SIDEE CAAFIMAADKAAGA KOR UGU QAADI KARTAA BISHA RAMADAAN?

Waqtiga la gudanayo waajibaadka Eebbe ee ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhibaato ama ka eed sheegasho Dadka qaarkiis, iyagoo sheega inay caafimaad xumo u keenaan cuntooyinka qaar, haddaba waxaa jira 7 arrimood oo caafimaadkaaga kor u qaadi kara inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxayna kala yihiin:-

  1. ku dadaal cunidda Saxuurta; Saxuurta waa fiican tahay in la cuno xilli dambe, waana wada ogsoon nahay waxtarka ay leedahay, iyo waliba inay Sunno tahay cuniddeeda, Caafimaadkaana muhiim ayay u tahay, waxaase muhiim ah inaad xilligaasi cuntid cunno fudud.
  2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan xilliga Afurka iyo cashada, balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan raashinka ama cuntada dufanku ku badan yahay.
  3. Raac talada Nabiga (NNKH) –ee ahayd in aad Calooshaada u qeybiso 3 qeybood oo kala noqonaya qeyb cunto ah, qeybna biyo iyo qeybta ugu dambeysa oo ahqeyb hawo ah, waxaana loola jeedaa in aadan iska buuxin Raashin badan oo aadan noqon dibbira weyne.
  4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay Khudaarta, waa in aad badsataa Khudaarta sida karootada, Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay.
  5. Soco Afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, kuna soo wareeg Xaafadda ama u lugee Masaajidka, si uu raashinkii aad cuntay u shiidmo.
  6. Tuko Salaadda Taraawiixda – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay qeyb ka tahay oo waxay kor u qaadaa Caafimaadkaaga, waa jimicsi aad ajar ka heleyso.
  7. Wax yar seexo galabtii – Quburadu waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah, iyadoo Hurdada galabtii ah ay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeeddo oo aad cibaadada badsato.

Todobadaasi waxyaabood haddaad ku dhaqaaqdo oo aad sameyso waxaa la hubaa inuu caafimaadkaagu aad u fiicnaan doono, balse haddii aad 7-daasi wax ka soo horjeeda sameysid waxaad khatar u tahay caafimaad darro aad adigu is galisay, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa shantaada waxay ku galisay Shan Shiikhna kaama saarto.

WQ: C/llaahi Ruush.

 

DIINTEENNA WAA MANHAJKA KELIYA OO SI DHAMEYSTIRAN LOO SOO DEJIYAY

Islaamku waa Diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Camiraadda Arlada

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigu  ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo.

Dhex galka Dadka

Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iy in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera  iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuuka SCW ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (Ibnu Maajah 4032) .

Diinteenna Islaamka Waa Diin tix gelisa, dhiiragelisana Cilmiga

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna Muxamed NNKH ee ah Iqra.

Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuumta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmi doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna SCW uu yiri “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo Cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya Diinta iyo Cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa Cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr iyo wanaag dhan walba ah Aadanaha.

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna SCW sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685).

W/D: Ibraahim Warsame Xuseen.

QALABKA ISKU XIRKA BULSHADA IYO SAAMEYNTA TAHRIIBKA

Muddo haatan laga joogo 40 sano ayuu qalabka isku xirka bulshada (Social Media  ku soo biiray caalamka waxaana emailkii ugu horreeyey la is weydaarsaday 1971kii iyadoo qalabkan oo ay ku jiraan Facebook , Twiter iyo isgaarsiinta kale sida telefoonnada  thuraya-ha ay la yimaadeen horumar dhnaca isku xirka .

Qalabkan ayaa haatan afartii qofba qof uu caalamka adeegsadaa iyadoo loo heysto mid aan dhib laheyn balse cilmi baareyaasha ayaa sheegaya in ay leeyihhin dhinac taban oo saameyn ku yeeelan kara qofka maskax ahaan iyo dabeecad ahaan.

Daraasad la sameeyey 2012kii oo ay sameysay jaamacadda Lehigh ee ku taalla gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka waxaa lagu ogaaday in ay shucuurta qofka samayen waxayna dadkii lagu tijaabiyey darasadda ka soo baxday oo ahaa Mareykan  15% ay qalabkani dabeecadooda bedeleen halka 51% laga ogaaday in saameyn xun ay ku yeesheen.

