Xuska Caalamiga ah ee Maalinta Biyaha

Qaramada Midoobay ayaa maanta xustay munaasabadda 22-ka Maarso oo ah mid loo asteeysy Maalinta Biyaha Adduunka, iyadoo ujeedadu tahay in la cabbiro horumarka adduunka ee ku aaddan in qof walba la siiyo biyo nadiif ah oo la heli karo.

Warbixinta Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in 2.3 bilyan oo qof, ay ku nool yihiin wadamo ay ka jiraan biyo-yarida,gaar ahaan dadkoodu ku nool yihiin Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dhibaato biyo la’aaneed oo soo food saartay caalamka iyo khatarta dhow ee yaraanta ka dhalan karta isticmaalka xad dhaafka ah iyo isbedelka cimilada.

Warbixintaan ayaa daba socota kulan maanta lagu wado in uu ka furmo Magaalada New-York ,kaas oo socon doona muddo 3 cisho ah,waxaana looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin yaraanta biyaha.

Sannadkii 2015, dunidu waxay ballan-qaadday hadafka horumarka waara oo qayb ka ah Ajendaha sanadka 2030-ka in qof walba uu si badbaado leh u helo biyo nadiif ah oo.

Baaqa sanadkan ee xuska Maalinta Biyaha Adduunka waxa uu ku saabsan tahay dardargelinta isbeddelka,si loo xalliyo dhibaatooyinka biyaha iyo fayadhowrka.

Talyaaniga oo Gaadiid ciidan ugu deeqay Soomaaliya

Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska aya Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ka guddoomay Gaadiid ay dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska JFS.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.

Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda dalkiisa,  si ay  gacan uga geystaan howlgallada ka dhanka Khawaariijta.

Wasiiru Dowlaha Amniga XFS, Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS.

   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka faa’iideystaan kheyraadkooda

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sheegay in sannadkii 850,000 tan oo kalluun ah laga soo saari karo dalkeenna, Soomaaliduna ay haatan lasoo baxdo oo keliya inta u dhaxaysa 30,000 illaa 50,000 oo tan.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka oo ka hadlayay  Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegay in ka Xukuumad ahaan ay xoogga saari doonaan ka shaqaynta hufnaanta siyaasadda iyo hir gelinta barnaamijyo kor loogu qaadayo xirfadaha muwaaddinka Soomaaliyeed, si aynu ula soo baxno khayraadkeenna.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa sababta ugu wayn ee kalliftay inaysan bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysan kheyraadkeeda ku tilmaamay xirfad yari, wuxuuna sheegay inay xukuumaddu xoogga saari doonto sidii taasi looga gudbi lahaa, loona samayn lahaa fursado shaqa abuur.

Dhinaca kale, mar uu Ra’iisulwasaare ku xigeenku ka hadlayay arrimaha amniga ayuu sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay dagaalka lagula jiro khawaarijta, isagoo tusaale usoo qaatay goobihii ay argagixisadu wax ku dili jirtay ama ay weerari jireen ka hor xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa yiri” Haddii Khawaarijta aan Magaalada Muqdisho isku dili jirnay, oo suuqa Soobe ay dad nagaga dili jireen, hadii ay hoteellada soo geli jireen, maanta waxaan isku haynaa Galhareeri iyo duleedka, Ceel buur iyo Jannaay Cabdalle”.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambayntii sheegay in halka ay wax ka hagaagi karayaan ay tahay in lala yimaaddo siyaasad hufan iyo kalsooni dhis, wuxuuna ballan qaaday inay xukuumaddu ka go’an tahay inay la timaaddo siyaasad cad, iyadoo kaashanaysa bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal ku qaaday Mukhaadaraadka (WARBIXIN)

Maadaama ay Dalka ku soo bateen waxyaabaha maanka Dooriya ayay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ay soo saartay Awaamiir ujeedkoodu yahay in lagu xakameeyo qaabka isticmaalada dawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, oo ay Wasaaraddu sheegtay in lagu yareynayo waxyeellaada caafimaad ee ka dhalan karta.

