DIFAACA DALKA WAA LOO SIMAN YAHAY

Geyiga aan ku nool nahay ee soomaaliyeed difaaciisa waa mid loo wada siman yahay bulshada oo dhanna waxaa looga baahan yahayin ay ka difaacaan cadowga dibedda iyo kan gudaha.

Dalkennu wuxuu ka kooban yahay bad, cir iyo dhul inkastoo dowladda haatan jirta ay dadaal badan muujisay oo soo celisay sharcigii hawada si calami ah hadana ma jiraan ciidan loo diyaariyey oo ku filan difaaca hawada iyo badda iyo xitaa dhulka .

Dalkeennu wuxuu lahaan jiray ciidamada badda oo ka kooban hubka difaaca xeebaha , raxanta ilaalada xeebaha oo ilaaisa ilaa 100 mayl oo toos ah kuna filnaa guud ahaan baddeena oo dherekeedu yahay 3333km waxayna ahaayeen ciidan ku filan ilaalinta iyo difaaca badda.

Dhinaca cirka, ciidamadii difaaca cirka oo waxay lahaayen gantaalo lagu difaaco dhulka, badda iyo cirka oo ahaa nooca gantaalaha ee SAM2 iyo SAM 3 oo uu sameeyey Ruushka .

Dhinaca diyaaradaha ciidanka cirka waxay difaaci jireen dhulak, badda iyo hawada waxayna lahaayeen moocyo kala duwan oo diyaaradaha dagaalka. Ciidankaas waxay ahaayeen kuwo ku filan difaaca dalka iyagoo saldhigyo kulahaa gobolada dalka intooda badan.

Ciidanka lugta ayaa isaguna ahaa ciidan baaxad leh oo qeybo iyo gaasas ka koobnaa kuna wareegsanaa xuduudaha aan la leenahay dalalka deriska waxayna ku filnaayeen difaaca dhulka wixii weerar ah oo ka yimaada.

Burburkii dalka ka dib dalkeennu wuxuu niqday halaq mareen iyadoo xadgudubyo badan lagu sameyn jiray dhinaca badda , hawada iyo dhulkaba waxaana loo baahan yahay in la helo qalabkii lagu ilaalin jiray dalka iyo ciidan isu dheellitiran.

Haddii aan la helin qalabka ilaalinta hawada sida raarada iyo ciidan aqoon u leh , isgaarsiinta ciidanka waxba lagama qaban karo difaaca dalka iyadoo maanta adduunyadu noqotay aqoon iyo qalab casri ah.

Hubka culus ee dalka lagu difaaci jiray ayaa Iyana loo baahan yahay in la helo si cadowgu nooga baqo.

Badaha soomaaliya waxaa ka buuxa maraakiib shisheeye oo kuwa kalluumeysiga ah oo xaalufiya kalluunka taas oo Iyana u baahan in la difaaco.

Si kastaba ha ahaatee dalku wuxuu u baahan yahay difaaca waana mid loo siman yahay oo aan qof gaar u aheyn.

W/Q: Abwaan Gabayre

 

Ciidanka Boliiska oo ku howlan xaqiijinta amniga ee xilligga Ramadaanka

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay howlgallada ciidanee ka socda Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka ee ay maamulaan dowlad goboleedyada.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa sheegay in howlgalkaan oo socon doona mudada lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,wuxuuna intaa raaciyay in ujeedadu tahay  Xaqiijinta amniga bulshada iyo in laga hortago falalka kooxha hubeysan ee argagixisada Al-Shabaab.

Habeenimadii xalat Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay dhagarqabe isku dayey in uu waxyeello gaarsiiyo dad shacab ah oo doonaayey in ay ku dukadaan  masjid ku yiillay degmada Hodam.,,waxaana neydkii ninkaasi iyo hubkii uu watay la wareegay ciidamada.