Hadaba dadka Soomaalida ah siiba dhallinyarada ayaa qalabkan adeegsada waxayna dhallinyaradu muddooyinakan dambe diiradooda saaraan safarada tahriika iyo wax ka ogaanshaha nolosha qurbaha ,,,

Qalabka teknolojiyada cusub oo ay ku jiraan isgaarsiinta casriga ah iyo kuwa baraha bulshada sidee loola xiriirin karaa tahriibka dhallinyarada Somaalida .

Xamsa Maxamed Shiikhdoon  oo ku nool magaalada Hargeysa  wuxuu daraaseeyaa saameynta baraha bulshada iyo isgaarsiinta ay ku leeyihiin tahriibka dhallinyarada wuxuuna sheegay in sababaha dhallinyaradu ay ugu hanqal taagaan tahriibka ay qalabkani ku hoggaamiyaan.

“ Dhallinyarada dalka ka tahriibtay ee tagtay dalalka kale waxay sawiradooda oo ay isaga soo qaadeen meelo qurxoon ayey soo dhigaan baraha bulshada ,, waxayna saameeyaan dhallinyaradii gudaha dalka ku nooleyd iyagoo isu ekeysiinaya dad barwaaqo ku hoortay ..”ayuu yiri Xamsa

Sadaam Maxamed Axmed waa aqoonyahan bartay sharciga aqoona u leh saxaafadda wuxuu qabaa in qalabkan isku xirka bulshada uu caalamka ku yeeshay saameyn kala duwan oo isugu jirta mid xun iyo mid wanaagsan

“Baraha bulshadu waxay sahleen isku xirka dadka iyo iska warqabkooda laakiin dhinaca tahriibka dhallinyarada waxay abuureen hiyi-kac ..iyo in dhallintii Afrika oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida ay dalkoodii ka jeclaadaan dal aaney aqoon oo aney ogeyn waxa ay ka heli karaan” ayuu yiri Sadaam.

Isgaarsiinta ama qalabkani saameyntiisa kuma koobna xiriiradaa hase yeeshee waxay kaalin ku leedahay abaabulka safarada tahriibka ee kooxo dhallinyaro ah oo isku xirma inta badanna isticmaala isku xirka isgaarsiinta telefoonka si ay isugu abaabulaan safaradaa iyadoo qaarkood ka qarinaya waalidiinta sida uu sheegayo Xamsa Cali Shiikhdoon.

‘’Akhbaarta safarka waxay ku kala qaataan dhallinyarada baraha ay ku jiraan Facebook oo ay iska abaabulaan ,waxayna isku dhaafsadaan macluumaadka”ayuu yiri

Waalidiinta ayaa ku kala qeybsan safarada tahriibka dhallinyarada oo qaarna ku taargeeraan qaarna ka horjeestaan hase yeeshee marka safaradani bilowdaan ayaa hadana isgaarsiintan casrigan ah hadana kaalin ku yeelataa xiriirka waalidka, dhallinyarada tahriibtay iyo kooxo safarada abaabula oo sheegta lacago wuxuuna Cali Cabdi oo Muqisho ku nool xirriiro isgaarsiineeeed oo ay ilaa haatan la soo sameeyan kooxo ku sugan Liibiya oo heysta walaalkiis lacagta safarkana ku sheeganaya.

“Telefoonada waa meesha laga soo waco waalidiinta marka carruurtooda ay ku dhacaan dabinka kuwa wax tahriibiya oo telefoonada ku muujiya handadaad” . ayuuna yiri.

Mararka qaar sheegashada kooxahaasi aad bey u dhibtaa waalidinnta oo qaarkood aaney heli karin lacag ay carruurtooda oo loogu  hanjabayo in la dilayo ama ama iyagoo la ciqaabayo isgaarss inta loogu so gudbinayo aaney furan karin wuxuuna adeegsiga isgaarsiintan u arkaa C/naasir Aadan mid xoogaa wanaag leh oo qofkaa la heysto u keeni karta in uu badbaado helo wuxuuse ka horjeedaa in marka horeba la galo falkaa isbiimeynta ah.

“Mararka qaar hanjabadaadaha waxaa ku jira jir dil telefoonka toos looga maqlo ..taas oo ah calool xumo” sida uu sheegay .