Qoraal ay soo daartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxayaabaha amarkaasi ku saabsan yahay axayna qoraalkeeda ku bilowday “iyadoo laga duulayo waxyeelada caafimaad darro iyo midda amni ee ka dhalata si xun u isticmaalka daawooyinka ay tahay in la-xakameeyo kuwaasi oo maanka iyo dhimirka saameeya, ayaa Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey soo rogtay go’aano iyo awaamir lagu xaqiijinayo hubinta caafimaadka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.”

Awaamiirta waxaa kaloo ku jira oo ay Wasaaraddu tilmaantay in la billaabay in si ku-meel gaar ah loo diiwaangelinayo dhaqtarka qori kara daawooyinka la xakameeyo iyo dawo yaqaanka bixin kara daawooyinkaas, waxayna Wasaaradda fartay dhammaan Istibaallad Danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka, inay soo gudbiyaan ugu badnaan liiska 5 dhaqtar oo leh takhasus iyo waayo aragnimo dhan 5 sano, kadibna dhaqtarkii buuxiya shuruudaha lagama maarmaanka u ah, ay wasaaraddu siin doonto diiwaangelin ku meel gaar ah oo la xiriirta qorista daawooyinka la xakameeyo si waafaqsan nidaamka qorista daawooyinkaas oo afka qalaad lagu yiraa (Controlled Substances License).

Wasaaradduu waxay ka digtay in dhaqtarkii qora daawooyinka la xakameeyo asigoo aan haysanin diiwaangelinta qorista daawooyinka la xakameeyo, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla, waxaa kaloo ay Wasaaraddu ka digtay in uu fal-damibyeed ku dhici doono dhaqtrakii qora xaddi ka baxsan intii loogu talo-galay daaweeynta xanuunka uu ka cabanayay bukaanka, kuna cadaato inuu u siiyay bukaanka dawo kale.

Wasaaraddu waxay faraysaa in si loo hubiyo bixinta iyo keydinta daawooyinka la xakameeyo, waxay isbitaal kasta fartay inuu soo gudbiyo labo dawo-yaqaan ama labo xirfadle oo aqoon durugsan u leh bixinta iyo keydinta daawooyinka u baahan in la xakameeyo, kadib marka ay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo, kuwaasi oo Wasaaradda ay siin doonto diiwaangelin ku-meel gaar ah, waxayna Wasaaraddu uga digtay in qofkii lagu arko daawooyinka la xakameeyo, asigoo aan haysan warqadda Dhaqtarka uu soo qoray dhaqtar ruqsad u haysta qorista daawooyinkaasi, uu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaalla.

“Dhammaan ganacsatada keenta daawooyinka ay tahay in laxakameeyo, waa inay ruqsadda khaas ah ka qaataan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, DFS,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.“Haddaba Ganacsadihii soo dajiya ama dhoofiya daawo ka mid ah daawooyinka la xakameeyo asigoo aan ruqsad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS, waxuu galay fal dambiyeed uu ku mutaysanayo ganaax ama xabsi, iyadoo loo marayo si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo sharuucda kale ee dalka u yaala.”

Ugu dambeyntii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay sidoo kale mamnuucday in lagu iibiyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo (Controlled Substances) farmashiyayaasha tafaariiqda gada, iyadoo aan oggolaansho laga haysan Wasaaradda, laga bilaabo 21/04/2023.

Tilaabadaan ay qaaday Dowladdu waxay tahay mid loo baahnaa, kuna soo aaday waqtigii loo baahanaa, waayo tan iyo dhiciddii Dowladdii dhexe ee Dalka 1991-kii, waxaa dalka ka socday nidaam iyo kala dambeyn la’aan sababtay in qof walba waxa uu doono sameeyo, dalkana keena waxa walba maadaama uusan jirin hubin waxa soo gala iyo waxa ka baxaya, taasi oo sababta in lagu beero ama lagu sameryo dalka gudahiisa Mukhaararaad kala duwan, taasi khal khal galin kara ammaan guud ee Dalka iyo fasahaad Bulsho.

