mar kale ay dalka ka dhacdo doorasho dadban.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasaddu aysan ahayn tiro badnaan iyo laandheeranimo, balse ay tahay abaabulnaan iyo feker jira oo lagu wada qancay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn sheegay in ay dowladdiisu dejineyso qorshe shan sanaale ah kaas oo diiradda lagu saarayo hiigsiga mustaqbalka fog iyo wejiga ay Soomaaliya yeelan doonto 2060-ka.

Qorshahan ayaa gogol xaar u noqonayo jiilasha dambe iyo in Soomaaliya ay shantii sanaba ku tallaabsato guulo waaweyn iyo horumarro ballaaran.

43,000 qof oo sanadkii tagay abaar darteed ugu dhimatay dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay Munaasabad lagu soo bandhigayay natiijada cilmi baaris laga sameeyay Soomaaliya sanadkii tagey ee 2022-ka taas oo lagu sheegay in 43,000 oo qof ay u dhinteen abaaro ka jira dalka.

Bandhigga warbixintan oo lagu qabtay Muqdisho Maarso 20, 2023. ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii ugu dambeeyay ee cilmi baaris iyo aragtiyo laga helay daraasadda lagu baarayey dhimashada dadka ay haleeshey Abaarta, iyadoo ay warbixinta iska kaashadeen LSHTM, Jaamacadda SIMAD, iyo Khuburo Soomaaliyeed, waxaana soo bandhigey Hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Daraasaddu waxay kaloo muujineysey dhimashada sanadkaas in ay kabadan tahay tii dhacdey Sanadihii 2017 ilaa 2018-kii, waxayna aheyd Cilmi baaris laga heley xogo badan iyadoona fududeyn doonta xoojinta iyo dedaalada looga hortagayo wax ka qabashada saamaynta Abaaraha inta aysan isku badalin Macluul.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay laba jibaari doontaa dadaallada lagu bedbaadinayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed markasta gaar ahaan xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka saameeya Bulsho waynta Soomaaliyeed.

      

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub

Brussels- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani’aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

  

Ra’iisul wasaaraha XFS oo u mahad celiyay intii kasoo shaqaysay meel marinta Hindise sharciyeedyadii uu meel mariyay labada gole ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada meel marinta iyo saxiixa hindise sharciyeedyada ay soo gudbisay Xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sheegay in howshani ay soo martay geeddi dheer iyo shaqa badan oo ku timid towfiiqda rabbi ka sokoow iskaashi, wada shaqayn ,isu laab furnaan, saaxiibtinimo iyo dareen mas’uuliyadeed, taas oo uu ku bogaadinayo intii kasoo shaqaysay.

Mudane, Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabaddii uu Madaxweynaha Qaranka ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo dhowra xalay ayaa intaa ku daray in shuruucdani ay kaabayaal u yihiin sugidda amniga, deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in haduusan jirin dedaal wada jir ah aysan suurto gal noqoteen in muddo kooban lagu ansixiyo 11 sharci oo qaarkood ay Baarlamaanka Soomaaliya yaalleen muddo ka badan 9 sano,

MADAXWEYNE XASAN OO SAXIIXAY 8 SHARRCI OO ANSIXIYEEN BFS

Muqdisho, Maarso 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga Socdaalka,

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.