Aljeeriya oo burburisay shabakad qaabilsaneyd tahriibinta dadka

Warbaahinta Aljeeriya ayaa sheegtay in la uu burburiyay shabakad ku lug lahayd tahriibinta dadka muhaajiriinta ah ee doonya in ay safar dhinaca badda ah ku gaaraan dalalka Yurub.

15 ruux ayaa lagu soo waramayaa in la xiray ,kuwaas oo isugu jiray sagaal Suuriyaan ah iyo lix u dhashay Algeria,waxaana lagu eedeeyay in tahriibayaasha ay ka soo daabulaan dalalka Suuriya iyo Lubnaan, iyagoo sii mariya Liibiya.

Baaritaan socday muddo shan bilood ah oo ay saeeyeen ciidamada Aljeeriya ayaa lagu lagu ogaaday in shabakadaha wax tahriibiya ay adeegsadaan waddooyinka saxaraha ah ee gala dekedda Oran ee Dalka Aljeeriya, halkaasi oo kuwa socotada ah ama tahriibka loogu diyaariyo dooman ay ku  maraan biyaha badda qarsoodiga ah ee tagta Yurub.

Golaha wasiirrada oo la horkeenay daraasad wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kalumaan wadayaasha gaadiidka Bajaajta

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.
Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Sare-u-kaca Maciishada Suuqyada Ee xiliyada Ramadaan

Bilshaada Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa laga dareema Sare u kac sicirka  suuqyada magaalooyinka dalka dhanka  maceyshada ah,Inta badan Suuqyada Soomaaliya waxaa laga dareemaa dhaqdhaqaaq xooggan markii lagaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,Waxaa isbadalka weyn ku yimaada Alaabaha bagaashka ah ee kala duwan sida,Maacuunta, Raashinka, Qudaarta,Agabka lagu qurxiyo guryaha,Dharka iyo Macmacaanka.

Bisha Ramadaan awgeed  suuqyada ganacsiga  ee magaalda Muqdisho waxa dadku  ay aad u iibsadaan alaabta,sida Raashinka,Qudaarta,Maacuunka,Agabka lagu qurxiyo guryaha,Dharka iyo dhamaan Agabyadda loogu diyaar garowbayo soo dhawaynta bilaashada bisha Ramadaan oo ka duwaan bilaha kale.

waxaa suuqyada magaaladda Muqdisho lagu kala Iibsanaya maciiyshada qutuldaruurig ah saaka sida Sokorta,Burka,Bariiska,Saliida,Caano Booraha,iyo Timitra oo ah wax yaabaha loogu isticmaalka badan yahay sida caadiga ah xiliga Ramadaanka, waxaana la kala siisanayay saaka ,Sokorta loorka 910-Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantah 35-Doller,Buurka loorkii ayaa maraya 728-Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan tah 28-doller, Loorka Bariiska ah ayaa qaymo ahaan jooga suuqa  1,300 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantah 50- doller,20-Liitar qaarka Saliid ah ayaa ka maray suuqa saaka 702 Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan tah 27-Doller,caanah loo yaqaan boorah ayaa la siinaya halka gasac,520 Shilinka Soomaaliga ah oo u dhigan taha 20-Doller iyo Timirta halkaa Kartoon ayaa lakala Iibsanaya saaka 234 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhigantaha 9- Doller,guud ahaan suuqyada lagu Iibayo macayshada ayaa laga dareemaya sare u kac dhanka sicirka bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.

Akhriso:- Waxqabadka DFS ee Warbixinta Toddobaadlaha

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Warbixinta Toddobaadlaha halka hoose ka akhriso

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kheyraadka uu dalka leeyahay sida shidaalka iyo kalluunka looga faa’ideysan doono horumarka iyo dib u dhiska dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan hiigsiga 2060 ee sameynta Soomaaliya horumarsan oo casri ah, xilligaas oo ku began 100-Guurada markii ay Soomaaliya xorrowday.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaaney Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhaqanka cusub ee ay bilowday ee ku aaddan isla xisaabtanka kadib markii Muqdisho daaha looga rogay bandhigga waxqabadka dowladda iyo isla xisaabtanka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed loo diyaariyo barashada xirfadaha kala duwan ee caalamka ka jira si ay dunida ula tartamaan.

5- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay shacabka Soomaaliyeed u ballanqaadeyso waxqabad iyo isla xisaabtan isla socda si loo xoojiyo dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Uganda Yowero Museveni ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Uganda tababar ku qaadanayey.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu magaalada Kampala kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni kaga wadahadley barnaamijka fulinta wejiga labaad ee dagaalka agu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay siddeed sharci oo cusub oo kala ah a) Sharciga La Dagaalanka Argagixisada. b) Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. c) Sharciga Socdaalka. d) Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha. e) Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo. Kheyraadka Dhulka Hoostiis. f) Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha. g) Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. h) Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku baaqey in la joojiyo dhiigga ku qubanaya Laas Caanood.

10- Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo la xiriira dhanka horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

11- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Bankiga Dhexe iyo Xarunta Warbixinada Maaliyadda oo kala shiray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefonnada gacanta fulinta go’aanadii Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Kenya kulamo kulq qaatey madaxda milateriga dalkaasi, kana wadahadley iskaashiga labada dal ee dhanka amniga.

13- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgaleen madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo. Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka iyo dhameystirka heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka.

14- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in degaanno kor u dhaafaya 70 laga xoreeyay argagixisada Khawaarijta Al Shabab tan iyo markii ay bilowdeen hawlada ka dhanka ah argagixisada.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo in ka badan 30 ka mid ah Khawaarijta Al Shabab ku dilay Shabeellahe Dhexe.

16- Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis iskaashi maalgashi ah.

17- Wasiiradda Warfaafinta DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo shir ku saabsan iskaashiga warbaahinta dalka ugu soo gabagaboobey magaalada Kismaayo.

18- Wasaaradda Dhallinyarada ee Soomaaliya ayaa diyaarineysa qorshe lagu soo bandhigayo siyaasadda ka hortagga maandooriyaha.

19- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo xeer nidaamiye ka soo saartey lacagaha laga qaadayo adeegyada maxkamadaha.

20- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku guuleystay abaal marin calami ah oo a xiriira hufnaanta shaqo iyo adeegga.

21- Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 11 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

Madaxda Qaranka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan

Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  dhalashda bisha barakaysan ee Ramadan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isna ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed curashada bisha barakaysan ee Ramadan, isaga oo sheegay inay tahay bishii cibaadada iyo is cafinta loona baahan yahay in laga faa’iideysto.

Ra’iisul wasaare Xamse oo soo xiray koobka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyey Xulka deegaanka Gubadleey oo ku guuleystay Koobka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho, isagoona guddoonsiiyey Koobka tartanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey Xulka Degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Waxaan rajeynayaa in cayaaruhu ay dhallinyarada ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan.
Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha JFS oo soo xiray shirka maareynta hubka

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macalin ayaa soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka iyo rasaasta oo la iskula meel dhigay habraacyada loo marayo qaadista Cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Lataliyaha oo xiritaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen dardar galinta qorsheyaal muddeysan iyo habraacyo loo marayo geeddi socodka qaadista Cuna-qabateynta hubka ee waqtiga dheer saaran Soomaaliya.

‘’Waxaan ku guuleysannay gaaridda in badan oo ka mid ah halbeegyadii loo baahnaa, kuwa dhimmanna sanadkan gudihiisa ayaan dhammeystiridoonaa.Ma’ahan riyo iska fudud in la qaado Cuna-qabataynta hubka ee waa arrin lagama maarmaan ah si aan ula wareegno mas’uuliyadda amniga Qarankeenna’’.

Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista Cuna-qabataynta hubka iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista Cuna-qabataynta hubka.

     

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Jowhar- Axmed Canshuur Xasan Shiiqoow oo muddo 8 sano ah ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala galbeedka Jowhar.

Axmed Canshuur Xasan oo macaiisa afgarashada dhinaca argagixisadu ahaa Jacfar ayaa kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ninkan ayaa sheegay in markuu isa soo dhiibayay uu qabay kalsooni buuxda iyo in Ciidanka Qaranka ay ula dhaqmayaan si wanaagsan, wuxuuna intaa raaciyay in haatan ay kooxda khawaarijtu lasoo gudboonaatay cabsi ballaaran.

Axmed Canshuur ayaa intaasi ku daray in Khawaarijtu ay ku dhaqmaan waxyaabo gurracan oo aan diin shaqa ku lahayn, wuxuuna sheegay inay shacabka aad u dhibaateeyaan.

Wuxuu sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaallo badan oo ka kala dhacay gobollada Mudug Galgaduud iyo Hiiraan dhibaato bandanna uu kala kulmay, wuxuuna ugu baaqay saxiibbadiis ku haray khawaarijta in ay isaga soo baxaan.

Ciidanka xoogga dalka oo shan khawaarij ah ku dilay Jubbada hoose

Kismaayo- Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska XDS ee Danab oo kaashanaya ciidanka Nabad sugidda Jubbaland ayaa shan ka tirsanaa khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay Jubbaland, iyagoo gacanta ku dhigay horjooge ka mid ahaa nabad-diidka.

Howlgalkan oo ahaa mid  qorsheeysan ayaa ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani iyo Qudus oo katirsan gobolka Jubbada hoose, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha Guutada 16-aad ee Danab, Carab Dheeg Axmed.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobolada dalka ka wada howlgallo lagu cirib tirayo kooxda khawaarijta Al-shabaab.