Bilahaan dambe waxaa Magaalada Myuqdisho ka socday Howlgallo lagu sugaayo ammaanka iyo waxa sababa ammaan darrada, waxayna howlgalkii ugu dambeeyay ay Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay saldhiga degmada Kaaraan ku soo bandhigay Jawaano Xashiish ka buuxaan,calaq iyo waxyaabo kale oo ay ku jiraan daawooyinka maanka dooriya ah, iyadoo ay Ciidamada ay maalmihii u dambeeyay wadeen howlgalo ka dhan ah dadka beerta, kuwa soo daabula, dadka iibiya iyo kuwa isticamala waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Taliyaha hoggaanka dhaqanka iyo Diinta ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mire Axmed Mataan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay joogto u baacsan doonaan maan-dooriyaha iyo dadka ka ganacsada, iyadoo dhinaca kalena Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doondishe uu dhankiisa sheegay in howlgallo saddex weji leh ay ka socdaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah howlgalka la dagaallanka mukhaadaraadka, howlgalka la dagaallanka burcadda hubeysan iyo howlgal kale oo lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta, waxaana caddeeyay in Howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qabtay ilaa 10-eedeysane oo lagu soo qabtay baaritaano laga sameeyay xaafadaha bartamaha iyo galbeedka gobolka Banaadir.

Howlgalkaan ayaa horseeday in labadii todobaad ee u dambeeyay lagu soo qabqabto kooxaha ka ganacsada Daroogada iyo kuwa Isticmaala, waxaana falalkaan ay horseedeen inay xirmaan san-daqadihii iyo goobihii kale ee lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya, iyadoo Warshaddii ugu weyneyd oo ku tiil Deegaanka gubadleey la burburiyay, waxaa kaloo jira in hadda ay soo food saartay Dhalinyaradaa cabsi xooggan, kuwaasoo qaarkood la sheegay in ehelkooda ay u dhoofiyeen Dalalka Kenya & Ethiopia, Dhalinyaradaan xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay ku lahaayeen goobo gaar ah oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya sida xashiishhka, calaqa, taabuuga iyo sidoo kale noocyada daroogada (Herion iyo Cocain) ay isticmaalaan dhallinyarada qaar.

Aamina Maxamed oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed oo Gabadheedda lagu waxyeelay Mukhaadaraadka ayaa ku calaacashaay ” Dowladda waxaan halkaan uga mahadcelinayaa tallaabadaan wanaagsan ay qaaday waxaana ka sii rabaa inay fuliso ay Dalka ka mamnuucdo Daawooyinka loo isticmaalo Daroogo ahaanta, taasi oo lagu waxyeeleeyo Gabdheenna, laguna halleeyo mustaqbalkooda, xitaa qaar yaa ku naf waayay Daawooyinkaasi Maandooriyaha ah”

Haddaba waxaa dhihi karnaa Dowladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabo loo baahnaa iyo waqti ku habboon, waayoo waxaa Dalka ku soo badanayay waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo fasahaadin kara dhallinyarada Soomaliyeed oo ah cududda Dalka ugu firfircoon, islamarkaana ah mustaqalka Dalkaan, waxaana Dal horumariya dadkiisa, sidaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in Dowladdu hubiso waxa Dalka soo galaya iyo meelaha kale ee laga heli karo dhammaan mukhaadaraadka nooc kasta uu leeyahay, si loo helo dhallin caafimaad qabta.

Share this Article

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaadh

Riyadh- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad.

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho.

      

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waxaa naga go’an in aan la noolaano bulshadeenna, sidoo kalena ka jawaabno su’aalahooda

Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddu ay yeelanayso dhaqanka ah in xilku yahay mas’uuliyad ee uusan ahayn meel la isku sharfo, isagoo intaa raaciyay in isla xisaabtanku uusan madashan ku ekaan balse uu socon doono.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre””Waxaa naga go’an in aan la noolaano bulshadeenna, sidoo kalena ka jawaabno su’aalahooda, dhageysanno taladooda, tusaalahooda iyo toosintooda”

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane, Xamse Cabdi barre oo ka hadlayay munaasabad lagu soo Bandhigay Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa xusay qaar ka mid ah wax qabadkii xukuumaddiisa tan iyo intii la magacaabay, iyadoo waxyaabihii uu dul istaagay ay ka mid ahaayeen amniga, abaaraha iyo deyn cafinta.

Xamse Cabdi Barre Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in xilligii uu xafiisku qabtay ay Soomaaliya ka taagnayd abaar ba’an, iaydoo dad ku dhow 7.5 milyan ay qarka saarnaayeen macaluul, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay baajisay qatartaas , kadib markii ay samaysay hay’ado iyo guddiyo qaabbilsan samata bixinta dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inay dalka ay ka jirtay xilligaasi amni la’aan baahsan oo cadowga khawaarijtu ay si buuxda u maamulaan nolosha bulshada iyo garsoorka.