Dhanka kale, howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa looga hortagay kooxo jgawaarij ah oo in ay waxyeello gaarsiiyaan dadka beeraleey ah oo ku sugnaa duleedka Degmada Afgooye,inkastoo kooxahasi ay ka carareen halkaasi.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa qiray in gacanta lagu hayaan  askarigii falal xadgudub ah ku sameeyay muwaadiniin ku sugnaa isgoyska Soobbe,wuxuuna askarigaasi wajihi doonaa cadaaladda ,ayuu yiro.

Ciidanka ammaanka oo Isgoyska Bakaaraha ku toogtay 2-kamid ah khawaarijta

Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsana Khawaarijta Al-Shabaab.

Raggaan oo ku hubaysnaa laba qori,  ayaa warku intaa ku daray in ay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsada ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale ciidanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Khawaarijtaan iyo Darawalkii Mootada u waday.

Daadad mar kale ku rogmaday Baardheere oo sababay dhimasho

Baardheere- Daadad xooggan ayaa ku soo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waana markii labaad muddo toban maalmood gudahood ah.

Saddex qof oo isku qoys ah, hooyo, gabadheeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd ayaa ku dhintay daadad xalay ku soo rogmaday degmada Baardheere.

Daadadka ayaa yimid xilli biyo ay jabiyeen qeybo ka mid ah jiinka webiga Jubba, kuwaasoo ku fatahay guryihii dadka deegaanka, isla markaana ay dadka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan.

Dhowr qof ayaa horay ugu dhitay daadad todobaadkii hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo bilowday barnaamij loogu magac dray xorriyad ku afur

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ,ayaa sheegay in la bilaabay barnaami loogu magac daray xorriyad ku afaur oo laga fulinaayo deegadii laga xoreeyay kooxaha khawaarijta.

Wasiir Fiqi,ayaa yiri”Argagaxisadu dhibka ugu badan waxay shacabka u geysan jireen bisha Ramadaan,arrintaasina dadka ku nool deegaanadii laga xoreeyey ayaad ka fahmi kartaaa”.

Wasiirka oo ka qeybalay barnaamojka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in bilowga bisha ramadaan la sameyn doono qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talaalay dadka danyarta ah ee ku noo ldeegaanadii laga xoreeyay kooxaha argagixisada ee gobolada Hiiraan,Sh/Dhexe,Gaalgaduud iyo Muduh.

Mudane Axmed Macallim Fiqi ,ayaa xusay in deegaanada laga saaray khawaarijta ee Aadan yavaal Maxaas Ceel-dheer, Xaradheere,Wisil iyo Baxdo la geyn doono raashin mucaawino ah oo ay ka dhigtaan kaalmo xagga molosha ah.

Midowga Afrika oo rajeynaya dhaqaale lagu maalgelinayo howlgalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhowaan dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo howlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya.

Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda iyo nabadda ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay taageero muhiim ah siiyaan ciidamada milateriga Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee khawaarijta Al-Shabaab.

“Haddii aan la helin taageero dhaqaale ciidamada ka socda Midowga Afrika ee gaaraya 19,600-askari  ma awoodi doonaan inay si hufan u shaqeeyaan oo ay gutaan waajibaadkooda, si ay u yareeyaan khatarta argagixisada iyo inay taageeraan dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta ee lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto mid sugan oo xasilloon” ayuu yiri Bankole Adeoye .

Midowga Afrika,waxa ay iftiimiyeen guulaha faraha badan ee ay gaareen AMISOM iyo baahida adag ee loo qabo maalgelinta  ciidankaATMIS ,si loogu wareejiso mas’uuliyadda amniga ee SSF (Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya) marka la gaaro 31ka Diseembar 2024.

Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa  howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo maalgalinta dhaqaale ee loo baahan yahay ayaa sheegtay in qorshaha UN-ka uu yahay mid toos ah: degdeg ah si loo xaqiijiyo maalgelinta ciidanka ATMIS ee loogu talagalay xilligga kala-guurka .

Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ay lagama maarmaan tahay teegeero loo fidiyo ciidamada howlgalka u jooga Soomaaliya,iyadoo dhinaca kale, DiCarlo oo u hadashay Qaramada Midoobay ay tiri,”ujeedadayada guud waa in mas’uuliyadda  amniga si buuxda loogu wareejiyo Soomaaliya dhammaadka 2024-ka

Mareykanka oo duqeymo dhanka cirka ah ka geystay Suuriya

Xafiiska Pentagon-ka ayaa sheegay in dhowr weerar oo xagga cirka ah ay ka fuliyeen bariga Suuriya,halkaas oo lagu weeraray kooxo isbahaysi la ah Iran .

Weeraradaan oo dhacay habeenimadii Khamiista waxay aargoosi u ahaayeen weerar lagu qaaday saldhig ay leeyihiin isbahaysiga uu hoggaamiyo  Maraykanku oo u dhow deegaanka Hassakeh ee dhaca waqooyi bari Dalka Suuriya,halkaasi oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ku dileen nin qandaraasle ah , mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay shan askari oo Maraykan ah.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in weeraradaasi lala beegsaday kooxo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGG) ee ku sugan bariga Suuriya.

“Sida uu madaxweyne Biden caddeeyey, waxaan qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u difaacno dadkeenna, waxaana mar walba ka jawaabi doonnaa waqtiga iyo goobta aan dooranay,” Austin ayaa yiri.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 12- sano ah, sanadkana ay noqon doonto kii 13aad, kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh oo laga xoreeyay khawaarijta, taasi oo noqoneyso muddo kadib in degmooyinka khawaarijta laga xoreeyay ay fursad u heleen in ay ka mid noqdan tartamayaasha sanadkan.

“Sanadkan waxaa tartanka ku tartami doona 15 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah, maadaama Gobolka Banaadir uu ka koobanyahay 17 Degmo, sanadkan labo degmo kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa ka dhacday waqtigii isdiiwaangelinta, sidaas ayaana keentay in 15 degmo laga qaato Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 3aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan, isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 30 ka ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyinka dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, waxaana rajeynayaa in kuwa fara ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta laga sifeyn doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo, ayna tusaale u tahay bahda wax qorta oo buugaag ka diyaariyay, kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Diiriye iyo Maxamed Makhtar oo kala jooga degmooyinka Guriceel iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa si rasmi ah u daah furay tartanka “Ugu dambeyn Barnaamijka sanadkan waxaan u rajeynayaa, sida uu Agaasime Jeyte sheegay degmadii ku guuleysata waxa ay heleysaa abaal marin, anaguna waan ka qeyb qaadaneynaa dhankeena oo Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaliya kuma fiirsan doono”.

Golaha wasiiradda Jubaland oo bogaadiyey guullaha Ciidanka Xoogga iyo kuwa jubaland ka gaareen la dagaalanka khawaariijta

Kismaanyo- Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaanada Jubaland kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Kuwa xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 katirsan Khawaariijta Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada ah.

Dhinaca kale Waxaa golahu uu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’ada wadooyinka Jubaland kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.

Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta Canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland.

Xafiiska xeer ilaaliyah guud ee Qaranka oo digniin u diray shirkaddaah iyo dadka isku dayay isticmaalka Dukumiintiyada been abuurka ah

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in ay baaris ku wadaan  shirkaddo iyo dad ku eedaysan dukumiinti been abuur oo ay sameysteen,kuwaas oo Dukumiintiyada dowladda si been abuur ah u isticmaalay,iyaga oo ujeedadood ay ahayd ka qeyb galka tartanka loogu jiro u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee u diyaar garoobay gudashada  Acmaasha Xajka Sanadkaan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri:- xafiiska xeer ilaaliyah guud ee Qaran waxaa u baaris ku hayaa shirkaddo  iyo dad ku eedeysan dukumiintiyo been abuur ah oo ay semysteen,kuwaas oo dukumiintiyada dowladda si been a buur ah ugu sameysteen si ay uga qayb galaan tartanka loogu adeegayo Ummadda Soomaaliyeed ee dooneysa in ay soo gudtaan Acmaasha Xajka ee Sanadkaan.

Halkaan hoose ka Akhirso war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta guud Ee Qaranka.