      

Wajiga koobaad ee dagaalka Khawaarijta ayaa lagu Xoreeyay 70 Degaan

Xukuumadda Dan-Qaran oo fulineyso aragtida Madaxweynah jamhuumriyadda federaalka soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku qotonta in xasilooni iyo nabada waarta lagu soo dabaalo  dalka ayaa dajiysay qorshaha Qaran oo dalka looga sifeeynayo kooxaha khawaarijta,si qorshahaasi looga mira dhaliyana waxa ay xukuumadda Dan-Qaran qaaday dagaal seddex gesood ah sida Ciidanka,Dhaqaalaha,iyo fikirka.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayo kuwa degaanka iyo saxiibada Caalamka waxaa halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen dhul baaxad weyn oo ay khawaarijtu mudda ku dhibateen jirta dadka shacabka ah.

“Dagaalbaad ku jirtaan,wa in aan la joojin annagana kan xukuumad ahaan garabkiina ayaanu nahnay,wuuna soconayaa dalkana wan ka xoreyneyna khawaarijta”sidaa waxa yiri Ray”iisul wasaare Xamse

Waxa la xoreeyay in kabadan 70-gobood oo isugu jira degaanno,katirsan gobolada Hiraan,shabeellaha Dhexe Sh/Hoose Galgaduud iyo Mudug iyo jubbad Hoose,sida degaanada Aadan Yabaal, Xarardheer,Ceeldheer,Ruun-Nirguud iyo degàannno kale oo istaratiij ah,waxaana la isku furay wadooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan Buulabarde iyo Maxaas,waxana laga hortagay dhaq dhaqaaqa cadawga iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley.sidoo kale degaannada Masagawaa,Moqokori,Galcad Qayib,Masaajid Cali guduud iyo Janaay Cabdalle oo marina muhiim ah u ahaa Cadawga ayaa gacanta lagu dhigay,taasi oo dhabar jab aan laga soo waaqsan ku noqotay khawaarijta,waxana lagu laayay halkaa horjoogayaal badan iyo Maleeshiyaadkooda uu kamid ahaa Cabduqadir (Nadiir) oo katirsanaa Aas-asayashii kooxda Al-Shabaab.

Xukuumadda oo ka duleeyso baaxada dhulka u baahan in la xoreeyo ayaa diyaarisay ciidan leh tiro iyo taya ku filan si ay u gutaan waajibaadka la faray,kuwaa oo lagu soo carbiyay dalka iyo dibadda,waxaa la dar-dargaliyay qorista iyo isku dhafka ciidan cusub iyada oo loo maray Habraaca khurista ciidmada xoogga dalaka, islamarkaana laga soo kala qoray guud ahaan gobolada dalka si ay qeyb uga noqdaan howlgalka socda ee khawaarijta looga saarayo dalka.

Dagaalka dhanka ah khawaarijta Kuma usan goobney oo kaliya dagaalka tooska ah ee waxa jiray mid dhanka fikirka ah,xukuumadda Dan-Qaran ayaa xoojisay doorka wacyigelinta bulshada,waxan iyadoo loo marayo Warbaahinta Qaranka la diyaariyay Barnaamijyo looga hadlayo wacyigalinta bulshada islamarkaana loogu sheegayay in waxa ay wadaan khawaarijtu ay tahy baadil iyo ka been sheegida diinta Islaamka,sidoo kale waxa la xiray barihii Bulshada ay khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta dacaayadaha ay buslshada ku marin habaabiyaan.

Sidoo kale waxa ay xukuumadda dadaal badan ku bixisay isu keenida Culimada Soomaaliyeed oo laga kala keenay dalka gudihiisa iyo dibada iyagoo soo saaray fatwo bulshada loogu iftiiminayay in ay bannaantahy dagalka khawaarijta si wadajir ahna looga wada qeb qaato degaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.

 

waxaa dhidibada loo taagay Muqaal Baahiye cusub oo loogu magac daray SNTV-Daljir kaa loogu tala galay in qeyb weyn ka qaato oo lagu baahiyo howlgallada socda waxaana xariga  ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda oo garwaasan kaalinta muhiimka ah ee Haweenka Soomaaliyeed uga jiraan bulshada ayaa Abaabushay olole wacyigalin ah oo haweenku kaga qeyb galayaan dib u xoreynta dalka,islamarkana ka turjumaya aragtida madaxweynaha ee halku dhigiisu ahaa Garanwaaga Gurihiina ka soo saar,waxa ayna Haweenka ku soo bandhigeen awodooda iyagoona  sidoo kale is garab taagay ciidmada qaranka ee jiidaha hore ku sugan iyo xasilinta dalka,waxana ay xukuumadu daahfurtay Qorshaha Qaranka ee kaalinta Haweenku ku leyihiin amniga iyo xasilinta guud ahaan dalka.