Qalabkan isku xirka bulshada marka dhinaca kale laga eego waxaa lagu soo gudbiyaa dhibaatada tahriibka iyo tahriibayaal boqlaal ah oo badaha ku qarqamay iyo muuqaalo naxdin leh oo ku saabsan doonyo degay iyo tahriibeyaal ku baaba;ay hadana saacad walba iyo maalin walba dhallinyaradu qatartaa wey ku sii socdaan , waxyana dadku ka fekeraan su’aal ah maxay dhallintu ugu sii dhegan yihiin arrinta, wuxuuna Xamza Cali shiikhdon ka hadlayaa sababaha ku kallifaya dhallinta in aaney ka tanasuleyn safaradan.

“ Wey adag tahay in dhallintu ka tanaasulaan laakiin waxay u baahan tahay in loo helo fursado waxbarasho..shaqooyin iyo in kor loo qaado mooraalka dhallinyarada” ayuu yir Xamza.

WQ: Mohamed Hassan

 

ISTICMAALKA GAARIGA HOOMEYDA OO SII YARAANAYO

a u garan ogtahay (Caasi ama Bii’al) wuxuu soo baxay qiyaastii 2,000 ilaa 2001’dii waana mid ka mid ah gawaaridda  dadweyne oo inta oo inta badan ka shaqeeya u kala gooshida magaalooyinka Soomaaliya, kana dhex shaqeeya gudaha magaalooyinka dalka.

Caasiga ayaa ah gaari aad u dheereeya markii loo eego dhaqaaqiisa, wuxuuna ku socdaa xawaare dheereeya waa markuu yahay safar uu ugu kala gooshaya laba magaalo ama masaafo dheer.

Muddooyinkii dambe hoomeyda ayaa sii yaraaneysay taasoo loo sababaya in uu isticmaalkeeda yaraaday gudaha magaalooyinka dalka iyo safarada ay ugu bixi jirtay gobolada Soomaaliya.

Waa marka koowaade magaalooyinka ayey si saa’id ah ugu shaqeyn jirtay hoomeyda muddo ka badan 20sano oo ay adeegsan jireen dadweynaha, balse wakhtiyadii dambe waxaa meesha ka saartay oo beddelkeedi gashay gawaadhida raaxada oo ah kuwa si fudud loo isticmaali karo, kana qiimo yar caasiga, oo xawaare ahaan ka dheereeya, waxaa kaloo timid Mooto-Bajaaj oo iyadana marwalba la heli karo, suuqyada magaalooyinka iyo xaafadaha ka dhex shaqeyso.

Bajaajta ayaa buuxisay dhammaan adeegyaddii hoomeyda oo suuqa ka saartay, waloow aanay isku qaad ahayn oo ay caasiga qaad weyntahay haddane dadka ayaa aad u isticmaala bajaajta.

Intii ay khawaarijta dalka kal xirtay waa dib u dhac weyn ku yimid safaradii gobollada dalka loo aadi jiray, taasoo badanaa loo adeegsan jiray hoomeyda, waxaa hakad weyn ku yimid in aanay badan safaradda caasiga, taasoo laga cabsi qabay in ay Al-shabaab ummadda waxyeeleyso.

Dadweynihii ku safri jiray hoomeyda ayaa doorbiday in ay raacaan dayuurad iyagoo naftooda kala baqaya Al-shabaab.

Dhanka kale waxaa sabab u noqday in uu istaago socodka hoomeyda badanaa waddooyinka caasimadda oo xiran taasoo aanan u sahleyn in ay ku dhex shaqeystaan gudaha Xamar, taasoo kalana waxa ay ka jirtaa magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Caasiga ayaa faa’ido weyn lagu qabay, waxaana badanaa laga isticmaalaa gobolladda Xamar u dhow kuwasoo ku keeni jiray caana, xoolaha iyo khudaarta.

WQ: Cabdiweli Daljir

 

KHAWAARIIJ IYO DUUL GAR-DARANBA LOOMA GARAABO.

Dhowr iyo soddonkii sanadood ee la dhaafay waxaa bulshada soomaaliyeed dhexdooda ku batay gafafka, gabood-fallada, qardoofoonka, handadaadaha, dilalka arxan-darrada ah, boobka iyo dhaca xoolaha, kufsiga haweenka, beegsiga haybta ku salaysan, gulafyada colaadeed ee khawaariijta iyo guutooyinka weerarka u taagan.

