Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay magacaabista guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soojeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka  oo Kala ah:

  1. M.dane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye
  2. M.dane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin
  3. M.dane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin
  4. Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin
  5. M.dane Maxamed Xasan Idiris; Xubin

Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golha Aqalka Sare ee BFS kadib soojeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

La taliyaha amniga Madaxweynaha JFS oo furay shir looga hadlayo cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane, Xuseen Macalin ayaa  furay shirka sannad laha ee maareynta hubka iyo rasaasta oo sannadkaan looga hadlayo halka uu marayo qorshaha qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Mudane Xuseen Macalin oo furitaanka shirka  khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay iney ku han-weyn yihiin sannadkaan in Soomaaliya laga qaado cuno-qabateynta dhanka hubka ee saaraan, Dowladuna ay dadaal dheer u gashay sidii looga soo bixi lahaa sharuudaha ku xiran.

‘’Shirkan waxaa looga dan lee yahay,habkii Soomaaliya loogo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka,maadaama dowladda sannadkaan ka dhigatey muhiimadda ugu weyn,waxaana isigu keenney dhammaan hay’addihii ku shaqada lahaa ee Dowladda Federaalka iyo dowladihii xubnaha ka ahaa DFS,waxaana lagu lafo-guri doonnaa howlaha na horyaala oo loo yaqaana bar-tilmaameedyadda ee dowladda Soomaaliyala rabo iney ka guul garata’’.

Shirka inta uu socdo ayaa waxaa looga doodi doonaa qorshe howleed sanadle ah iyo wixii ka qabsoomey shaqooyinkii lagu heshiiyey fulintooda shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magalada Muqdisho, Maarso 2022.

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo saraakiil ka socda laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer mamul-goboleed iyo marti kale oo ka kala socotey saaxiibada dowladda ka caawiya arrimaha amniga.

Waxay noqon kartaa sawirka 12 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad fadhiya iyo dad taagan

Waxay noqon kartaa sawirka 9 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Waxay noqon kartaa sawirka 6 qof, dad taagan iyo dad fadhiya

Maxkamada ciidanka oo xukuntay riday xubin ka tirsana Khawaarijta Al-shabaab

Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kadib markii uu ku biiray Argagixisada.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.

Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, mar kale ayay argagixisadu ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali Jabhad horjooge lagu magacaabo oo hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysata.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda, waxayna habraacii maxkamadeed kadib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble 8-Sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan heerka 1-aad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.nCiidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyay isku day weerar oo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab ay subaxnimadii saakay kusoo qaaddeen fariisimaha Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Daarul-niciim ee gobolka Shabeellada dhexe.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ah

Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qado sharaf hoygiisa ugu sameeyay Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.
Waxay noqon kartaa sawirka 5 qof, dad taagan iyo gudaha
Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof, dad taagan iyo dad fadhiya
Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof

Doorka fanka ee la dagaalanka khawaariijta

Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer oo qani ah iyadoo adeegsanaysa fanka gudbinta fariimaha muhiimka ah iyo horumarinta midnimada qaranka,laga soo bilaabo suugaanta,muusiga iyo fanka muuqaalka, dadka Soomaaliyeed waxay had iyo jeer garwaaqsadeen awoodda hal-abuurku u leeyahay dhiirigelinta bulshadooda ee dhinacyadda dhaqanka,dagaalka iyo horumarinta.

Soomaliya ayaa soo martay 15-kii sano ee la soo dhaafay khatarta kooxaha khawaariijta balse marna ma saamaynin doorka fanka iyo suugaanta ee ku aaddan horumarinta waddaniyadda iyo midnimada qormadan ayaan ku faaqidi doonaa siyaabaha ay fannaaniinta,abwaaniinta iyo shakhsiyaadka kale ee hal-abuurka leh ugu isticmaalayaan kartidooda si ay u taageeraan dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in ay dalka uga xorayso kooxaha khawaariijta.

Awooda fanka iyo fariimaha ay ku gudbiyaan fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ah mid aan la dhayalsan Karin iyadoo curiyeyaasha fanka Soomaaliyeed gamayaan weedho ka culus gantaalaha kuwaas oo qayb ka ah halganka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaariijta kaas oo hadda maraya heer gabo gabo ah.
Muusigu waa aalad si gaar ah ugu awoodda badan horumarinta midnimada iyo waddaniyadda dowladduna door muhiim ah ayay ku leedahay taageeridda fannaaniinta dalka.Tiyaatarka Qaranka iyo Kooxda Hobolada Waaberi oo ah kooxda Qaranka Soomaaliyeed ayaa in muddo ah safka hore kaga jiray dadaallada lagu horumarinayo midnimada iyo hanka Qaranka ee la dagaalanka kooxa khawaariijta.

Bandhig faneedkooda iyo duubistooda, kooxda Hobolada Waaberi waxa ay kaalin weyn ka qaateen horumarinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyo muujinta doorka muhiimka ah ee muusiggu ka qaadan karo horumarinta is-dhexgalka bulshada. Muusiggoodu waa isku-dhafka dhawaaqyo-dhaqameedka Soomaalida oo leh saameyn casri ah, waxaana erayadooda ay inta badan ka hadlayaan arrimo muhiim u ah qaranka, sida halganka lagula jiro kooxaha khawaariijta tamarta daran.

Isku soo wada duuboo, lama soo koobi karo doorka fanka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ku leeyihiin la dagaalanka khawaariijta.