Wuxuu sheegay Ra’iisulwasaaruhu in daafaha Caasimaddu ay ka jireen Maxkamado ku sheeg dadka lagu dhaco iyo rajo beel, taas oo ay meesha ka saartay xukuumadda Dan-qaran, ka dib markii ay fulisay baaqii madaxweynaha ee la dagaallanka argagixisada.

Ugu dambayn, Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay su’aalaha Bulshada iyo jawaabaha waafiga ah ee Wasiiradu ay siiyeen, wuxuuna uga mahad celiyay madaxda Qaranka iyo martida kale dulqaadka ay muujiyeen.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madaxa Sanduuqa horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudiga

Riyadh- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Guddoomiye Madaale ayaa Madaxa (SFD) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Qorshayaasha Hor-tabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar iyo Barnaamij-yada Horumarineed ee Caasimadda, taasi oo ay ugu horeyso Horumarinta Kaabayaasha Adeegyada Aasaasiga sida Caafimaadka, Waxbarashada, Dib-u-dhiska Caasimadda iyo Horumarinta Magaalada Muqdisho.

Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar kala shaqeyn doonno Arrimaha Horumarinta iyo Adeegyadda Aasaasiga ee wax-tarka u leh Bulshada Caasimadda Muqdisho.

   

Guddoomiyaha golaha Shacabka “Waajibaadka sharciga ahaa isla xisaabtanka ahaa ayaan gudaneynaynaa”

Guddoomiyaha golaha shacabka , Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku guuleysatay shaqo muuqato oo dalka laga qabtay, wuxuuna ugu mahadceliyay sida ay ugu go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

Guddoomiyaha oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ballan qaaday in waajibaadkooda isla xisaabtanka ay gudan doonaan maaddaama ay xukuumaddu iyadu hor kacayso.

“Xukuumaddu waxay ku guuleysatay shaqo muuqata oo dalka laga qabtay, waxaan uga mahadcelinayaa sida ay uga go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan” Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si amniga caasimadda loo sugo xukuunadda Dan-Qaran ku boorriyay in la ballaariyo deegaanka si ay mas’uuliyiintu u deganaan xaafadaha fog-fog ee daafaha xiga.

“Isla xisaabtankii sharciga ahaa oo dastuuriga ahaa oo waajibaadkanaga ahaa ayaan gudaneynaa annagoo mataleyno shacabkanaga Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Madaxweyne Xasan oo bogaadiyay wax qabadka xukuumadda Dan-Qaran

Madaxweyanaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa bogaadiyay guulaha lagu xaqiijiyay xoreynta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarka.

“Caawa Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse dhaqan cusub ayey billaabeen oo ah in ay u furan yihiin isla-xisaabtan iyo in su’aalo la weydiiyo, dadkana u sharaxaan waxa lagu hayo xafiisyada dhexdooda “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha shacabka , Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in xukuumaddu ay ku guuleysatay shaqo muuqato oo dalka laga qabtay, wuxuuna ugu mahadceliyay sida ay ugu go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

“Xukuumaddu waxay ku guuleysatay shaqo muuqata oo dalka laga qabtay, waxaan uga mahadcelinayaa sida ay uga go’an tahay isla xisaabtan iyo daah-furnaan” Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si amniga caasimadda loo sugo xukuunadda Dan-Qaran ku boorriyay in la ballaariyo deegaanka si ay mas’uuliyiintu u deganaan xaafadaha fog-fog ee daafaha xiga.

Munaasabadda Bandhiga wax qabadka Xukumadda oo si rasmi ah u billaabatay

Waxaa si rasmi ah uga furmay Golaha Murtida iyo Madadaallada munaasabadda lagu soo bandhigayo Waxqabadka Xukuumadda DanQaran ee lixdii bilood ee ay shaqeynaysey.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, xubnaha Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno,Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa inta ay socoto waxaa dadweynaha ka soo qeyb galay ay su’aalo ka weydiin doonaan Xukuumadda DanQaran waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee la soo dhaafay.