Dhammaan falalkaas gurracani berigii hore waxay ku jiraan waxyaabaha laga ajoodo oo aan kama’ mooyee kas iyo maag loogu dhici jirin, ciddii ku dhiirrataahina ay habaar iyo haaraan aanay mahdin ku mutaysan jirtay, diin ahaanna waxay ka tirsanyihiin waxyaabaha uu Eebbe inaga reebay, ciddii ku kacdana uu cinqaab ifka ah iyo aakhiroba ugu goodiyay.

Waa run oo soomaalidii hore dhaca geela iyo dagaalada beelaha kama caaganayn, balse sida ay maanta talo faraha uga baxday oo ay xumaanta iyo samaantu inoogu sinmeen ma aanay gaadhsiinayn ee waxaa jiray waxyaabo ay ka sariigan jireen oo qofkii ama kooxdii samaysa ku dhaleecayn jireen, eel aanfo aan laga waaqsanna ugu dardaar warin jireen.

Sido kale waxay lahaayeen xeer-beegti xaajo aqoonnimo iyo xeel-dheeri ku suntan iyo guurti geed joog ah oo gar-soor quman wax kula saara, ciddii gaf lagu helona  si feecan u yakeeya, xeer maantaa wixii ka dambeeya lagu caano maalo ebyi jiray.

Ugub iyo curud ayay xaajada loo keeno u kala saari jireen, ka dibna ma dhaqan baa mase waa dhur, hadday dhur tahay ma diyaa mase? waa daqar hadday dhaqan tahayna ma xilaa mase waa xoolo ayay is haybin jireen si ay u hubsadaan in garta ay u fadhiyaan mid la cayn ihi ay hore u dhacday iyo inay tahay mid cusub oo aan ayadoo kale waqeed la arag,  lana maqal.

In kastoo ay qaar madax adayg iyo macangagnimo ku tilmaanaa iska jiraan haddana bulshadii waagaasi waxay ahaayeen dad jid iyo  jiho leh oo aan talada gar caddaaga iyo go’aanka guurtiga hadal ka soo celin, dambiilahana aan u garaabin si maanta dhacda oo dhammaanteen marqaatiga u nahay.

Aynigaa waxaa ka dambeeyay dar xumaanta iyo xaq-darrada isugu hiilliya,gacan ku dhiigle  tolnimo lagu garab siiyo, burcad beelnimo lagu difaaco, gar leexsan oo odayadii furdaamin lahaa la laaluushay, dagaal ooge marasta laaya oo halyay loo yaqaanno, hooyo ama aabbe aan carruurtooda ka adkayn oo dhibkii ay gaystaan oon lagala hadli karin, bililiqo iyo boob cad oo aan butuli laga odhan karin, fal guracan oo ay koox dhami ku kacayso oo aanay isku ceebinayn, wadaado waanadii gabay iyo wax sheeg lagu dhiiran waayay.

Gabood-falku moogan wuxuu marayaa inay samaysmeen guuto abaabulan oo “ciyaal weero” la magac baxay, kuwaasoo hadh iyo habeen u tafaxaydan dhaca, dilka bulshada soomaaliyeed, kufsiga iyo waxyeelaynta bir-magaydadana caadaystay oo ay dhallinyaro iyo waayeelba qadyaan laga wada taagan yahay, qeybo badanoo magaalada ka midana in dartood looga qaxo qarka loo saran yahay.

Dhibaatada joogtada ah ee ay bulshada ku hayaan ayaa ciidan iyo cuqaalba loo wada caal waayay, markastoo lays ku dayo in tallaabo laga qaadona waxaa ku gudban waalidiin aan lurka iyo anafada ay dadka u gaysanayaani u muuqan oo ku doodaya inay carruurtoodu sama-wadayaal iyo suubanaal afkooda iyo adinkooba laga nabad-galo yihiin oo lagu gafay.

Sido kale waxaa hiil hayb iyo tolnino ku salaysan la garab taagan siyaasiyiin xasaanad iyo magac dowladnimo human iyo odayaal sal-dhigyada kaga daba taga oo ayagoon waxyeelada baaxadda leh ee ay bulshada ku hayaan u meel dayin sidii ay saraakiisha soo xirtay gacmahooda uga furdaamin lahaayeen u tafa-xayta

Ta la yaabka leh oo maanka wax-garad wareerisay ayaa ah inay odayaasha iyo hooyooyinka si ay carruurtooda uga soo daayaan sal-dhigyada u hor tubani ayaga qudhoodu dhibaatada ciyaal weerada si joogto ah uga soo cowdaan, hayeeshee falalka  ay ubadkoodu gaystaan aanay dooc iyo dareen toona u lahayn”hashu ayadaa geela cunaysa cabaadaysana” ayaan maqli jiray.