Wasiirka Qorsheynta oo sagootiyay wafdigii ka qaybgalay madasha maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya,Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa xaflad casho sharaf iyo sagootin isugu jirtay u sameeyay wafdi ka socday dowladda Suudaan oo ay hoggaaminaysay, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaas, Axlaam Mahdi, oo maalmahan magaalada Muqdisho u joogtay ka qaybgalka Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan, oo shalay la soo gaba gabeeyay.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay wafdiga reer Suudaan ka soo qeybgalkooda Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo ballan qaaday in ay booqan doonaan Suudaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga Suudaan, Axlaam Mahdi, ayaa Dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda uga mahadcelisay soo dhaweynta walaaltinimo ee loo fidiyay iyada iyo wafdigeeda.

Suudaan iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi, iyadoo Suudaan ay tahay waddanka ugu badan ee ay wax ka bartaan ardayda Soomaaliyeed.

    

Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo daah-furtay wejiga saddexaad ee Mashruuca Gurmadka Deg-degga ah

Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo daah-furtay wejiga saddexaad ee Mashruuca Gurmadka Deg-degga ah

Muqdisho-(SONNA)-Wajiga saddexaad ee Mashruuca Gurmadka Deg-dega ah ee lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ayaa maanta  laga daah-furay magaalada Muqdisho,  gaar ahaan Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed.

Daah-furkan waxaa Goobjog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalim Cabdulle , Safiirka Boqortooyada Sacuudiga iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa lagu gorfeyn doonaa sidii loo wajihi lahaa wejiga saddexaad ee gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Wasiir Fiqi oo Muqdisho ka daah-furay shirka wada tashiga Qaran ee Hindise sharciyeedka diiwaan gelinta madaniga ah

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ku saabsan wada tashiga Qaran ee Hindise sharciyeedka diiwaan gelinta madaniga ah iyo Tirakoobka dhacdooyinka muhiimka ah.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Caydaruus M. Xasan iyo mas’uuliyiin ka socota maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo bulshada rayidka ah.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horreyn ka hadlay ahmiyadda kulanka, wuxuuna sheegay in Hindise sharciyeedkan uu nidaaminayo mid ka mid ah adeegyada asaasiga ah ee ay Dowladdu bixiso ee dad-dhigista sida (dhalashada, guurka, furiinka, carruur korsashada, dhimashada, diiwaan gelinta qoyska, deggenaashaha iyo arrimo kale).

Wasiirka Fiqi, ayaa yiri “ Hindise sharciyeedkan oo diyaarintiisu ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadday muddo dheer, waxaa uu ka mid yahay dedaallo badan oo wasaaraddu galisay sidii dalka uu uga hanaqaadi lahaa nidaam diiwaan gelin madaniya oo casri ah,

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa sheegay  in Hindise sharciyeedkan uu hagayo siyaasadda Qaran ee diiwaan gelinta madaniga ah iyo tirokoobyada dhacdooyinka muhiimka ah si waafaqsan shuruucdii hore ee dalka, kuwaas oo dowladaha hoose ay gundhig u yihiin bixinta adeegan kaalinta dowladda federaalkuna uu u qeexan yahay si waafaqsan heshiiskii awood qeybsiga ee golaha wada tashiga Qaran.

Wasiirka ayaa ka qeybgalayaasha kulankan wada tashiga ah kula dardaarmay in inta uu shirka socdo ay wax ku daraan, saxaanna si wada tashigan oo kama dambeys ah kadib loogu gudbiyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka gudan doona waajibaadka dastuuriga ah.

Hay’adaha dib u eegista dastuurka ee heer federaal oo maanta yeeshay kulankoodii koowaad

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21.Maarso.2023, waxaa kulankoodii koowaad yeeshay hay’adaha dib-u-eegista Dastuurka ee heer federaal oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib u eegista iyo la-socodka hirgelinta dastuurka iyo guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka.

Ujeeddada kulankan oo ahaa isbarasho iyo is-xogwareeysi xubnaha hay’adaha dhaxdooda ah ayaa isbarasho kadib waxaa diiradda lagu saaray howlaha hortabinta leh ee horyaala si loo dhameystiro Dastuurkan qabyada ah.

Dhammaan xubnihii ka qaybgalay kulanka oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud iyo Guddoomiyaha guddiga dastuurka Baarlamaanka FS xildhibaan, Xuseen Iidoow ayaa isku raacay inay muhiim tahay in labada guddi iyo Wasaaraddu si dhaqsa ah u howlgalaan ayna kala saxiixdaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kuwada shaqayn jireen.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo QM oo ka wada hadlay dib u heshiisiinta iyo arrimo kale

Guddomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane; Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Guud  ee he’adda UNDP Soomaaliya Mr; Jocelyn Mason iyo ku xigeenkiisa Mss; Sophie kemkhdze.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda UNDP ayaa ka wada hadlay in la iska kaashado dhinacyada dib u hishiisiinta, Xasilinta , Golaha Degaanka Degmooyinka , nabad dhiska maamul wanaagga , daadajinta maamulka Haweenka, shaqa abuurka dhallinyarada iyo kor u qaadista xirfadaha gacanta ee la barayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in kor loo qaado howlaha wacyigalinta bulshada oo ay qeyb ka tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada kasoo baxa Jaamcadaha.

UNDP ayaa gobolka Banadir ka taageeri doonto howlaha xasilinta , dib u hishisiinta iyo hannaanka farsamo ee maamul u sameeynta magaalada Muqdisho oo ay ugu horreyso hannaanka golayaasha degaanka heer gobol iyo heer degmo.

Ugu dambeeyntii Guddomiye Yabooh ayaa sagootiyay Agaasimaha Guud ee UNDP Mr; Jocelyn Mason, oo ay ka dhamaatay  shaqadii uu ka hayay Somaaliya, waxuuna sidoo kale soo dhaweeyey Marwa; Sophie oo sii noqon doonto wakiilka UNDP ee Soomaaliya.