Haddaba sidee arrintan wax looga qaban karaa? Waa maan-gal inaad weydiintan war-celinno badan u hayso, balse  ta qoraa ahaan kula wadaagayaahi waa inay bulshadu isku xil-saaraan inay inta ay ayaga kaga aadan hagaajiyaan tusaale waalid waliba waa inuu carruurtiisa ka adkaado oo dhibaatada ay dadka kale ku hayaan ka reebo, wixii uu u taag waayona uu ciidamada u soo gudbiyo.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

QOYSASKA MAXAA BURBURIYA?

Guurku waa sunno sida uu noo sheegay Rasuulkeenna NNKH, qofkana wuxuu guursan karayaa markuu qaangaaro rag iyo dumar ba, iyadoo wanaagga guurka aanan la soo koobi kareyn ayaa hadda waxaa taas daba taagan furiin kaasoo ka dhex dhaca reeraha.

Haddaba maxaa keena furiinka soo baday xilliyadaan dambe?

Akhrista magaciisa aanan dooneyn in lasoo bandhigo ayaan weydiiyey su’aashaasi wuxuuna ku sababeeyey in ay hormuud u yihiin dhalinta maanta joogo, oo aanan garaneyn qiimaha guurka iyo masuuliyadda Eebbe saaray laba qofood ee nolosha ku midoobaya, wuxuu yiri ninka ragga ah isaga ayaa reerka ka masuul ah oo maalinta inanta lagu xiro waxaa laga doonayaa in uu noqdo qof masuul ah oo reerkiisa dhaqi karo, masafuurka reerkana isaga ayaa laga rabaa wixii Alle u dhiibay in uu reerkiisa la yimaado.

Dhanka kale gabadha qudheeda masuuliyad ayaa koreysa oo waxaa laga rabaa dhankeeda tii dhmarnimo in ay kasoo baxdo oo ay reerkeeda si wanaagsan u dhaqato, kana dambeyso seyigeeda.

Soomaalida qurba joogta ama dal joogta waxaa aad ugu soo batay furiinka oo waxaad arkeysaa inan 15jir ah oo garoob ah ama 20 jir laba jeer lasoo furay oo carmal ah, berisamaadkii aad bay u yareyd in aad aragto inan garoob ah balse hadda wax caadi ah ayey noqotay, taana waxaa keenay in maantaba lays jeclaado beri lays guursado beri dambe na laysasoo furo. Oo aanan guurka loo meel dayan, oraah Soomaaliyeed baa tiraahda  “geedkii fudeed lagu fuulo/koro fudeed baa looga soo deggaa” taasoo inta badan oo cuskado guurka deg-degga ah oo aanan loo meeldayan.

Iyadoo ragga ay masuul ka yihiin reerkooda haddana badanaa markii wax la derso waxaa furiinka keeno oo sabab u noqdo habeenka, oo markii labada lamaane is qabtaan ba la soo boodo i fur iyo kuma rabi, dhanka kale waxaa jiro rag iyaga lagu tilmaamo kheyru-masuul oo aanan reerkooda u wanaagsanayn haba ugu badnaadaan ragga isticmaalo maandooriyaha, kuwasoo xayraaniin ah deedna reerkooda aanan ku wanaagsanayn u masaruufan, intii yareyd we Rabbi u khadarayna khaad kala baxo oo iyadoo sarkhaansan reerkooda qeyla iyo laad kala duldhaco.

Waxaa kaloo jirto in ay reeraha kala geeyaan wax la yiraado hinaaso oo ah wax noolaha lanool, dumarkaba ha ugu badnaadaane iyadoo tusaala loo soo qaadanayo ayeeyo Xaawa Rabbi haka raali noqdee, maseyrkaasi ayaa hablaha guryahooda ka burburiya, sidoo kale kan dumarka ragga ayaa ka daran sida ay abwaannada iyo culimada ay sheegeen, hinaasuhu waa wax belaayo ah badanaa qoysaska uu soo dhex galo ma ladaan nolol wanaagsan oo aakhirkii burbur baa u dambeyo.

 

Burburka qoyska waxay dhibta ugu badan soo gaadhaa carruurta oo iyaga waxay ku tahay qalbi jab, mararka qaar waxaa dhacdo in carruurta laftirkooda laysu qabto oo la yiraahdo aniga isii maya aniga ayaa qaadanayo taasoo carruurta ku ah maroor dilaac.

Haddaba xalka muxuu yahay: xalka wuxuu ku jiraa in lays qadariyo oo laysku dulqaado, si uusan reerka u burburin, caruurtana mustaqbal la’aan loo dhigin waa in laga fakaro aayaha ubadka iyo koritaankooda.

WQ; Cabdiweli Daljir

 

 

HAL-DUCEEDYADII ABWAAN XAAJI AADAN AFQALOOC (QEYBTII 2-AAD)

Oraahyadii labeenta ahaa ee Abwaan Xaaji Aadan afqalooc waxaa kamid ahaa meeriskan soo socda oo uu ku xoojinayo dulucda maahmaahdii ahayd” tii gabe tu kale uma kalkaalo” oo loo adeegsado kolkii la arko qof aan waxyaaba lafihiisa dan u ah ku filnayn haddana dad kale gaabis iyo wax qabsi la’aan ku dhaliilaya ama taageero aanu u awooddin u muujinaya, wuxuu yidhi “nimkaan guduhu aamin u ahayni eegi waa debade”.

Kol kale asagoo tilmaamaya inay nabad-gelyo xumada iyo xasradaha jira masaha”caddaaladda” oo la tagay sal u yahay, wax keliya oo xasillooni iyo baraare lagu heli karaahina ay sinaanta iyo is tix-gelinta tahay ayuu yidhi” lol haddii cadliga laga tagoo lays tix-gelin waayo

Inay nabaddu taam noqataa waa tu aan la eegayne”, jeer kalena waa kii lahaa ” aanadu caddaalada laga tagay Aabbeheed tahaye”.

Asagoo nuxurka maahmaahdii ahayd” meel aad madax ka tahay  maja lagama noqdo” si wacan inoogu bidhaaminaya, isla jeerkaa tilmaamaya bahdilka basar-xumada, iyo baaba’a laga dhaxlo karti ahaan iyo aqoon ahaanba kaa hooseeya inaad hugaan ka dhigato ayaa laga hayaa:

“Wax na diley adeege u ahaw kaad amri lahayde”.

Tabaalada iyo tabcashada la’aan dhallinyaro waayeelba in badanoo dadkeena kamid ah ku habsatay ee uu jaadku gun-dhigga u yahay xaajigu kama il-duufin inuu tixihiisa ku xuso oo waxaa gabay uu 1967-kii tiriyay ku jirey meeris ahaa” Wax na diley ebtalo qaad ahoo diley aqlaaqdiiye”.

Kol uu maanso dheer oo qiro iyo quluud leh si farshaxanimo ku idishahay murti badan ugu tixayay ayuu ku daray maahmaahdii ahayd” dibiga qal weynuhu ha ku waano qaateene”, wuxuuna yidhi

” orgigood qashaa wankuna kugu ogaadaaye

markuu weysha gowracuu asluu eegay dibigiiye

Arag buu ku yidhi waxa xega adiga weeyaane”

Xilliyadii gobanimo u dirirka Xaajigu dadka soomaaliyeed ku guubaabin jirey inay halganka u dhabar-adaygaan oo heeryada gumeysiga iska dulqaadaan, in ayagoo laga hub iyo awood badanyahay ay adkaan karaan wuu u sheegi jirey bal eeg  tusaalan la yaabka leh”Aarkaba kaneecaa cuntuu ay la jiifsadaye”.

Lasoco qeybta xegta.

W/Q: Abwaan Hareeri 

 

DIFAACA DALKA WAA LOO SIMAN YAHAY

Geyiga aan ku nool nahay ee soomaaliyeed difaaciisa waa mid loo wada siman yahay bulshada oo dhanna waxaa looga baahan yahayin ay ka difaacaan cadowga dibedda iyo kan gudaha.

Dalkennu wuxuu ka kooban yahay bad, cir iyo dhul inkastoo dowladda haatan jirta ay dadaal badan muujisay oo soo celisay sharcigii hawada si calami ah hadana ma jiraan ciidan loo diyaariyey oo ku filan difaaca hawada iyo badda iyo xitaa dhulka .

Dalkeennu wuxuu lahaan jiray ciidamada badda oo ka kooban hubka difaaca xeebaha , raxanta ilaalada xeebaha oo ilaaisa ilaa 100 mayl oo toos ah kuna filnaa guud ahaan baddeena oo dherekeedu yahay 3333km waxayna ahaayeen ciidan ku filan ilaalinta iyo difaaca badda.

Dhinaca cirka, ciidamadii difaaca cirka oo waxay lahaayen gantaalo lagu difaaco dhulka, badda iyo cirka oo ahaa nooca gantaalaha ee SAM2 iyo SAM 3 oo uu sameeyey Ruushka .

Dhinaca diyaaradaha ciidanka cirka waxay difaaci jireen dhulak, badda iyo hawada waxayna lahaayeen moocyo kala duwan oo diyaaradaha dagaalka. Ciidankaas waxay ahaayeen kuwo ku filan difaaca dalka iyagoo saldhigyo kulahaa gobolada dalka intooda badan.

Ciidanka lugta ayaa isaguna ahaa ciidan baaxad leh oo qeybo iyo gaasas ka koobnaa kuna wareegsanaa xuduudaha aan la leenahay dalalka deriska waxayna ku filnaayeen difaaca dhulka wixii weerar ah oo ka yimaada.

Burburkii dalka ka dib dalkeennu wuxuu niqday halaq mareen iyadoo xadgudubyo badan lagu sameyn jiray dhinaca badda , hawada iyo dhulkaba waxaana loo baahan yahay in la helo qalabkii lagu ilaalin jiray dalka iyo ciidan isu dheellitiran.

Haddii aan la helin qalabka ilaalinta hawada sida raarada iyo ciidan aqoon u leh , isgaarsiinta ciidanka waxba lagama qaban karo difaaca dalka iyadoo maanta adduunyadu noqotay aqoon iyo qalab casri ah.

Hubka culus ee dalka lagu difaaci jiray ayaa Iyana loo baahan yahay in la helo si cadowgu nooga baqo.

Badaha soomaaliya waxaa ka buuxa maraakiib shisheeye oo kuwa kalluumeysiga ah oo xaalufiya kalluunka taas oo Iyana u baahan in la difaaco.

Si kastaba ha ahaatee dalku wuxuu u baahan yahay difaaca waana mid loo siman yahay oo aan qof gaar u aheyn.

W/Q: Abwaan Gabayre

 

Ciidanka Boliiska oo ku howlan xaqiijinta amniga ee xilligga Ramadaanka

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay howlgallada ciidanee ka socda Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka ee ay maamulaan dowlad goboleedyada.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa sheegay in howlgalkaan oo socon doona mudada lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,wuxuuna intaa raaciyay in ujeedadu tahay  Xaqiijinta amniga bulshada iyo in laga hortago falalka kooxha hubeysan ee argagixisada Al-Shabaab.

Habeenimadii xalat Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay dhagarqabe isku dayey in uu waxyeello gaarsiiyo dad shacab ah oo doonaayey in ay ku dukadaan  masjid ku yiillay degmada Hodam.,,waxaana neydkii ninkaasi iyo hubkii uu watay la wareegay ciidamada.

Dhanka kale, howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa looga hortagay kooxo jgawaarij ah oo in ay waxyeello gaarsiiyaan dadka beeraleey ah oo ku sugnaa duleedka Degmada Afgooye,inkastoo kooxahasi ay ka carareen halkaasi.

Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa qiray in gacanta lagu hayaan  askarigii falal xadgudub ah ku sameeyay muwaadiniin ku sugnaa isgoyska Soobbe,wuxuuna askarigaasi wajihi doonaa cadaaladda ,ayuu yiro.

Ciidanka ammaanka oo Isgoyska Bakaaraha ku toogtay 2-kamid ah khawaarijta

Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa ku toogtay laba dhagarqabe oo ka tirsana Khawaarijta Al-Shabaab.

Raggaan oo ku hubaysnaa laba qori,  ayaa warku intaa ku daray in ay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsada ku sugnaa Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale ciidanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Khawaarijtaan iyo Darawalkii Mootada u waday.